togtogan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Togtogan
(Togtogan-ka)
1. Cudur daran oo loo dhinto oo leh xanuun badan oo murqyadu iskula soo rooraan addimaduna la dhismaan.
2. Xubnaha daal ama wax kale la soo laabmi waaya, la togma.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
togtogan
m.l Teetano.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
togtogan
m. n. muscle spasm, muscular disease; tetanus
togtogan: [inchoative] v. have ~ get a muscle spasm
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
togtogan
-togtognaa / togtognayd: (adj) pulled tight; stiffened (istifanidh); drawn tight ~ tigtigan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
togtogan
-ka: (magac, lab, keli) cudur daran oo loo dhinto oo leh xanuun badan oo muruqyadu isku soo rooraan addimaduna la dhismaan, la tigtigan.
togtogan: (tilmaame) ah shay ad adag oo aan la liicin karin. Maydku wuu togtogmaa hadaan laysku jebin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
togtogan_1
de: muscle spasm, muscular disease; [ext.] tetanus
hm: 1
initial: t
lx: togtogan
pd: (-ka)
ps: n-m
key: togtogan_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
togtogan_2
de: have ~ get a muscle spasm
hm: 2
initial: t
lx: togtogan
pd: (togtogmay)
ps: v1=inch
key: togtogan_2
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
togtognaan
-ta: (magac, dhedig, keli) giigsanaanta, qalafsanaanta. Togtognaanta in yar ka bi'i xadhiga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taag
1. (Taag-ga) a) Meel dhulkeedu sarreeyo; buur; kood. b) Cudur la is qaadsiiyo oo xubnuhu la togtogmaan; togtogan.
2. (Taag-ta) a) Xoog; itaal; tabar; awood, b) Karti; maaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taag
(fal) gidaar iyo wixii la mid ah dhis.
taag: (fal) jooji, inuu kaa socdo u diid.
taag: (fal) wax la qaadi karo qaabkuu u yaalo ka bedel, sare u jooji. Tag ruumiga biyuhu ha ka gororaane. Dh: qotomi.
taag: (fal) is ~ joogso, fadhiga ka istaag ama socodka ka joogso. Fadhiga ayuu ka istaagaye kaxee odayga.
taag-ga: (magac, lab, keli) meel agagaarka u dhaw ka saraysa. Si uu geela u arko ayuu taag u baxay. Dh: tuur, kood.
taag-ta: (magac, dhedig, keli) tabarta ama xoogga wax lagu qabsado. Togba taagtii buu rogmadaa. Dh: itaal, awood, tamar, xoog, karti.
taag -ga: (magac, lab, keli) cudur la is qabadsiiyo oo xubnuhu la tigtigmaan. Dh: togtogan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rogrogan
(tilmaame) kolba dhan u maroorsan ah; waxyaalo badan oo wada gembisan ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tigtigan
La tigtigay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tigtigan
f.mg4 (-gnaa, -gnayd) Weel wax la tigtigay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tigtigan
der. [adjective] cinched, tied tightly; lock-stitched
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tigtigan
-tigtignaa / tigtignayd: (adj) pulled tight; stiffened (istifanidh); drew tight ~ togtogan, giigsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tigtigan
(tilmaame) ah wax dhaqdhaqaaq loo diiday. Alaabbtu way tigtigan tahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tigtigan
de: cinched, tied tightly; lock-stitched
initial: t
lx: tigtigan
pd: (tigtignaa)
ps: adj-der
key: tigtigan
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tiro togan
Positive number
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tobbogsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof dheer oo jirkiisu isku tigtiganyahay ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Togtogmid
(Togtogmid-da)
Wax togtogan noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
togtogmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax giigsan ahaansho. Togtogmid ayey ku daayeen awrka. Dh: tigtigmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gogan
f.mg4 (-gnaa, -gnayd) Wax la gogay ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Oogan
La oogey; aad u shidan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oogan
oogan¹: f.mg1 (-gmay, -gantay; -gmi) 1. Dab wax la oogay noqosho. 2. Dacwo, rabsho iyo wixi lamida wax la oogay noqosho.
