tiyaaqid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiyaaqid
m.f.dh eeg tiyaaq². la-mid: tiyaaq¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiyaaqid
-da: (magac, dhedig, keli) si gargaar iyo gurmad loo helo, qaylyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Riyaaqid
(Riyaaqid-da)
Farxid; rayrrayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
riyaaqid
m.f.dh eeg riyaaq². la-mid: riyaaq¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riyaaqid
-da: (magac, dhedig, keli) (u ~) farxad muujin. Dh: farxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tayaaqid
-da: (magac, dhedig, keli) si tiigsasho ah ugu qaylin, yeedhmo la isu qaylsho ugu yeedhid. tayaaqsad -ka: (magac, lab, keli) qaylo ku tiigsad. Tayaaqsad baan maqlayaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiyaaq
tiyaaq¹: m.l la-mid: tiyaaqid.
tiyaaq²: f.mg1 (-qay, -qday) U t.: cid meel fog kala hadlid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiyaaq
-a: (magac, lab, keli) qaylo gargaar iyo gurmad lagu codsanayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilaaqid
(Ilaaqid-da)
1. Murmid; doodid; jiriibbamid (ama cilaaqid).
2. Arkid; dhugasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilaaqid
m.dh la-mid: cilaaqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilaaqid
-da: (magac, dhedig, keli) qof kale, si aan dhab ahayn ula marmid; si kaftan ah ugu dheeldheelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cilaaqid
(Cilaaqid-da)
Hadal cilaaq ah, kula hadlid; muran ka horkeenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cilaaqid
m.f.dh eeg cilaaq². la-mid: ilaaqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cilaaqid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal cilaaq ah, kula hadlid; muran ka horkeenid. Dh: ilaaqid, murmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciyaarid
m.dh la-mid: cayaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciyaarid
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar ka qaybgelid. Dh: dheelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diyaamid
m.dh la-mid: dayaamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diyaamid
-da: (magac, dhedig, keli) dhawaaq weyn oo ka daba shanqadha bixin. Diyaamidda hubka meel dheer baa laga maqlaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lifaaqid
(Lifaaqid-da)
1. Lifaaq u yeelid.
2. Indhaha wax ku fagiijin; u sii fiirsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lifaaqid
m.f.dh eeg lifaaq³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lifaaqid
-da: (magac, dhedig, keli) aad ugu fiirsad: indhaha wax ku fiiqid.
lifaaqid-da: (magac, dhedig, keli) liil yar oo dun ah ku tolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qiyaasid
(Qiyaasid-da)
Qiyaasta wax lee yihiin sheegid, cabbirid; malayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qiyaasid
m.f.dh eeg qiyaas³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qiyaasid
-da: (magac, dhedig, keli) inta uu noqon karo maanka ka cabbirid oo qaddar aan la hubin u malayn. Dh: malayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rifaaqid
m.dh la-mid: rafaajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Riyaaxid
(Riyaaxid-da)
Riyaax ku dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
riyaaxid
m.f.dh eeg riyaax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riyaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) xanuun rigaax ah yeelasho. Dh: rigaaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siyaadid
(Siyaadid-da)
Siyaado ku darmid; kordhid; badasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siyaadid
m.f.dh eeg siyaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siyaadid
-da: (magac, dhedig, keli) siyaado ku darmid; soo kordhid; soo badasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tibaaxid
(Tibaaxid-da)
War ama wax kale oo aan la hubin ama sugnayn, sheegid, faafin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tibaaxid
m.f.dh eeg tibaax². la-mid: tibaax¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tibaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) war aan la hubin sheegidda. Dh: faafin, dulmarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tiraabid
(Tiraabid-da)
Tiraab afka ka soo saarid; hadal yar ku hadlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiraabid
m.f.dh eeg tiraab³. la-mid: tiraab¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiraabid
-da: (magac, dhedig, keli) tiraab afka ka soo saarid; hadal yar ku hadlid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cilaaqmid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal cilaaq iyo muran ah oo badan, ku hadlid. Dh: cilaaqtamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diryaamid
m.dh la-mid: dayaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
itixaamid
m.dh la-mid: imtixaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
itixaanid

jirraaqid
m.f.dh eeg jirraaq². la-mid: jirraaqis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miryaadid
(Miryaadid-da)
Wax miryaadaya noqosho; harjadid; werfid; haarid; (ama maryaadid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miryaadid
m.dh la-mid: maryaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miryaadid
-da: (magac, dhedig, keli) wax miryaadaya oo xanuun la waalan noqosho. Dh: werfid, harjedid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
niyajabid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la rajaynayay ku hongoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riyaaxmid
-da: (magac, dhedig, keli) kala daadasho oo wax rigaaxan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sibbaaqid
m.f.dh eeg sibbaaq².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sibbaaqid
-da: (magac, dhedig, keli) sibbaaq u yeelid, geli: aslid. Dh: ranjiyayn, midabayn, sabbakhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tayaaqood
m.l la-mid: tannaagood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tifqaamid
(Tifqaamid-da)
Tifqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tifqaamid
m.dh la-mid: tifqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tifqaamid
-da: (magac, dhedig, keli) tifiqtifiq u dhicid; dhibic dhibic u dhicid. Dh: gobo'layn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiigaalid
-da: (magac, dhedig, keli) yeel iyo ujeeddo ama meel u qasdid. Dh: tiigsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tillaabid
m.dh la-mid: tallaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tillaabid
-da: (magac, dhedig, keli) tallaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tilmaamid
(Tilmaamid-da)
Tilmaan u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tilmaamid
m.f.dh eeg tilmaan². la-mid: tilmaanid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tilmaamid
-da: (magac, dhedig, keli) tilmaam ka bixin; wax lagu garto u eyelid ama ka sheegid. tilmaamitaan -ka: (magac, lab, keli) siduu yahay iyo meeshu yahay sheegitaanka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tilmaanid
m.dh la-mid: tilmaamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tilmaanid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg tilmaamid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
timaaddid
v., sg., neg., present habitual: you do not come
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
timaaddid
de: you do not come
initial: t
lx: timaaddid
pd: (timaaddo)
ps: v4b-2sg-neg-prhb
xe: These days you do not come to school.
