tirtirfoo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tirtirfoo
(fal) ciyaar oo farxad muuji adiga oo kor u boodboodaya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tirtirfo
-da: (magac, dhedig, keli) qaab farxadda loo muujiyo oo ah ciyaar kor la isku qaadqaado oo la boodbood kolka aroos, nin madax ah ama wax kale loo dabbaaldegayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faranfardee
(fal) si tirtirfa ah u orod adoo faraxsan. Dh: farfardee, tirtirfoo. Li: cagajiid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miriqshaalay
(fal) tirtirfoo oo dadka hortooda boodbood adoo ciyaaraya. Dh: miriqshaalee, xariiftan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tirtir
v. remove; clean off, erase; cross out, strike out
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tirtir
-ay / tay: (v) wipe clean; clean out; clean (kiliiri)
ka tirtir -ay / -tay: (v) 1. wipe (waayp); rub something to clean, in order to clean. 2. cancel (kansel); remove (ri-muuv) Ex: magacayga liiska ka tirtir!; remove [cancel] my name from the list!
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tirtir
(fal) xasuuq, wada lay. Dagaalkii ayaa tirtiray dad badan. Dh: xasuuq.
tirtir: (fal) wax meel ku qoran ka bi'i, ka masax. Ka tirtir miiska cuntada ku daadatay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tirtir
cf: buri, nasakh
de: remove; clean off, erase; cross out, strike out
initial: t
lx: tirtir
pd: (tirtiray)
ps: v1=pl
key: tirtir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tirtire
(Tirtira-ha)
1. Geed mayrax ka samaysan, oo bul weyn oo qanaanta fardaha u eg loo yeelo, oo kolka cunnada la cuno faraha lagu tirtirto.
2. Wax kastoo wax lagu tirtiro, ~ tuweel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tirtire
m.l (-rayaal, m.l/dh) 1. Geed mayrax ka samysan oo kolka cunnada la cuno faraha lagu tirtiro. 2. Wax kasta lagu tirtiro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tirtire
m.l (-rayaal, m.l/dh) 1. Geed mayrax ka samysan oo kolka cunnada la cuno faraha lagu tirtiro. 2. Wax kasta lagu tirtiro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tirtire
m. n. brush; towel; anything used for wiping
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tirtire
-tirtiraha: (n) 1. eraser (i-reeyzer) ~ goome 2. wiper (waay-per); rag (raag); for cleaning or dusting ~ istiraasho, masaaxad
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
TIRTIRE
Gomma
Eraser
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Tirtire
Gomma
Eraser
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tirtire
-ha: (magac, lab, keli) maro yar oo faraha iyo afka layska mariyo marka cuntada la cuno. Dh: afmaris, istaraasho, fara'tirtir, fara'tir.
tirtire-ha: (magac, lab, keli) tuwaalka dhulka lagu masaxo. Tirtirha aqalka soo iibi. Dh: tuwaal, dhul.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tirtire
bw: tuweel
de: brush; towel; anything used for wiping
initial: t
lx: tirtire
pd: (-ha)
ps: n7-m
syn: masaxad
key: tirtire
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tirtiran
La tirtiray; baabba'san.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tirtiran
der. [adjective] wiped, clean; erased; removed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tirtiran
(tilmaame) la tirtiray, la masaxay.
tirtiran: (tilmaame) xasuuqan, dad la laayey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tirtiran
de: wiped, clean; erased; removed
initial: t
lx: tirtiran
pd: (tirtirnaa)
ps: adj-der
key: tirtiran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tirtirid
(Tirtirid-da)
Wax qoran ama meel ku ba'ay baabbi'in.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tirtirid
vl. n. crossing out, erasing, liquidation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tirtirid
-da: (n) deletion (di-lii-shin); erasure ~ masaxid, tirtiris
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Tirtirid
Cancellatura
Cancellation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tirtirid
-da: (magac, dhedig, keli) wax meel maray baabi'in, masaxid. Dh: baabi'in.