oogan²: f.mg4 (-gnaa, -gnayd) 1. Dab wax la oogay ahaansho. 2. Wax si wanaagsan loo fuliyey ahaansho (salaad). 3. Dacwo, rabsho iyo wixi lamida wax la oogay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
oogan
der. [adjective] blazing, afire
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oogan
(tilmaame) aad u abaabulan.
oogan: (tilmaame) ah dab aad u shidan, belbelaya, ololaya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
oogan
de: blazing, afire
lx: oogan
pd: (oognaa)
ps: adj-der
key: oogan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Togan
La togey; kala jiidan; fidsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
togan
togan¹: f.mg1 (-gmay, -gantay; -gmi) Wax la togay noqosho.
togan²: f.mg4 (-gnaa, -gnayd) 1. Wax la togay ahaansho. 2. (xisaab) Wax eber ka badan ahansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
togan
f.mg4 (-gnaa, -gnayd) 1. Wax la togay ahaansho. 2. (xisaab) Wax eber ka badan ahansho. m.f.dh, tognaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Togan
Positive
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
togan
der. [adjective] stretched, spread out; taut
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
togan
-tognaa / tognayd: (adj) pulled tight; stiffened (istifanidh); drawn tight ~ giigsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
togan
(tilmaame) la togey, la giijiyey. Xadhigu wuu togan yahay. Dh: tigan, fidsan.
togan: (tilmaame) wax toosnaan. Dh: toosan. Li: weecsan
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Togan
Gigtiran, kala jiidan, kala dhisan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
togan
de: stretched, spread out; taut
initial: t
lx: togan
nt: togan (togmay) [v1=inch]
pd: (tognaa)
ps: adj-der
key: togan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
togon
-ka: (magac, lab, keli) laan geed birimmaggeydo ah laga soo jaro oo lagu taago udubdhexaadka guriga arooska cusub, waxa loogu saadshaa barwaaqo iyo bashbash. Togonka u soo gooya arooska.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boggan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la bogay ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boggan
(tilmaame) wax dhammaystiran; wax ebyan oo faraha laga qaaday ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Foogan
Wax ku taagan: wax ku diran; taagan; kacsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foogan
f.mg4 (-gnaa, -gnayd) Wax soo taagan oo aan meel laga maro lahayn ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
foogan
der. [adjective] raised, lifted; erected
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Foogan
nickname; name-f busy; raised, lifted; erected
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foogan
(tilmaame) taagan ama qotoma.
foogan: (tilmaame) «ku ~» ku mashquulsan oo ka shaqaynaya. Dh: taagan, hawllan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
foogan
de: raised, lifted; erected
lx: foogan
pd: (foognaa)
ps: adj-der
syn: taagan
key: foogan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
noogan
f.mg4 (-gnaa, -gnayd) Wax noogay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
noogan
f.mg4 (-gnaa, -gnayd) Wax noogay ahaansho. m.f.dh, noognaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Soogan
La soogey; kala jiidan; taagan; miiqan; togan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soogan
f.mg4 (-gnaa, -gnayd) 1. Cid meel taagan oo aan dhaqdhaqaaqayn ahaansho. 2. Qof dhuuban oo xoog leh ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soogan
der. [adjective] stretched (out); thin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soogan
(tilmaame) mid kala jiidan; mid tataagan oo aan fadhi iyo socod toona lahayn. Col soogan baan u galay. Dh: taagan, qotoma.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
soogan
de: stretched (out); [ext.] thin
initial: s
lx: soogan
pd: (soognaa)
ps: adj-der
key: soogan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taggan
(tilmaame) «kala wax kala durugsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tooban
Toobin la saaray; la toobay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tooban
f.mg4 (-bnaa, -bnayd) Wax la toobay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tooban
f.mg4 (-bnaa, -bnayd) Wax la toobay ahaansho. m.f.dh, toobnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tooban
der. [adjective] bled, cupped (medically)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tooban
(tilmaame) toobin la saaray, qof la sarsaray oo toobin la saaray.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tooban
de: bled, cupped (medically)
initial: t
lx: tooban
pd: (toobnaa)
ps: adj-der
key: tooban
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Toogad
(Toogad-ka)
Toogasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
toogad
m.l la-mid: toogasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
toogad
vl. n. shooting, execution by a firing squad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toogad
-ka: (magac, lab, keli) arrin ama dan la leeyahay, sidii lagu gaadhi lahaa wax ka qabasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
toogad
de: shooting, execution by a firing squad
initial: t
lx: toogad
pd: (-ka)
ps: vn-m
see: toogo
key: toogad
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
toogad
رِمَايَة
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tooman
(tilmaame) bilaha dayaxa, tan aan soddon ku dhamaan, Bishii sabuux waxay ahayd tooman. Dh: dhiman, khamaas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tooran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) 1. Bun, daango, caano iyo wixi lamida wax la isku daray ahaansho. 2. Beer, hilib iyo xayr wax la isku shiilay ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Toosan
