toban
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Toban
(Toban-ka)
Tirada u dhexaysa sagaalka iyo kow-iyo-tobanka; (10) (ama toman).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
toban
m.l.t. Tirada u dhexeysa sagaal iyo koob iyo toban; “10”. la-mid: toman.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
toban
m.l.t. Tirada u dhexeysa sagaal iyo koob iyo toban; 10. la-mid: toman.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Toban
Deca
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
toban
num: ten
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Toban
dix.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
toban
-ka: (n) ten (teen)-, number [10] ~ toman.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toban
-ka: (magac, lab, keli) tirada sagaalka ka sarraysa kow iyo tobankana ka hoosaysa. Dh: toman.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
toban
a: toman
de: ten
initial: t
lx: toban
pd: (-ka)
ps: num-m
key: toban
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tooban
Toobin la saaray; la toobay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tooban
f.mg4 (-bnaa, -bnayd) Wax la toobay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tooban
f.mg4 (-bnaa, -bnayd) Wax la toobay ahaansho. m.f.dh, toobnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tooban
der. [adjective] bled, cupped (medically)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tooban
(tilmaame) toobin la saaray, qof la sarsaray oo toobin la saaray.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tooban
de: bled, cupped (medically)
initial: t
lx: tooban
pd: (toobnaa)
ps: adj-der
key: tooban
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taban
f.mg4 (-bnaa, -bnayd) Tiro taxane ah oo eber ka yar ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
taban
f.mg4 (-bnaa, -bnayd) Tiro taxane ah oo eber ka yar ahaansho. m.f.dh, tabnaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Taban
Negative
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
taban
der. [adjective] negative {mathematics}
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
taban
(adj) [Mathematics]; negative (nega-tiv); a number with the negative sign [ - ] ~ tabane
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taban
(tilmaame) ah tirooyinka aan buuxin, sida 3, 5, 7 iyo wixii la mid ah. 9 iyo 253 tirooyinka taban ayey ka mid yihiin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
taban
de: negative {mathematics}
initial: t
lx: taban
pd: (tabnaa)
ps: adj-der
key: taban
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Togan
La togey; kala jiidan; fidsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
togan
togan¹: f.mg1 (-gmay, -gantay; -gmi) Wax la togay noqosho.
togan²: f.mg4 (-gnaa, -gnayd) 1. Wax la togay ahaansho. 2. (xisaab) Wax eber ka badan ahansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
togan
f.mg4 (-gnaa, -gnayd) 1. Wax la togay ahaansho. 2. (xisaab) Wax eber ka badan ahansho. m.f.dh, tognaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Togan
Positive
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
togan
der. [adjective] stretched, spread out; taut
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
togan
-tognaa / tognayd: (adj) pulled tight; stiffened (istifanidh); drawn tight ~ giigsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
togan
(tilmaame) la togey, la giijiyey. Xadhigu wuu togan yahay. Dh: tigan, fidsan.
togan: (tilmaame) wax toosnaan. Dh: toosan. Li: weecsan
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Togan
Gigtiran, kala jiidan, kala dhisan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
togan
de: stretched, spread out; taut
initial: t
lx: togan
nt: togan (togmay) [v1=inch]
pd: (tognaa)
ps: adj-der
key: togan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tolan
1. La tolay.
2. (Tolan-ka) Daliigaha (idiin, xargo, dun, ...) waxa la tola hayo lagu tolo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tolan
tolan¹: m.l (-anno, m.dh) Liilan dheer oo saamaha laga jeexo oo kabaha lagu tolo. la-mid: tolon.
tolan²: f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax la tolay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tolan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax la tolay ahaansho. m.f.dh, tolnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tolan
der. [adjective] sewn
tolan: m. n. thread, yarn
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tolan
-tolnaa / tolnayd: (adj) sewed (soowidh); sewn (soown); seamed (siimidh); sewn up
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tolan
(tilmaame) shey dillaacsanaa oo la tolay.
tolan: (tilmaame) la muquunshey oo lagu qasbay ama sandullaysan.
tolan -ka: (magac, lab, keli) daliig yar oo ka samaysan maas ama laga jeexay caag adag. Tolan iigu daruur kabtan.
tolan -ka: (magac, lab, keli) daliigaha 'idiin, xadhko, dun'waxa la tolayo lagu tolo. Tolanka dunta ah ku tol.
