tirbiico
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tirbiico
-da: (magac, dhedig, keli) qalqallooca luguhu yeeshaan ee kubabkuna dib u ceshamaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tarbiico
m.dh Iin dadku lugaha ku yeeshaan oo jilbuhu dib u riixmaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tarbiico
-da: (magac, dhedig, keli) qaabxumo lugaha gasha oo qofku socodkiisu aanuu qurux badnaanayn. Dh: dalboha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tarbiicso
f.mg3 (-saday, -satay) 1. Si tarbiico leh isu taagid. 2. Derbi in yar isku tiirin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tarbiicso
(fal) dalbo yeelo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Tiriigo
eeg Tiriig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tirsiimo
m.l.u (-ooyin, m.l) Abyooneyaasha togan ee 1 ,2 ,3... ayaa lagu magacaabaa tirooyinka tirsiimo, waxa kale oo la yiraahdaa tirooyinka wax lagu tirsado ama abyooneyaasha togan (eeg abyoone).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tirsiimo
m.l.u (-ooyin, m.l) (xisaab) Abyooneyaasha togan ee 1 ,2 ,3... ayaa lagu magacaabaa tirooyinka tirsiimo, waxa kale oo la yiraahdaa tirooyinka wax lagu tirsado ama abyooneyaasha togan (eeg abyoone).
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tirsiimo
Natural numbers
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tirsiimo
-da: (magac, dhedig, keli) tirada wax lagu tirsado ka hor ilbaxa sayniska waana 1, 2, 3, 4...
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiriirico
(Jiriirica-da)
Firiiric yaryar oo daldaloollada oogada ka soo yaaca, kolka dhaxan la dareemo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiriirico
m.dh Firiiric yaryar oo daldaloollada oogada ka soo yaaca kolka dhaxan iyo wixi lamida la dareemo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jiriirico
m.dh Firiiric yaryar oo daldaloollada oogada ka soo yaaca kolka dhaxan iyo wixi lamida la dareemo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jiriirico
f. n., [collective] gooseflesh, goosebump, goose-pimple
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jiriirico
-jiriiricada: (n) goose pimples (guus bamp); goose pimples (guus pim-pal); gooseflesh (guus faleesh); prickle (pirikal) ~ qabandhaco
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiriirico
-da: (magac, dhedig, keli) huruurac ka soo data jidhka sare markay naftu naxdo ama faraxdo, Dh: jidhiidhaco.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jiriirico
de: gooseflesh, goosebump, goose-pimple
lx: jiriirico
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: jiriirico
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiico
m.dh Jaad ama nooc geedaha ka mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tirbi
(Tirbi-da)
Qaafada wax lee yihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tirbi
m.dh Asluub.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tirbi
f. n. important person, outstanding animal ~ thing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tirbi
-da: (magac, dhedig, keli) qaafada wax leeyihiin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tirbi
cf: qaafo
de: important person, outstanding animal ~ thing
initial: t
lx: tirbi
pd: (-da)
ps: n-f
key: tirbi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiric
f.mg1 (-rcay, -ricday; -rci) Tartiib u socosho. la-mid: turuc.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiric
-a: (magac, lab, keli) diric; fariid.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
tipico
agg. u gaar ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tiriig
(Tiriig-ga)
1. Iftiinka nalka.
2. Koronto, jac, danab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiriig
m.l (-gyo, m.l) 1. Koronto. 2. Siraad gaas lagu shubo oo la neefiyo oo iftiin xoog badan bixiyo. 3. T. ah: xarig saddex dhudood ah oo isku soohan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tiriig
m.l (-gyo, m.l) 1. Koronto. 2. Siraad gaas lagu shubo oo la neefiyo oo iftiin xoog badan bixiyo. 3. T. ah: xarig saddex dhudood ah oo isku soohan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tiriig
m. n. electric light, torch
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Tiriig
name-f electric light, torch; lit: sultry beauty
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Tiriig
magac loo baxsho gabadh iftiin looga magac dhigay qurux awgeed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiriig
-ga: (magac, lab, keli) iftiinka iyo kaaha ka baxa meel.
