tiro dhafan
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tiro dhafan
Mixed number
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiro dhaban
m.dh (xisaab) Abyoone haraa la'aan u qaybsama tirada laba; ama waa tiro idil oo aan ahayn kisi. Tusaale ahaan 6, 14 ama 24 waa tirooyin dhaban ah, waayo, 2 haraa la'aan bay qaybisaa tirooyinkaasi.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tiro dhiman
Defective (deficient) number
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tiro dhiman
n. phr. odd number
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tiro-dhaban
m.dh (xisaab) Abyoone haraa la'aan u qaybsama tirada laba; ama waa tiro idil oo aan ahayn kisi. Tusaale ahaan 6, 14 ama 24 waa tirooyin dhaban ah, waayo, 2 haraa la'aan bay qaybisaa tirooyinkaasi.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Mixed number
Tiro dhafan
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tiro dhaafdad
Over population
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tiro_dhiman
de: odd number
initial: t
lx: tiro dhiman
ps: np
key: tiro_dhiman
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tiro dhaban ah
Even number
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tiiro taagan
Scarp
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiradhaaf
m.l.kh T. ah: wax xadkii tiradooda dhaafay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tiradhaaf
m.l.kh T. ah: wax xadkii tiradooda dhaafay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tiradhaaf
m. n., [abstract] infinity
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiradhaaf
-ka: (magac, lab, keli) dad ama wax kale oo intii la rabay ka batay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tiradhaaf
de: infinity
initial: t
lx: tiradhaaf
pd: (-ka)
ps: n0-m-abs
key: tiradhaaf
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tiro atam
n. phr. atomic number {physics}
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
timo badan
(adj) hairy (heeri) ~ duf leh
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiro lakab
m.dh (xisaab) Tiro maangal ah oo loo qori karo abyoone ahaan ama qaybta laba abyone. Tusaale ahaan, 1, 7, 540, 1/2 iyo 3/4 waa tirooyin lakab ah. (Barbardhig tiro lakab la').
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tiro sugan
Number, absolute
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tiro togan
Positive number
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isku dhafan
adj., [expression] mixed; joined together, tied
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Koox dhafan
Group, composite
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
difaac dhafan
coabined defence
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiro-dhalasho
m.dh Lambarka dhallaanka nool oo sannad gudihiis dhasha 1000 kii naagood da'doodu u dhexeysa (15-44) sano da'da dhalidda.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Afeef dhafan
Hypothesis, composite
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiro maangal
m.dh (xisaab) Summad R: urur ka kooban dhammaan tirooyinka lakab ah iyo kuwa lakabka la'.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiro murakab
m.dh (xisaab) Tiro leh sansaanka a + ib, taas oo a iyo b ay yihiin tirooyin maangal ah oo i=V-1 (ama i2=-1) a waxa la yiraahdaa qaybta maangalka ah, ib-na qaybta khayaaliga ah.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tiro murakab
Complex number
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tiro mutuxan
(n) [Mathematics] a prime number; 5, 3,7...
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tobanle dhafan
Mixed decimal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bildhaan
(fal) sheedda ka muuqo. Dh: bidhaan.
bildhaan -ta: (magac, dhedig, keli) wax sheedda ka muuqda. Dh: bidhaan.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Birdhaab
Birta isku dhaabta daabka iyo dhiliska maaraanka, soofaha iwm.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Firdhaad
(Firdhaad-ka)
Wax weyn oo qaraxday ama col jabay, kd.. waxa ka soo go'a ama ka soo yaaca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firdhaad
m.l 1. Wax weyn oo qarxaday ama col jabay, waxa ka soo go'a ama ka soo yaaca. 2. Dad ama xoolo kala yaacid. la-mid: firdhad (1).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
firdhaad
m.l 1. Wax weyn oo qarxaday ama col jabay, waxa ka soo go'a ama ka soo yaaca. 2. Dad ama xoolo kala yaacid. la-mid: firdhad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
firdhaad
m. n. fragment; splinter-group; debris
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firdhaad
-ka: (magac, lab, keli) wax weyn oo qarxay ama col jabay iyo wixii la mid ah, waxa ka soo go'a ama firdha ama ka soo yaaca. Dh: firdhad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
firdhaad
de: fragment; splinter-group; debris
lx: firdhaad
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: firdhaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hordhaan
m.l Neefka xoolaha ugu horreeya marka ay soconayaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hordhaan
-ka: (magac, lab, keli) neefka xoolaha ugu horreeya marka ay soconayaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
il daran
adj., idiom: in bad shape
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mildhaan
-ta: (magac, dhedig, keli) muuqaal aan kala caddayn oo meel dheer ka muuqata. Dh: bildhaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Rooshaan
Aggregate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rooshaan
-ta: (magac, dhedig, keli) laan keliya oo midho urursan oo badani ka lushaan. Dh: rucub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tardhaaf
m.l.kh T. ah: xad-dhaaf.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tardhaaf
m. n., [compound] exaggeration
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tardhaaf
-ka: (magac, lab, keli) wax xadkii iyo qiyaastii loogu talagalay ka gudbid. Dh: dardhaaf.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tardhaaf
cf: xaddhaaf
de: exaggeration
initial: t
lx: tardhaaf
pd: (-ka)
ps: n-m-cmp
key: tardhaaf
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tardhayn
-ta: (magac, dhedig, keli) socod wax badan raadkii ay sameeyeen. Dh: hobshaynta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tiritaan
vl. n. cancellation, erasure
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiritaan
-ka: (magac, lab, keli) masixitaanka; bi'itaanka wax la tirtiro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tiritaan
de: cancellation, erasure
initial: t
lx: tiritaan
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: tiritaan
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tiro cuf
Mass Number
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tiro yar
n. phr. small number; minority
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Biyo dhac
Waterfall
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Eridhaban
(Eridhaban-ka)
Insaarax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eridhaban
m.l.u Hal dhashay oo ilmihii laga reebay. la-mid: eeridhaban.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
eridhaban
m. n., [collective] mother animal's call to its young
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
eridhaban
-ka: (n) animal's cry to its young, especially camel ~ olol
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eridhaban
-ta: (magac, lab, keli) eeg ayrodhaban.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
eridhaban
de: mother animal's call to its young
lx: eridhaban
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
key: eridhaban
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firdhisan
f.mg4 (-snaa, -sanyd) la-mid: firirsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
firdhisan
der. [adjective] dispersed, scattered, spread about
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
firdhisan
-aa: (adj) scattered (iskaa-teridh); disbanded, demobilized ~ firirsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firdhisan
(tilmaame) wax ka kala firdhay ah; kala yaacsan; kala baxsan.