tirtirid -da: (magac, dhedig, keli) wada layn, xasuuqid, xaaqid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tirtirid
de: crossing out, erasing, liquidation
initial: t
lx: tirtirid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: tirtirid
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tirtiris
-ta: (n) deletion (di-lii-shin); erasure ~ tirtirid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tirtirsi
-ga: (magac, lab, keli) dareen kicin iyo guubaabo. Dh: tirtirsiin.
tirtirsi-ga: (magac, lab, keli) qof arrin ku khasbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tirtirsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Ku t.: qof wax ku khasbid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tirtirsii
(fal) ku dirqi; ku shasab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tirtirsiimo
-da: (magac, dhedig, keli) wax sheeg iyo ficil lagu dhiirigeliyo qof. Dh: guubaabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciriiryoon
f.mg4 (-naa, -nayd) Meel, wax ciriiri ah ahaansho. la-mid: cariiryoon.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciriiryoon
(tilmaame) mid la cadhiidhiyay. Dh: cidhiidhyoon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Firfircoon
Baraarugsan; fahmeysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firfircoon
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof hawl iyo wixi lamida u dhiifoon ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
firfircoon
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof hawl iyo wixi lamida u dhiifoon ahaansho. m.f.dh, firfircoonaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
firfircoon
der. [adjective] active, alert (person)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
firfircoon
-aa: (adj) energetic (ener-jatik); active (aaktiv), dynamic, vigorous, lively. Ex: xubin firfircoon; an active member
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firfircoon
(tilmaame) fudfudud oo hawlkar gacan fudud ah. Dh: diirdiirran, baraarugsan, fahmaysan. Li: culus, caajis, qawac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
firfircoon
de: active, alert (person)
lx: firfircoon
pd: (firfircoonaa)
ps: adj-der
key: firfircoon
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiriiricoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Jiriirico dareemid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jiriiricoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Jiriirico dareemid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiriiricoo
(fal) huruurac yaryar ha kaa soo daato jidhka, naxdin ama farxad aawadeed.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Tirtirayya
essuyer, frotter.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tirtirsiin
m.f.dh eeg tirtirsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tirtirsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) tirtirsi ku samayn. Dh: khasbid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tirtirsiis
-ka: (magac, lab, keli) hadal dhiirrigelin iyo guubaabo ah. Tirtirsiisku ardayda wuu u fiican yahay. Dh: guubaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiriirfuro
f.mg3 (-rtay, -ratay) Ka x.: awr iyo wixi lamida wixii uu ku daba xirnaa ka furasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xiriirfuro
v. break loose from a caravan (of camel)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiriirfuro
(fal) furo oo wax aad ku xiriirsanayd ka hadh. Xiriirfuro haddaad socoka saluugto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xiriirfuro
de: break loose from a caravan (of camel)
initial: x
lx: xiriirfuro
nt: xiriirfurad (ka) [vn-m], xiriirfurasho (/da) [vn-f]
pd: (xiriirfurtay)
ps: v3b=intr
key: xiriirfuro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aftirtirasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg aftirad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biiroo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Wax biiri qabatay noqosho. Tusaale: “Cali waa biirooday”.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biiroo
(fal) «ku ~» ceel in badan dhoobnaa ama aasnaa dib u qodiddiisa ama dabool ka qaadiddiisa ku sumow. Raggii dhoobka ka qaaday laba nin baa ku biirootay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hirroo
hirroo! -da: (magac, dhedig. keli) eray lagu yidhaahdo qofka lagu orinayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirtoo
m.l eeg jir 2 (6).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mitroo
-ga: (magac, lab, keli) tareen aad u dheereeya oo dhulka hoostiisa mara oo magaalooyinka loogu kala qoosho. Mitroo ayaan baaris ka raacay Dh: roor, tareen. Wa: mirtooyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qiiroo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Qiiro dareemid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qiiroo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Qiiro dareemid. qiirood m.f.l eeg qiiroo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qiiroo
(fal) mid qiiraysan noqo. Dh: xamaasoo, ficiltan