tiriig-ga: (magac, lab, keli) nalka korontada ku shaqeeya. Tiriiga gubtay ka saar aqalka.
tiriig-ga: (magac, lab, keli) qalab iftiin leh oo gur yaha lagu siraado wuxuu leeyahay meel gaaska lagaga shubo iyo dubaalad cad oo aad u iftiinta marka la shido. Dh: maashoo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tiriig
cf: iftiin; nal
de: electric light, torch
initial: t
lx: tiriig
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: tiriig
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiriis
-ka: (magac, lab, keli) eeg teeris.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
ironico
agg. - kajin leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiriido
m.dh Shay raandhiis leh oo loo aayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiriido
-da: (magac, dhedig, keli) hodantinimo iyo dhaqaale.
jiriido -da: (magac, dhedig, keli) Shay raandhiis leh oo loo aayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tabiino
(Tabiina-da)
Waxtar, af iyo addin mid kasta ha ahaatee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabiino
m.dh Wax tar hiil iyo hooba leh. la-mid: tamiino, tammiin, tammiino.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tabiino
f. n. support (by word ~ deed), assistance
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabiino
-da: (magac, dhedig, keli) waxtar, af iyo addin mid kasta ha ahaatee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tabiino
a: tammiin
de: support (by word ~ deed), assistance
initial: t
lx: tabiino
pd: (/da)
ps: n6-f
key: tabiino
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tarbiyo
m.dh Asluub fiican. la-mid: tarbiyad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tarbiyo
m.dh Asluub fiican. la-mid: tarbiyad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tarbiyo
-da: (magac, dhedig, keli) rabbaynta iyo laylyidda noole garaad leh. Dh: tarbiyad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tariifo
-da: (magac, dhedig, keli) qiimaha shay joogo ee lagu dul qoro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tirigso
f.g3 (-saday, -satay) Xarig saddex dhudood ah soohasho. la-mid: tirjiso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tirjiso
f.g3 (-stay, -satay) la-mid: tirigso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tirniin
m.l la-mid: tirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tirniin
-ka: (magac, lab, keli) wax meel ku sugan ama ku ba'ay ka wada baabbi'in; dirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tirsiis
(Tirsiis-ta)
Cilmiga ku saabsan waxyaalaha bulshada gudeheeda ka dhaca had iyo goor, iyo habka loo tirsho; ~ tirakoob.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tirsiis
m.dh (-syo, m.dh) Xoolaha inteeda dheddig ee xilliga rimi karta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tirsiis
f. n. census, socio-statistics
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tirsiis
-ta: (magac, dhedig, keli) cilmiga ku saabsan waxyaalaha bulshada gudeheeda ka dhaca had iyo goor iyo habka loo tirsho. Dh: tirakoob.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tirsiis
cf: tirakoob; istaatistiko
de: census, socio-statistics
initial: t
lx: tirsiis
pd: (-ta)
ps: n-f
key: tirsiis
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
tórbido
agg. - qasan, calawsan (dareere).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
tràgico
agg. - naxdin leh.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
tròpico
s.m. - kulaale.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
WIRIIQO
(Wirigo) C Tephrosia pumila (Lam.) Pers. Papilionaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabbiino
-da: (magac, dhedig, keli) waxtar af iyo addin midkuu doono ha noqdee. Nin tabbiino loo guray maanta yaanu noo talin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tirtirfo
-da: (magac, dhedig, keli) qaab farxadda loo muujiyo oo ah ciyaar kor la isku qaadqaado oo la boodbood kolka aroos, nin madax ah ama wax kale loo dabbaaldegayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
turniimo
m.dh la-mid: turaal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
turniimo
-da: (magac, dhedig, keli) turriinsho; tudhaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Turriimo
(Turriima-da)
Wax dhib ama waxyeello cid u keeni kara, oo jacayl ama kalgacal loo qabo darteed looga daayo, looga ilaaliyo, looga dhawro; turaal; turriin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
turriimo
f. n. leniency, clemency, indulgence; protection, care
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
turriimo
