tirocuf
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tirocuf
-ka: (magac, lab, keli) tirada wadarta borotoonnada iyo niyuutaroonada ee ku jira bu'da atam kasta.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tiro cuf
Mass Number
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tiro
(Tira-da)
1. Hab lagu garto, kolka mid mid loo soo qaado kaddib, inta inood oo wax ka kooban yahay ama uu gaaro.
2. Miraha ama faraha wax lee yihiin ama ka kooban yihiin.
3. Xisaab.
4. Lanbarro (1, 7, 10).
5. Boqol ari ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiro
tiro¹: m.dh (-ooyin, m.l) 1. Hab lagu garto kolka mid mid loo soo qaado kaddib, inta inood oo wax ka koobanyahay. 2. Ari ka kooban boqol (100) neef. 3. T. iyo tayo: caddad iyo qaayo.
tiro²: m.dh (-ooyin, m.l) 1. (xisaab) Summado loo adeegsado tirinta iyo cabbirid-da. Tirooyinka hadda guud ahaan la adeegsado waxa ay ku salaysanyihiin habdhis salkiisu yahay Hindi-Carab. 2. (xisaab) Tiro kasta oo ah maangal ama murakab waxa jiro noocyo badan oo tirooyin ah: (b) tirsiimo (abyoone togan) (t) tiro idil (j) abyooneyaasha (x) tiro lakab ah (kh) tiro lakab la'. 3. (naxwe) Koox naxweed oo waxqabadkeedu yahay in ay tilmaanto cadad dad, xayawaan iyo shay oo giddigooda ah tirsamayaal. Tusaale: “Kow, labo, qof”; tirada lidka isku ah waa keli iyo wadar (mid/dhawr).
tiro³: f.g3 (-rtay, -ratay) Wax meel ka ba'sasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tiro
tiro¹: m.dh (-ooyin, m.l) 1. Hab lagu garto kolka mid mid loo soo qaado kaddib, inta inood oo wax ka koobanyahay. 2. Ari ka kooban boqol (100) neef. 3. T. iyo tayo: caddad iyo qaayo.
tiro²: m.dh (-ooyin, m.l) 1. (xisaab) Summado loo adeegsado tirinta iyo cabbiridda.Tirooyinka hadda guud ahaan la adeegsado waxa ay ku salaysanyihiin habdhis salkiisu yahay Hindi-Carab. 2. (xisaab) Tiro kasta oo ah maangal ama murakab waxa jiro noocyo badan oo tirooyin ah: (b) tirsiimo (abyoone togan) (t) tiro idil (j) abyooneyaasha (x) tiro lakab ah (kh) tiro lakab la'. 3. (naxwe) Koox naxweed oo waxqabadkeedu yahay in ay tilmaanto cadad dad, xayawaan iyo shay oo giddigooda ah tirsamayaal. Tusaale: 'Kow, labo, qof'; tirada lidka isku ah waa keli iyo wadar (mid/dhawr). m.f.dh, tirasho.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tiro
Number
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tiro
f. n. number, quantity, sum, total; counting, calculation, mathematics; account
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tiro
-tirada: (n) numbers (nam-beris); quantity (kuwaan-tati) Ex: tiro iyo tayo baan u baahan nayhay; we need both quantity and quality
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
TIRO
Cifra
Figure
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Tiro
Quantità; importo
Quantity; amount
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
tiro
s.m. - jiidid(da); ridid(da).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiro
-da: (magac, dhedig, keli) hab lagu garto kolka midmid loo soo qaado kadib, inta inood oo wax ka kooban yahay ama uu gaadho.
tiro-da: (magac, dhedig, keli) 'xoolo' waa kadin ama boqol. Tiro adhi ah ayuu leeyahay isagu.
tiro-da: (magac, dhedig, keli) naanayso la xidhiidha cilmiga xisaabta oo leh laamo badan oo mid walba ay leedahay tabab iyo tubo loo maro si looga gaadho natiijo iyo jawaab lagu qanco sida:
- tiro dhaban: tirada uu ku jiro isirka 2 sida 4, 6, 8, 12, 64, 266.
- tiro idil: tirooyinka tirsiimo iyo eber.
- tiro kinsi: tirada u qaybsamin lambarka 2 sida: 3, 9, 25, 207,...
- tiro lakab: tirada loo qori karo qaabka jajabqumanaha; waxa ka mida 3/4, 3.25, 4.333...
- tiro mutuxo: tiro leh labo isir oon isle'ekay oo kala ah kow (1) iyo tirada nefteeda
- tiro taban: astirooyinka qaata summada (-) sida: -1, -2, -3.5, -3/4,...
- tiro togan: tiroyinka sida: 0, 1, 2, 2.5, -2.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tiro
cf: lambar ~ lanbar
de: number, quantity, sum, total; counting, calculation, mathematics; account
initial: t
lx: tiro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: tiro
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
tiro
عَدِيد، عَدَد، رَقم
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
troc
troc, n.m. - laba shay oo la iswaydaarsado
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
trou
trou, n.m. - dalool god
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tirci
f.g2 (-iyay, -isay) Nafley si tartiib ah u wadid. la-mid: turci.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiric
f.mg1 (-rcay, -ricday; -rci) Tartiib u socosho. la-mid: turuc.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiric
-a: (magac, lab, keli) diric; fariid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tirow
(fal) dheh hadal tiraab ah oo aan qaafiyad lahayn.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
circus
/serkas/ (n) 1. gole-ciyaareed (n) 2. cayaaro meerto ah, oo lugu soo ban-dhigo fardo-fuul, qaalmarogod iwm (n) 3. bar-kulan jidad badan ku kulmaan.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
crocus
/krowkas/ (n) sacfaraan (huruud).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tircid
m.f.dh eeg tirci. la-mid: turcid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tircin
m.f.dh eeg tirci. la-mid: turcin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tircis
-ka: (magac, lab, keli) socodka nirgaha marka ay dhashaan illaa ay dhawr maalmood ka gaadhayaan.
tircis -ta: (magac, dhedig, keli) gacanqabashada ilmo yar oo raadbarad ah.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
tireur
tireur, n.m. - qofka rasaasta rid
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
tiroir
tiroir, n.m. - maqalka miiska ama armaajada
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
pirogue
pirogue, n.f. - huuri.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
pirogue
n., huri, -gi.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Sirocco
Sirooko
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Tiro-da
calcul.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tiro buux
f. n. even number
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tiro_buux
de: even number Opp: kisi
initial: t
lx: tiro buux
pd: (-da)
ps: np-f
syn: dhaban
key: tiro_buux