toogte
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
toogte
m. n. shooter, gunman, person who shoots
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
toogte
de: shooter, gunman, person who shoots
initial: t
lx: toogte
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: toogte
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Toobte
(Toobta-ha)
Haruub weyn oo geela lagu liso; haruubgaal; gaawe (ama doobke).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
toobte
m.l la-mid: doobi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toobte
-ha: (magac, lab, keli) eeg toobke.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
executioner
/eksakiyushaner/ (n) toogte (qofka qaabilsan fulinta xukunka toogashada).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sniper
/snaypar/ (n) toogte (siiba meel qarsoon wax ka shiisha).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aa'adu
-ga: (magac, lab, keli) qof halis layaan ah; toogte magafe ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
joogtee
f.g2 (-teeyay, -teysay) Fal si joogto ah u qabasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
joogtee
f.g2 (-teeyay, -teysay) Fal si joogto ah u qabasho. m.f.dh, joogtayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
joogtee
v. set upright; make something ~ someone permanent ~ regular
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
joogtee
-yey / joogteysay: (v) make constant, persistent, permanent or regular
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
joogtee
(fal) wax aad qabanaysay, ku sii wad oo waari.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
joogtee
de: set upright; make s.t. ~ s.o. permanent ~ regular
lx: joogtee
pd: (joogteeyey)
ps: v2b=
key: joogtee
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
toge
toge, n.f. - maro huwis ah oo weyn oo ay qaataan qaaliyadu iyo baarayaasha jaamacada
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Toog
(Toog-ta)
1. Liishaan; abbaar.
2. Arrin hagaagtey, meelmartay.
3. Kal; goor; mar.
4. In kol naas laga dhiijiyo; dhiiqsin.
5. Roob yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
toog
toog: m.dh (-go, m.l) 1. Kol; mar. 2. In kol naas laga dhiijiyo. 3. Roob yar.
tǫog: m.dh 1. Aqoonta liishaanka. 2. Arrin fulinteedu hagaagtay ama meelmartay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
toog
m.dh (-go, m.l) 1. Kol; mar. 2. In kol naas laga dhiijiyo. 3. Roob yar.
tǫog: m.dh 1. Aqoonta liishaanka. 2. Arrin fulinteedu hagaagtay ama meelmartay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
toog
vl. n. aiming (a weapon); good outcome, success
toog [feminine] n. turn, time (to do)
toog [feminine] n. shower, light rain
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toog
-ta: (magac, dhedig, keli) liishaan ama shiishtan. Dh: dhugtan.
toog -ta: (magac, dhedig, keli) arrin haggaagtay, arrin aad baahideedii ka baxday, meel martay.
toog-ta: (magac, dhedig, keli) qaab ka loo qaybsado biyaha ceel ama wax kale. Dh: miilo, madaysi, kal.
toog -ta: (magac, dhedig, keli) in kol naas laga dhiijiyo, toogtu waa qaab lisida naaslayda. Dh: dhiiqsin.
toog -ta: (magac, dhedig, keli) roob yar.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
toot
/tuwt/ (v) dhawaajin (dhawaaq ka keenid firinbi, hoon iwm).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
tote
/towt/ (v) ooyid (booyid).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dooge
-ha: (magac, lab, keli) kuul daloolo waa weyn leh oo buluug ah.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Looge
name-m hosting; slaughterer
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Mooge
nickname; name-m ignorant, unaware; absent-minded, lacking
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Mooge
magac loo bixiyo wiil uurku hadh ah ama hooyadii madqo kaga hadhay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mooge
(magac, lab, keli) qof aan waxba ka war hayn.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Oogle
nickname; name-m to kindle, to light a fire; to drive, to urge on; high flames; early dawn. Lit: troublesome or he who was born early in the morning or at dawn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Oogle
magac loo baxsho wiil quruxdiisa lala yaabay oo ay hooyadii u arkaysay in uu la mid yahay kaaha dabka ka baxa kolka la ololiyo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
tonte
tonte, n.f. - xiirida dhogorta idaha
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
toobe
m.l (-bayaal, m.l/dh) Geed ka soo baxa jirrid dhulka hoostiisa ah, ka dibna bannaanka u soo baxa, isaga oo ka soo baxaya meel ka durugsan jirriddii hore. Waxa suurto gal ah inuu xidid la baxo oo uu geed goonniya noqdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Toogo
(Tooga-da)
Arrinta iyo danta qof lee yahay oo inuu gaaro doona hayo; muraad; qasad; hadaf; (ama tooggo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
toogo
toogo¹: m.dh Muraad, qasad, hadaf, tooggo. 2. Kol; mar. la-mid: tooggo.