firdhisan -ka: (magac, lab, keli) cilmi ahaan, kala baaha ku dhaca kolka ay fallaadhuhu dul ku dhacaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
firdhisan
a: firirsan
de: dispersed, scattered, spread about
lx: firdhisan
pd: (firdhisnaa)
ps: adj-der
key: firdhisan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
irdhaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax dhalliilo hayso ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
irdhaysan
der. [adjective] alarmed, wary; in a state of alarm
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
irdhaysan
-aa: (adj) troubled; feeling uneasy or concerned about something; worried (weeridh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
irdhaysan
(tilmaame) mid cabsi iyo shaki qaba.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
irdhaysan
de: alarmed, wary; in a state of alarm
lx: irdhaysan
pd: (irdhaysnaa)
ps: adj-der
key: irdhaysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
orodyahan
-ka: (magac, lab, keli) eeg ordaa.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Rar dhaaf
Over burden
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sardhaban
m.l S. ah: cudur halis ah oo Ilaahay nafleyda u fududeeyey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siradnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) iftiisanaan oo shidnaan. Dh: iftiinsanaan. Li: madowbaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tirabadan
Comp. adj., (ie. n., adj.): numerous, many
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tirabadan
-tirabadnaa: (adj) too much (tuu maj), very much, many (mani); a great quantity ~ farabadan
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tirabadan
de: numerous, many
initial: t
lx: tirabadan
pd: (tirabadnaa)
ps: adj-cmp
syn: farabadan
key: tirabadan
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tiro_atam
de: atomic number {physics}
initial: t
lx: tiro atam
ps: np
key: tiro_atam
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tirsanaan
m.f.dh eeg tirsan. la-mid: tirsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tirsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la ogaaday intay yihiin ahaan. Tirsanaan ayaan ku ogaa. tirsanaansho -ha: (magac, lab, keli) wax la ogaaday tiradooda ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xerodhaaf
xerodhaaf¹: m.l Neef xeradiisa ka taga oo habeenkii xero kale ku hoyda.
xerodhaaf²: f.g1 (-fay, -ftay) Neef xeradiisa mooyaane xero kale ku hoyasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aan dhalan
(adj) unborn (an boon). Ex: ilma aan dhalan; an unborn child
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ayradhaban
-ka: (magac, lab, keli) hasha ramadka ah ee ilmeheeda reerka lagaga reebo. Dh: eeridhaban.
ayradhaban -ka: (magac, lab, keli) hasha aadka u wanaagsan ee caanaha badan leh, kolka ay irmaan tahay.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Bar dharab
Dew point
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caradhaban
(Caradhaban-ka)
Nabar oogada ku dhaca, oo dhaawaca, xanuunkiisa hore; xanfaf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caradhaban
m.l Xanuun hanfaf leh oo oogada laga dareemo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caradhaban
m. n., [collective] sharp pain
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caradhaban
-ka: (magac, lab, keli) nabar oogada ku dhacay oo dhaawacay, xanuunkiisa hore. Dh: xanaf, xanfaf, hanfaf, caaradhaban.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caradhaban
de: sharp pain
lx: caradhaban
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
key: caradhaban
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cilladhaan
m.dh la-mid: qayladhaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eeridhaban
m.l.u la-mid: eridhaban.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eeridhaban
-ta: (magac, dhedig, keli) geela, hasha dhowaan dhashay ee neefkeegii laga reebo. Dh: ramad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faradhaqan
f.mg4 (-qnaa, -qnayd) la-mid: faraxalan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firdhanaan
m.f.dh eeg firdhan. la-mid: firdhanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firdhanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) kala daadsanaanta iyo kala baahsanaanta waxyaabo urursanaa.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Hir gaaban
Short Wave
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Jiho taban
Negative direction
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sinjidhaan
(Sinjidhaan-ka)
Kan xumaada oo sinjiga ka leexda oo foolxumo iyo ceebaal u soo jiida.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sinjidhaan
m.l (-ammo/-nyo, m.dh) 1. Qof aan lahayn wanaaggii lagu yiqiin dadkii uu ka dhashay. 2. Qof xun.