toomman
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Toomman
Bilaha dayaxa, tan aan soddon ku dhalane, 29 maalmood keliya noqota; aan gardhalad ahayn; khamaas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
toomman
m.l.kh T. ah: bishu marka ay 29 beri ku dhammato.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
toomman
der. [adjective] having only 29 days (of certain months of the Somali lunar calendar; the others have 30 days each)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
toomman
de: having only 29 days (of certain months of the Somali lunar calendar; the others have 30 days each)
initial: t
lx: toomman
pd: (toommanaa)
ps: adj-der
key: toomman
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Oomman
Oon hayo; harraadan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oomman
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Cid wax oon hayo ahaansho. 2. Cid wax si aad ah wax ugu baahan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
oomman
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Cid wax oon hayo ahaansho. 2. Cid wax si aad ah wax ugu baahan ahaansho. m.f.dh, oommanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
oomman
der. [adjective] thirsty
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Oomman
name-f thirsty; drought, waterless season, waterless place; she who was born during a drought spell or was born in a drought-striken place
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
oomman
-aa I ayd: (adj) thirsty (ther-esti); feeling thirst
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oomman
(tilmaame) harraadan oo biyo u baahan. Nin comman ayaan waraabiyey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
oomman
de: thirsty
lx: oomman
pd: (oommanaa)
ps: adj-der
key: oomman
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tooman
(tilmaame) bilaha dayaxa, tan aan soddon ku dhamaan, Bishii sabuux waxay ahayd tooman. Dh: dhiman, khamaas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goomman
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: goommoon.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goomman
(tilmaame) mid gaajaysan oo baahiyi hayso. Li: dharagsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoomman
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax qooni gaartay ahaansho (nafley).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qoomman
der. [adjective] disturbed, troubled; wounded; sick (e.g. from food poisoning, etc.)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qoomman
de: disturbed, troubled; wounded; sick (from food poisoning)
lx: qoomman
nt: qooman (qoonmay) [v1=inch]
pd: (qoommanaa)
ps: adj-der
key: qoomman
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Soomman
Soon gudanaya; aan afurranayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soomman
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof soon ku jira ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
soomman
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof soon ku jira ahaansho. m.f.dh, soommanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soomman
der. [adjective] fasting
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Soomman
nickname; name-f fasting from badness (cleansed)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soomman
(tilmaame) qof afxidhan oo wixii soon jebinaya oo dhan ka caaggan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
soomman
de: fasting
initial: s
lx: soomman
pd: (soommanaa)
ps: adj-der
key: soomman
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khamaas
(Khamaas-ka)
(bil) toomman.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khamaasid
(Khamaasid-da)
(bil) Toomman noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khamaas
khamaas¹: m.l.kh Kh. ah: bil labaatan iyo sagaal ku dhammaata; toomman.
khamaas²: f.mg1 (-say, -stay) Toomman noqosho (bil).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khamaas
(fal) bil toomman noqo.
khamaas-ka: (magac, lab, keli) bil labaatan iyo sagaal ku dhammaata. Dh: toomman.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khamaasid
-da: (magac, dhedig, keli) bil toomman noqosho.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Soommane
nickname; name-m fasting from badness (cleansed)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Toman
(Toman-ka)
Toban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
toman
m.l.t la-mid: toban.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
toman
num: ten
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
toman
(n) ten (teen); number 10 ~ toban
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toman
-ka: (magac, lab, keli) eeg toban.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
toman
de: ten
initial: t
lx: toman
pd: (-ka)
ps: num-m
see: toban {S}
key: toman
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qooman
f.mg1 (-oonmay, -oomantay; - oonmi) Wax qooni gaartay noqosho (nafley).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qooman
(tilmaame) mid qoon ama nabar gaadhay qoombi -ga: (magac, lab, keli) xubinta uu malaygu ka neefsado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tooban
Toobin la saaray; la toobay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tooban
f.mg4 (-bnaa, -bnayd) Wax la toobay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tooban
f.mg4 (-bnaa, -bnayd) Wax la toobay ahaansho. m.f.dh, toobnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tooban
der. [adjective] bled, cupped (medically)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tooban
(tilmaame) toobin la saaray, qof la sarsaray oo toobin la saaray.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tooban
de: bled, cupped (medically)
initial: t
lx: tooban
pd: (toobnaa)
ps: adj-der
key: tooban
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tooran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) 1. Bun, daango, caano iyo wixi lamida wax la isku daray ahaansho. 2. Beer, hilib iyo xayr wax la isku shiilay ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Toosan
1. Aan qalqallooc ku jirin.
2. Wanaagsan; hagaagsan; qumman.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
toosan
f.mg4 (-snaa, -snayd) 1. Wax aan qallooc ama leex-leexad lahayn ahaansho. 2. Wax aan qalad lahayn ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
toosan
f.mg4 (-snaa, -snayd) 1. Wax aan qallooc ama leex-leexad lahayn ahaansho. 2. Wax aan qalad lahayn ahaansho. m.f.dh, toosnaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Toosan
Linear
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Toosan
Straight
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
toosan
der. [adjective] straight, direct; correct
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Toosan
name-f straight, direct; correct. Syn: Toosane
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
toosan
-toosnaa / toosnayd: (adj) 1. straight (ista-reeyt); horizontal (hori-zan-tal) Ex: khad toosan; a straight line 2. right (raayt); nice (naays); fair (feer); correct (ko-rekt); just; OK ~ qumman, toolmoon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Toosan
magac loo baxsho gabadh toosan oo muuqeedu isku dheellitiran yahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toosan
(tilmaame) aan qalqallooc ku jirin, aan weecweecad lahayn.