toogo²: f.g3 (-gtay, -gatay) 1. Nafley rasaas ku ridid. 2. Wax liishaamid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
toogo
f.g3 (-gtay, -gatay) 1. Nafley rasaas ku ridid. 2. Wax liishaamid. m.f.dh, toogasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Toogo
pr. n., loc. Togo
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
toogo
f. n. goal, aim, objective
toogo v. shoot, execute by shooting
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
toogo
-toogtay I toogatay: (v) shoot (shuut); fire a weapon ~ xabbadee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toogo
(fal) arrin, dan iyo wixii la mid ah, sidaad ku gaadhi lahayd, ku dedaal, waxba ha kala hadhin.
toogo: (fal) yool, xabbad iyo wixii la mid ah, ku rid. ku gan. Toogo ayey ku fureen.
toogo-da: (magac, dhedig, keli) arrinta iyo danta qof leeyahay oo inuu gaadho doonaya. Dh: qasad, hadaf, muraad, dan, toogo.
toogo-da: (magac, dhedig, keli) xabbada lagu rido meel, ee yoolku qabsado.
toogo-da: (magac, dhedig, keli) mucuto baahiyeed. Dh: golmooni. Li: kaaftoomid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tooje
m.l Inta caano naasaha ku jira lisidda ka hor.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tooje
-ha: (magac, lab, keli) neef aan si fiican loo farabarin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Toore
(Toora-ha)
Waddo yar oo dhuuban, oo is dabajoog loo maro: dhabbe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
toore
m.l (-rayaal, m.l/dh) 1. Waddo yar oo xooluhu bixiyeen. 2. Raad xoolo badan oo is daba socda sameeyaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
toore
m. n. track, footpath, small path
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toore
-ha: (magac, lab, keli) socodka is daba galka ah ee qofba qof ku xigo.
toore-ha: (magac, lab, keli) waddo yar oo dhuuban oo is daba joog loo maro. Dh: dhabbe, dhabbo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
toore
cf: waddo
de: track, footpath, small path
initial: t
lx: toore
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: toore
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tooth
Ilig
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
tooth
(n) one of a set of hard, bonelike structures rooted in sockets in the jaws,
ilig
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
tooth
/tuuth/ (n) ilig (ilkaha midkood, ama wax kale oo ilig shabbaha sida ilkaha miishaarta).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
tooth
n., ilig, -gi; tooth stick or brush, caday, -gi, rumay, -gi; tooth pick, findhicil gura, -ihi,
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boogee
f.g2 (-geeyay, -gaysay) Boog u yeelid (jir).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boogee
(fal) gudniinka fircooniga ka fur. boogee: (fal) nabar boog ka dhig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doobte
m.l la-mid: doobi¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doogee
f.g2 (-geeyay, -gaysay) Nafley nabar doog reeba ku dhufasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
doogee
v. have consequences on ~ for something, have an effect on
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doogee
(fal) dhul naq helay, doog yeelo.
doogee: (fal) cid dhibaato haysay, soo roonow oo ka soo kabo.
doogee: (fal) nabar hore, hoosta ka soo xanuun oo soo goco.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
doogee
de: have consequences on ~ for s.t., have an effect on
lx: doogee
pd: (doogeeyey)
ps: v2b=tr
key: doogee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doorte
m.l (-tayaal, m.l/dh) Qof cid doorasha u taagan codkiisa siiya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
doorte
m.l (-tayaal, m.l/dh) Qof cid doorasha u taagan codkiisa siiya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
doorte
m. n. voter, elector
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doorte
-ha: (magac, lab, keli) qof ikhtiyaar leh oo wax dooran kara waxna diidi kara.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
doorte
de: voter, elector
lx: doorte
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: doorte
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Joogto
(Joogta-da)
(waqti, kd.) had iyo goor joogta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
joogto
joogto¹: m.dh.kh 1. J. ah: wax aan isbeddel lahayn ama aan kala go'ayn. 2. Shaqaale hay'adeed oo aan maalin goosato ahayn.