tolan -ka: (magac, lab, keli) waxyaabaha halaha toojada ah lagu tolo. Tolanka ku samee hadha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Toman
(Toman-ka)
Toban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
toman
m.l.t la-mid: toban.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
toman
num: ten
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
toman
(n) ten (teen); number 10 ~ toban
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toman
-ka: (magac, lab, keli) eeg toban.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
toman
de: ten
initial: t
lx: toman
pd: (-ka)
ps: num-m
see: toban {S}
key: toman
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tuban
La tubay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuban
f.mg1 (-bmay, -bantay) Wax la tubay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tuban
f.mg1 (-bmay, -bantay) Wax la tubay ahaansho. m.f.dh, tubnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tuban
der. [adjective] assembled, amassed; crowded
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tuban
-tubnaa / tubnaayeen: (adj) gathered (gatheridh); packed (paakt); crowded (karaaw-didh) ~ tuunsan, dhooban
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuban
(tilmaame) wax la tubay. Dh: xoonsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tuban
de: assembled, amassed; crowded
initial: t
lx: tuban
pd: (tubnaa)
ps: adj-der
syn: tuunsan
key: tuban
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afartamaad
(Afartamaad-ka)
1. Tirada heerka afartanka ku abbaaran; 40d. (ama afartanaad).
2. Xilli roob oo toban beri ah oo ka bilawda afartamaadka dabshidka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baaluq
(Baaluq-a)
Qof shan iyo toban jir gaarey; qaangaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baaluqid
(Baaluqid-da)
Shan iyo toban sano gaarid; baaluq noqosho; qaangaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Boqol
(Boqol-ka)
Tiro ka koobanta toban meelood oo meeshiiba toban tahay; lanbarka sagaashan iyo sagaalka xiga oo ka korreeya; (100).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cawo
(Cawa-da)
1. Laba-iyo-tobanka saac oo qorraxdu maqan tahay; habeen.
2. Nasiib-wanaag; ayaan; qadan; ul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diirdiir
(Diirdiir-ta)
1. Jaad ugaarta kamid ah oo diillimo leh.
2. Balanbaallis, nirgadhoob, iyo cayayaan kaloo badan oo duula oo aan weli dillaacin; waxay u eg tahay dixiri, badanaa dhogor leh iyo oogo dhawr iyo toban xubnood leh; Sida cayayaanka kale, lix lugood oo run ah oo laboba iska soo horjeeddo, bay lee dahay; (ama diir).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iskaanbe
(Iskaanba-ha)
Nafley badda ku jirta oo jaadad badan ah oo hilibkooda aad loo jecel yahay; wuxuu lee yahay geeso dheerdheer iyo toban lugood; abuu-maqas, (ama kaanbe).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kabro
(Kabra-da)
Cayaar kow-iyo-toban iyo kow-iyo-toban qof lagu cayaaro; kubbad iyo ulo iyo labo illin oo isu tusmaysan baa lagu cayaaraa; xeego.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Konton
(Konton-ka)
Tiro shan tobnaad ka kooban; shan meelood oo meeshiiba toban tahay; (50).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kun
(Kun-ka)
Tiro ka kooban toban meelood oo meeshiiba boqol tahay oo laysku daray; toban boqolaad; (1,000).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
La'
Aan haysan; aan lahayn; ka maqan; dhimman; ... (sida: nin lug la'; waa lacag la' yahay; toban saddex la' waa toddoba; ...).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Labaatan
(Labaatan-ka)
Tiro ka kooban labo tobnaad; labo meelood oo meeshiiba toban tahay; (20).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lixdan
(Lixdan-ka)
Lix meelood oo meeshiiba toban tahay oo laysku daray; (60).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qulaan
(Qulaan-ka)
1. Weel naas ama ib leh, oo dadka buka oo aan wax cabbi karin, wax lagu cabsiiyo.
2. (turub) Warqadda raanida iyo tobanlaha u dhexaysa; wiilka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raage
(Raaga-ha)
Meereyaasha qorraxda ku wareega mid kamid ah; wuxuu u dhexeeyaa Cirjeexda (Mushtarka) iyo Uraano, waxaana ku wareegsan saddex garangarood oo xalxalleefsan oo ifa haya; Maalintiisu waxay le'eg tahay toban saac iyo 14 daqiiqadood oo kuweenna ah, sanadiisuna waxay u dhigantaa 29 sano iyo 167 maalmood oo kuweenna ah; sagaal dayax baa ku wareega; ~ Saxal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sagaal
(Sagaal-ka)
Tirada u dhexaysa siddeedda iyo tobanka; toban mid la'; (9).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sagaashan
(Sagaashan-ka)
Tiro ka kooban sagaal meelood oo meeshiiba toban tahay (90).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sannad
(Sannad-da, Sannad-ka)
Labiyo toban bilood ama 365 maalmood; sano.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Soddon
(Soddon-ka)
Tiro ka kooban saddex meelood oo meeshiiba toban tahay; saddex tobnaad (30).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sufur
1. (Sufur-ka) a) Lanbarrada tirada mid ka mid ah oo hadduu keli yahay aan waxba ku fadhiyin, hadiise xagga midigta ah lanbarro kale laga xijiyo, kolkaas tirada tarmiya oo toban ku dhufta; baabbah; eber. b) Naxaas.