xv: Adigu ayaamahan dugsiga maad timaaddid.
key: timaaddid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
timajarid
m.dh Habka timaha loo jaro ama loo qurxiyo. la-mid: timajar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
timajarid
m.dh Habka timaha loo jaro ama loo qurxiyo. la-mid: timajar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
timajarid
-da: (magac, dhedig, keli) timaha isku simin oo qurxin; timojarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tiqraarid
(Tiqraarid-da)
Tiqraar dhexgelin, ku kala celin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiqraarid
m.f.dh eeg tiqraar². la-mid: taqraarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiqraarid
-da: (magac, dhedig, keli) tiqraar dhexgelin; ku kala celin. Tiqraarida ka daa afka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tiraahdid
v., sg., neg., present habitual: you do not say
tiraahdid v., sg., relative form, present habitual: that you say
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tisqaadid
m.f.dh eeg tisqaad². la-mid: tisqaad¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tisqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) waqtigii lagu ciidmayey gaadhid. Tisqaadid ayuu joogaa wiilkaygii. Dh: taabo-gelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tixraacid
m.f.dh eeg tixraac². la-mid: tixraac¹.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tixraacid
-da: (n) the act of refering to; quoting (ku-wooting)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tixraacid
-da: (magac, dhedig, keli) wax hore loo yidhi ama loo qoray, dabaggelid. Dh: tixraacis.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Iyaad
name-m pigeon
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baaqid
(Baaqid-da)
Baaq samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaqid
m.f.dh eeg baaq³. la-mid: baaq¹ (4).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaqid
-da: (magac, dhedig, keli) jeedinta codsi ku baaqul wajahan meel ama cid gaar ah oo ujeeddo leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daaqid
(Daaqid-da)
Daaq cunidda xoolaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaqid
m.f.dh eeg daaq². la-mid: daaq¹ (2).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daaqid
vl. n. grazing; browsing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daaqid
-da: (n) the act of grazing or pasturing
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daaqid
de: grazing; [ext., fig.] browsing
lx: daaqid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: daaqid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diyaad
(Diyaad-ka)
Digaag; dooro; luki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diyaad
m.l la-mid: digaag.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diyaad
m. n., [collective] chicken
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diyaad
-ka: (magac, lab, keli) digaag; luki. Diyaad badan dhaqo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diyaad
cf: digaag, dooro, luki
de: chicken
lx: diyaad
pd: (-ka)
ps: n-m-col
key: diyaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faaqid
(Faaqid-ka)
Faaqidid; baaris; fatash.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faaqid
faaqid¹: m.l la-mid: faaqidid.
faaqid²: f.g1 (-day, -dday) Shay dhumay oo la raadinayo wax kale ka dhex baarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faaqid
f.g1 (-day, -dday) Shay dhumay oo la raadinayo wax kale ka dhex baarid. m.f.dh, faaqidid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faaqid
v. search (for); examine, investigate, inspect, monitor, survey
faaqid vl. n. inspection, search
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faaqid
-ay / day: (v) examine carefully; inspect (inispakt)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaqid
(fal) faandig oo kala falanqee. Alaabta xidhan faaqid oo fidhin ka soo saar.
faaqid -ka: (magac, lab, keli) dhereg iyo ladnaansho la kibrid; inaad dadka kale ka sarrayso isku arkid. Dh: kibridda, islawaynida.
faaqid: (fal) faandig oo kala falanqee. Alaabta xidhan faaqid oo fidhin la soo saar.
faaqid -ka: (magac, lab, keli) ladnaansho iyo dhereg la kibrid. Dh: kibir.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Faaqid
Xogbaar, tifaftir, falanqee.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
faaqid
فحص
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haaqid
-da: (magac, dhedig keli) xaadhista meel uskag iyo gidaafadi taallo si ay u nadiifawdo. Dh: xaadhid, xaaqid, salabayn, fiiqid.
haaqid-da: (magac, dhedig, keli) dabargoynta iyo laynta aan la isku naxariisan. Haaqiddii gumeystaha, ayaan weli hafeeftaa. Dh: xasuuqid, xaaqid, tirtirid, dabargoyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laaqid
m.f.dh eeg laaq².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laaqid
-da: (magac, dhedig, keli) walaaqid oo is dhex gelin. Dh: walaaqid, qasid, laagis.
laaqid -da: (magac, dhedig, keli) hees iyo wixii la mid ah, qaadid ama ku luuqayn. Qof cod xumi laaqidda kuma fiicna. Dh: qaadid, luuqayn.