1. Aan qalqallooc ku jirin.
2. Wanaagsan; hagaagsan; qumman.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
toosan
f.mg4 (-snaa, -snayd) 1. Wax aan qallooc ama leex-leexad lahayn ahaansho. 2. Wax aan qalad lahayn ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
toosan
f.mg4 (-snaa, -snayd) 1. Wax aan qallooc ama leex-leexad lahayn ahaansho. 2. Wax aan qalad lahayn ahaansho. m.f.dh, toosnaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Toosan
Linear
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Toosan
Straight
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
toosan
der. [adjective] straight, direct; correct
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Toosan
name-f straight, direct; correct. Syn: Toosane
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
toosan
-toosnaa / toosnayd: (adj) 1. straight (ista-reeyt); horizontal (hori-zan-tal) Ex: khad toosan; a straight line 2. right (raayt); nice (naays); fair (feer); correct (ko-rekt); just; OK ~ qumman, toolmoon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Toosan
magac loo baxsho gabadh toosan oo muuqeedu isku dheellitiran yahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toosan
(tilmaame) aan qalqallooc ku jirin, aan weecweecad lahayn.
toosan: (tilmaame) mid wanaagsan, hagaagsan, qumman. Ruun waa gabadh toosan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
toosan
de: straight, direct; correct
initial: t
lx: toosan
pd: (toosnaa)
ps: adj-der
key: toosan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tooxan
1. La tooxay.
2. Qooxan; godan; nadoocsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tooxan
f.mg4 (-xnaa, -xnayd) 1. Wax la tooxay ahaansho. 2. Wax godan ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tooxan
der. [adjective] measured (out ~ by width)
tooxan [derived] [adjective] curved, bent, arched
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Tooxan
nickname-f curved, bent, arched. Cf: Godane. Syn: Tooxow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Tooxan
magac loo baxsho gabadh godan oon muuq toosan aan lahayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tooxan
(tilmaame) mid la goday. Dh: qooxan godan, qalloocan.
tooxan: (tilmaame) wax wada socda oo qabbabaalsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ollogan
(tilmaame) dad jaar ah; la is garab dejiyay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tognaan
(Tognaan-ta)
Wax togan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tognaan
m.f.dh eeg togan². la-mid: tognaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tognaan
f. n., [abstract] state of being stretched ~ spread out; tension; inflexibility
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tognaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax togan ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tognaan
a: tognaansho (/ha) [vn6-m-st]
de: state of being stretched ~ spread out; tension; inflexibility
initial: t
lx: tognaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: tognaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
togoogo
-ha: (magacwadareed) xubnaha u dhexeeya cududaha iyo garabka. Tagoogaha ayay ka jabeen.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabtogan
(tilmaame) dab danadka uu wataa uu yahay mid muujab ah (+) ama togan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hagoogan
Hagoog leh; huwan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hagoogan
f.mg4 (-gnaa, -gnayd) Wax hagoog leh ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hagoogan
f.mg4 (-gnaa, -gnayd) Wax hagoog leh ahaansho. m.f.dh, hagoognaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hagoogan
der. [adjective] with one's head draped, covered ~ veiled
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hagoogan
-aa: (adj) veiled (veelidh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hagoogan
(tilmaame) qof ama wax hagoog leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hagoogan
de: with one's head draped, covered ~ veiled
lx: hagoogan
pd: (hagoognaa)
ps: adj-der
key: hagoogan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qobtolan
Sida qobtolka isugu kor tolan.