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
ritiro
s.m. - qaadasho (da); dib u gurasho (da).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
tertio
tertio, adv. - saddexaad; tan saddexaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiftif
m.l (-fyo, m.dh) Nin ciidan ka tirsan oo dhar cad ah oo dadka dabagala; jaajuus.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tiftif
m.l (-fyo, m.dh) Nin ciidan ka tirsan oo dhar cad ah oo dadka dabagala; jaajuus.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tiftif
m. n. spy; detective
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tiftif
-ka: (n) 1. spy (ispaay); informer (in-foormar);; undercover agent ~ basaas, jaajuus 2. detective ~ dambi-baare
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiftif
-ka: (magac, lab, keli) sonkor, xulbad laysku daray oo khamiiray oo dumarka saarka tumanayaa ay cabbaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tiftif
de: spy; detective
initial: t
lx: tiftif
pd: (-ka)
ps: n2a-m
syn: jaajuus
key: tiftif
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
tiftif
جاسوس
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiirso
f.g/mg3 (-saday, -satay) 1. (f.g) Wax meel cuskasho. 2. (f.mg) Ku t.: wax ku santeecsasho. 3. (f.mg) Ku t.: kaalmo darteed cid ugu xirraansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tiirso
f.g/mg3 (-saday, -satay) 1. (f.g) Wax meel cuskasho. 2. (f.mg) Ku t.: wax ku santeecsasho. 3. (f.mg) Ku t.: kaalmo darteed cid ugu xirraansho. m.f.dh, tiirsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tiirso
v. lean, make something incline for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiirso
(fal) «ku meel cusko. Ku tiirso gidaarka.
tiirso: (fal) jiifka ka kacoo kor isu dhidib. Tiirso tiirsiga ayaa kuu wanaagsane.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tiirso
de: lean, make s.t. incline for oneself
initial: t
lx: tiirso
nt: tiirsasho (/da) [vn-f]
pd: (tiirsaday)
ps: v3a=tr
key: tiirso
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Timiro
name-f date-palm tree and/or its fruit; dates. Syn: Timir, Timirre
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Timiro
magac loo baxsho gabadh quruxdeeda aawadeed timirta lagu metaalay.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
tiroir
tiroir, n.m. - maqalka miiska ama armaajada
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bartiro
-da: (magac, dhedig, keli) wax is ku nooc ama hal jinsi ah, wax ka duwan oo ku soo biira.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cirifyo
Poles
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firirto
-da: (magac, dhedig, keli) eeg firidho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
istijoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Xubnaha saxarada iyo kaadidu ka timaaddo nadiifin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
istijoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Xubnaha saxarada iyo kaadidu ka timaaddo nadiifin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mitirso
f.g3 (-saday, -satay) Wax mitir ku cabbirasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sirsiro
-sirsirtay / sirsiratay: (v) influnce someone for someone's own advantage; take advantage of one's ignorance ~ sasabo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tariifo
-da: (magac, dhedig, keli) qiimaha shay joogo ee lagu dul qoro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tigtigo
f.g3 (-gtay, -gatay) Weel iyo wixi lamida xarig ku dhuujin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tigtigo
v. cinch something for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tigtigo
(fal) alaab si tigtigo ah u xidho; xidhxidho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tigtigo
de: cinch s.t. for oneself
initial: t
lx: tigtigo
pd: (tigtigtay)
ps: v3b=tr
key: tigtigo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tirigso
f.g3 (-saday, -satay) Xarig saddex dhudood ah soohasho. la-mid: tirjiso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Tiriigo
eeg Tiriig.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiririq
-da: (magac, dhedig, keli) wax yar oo meel ku jiray oo inta laga shubay oo aan xoog ku socone, aayar u shubmaaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tirjiso
f.g3 (-stay, -satay) la-mid: tirigso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tootiro
-da: (magac, dhedig, keli) qof nasiib aan lahayn oo had iyo jeer meesha uu joogo roobku aanu ka di'in.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xirxiro
v. pack (up)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xirxiro
de: pack (up)
initial: x
lx: xirxiro
pd: (xirxirtay)
ps: v3b=tr
key: xirxiro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciribgoo
f.g2 (-ooyay, -oysay) Wax jiritaankooda ama isticmaalkooda baabi'in.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciribgoo
(fal) cid kale, madhi oo dabargoo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dirtiris
m. n., [compound] genetics