toddobobixid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toddobobixid
-da: (magac, dhedig, keli) dhamaysida todobo cisho ay u dhamaato arooska.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toddobobixi
(fal) u samee arooska meel uu u baxo todobo cisho ayaa u dhamaatee. Ku todobo bixi arooska hoteel kanbayski.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
toddobabixid
m.f.dh eeg toddobabax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toddobobixis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg todobobixidda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
toddobabixi
f.g2 (-iyay, -isay) Laba qof oo is aroosay toddobaadkii arooska u shaqayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
toddobabixin
m.f.dh eeg toddobabixi. la-mid: toddobabixis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
toddobabixis
m.l la-mid: toddobabixin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toddobobixitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg todobobaxa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Toodoobid
(Toodoobid-da)
Garasho; dareemid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
toodoobid
m.f.dh eeg toodow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toodoobid
-da: (magac, dhedig, keli) garasho, fahanka iyo dareenka. Dh: dareemid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
toddobabax
toddobabax¹: m.l Xaflad laba qof oo is aroosay toddoba beri kaddib loo sameeyo.
toddobabax²: f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) Laba qof oo is aroosay toddobaadkii arooska ka bixid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
toddobabax
m.l Xaflad laba qof oo is aroosay toddoba beri kaddib loo sameeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toddobabax
(fal) aroos, toddoba ayaamood, ha kuu dhammaadeen.
toddobabax: -a: (magac, lab, keli) aroosku marka uu dhamaysto toddoba cisho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciddabbixid
(Ciddabbixid-da)
Ciddo ka bixid; ciddo dhammaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciddabbixid
m.f.dh eeg ciddabbax². la-mid: cuddabbixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuddabbixid
m.dh la-mid: ciddabbixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bogdooxid
m.f.dh eeg bogdoox². la-mid: bogdoox¹ (4).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daddoobid
m.dh la-mid: deddoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daddoobid
-da: (magac, dhedig, keli) dhaxan iyo qabaw daraaddii, la qadhqadhyoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deddoobid
m.f.dh eeg deddow. la-mid: daddoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deddoobid
-da: (magac, dhedig, keli) dhaxan iyo qabaw daraaddii, la qadhqadhyoo. Dh: dhaxmood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goldooxid
m.f.dh eeg goldoox². la-mid: goldoox¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goldooxid
-da: (magac, dhedig, keli) dhinaca ka jeexid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Oddorosid
(Oddorosid-da)
1. (roob) Oddoros ku garasho.
2. Qiyaasid.
3. Saadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oddorosid
m.f.dh eeg oddoros².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oddorosid
-da: (magac, dhedig, keli) saadin ama qiyaasid. Oddorosidda saadaasha doorashadu way adag tahay. Dh: saadaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Riddoobid
(Riddoobid-da)
Diin ka bixid, nicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
riddoobid
m.f.dh eeg riddow². la-mid: riddow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riddoobid
-da: (magac, dhedig, keli) diinta ka bixid oo gaalnimo ku noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Toddobaad
(Toddobaad-ka)
1. Intii toddoba maalmood ah, oo Axaddu ugu horrayso Sabtiduna ugu danbayso.
2. Tiro taxan, kan jagada toddobada ku abbaaran; (7d).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
toddobaad
m.l 1. (t.j) Tirada jagaale, keeda u dhigma toddobada. 2. Toddoba beri oo isku xigta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
toddobaad
m.l 1. (t.j) Tirada jagaale, keeda u dhigma toddobada. 2. Toddoba beri oo isku xigta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
toddobaad
numeral: seventh
toddobaad m. n. week
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Toddobaad
septième.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
toddobaad
-ka: (n) week (wiik) ~ asbuuc, wiig. Ex: laba toddobaad; two weeks
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Toddobaad
Settimana
Week
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toddobaad
-ka: (magac, lab, keli) tiro taxan oo jagada toddobada ku abbaaran, 7aad.
toddobaad -ka: (magac, lab, keli) toddoba maalmood ee sabtidu u horrayso ee jimcuhu u danbeeyo. Dh: asbuuc.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
toddobaad
أسبوع
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
toobkicid
m.f.dh eeg toobkac². la-mid: toobkac¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciddabixid
-da: (magac, dhedig, keli) ciddo ka bixid; ciddo dhammaysasho. Dh: cuddadbixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuddabbixi
f.g2 (-iyay, -isay) Haweeney la furay inta ay cuddada dhammeysanayso masruufid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cuddabbixi
f.g2 (-iyay, -isay) Haweeney la furay inta ay cuddada dhammeysanayso masruufid. m.f.dh, cuddabbixin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galoobixid
-da: (magac, dhedig, keli) meel dadka galaya iyo kuwa ka soo baxayaa badan yihiin. Dh: isdabamarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
godadoobid
m.f.dh eeg godadow².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mohobbiyid
-da: (magac, dhedig, keli) wax si khiyaana ah u qarin.
mohobbiyid -da: (magac, dhedig, kell) war dhalanteed ah tusid oo ku soo jiidasho; been kusoo xeragelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
motootixid
m.dh la-mid: mataatixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuddabbixin
m.f.dh eeg cuddabixi. la-mid: cuddabbixis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuddabbixis
m.l Masruufka la siiyo haweeney la furay inta ay cuddada dhammeysaneyso. la-mid: cuddabixin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cuddabbixis
m.l Masruufka la siiyo haweeney la furay inta ay cuddada dhammeysaneyso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ferdibbixid
m.f.dh eeg ferdibax².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galoobbixid
(Galoobbixid-da)
Meel dad badani gela hayo dad kaloo badanina ka baxa hayo, is-dabammarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galoobbixid
m.dh la-mid: galaabbixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soddogoobid
m.f.dh eeg soddogow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soddogoobid
-da: (magac, dhedig, keli) soddog noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Soddohoobid
(Soddohoobid-da)
Soddoh noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soddohoobid
m.f.dh eeg soddohow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soddohoobid
-da: (magac, dhedig, keli) soddoh noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciddiyabbixid
-da: (magac, dhedig, keli) hawl iyo wixii la mid ah, ku dhibtood; ku rafaadid.