2. (Sufur-ta) Habaas; boor; bus.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tobanle
m.l (-layaal, m.l/dh) Warqad turub oo ay ku sawiranyihiin toban calaamadood.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tobanle
Decimal
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tobanle
m. n. decimal
tobanle m. n. ten (playing card)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tobanle
-ha: (magac, lab, keli) shaxan ama wax kale oo toban xagal leh.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
tombant
tombant, adj. - dhacaya; kufaya
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goblan
goblan¹: m.l.kh la-mid: gablan¹.
goblan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) la-mid: gablan².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goblan
v. be childless
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goblan
(tilmaame) ubad laawe; qofka aan carruur dhalin ama ay ka wada dhinteen.
goblan-ka: (magac, lab, keli) mid ubad aan lahayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
goblan
de: be childless
lx: goblan
pd: (goblamay)
ps: v1=
see: gablan
key: goblan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kobsan
(tilmaame) wax soo urursan oo wax kooban. Li: fidsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kooban
La koobay; wax lagu soo meershey; dhinacyadiisa lala soo wareegey oo la yaqaan; la soo yareeyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kooban
kooban¹: f.mg1 (-bmay, -bantay; -bmi) Ku k.: wax koobmay noqosho.
kooban²: f.mg4 (-bnaa, -bnayd) 1. Wax la koobay ahaansho. 2. Ku k.: wax ku eg meel oo aan dhaafsaneyn ahaansho. “Ceebtaasi Cali bay ku koobantahay”. 3. Ka k.: wax dhawr shey isugu jira ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kooban
kooban¹: f.mg1 (-bmay, -bantay; -bmi) Ku k.: wax koobmay noqosho. m.f.dh, koobmid.
kooban²: f.mg4 (-bnaa, -bnayd) 1. Wax la koobay ahaansho. 2. Ku k.: wax ku eg meel oo aan dhaafsaneyn ahaansho. Ceebtaasi Cali bay ku koobantahay. 3. Ka k.: wax dhawr shey isugu jira ahaansho. m.f.dh, koobnaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kooban
Finite
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kooban
der. [adjective] forming a circle, looped, coiled; summarized; assorted
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kooban
-koobnaa: (adj) brief (biriif); in short, —ka kooban: (v) consisting of (konsiisting of); made up or composed ofikom-poowzidh of)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kooban
(tilmaame) wax la koobay; wax la yareeyey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kooban
cf: kob
de: forming a circle, looped, coiled; summarized; assorted; counted, included, inclusive
lx: kooban
pd: (koobnaa)
ps: adj-der
key: kooban
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
kooban
مُوجَزٍ مُخْتَصَرٍ
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
okoban
(tilmaame) wax la faray oggol oo raali ka ah. Arrinka ma diidanee wuu okoban yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qodban
1. Inta qodob layskula garaacay ama meel kale lagula garaacay la adkeeyey, la niibay; musmaaran; qataaran.
2. Tolan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qodban
f.mg4 (-na. -nayd) 1. Wax la qodbay ahaansho. 2. Gabar bikro ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qodban
f.mg4 (-na. -nayd) 1. Wax la qodbay ahaansho. 2. Gabar bikro ahaansho. m.f.dh, qodbanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qodban
der. [adjective] sewn (together ~ up), sutured, joined
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Qodban
cousu.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qodban
(tilmaame) sidii horay loogu xidhay oon la furin ah. Joonyad qodban oo sonkor ah iga iibi. Dh: xidhan, moolgaraysan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qodban
de: sewn (together ~ up), sutured, joined rw: qodob
lx: qodban
pd: (qodbanaa)
ps: adj-der
key: qodban
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabane
m.l (-nayaal, m.l/dh) 1. (kiimika) Laba saldanab oo isla eg ee walxuhu leeyihiin middood oo elektaroonadu xambaarsan yihiin. 2. (xisaab) Tiro xisaabeed oo eber ka yar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tabane
m.l (-nayaal, m.l/dh) 1. (kiim.) Laba saldanab oo isla eg ee walxuhu leeyihiin middood oo elektaroonadu xambaarsan yihiin 2. (xisaab) Tiro xisaabeed oo eber ka yar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tabane
m. n. negative number