tiro maangal ah
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tiro maangal ah
Real number
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiro maangal
m.dh (xisaab) Summad R: urur ka kooban dhammaan tirooyinka lakab ah iyo kuwa lakabka la'.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiro lakab
m.dh (xisaab) Tiro maangal ah oo loo qori karo abyoone ahaan ama qaybta laba abyone. Tusaale ahaan, 1, 7, 540, 1/2 iyo 3/4 waa tirooyin lakab ah. (Barbardhig tiro lakab la').
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tirooyinka lakab la'
m.l (xisaab) Tiro maangal ah oo aan loo qori karin abyoone ahaan ama aan loo qori karin qaybta la'aa abyoone. Tirooyinka lakabka la' waa akoobane, jajab tobanle aan soo noqnoqon.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qiimaha sugan ee leeb
m.l (xisaab) Dhererka leebka iyadoo aan la tixgelin jihada leebka. Qiimaha sugan ee lebka xi+yi+zk waa xidid labajibbaarka wadarta labajibbaarka xubnihiisa, taas oo ah, jihada leebka. Qiimaha sugan ee leebka xi+yj+zk waa xidid labajibbaarka wadarta labajibaarka xubnihiisa, taas oo ah, /xi+yi+zk/ = √(x²+y²+z²)
qiimaha sugan ee tiro maangal ah m.l (xisaab) Tiro togan oo laxaadkeedu la mid yahay tiro la isa siiyey. Summadda qiimaha sugan ee tirada A waxaa loo qoraa A. Qiimaha sugan ee tirada 6 waa 6, qiimaha sugan ee -6 waa 6
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tiro-lakab
m.dh (xisaab) Tiro maangal ah oo loo qori karo abyoone ahaan ama qaybta laba abyone. Tusaale ahaan, 1, 7, 540, 1/2 iyo 3/4 waa tirooyin lakab ah. (Barbardhig tiro lakab la').
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tirooyinka lakab la'
m.l (xisaab) Tiro maangal ah oo aan loo qori karin abyoone ahaan ama aan loo qori karin qaybta la'aa abyoone. Tirooyinka lakabka la' waa akoobane, jajab tobanle aan soo noqnoqon.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Absolute value of a real number
Qiimaha sugan ee tiro maangal ah.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Real number
Tiro maangal ah
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tiro-maangal
m.dh (xisaab) Summad R: urur ka kooban dhammaan tirooyinka lakab ah iyo kuwa lakabka la'.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhidib maangal ah
Real axis
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tiro dhaban ah
Even number
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tiro hodan ah
Abundant number
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tiiro taagan
Scarp
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tiro kisi ah
Odd number
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiro murakab
m.dh (xisaab) Tiro leh sansaanka a + ib, taas oo a iyo b ay yihiin tirooyin maangal ah oo i=V-1 (ama i2=-1) a waxa la yiraahdaa qaybta maangalka ah, ib-na qaybta khayaaliga ah.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tiro murakab
Complex number
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tilmaansanaan
m.dh la-mid: tilmaamnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tilmaansanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la tilmaamay ahaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tiro dhaafdad
Over population
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiro Afogaadro
m.dh (kiimika) Tirada atamada ama molikuyuulada ee ku jira hal mool oo walax ah. Qiimaheeduna waa 6.022 x 10 ; waxa hore loo oran jiray tirada Afogaadaro, waxaana lagu asteeyaa summadda NA ama L.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tiro Afogaadro
m.dh (kiim.) Tirada atamada ama molikuyuulada ee ku jira hal mool oo walax ah. Qiimaheeduna waa 6.022 x 10 ; waxa hore loo oran jiray tirada Afogaadaro, waxaana lagu asteeyaa summadda NA ama L.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Tubo Bangalore
Dhuumaha
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sida caadiga ah
(adv) usually (yuush-wali); habitually (habij-wali); as usual; often (o-fan) ~ badanaa