toosan: (tilmaame) mid wanaagsan, hagaagsan, qumman. Ruun waa gabadh toosan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
toosan
de: straight, direct; correct
initial: t
lx: toosan
pd: (toosnaa)
ps: adj-der
key: toosan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tooxan
1. La tooxay.
2. Qooxan; godan; nadoocsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tooxan
f.mg4 (-xnaa, -xnayd) 1. Wax la tooxay ahaansho. 2. Wax godan ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tooxan
der. [adjective] measured (out ~ by width)
tooxan [derived] [adjective] curved, bent, arched
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Tooxan
nickname-f curved, bent, arched. Cf: Godane. Syn: Tooxow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Tooxan
magac loo baxsho gabadh godan oon muuq toosan aan lahayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tooxan
(tilmaame) mid la goday. Dh: qooxan godan, qalloocan.
tooxan: (tilmaame) wax wada socda oo qabbabaalsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Goommon
Gaajaysan; baahan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Oommane
(Oommana-ha)
Aan biyo lahayn; oomasoore.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oommane
m.l (-nayaal, m.l/dh) 1. Meel aan biyo lahayn. 2. O. ah: dhaan aan gaarin biyihii meesha uu ka heli lahaa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
oommane
m.l (-nayaal, m.l/dh) 1. Meel aan biyo lahayn. 2. O. ah: dhaan aan gaarin biyihii meesha uu ka heli lahaa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
oommane
m. n. waterless place; waterless season, drought
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Oommane
name-m thirsty, drought, waterless season; waterless place; he who was born during a drought spell or was born in a drought-striken place
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
oommane
-ah: (adj) arid (eer'idh)-, dry land. Ex: dhul oommane ah; an arid land
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oommane
-ha: (magac, lab, keli) dhul aan biyo lahayn. Dh: oomasoore.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
oommane
cf: abaar
de: waterless place; waterless season, drought
lx: oommane
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: oommane
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoomamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax tegey sida aad u maaraysay ama uu kuu dhaafay ka xumaasho oo ka welwelid; tiiraanyo samayn; is ciil kaambiyid. Kolka hore ayaa la is ilaaliyaa ama qoomammaynta ayaa la iska daayaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
toomigaan
m.l (-nno, m.dh) Nooc buntukhda ka mid ah oo darandoori u dhaca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goommoon
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax gaajo, harraad iyo daal oogadiisa ka muuqda ahaansho. la-mid: golmoon, goomman.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
goommoon
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax gaajo, harraad iyo daal oogadiisa ka muuqda ahaansho. m.f.dh, goommoonaan. la-mid: golmoon, goomman.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goommoon
der. [adjective] hungry, famished; needy
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
goommoon
a: golmoon
de: hungry, famished; needy
lx: goommoon
pd: (goommoonaa)
ps: adj-der
key: goommoon
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goormaan
question word, vl. pron. when ... I?
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
goormaan
de: when ... I?
lx: goormaan
ps: qw + vpro
xe: When am I going to see her?
xv: Iyada goormaan arkayaa?
key: goormaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoosiman
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax hoosin loo yeelay ahaansho (guro awr).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oommanow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Nalfey wax oon haayo noqosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
oommanow
v. be thirsty; be dry ~ arid (of land)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oommanow
(fal) qof ama meel oomman noqo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
oommanow
de: be thirsty; be dry ~ arid (of land)
lx: oommanow
pd: (oommanaaday)
ps: v3a=intr
key: oommanow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoomamay
(fal) aad u nadaamoo; murugoo. Dembigii uu galay ayuu ka qoomamaynayaa. Dh: qoomammee.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
roommate
/ruum-meyt/ (n) qofka qol kula degan.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
ROOMOSAN
(Romosar) C&N Loewia glutinosa Urban. Turneraceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
toobnaan
m.f.dh eeg tooban. la-mid: toobnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toobnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid la toobay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tooghayn
(Tooghayn-ta)
Qof u toogo hayn, xurmo iyo in wax loo galo u qabid, ka warqabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tooghayn
m.f.dh eeg tooghay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tooghayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ka warqabid. ka warhayn, tooghays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Toolmoon
Wanaagsan; quruxsan; fiican; qumman.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
toolmoon
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Qof laf iyo hilib isla eg leh oo qurxoon ahaansho. 2. Arrin habboon in la yeelo ahaansho. la-mid: toolmoonsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
toolmoon
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Qof laf iyo hilib isla eg leh oo qurxoon ahaansho. 2. Arrin habboon in la yeelo ahaansho. m.f.dh, toolmoonaan. la-mid: toolmoonsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
toolmoon
der. [adjective] handsome ~ beautiful, good, honest, virtuous, courteous
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Toolmoon
name-f beautiful, good, honest, virtuous, courteous
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
toolmoon
-aa / ayd: (adj) right (raayt); nice (naays); fair (feer); correct (ko-rekt); just; OK ~ qumman, toosan