joogto²: m.dh (naxwe) Ammin faleed tilmaama fal dhacaya isla marka la joogo oo lagu dhawaaqayo warka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
joogto
joogto¹: m.dh.kh 1. J. ah: wax aan isbeddel lahayn ama aan kala go'ayn. 2. Shaqaale hay'adeed oo aan maalin goosato ahayn.
joogto²: m.dh (naxwe) Ammin faleed tilmaama fal dhacaya isla marka la joogo oo lagu dhawaaqayo warka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
joogto
f. n. (adj.): regularity, at regular intervals; present time; permanency; standing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
joogto
-ah: (adj) regular (regilaar); constant (konistant); permanent
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Joogto
Permanente
Permanent
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
joogto
(tilmaame) wax aan la joojin oo weligii socda.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
joogto
de: regularity, at regular intervals; present time; permanency; [atr.] standing
lx: joogto
pd: (/da)
ps: n6-f
xe: standing committee
xv: guddiga joogtada
key: joogto
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
joogto
دائم
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
stooge
/stuuj/ (n) daba-dhilif.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
tomate
tomate, n.f. - tamaandho; yaanyo
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tongue
Carrab
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
tongue
(n) the fleshy muscular organ, attached to the floor of the mouth, that is the principle organ of taste, an important organ of speech, and moves to aid chewing and swallowing.
carab
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
tongue
/tang/ (n) 1. carrab (carrabka noolaha) (n) 2. wax-carrab u eg (n) 2. luugad.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
tongue
n., carrab, -ki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Toobke
(Toobka-ha)
Toobte, (ama doobke).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
toobke
m.l Haruubgaal; gaawe. la-mid: doobi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
toobke
m. n. large milking vessel
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
toobke
-toobkaha: (n) vessel (ve-sel) or container (kon-teeyner) used to milk a camel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toobke
-ha: (magac, lab, keli) gorof, hadhuub. Dh: qorrog, gaawe, doobi, hadhuubgaal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
toobke
a: toobte (/ha) [n7-m]
cf: dhakal, doobi, haruubgaal
de: large milking vessel
initial: t
lx: toobke
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: toobke
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toodhe
-ha: (magac, lab, keli) shaaha intiisa yar oo koobka ku hadha.
toodhe -ha: (magac, lab, keli) shaah ka yar koob badhkii, marka la cabo hadhaaga yar. Koobka ka daadi intaa toodhaha ah ee ku hadhay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
toog_1
cf: abbaar, liishaan
de: aiming (a weapon); [fig.] good outcome, success
hm: 1
initial: t
lx: toog
pd: (-ta)
ps: vn-f
see: toogo
key: toog_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
toog_2
cf: kal, goor, mar
de: turn, time (to do)
hm: 2
initial: t
lx: toog
pd: (-ta Pl: toogag (ga))
ps: n1-f, n4-f
see: toogayso
key: toog_2
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
toog_3
cf: shuux, tiix; roob
de: shower, light rain
hm: 3
initial: t
lx: toog
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: toog_3
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Toogad
(Toogad-ka)
Toogasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
toogad
m.l la-mid: toogasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
toogad
vl. n. shooting, execution by a firing squad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toogad
-ka: (magac, lab, keli) arrin ama dan la leeyahay, sidii lagu gaadhi lahaa wax ka qabasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
toogad
de: shooting, execution by a firing squad
initial: t
lx: toogad
pd: (-ka)
ps: vn-m
see: toogo
key: toogad
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
toogad
رِمَايَة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tooggo
m.dh la-mid: toogo¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tooggo
f. n. goal, aim, objective
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tooggo
de: goal, aim, objective
initial: t
lx: tooggo
pd: (/da)
ps: n6-f
see: toogo
key: tooggo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tooree
f.mg2 (-reeyay, -raysay) 1. Nafley toore samayn. 2. Xoolo badan si isdaba joog ah u socosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tooree
v. go ~ pass along a track, follow a small path
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tooree
de: go ~ pass along a track, follow a small path
initial: t
lx: tooree
pd: (tooreeyey)
ps: v2b=tr
key: tooree
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoogee
f.g2 (-geeyay, -geysay) Wax xoog leh ka dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xoogee
v. strengthen, make strong, reinforce