-da: (magac, dhedig, keli) wax dhib ama waxyeello cid u keeni kara, oo jacayl ama kalgacayl loo qabo darteed looga tudho, looga daayo, loo dhawro. Dh: tudhaal, turriin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
turriimo
a: turniimo
cf: turniin
de: leniency, clemency, indulgence; [ext.] protection, care
initial: t
lx: turriimo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: turriimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abtirsiimo
m.dh la-mid: abtirsiinyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abtirsiimo
-da: (magac, dhedig, keli) taxanaha magacda dad nasab ahaan isku dhalay oo la garanayo. Abtirsiimadaydiyo, asalkaan ku dhaati na, waa Aadan iyo Nuux. Dh: abtirsiino, abtirsiinyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abtirsiino
(Abtirsiina-da)
Abtiris (ama abtirsiimo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abtirsiino
m.dh la-mid: abtirsiinyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abtirsiino
m.dh la-mid: abtirsiinyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abtirsiino
vl. n. genealogy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abtirsiino
-da: (magac, dhedig, keli) taxanaha magacda adawyaasha lagu arooro. Dh: abtirsiimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abtirsiino
de: genealogy
lx: abtirsiino
pd: (/da)
ps: vn7-m
key: abtirsiino
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiriiricoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Jiriirico dareemid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jiriiricoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Jiriirico dareemid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiriiricoo
(fal) huruurac yaryar ha kaa soo daato jidhka, naxdin ama farxad aawadeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Birdhicyo
(Birdhicya-da)
Dhibco yaryar oo badan; baraashirix; baro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birdhicyo
-da: (magac, dhedig, keli) caarcaar yaryar oo dhibco ah. Shabeel birdhicyo leh ayaa adhiga soo weeraray. Dh: baro, caartiif, baraashirix.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
diurètico
agg. e s.m. - kaadi badiye.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
giuridico
agg. - xuquuqda ku saabsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miliilico
f.g3 (-cday, -catay) Wax ay laabtu u bogtay eegitaankooda isha la sii raacid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
miliilico
f.g3 (-cday, -catay) Wax ay laabtu u bogtay eegitaankooda isha la sii raacid. m.f.dh, miliilicasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sinbiidho
(fal) dhinac dhinac u dhac; si dadban dhulka ugu dhacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sirbixiye
-ha: (magac, lab, keli) ninka go'aannada cidi gaadhay ama xog intaan si rasmi ah loo shaacin sii sheegsheega ee wixii qarsoonaa bixiya. Sirbixiye faqaaga waa laga qariyaa. Dh: wardhiq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tartiibso
(fal) qunyarso, aayarso. Tartiibso oo xasilooni wax u wad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tirtirfoo
(fal) ciyaar oo farxad muuji adiga oo kor u boodboodaya.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
turbidité
turbidité, n.f. - walcinta biyaha ama laaqintooda
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
turistico
agg. - la xiriira dalxiis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abtirsiinyo
m.dh Aqoonta ku saabsan awoowayaashii hore magacyadooda iyo siday isu xigeen; abnaq. la-mid: abtiris, abtirsi, abtirsiimo, abtirsiino.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abtirsiinyo
m.dh Aqoonta ku saabsan awoowayaashii hore magacyadooda iyo siday isu xigeen; abnaq. la-mid: abtiris, abtirsi, abtirsiimo, abtirsiino.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
abtirsiinyo
-abtirsiinyaha: (n) genealogy (jiniyoolaji); lineage (liineeyj) ~ family tree; pedigree (pedigrii) ~ abtris, tafiir, abtirsi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abtirsiinyo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg abtirsiimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiriiricood
(Jiriiricood-ka)
Jiriirico qabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiriiricood
m.f.l eeg jiriiricoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jiriiricood
m.f.l eeg jiriiricoo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jiriiricood
v.pat: get goosebumps ~ gooseflesh
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jiriiricood
-aytay / een / nay: (v) feel pricking sensation; prickle (pirikal); feel gooseflesh