tiqraarid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tiqraarid
(Tiqraarid-da)
Tiqraar dhexgelin, ku kala celin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiqraarid
m.f.dh eeg tiqraar². la-mid: taqraarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiqraarid
-da: (magac, dhedig, keli) tiqraar dhexgelin; ku kala celin. Tiqraarida ka daa afka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taqraarid
m.dh la-mid: tiqraarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taqraarid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la kala jeexay, labadiisa dhinac kala durkin. Dh: tiqraarid. taqraarnaan -ta: (magac, dhedig, keli) wax la taqraaray ahaan; tiqraarnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tikhraarid
-da: (magac, dhedig, keli) tikhraar dhexgelin, ku kala celin, ku taqraarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tiqraar
(Tiqraar-ka)
Meel la jeexay ama la furay oo la kala durkiyey wax la dhexgeliyo (qori ama wax la mid ah) oo docaha kala celiya oo u diida inay isku soo noqdaan oo is qabsadaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiqraar
tiqraar¹: m.l (-rro, m.dh) Shay adag oo la kala dhexgeliyo laba wax si ayan isu qabsan. la-mid: taqraar¹.
tiqraar²: f.g1 (-ray, rtay) Shay adag laba wax kala dhex gelin si ayan isu qabsan. la-mid: taqraar².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tiqraar
m. n. wedge
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tiqraar
-ay/tay: (v) [withproposition ku] wedge apart (weej a-paarf); drive a wedge into ~ ku tiqraar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiqraar
-ka: (magac, lab, keli) eeg takhraar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tiqraar
de: wedge
initial: t
lx: tiqraar
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: tiqraar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taraarid
(Taraarid-da)
Xoog ku dhexmarid; jibaaxid; dardarid; abraarid; jiirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taraarid
m.f.dh eeg taraar². la-mid: taraar¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taraarid
-da: (magac, dhedig, keli) xoog ku dhexmarid. Dh: jibaaxid, dardarid, abraarid, jiidhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tiraabid
(Tiraabid-da)
Tiraab afka ka soo saarid; hadal yar ku hadlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiraabid
m.f.dh eeg tiraab³. la-mid: tiraab¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiraabid
-da: (magac, dhedig, keli) tiraab afka ka soo saarid; hadal yar ku hadlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Liqdaarid
(Liqdaarid-da)
Wax liqdaaran ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liqdaarid
m.f.dh eeg liqdaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liqdaarid
-da: (magac, dhedig, keli) wax toosan meel ku tigtigid oo ku xajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tiqraaran
La tiqraaray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiqraaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la tiqraaray ahaansho. la-mid: taqraarqan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tiqraaran
der. [adjective] wedged, separated by a wedge
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiqraaran
(tilmaame) wax la tiqraaray ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tiqraaran
de: wedged, separated by a wedge
initial: t
lx: tiqraaran
pd: (tiqraarnaa)
ps: adj-der
key: tiqraaran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tixraacid
m.f.dh eeg tixraac². la-mid: tixraac¹.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tixraacid
-da: (n) the act of refering to; quoting (ku-wooting)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tixraacid
-da: (magac, dhedig, keli) wax hore loo yidhi ama loo qoray, dabaggelid. Dh: tixraacis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiiraarid
m.f.dh eeg shiiraar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
takhraarid
-da: (magac, dhedig, keli) wax labo qalbac ah; wax kala dhexgelin, ku kala qabad. Marka latakhraaro yaxaaska afkiisa waa lagu dhexdhici karaa. Dh: liqdaarida, tikhraarida.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tikhraaris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg tikhraarida.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaarid
m.f.dh eeg qaar³. la-mid: qaaris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaarid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qaadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raarid
(Raarid-da)
Raar ka kor dhisid,
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raarid
raarid¹: m.f.dh eeg raar³.
raarid²: f.g1 (-day, -dday) 1. Ka r.: wax meel sare ka soo daaddejin. 2. Ka r.: cid wax fahansiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
raarid
f.g1 (-day, -dday) 1. Ka r.: wax meel sare ka soo daaddejin. 2. Ka r.: cid wax fahansiin. m.f.dh, raaridid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raarid
-da: (magac, dhedig, keli) meel sare isku dul rasayn; raar dul dhigid. Raaridda kartoonnada qof u dir. Dh: laalid, raaris.
raarid -da: (magac, dhedig, keli) afaaf furan galwo ama qoryo ku oodid iyada oo la is dul dhigdhigayo. Dh: qalwayn, raaris.
raarid -da: (magac, dhedig, keli) meel sare korid: taag isku taarid. Is raaridda bisadaha waa lagu yaqaannaa.
raarid -da: (magac, dhedig, keli) raar ka duldissid; ka dul samayn.
raarid -da: (magac, dhedig, keli) aad u buuxin oo xammuul siyaado ah saarid, Raaridda badan baabuurtu way ku rogmataa. Dh: rasayn.
raarid -ka: (magac, lab, keli) cid kale wax fahansiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taarid
(Taarid-da)
Meel dheer ama sare wax soo surid, ka soo laallaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taarid
m.f.dh eeg taar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taarid
-da: (magac, dhedig, keli) meel kore soo sudhid, ka soo laadlaadin. Taarida alaabta dedeji gaadhigu wuu baxayaaye. Dh: taaris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firaari
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: feeraari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ijaarid
(Ijaarid-da)
Aqal, kd. ijaaro ka qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ijaarid
m.f.dh eeg ijaar².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iraahid
(Iraahid-da)
1. Hadal ku tiraabid; hadlid; dhihid.
2. Sharqan ka soo saarid, ka keenid, ka yeersiin (sida dhegihii baa qam i yiri; xabbaddii baa jug tiri; ...).
3. Doonid; damcid; maagid; falid; yeelid (sida kolkaan hinqo iri...).
4. Lahaan; sida: maxaad leedahay? = maxaad sheegeysaa? Maxaad ku hadlaysaa?
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iraahid
vl. n. act of saying
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iraahid
de: act of saying
lx: iraahid
pd: (-da)
ps: vn2a-f
key: iraahid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iraarad
iraarad¹: m.l Afaaf.
iraarad²: f.g1 (-day, -dday) Guri, xero iyo wixi lamida irriddiisa xirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iraarad
-da: (magac, dhedig, keli) guri, xero iyo wixii la mid ah, irriddiisa xirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taqraar
taqraar¹: m.l (-rro, m.dh) la-mid: tiqraar¹.
taqraar²: f.g1 (-ray, -rtay) la-mid: tiqraar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taqraar
-ka: (magac, lab, keli) meel la jeexay ama la furay oo la kala durkiyey wax la dhexgeliyo, oo labada doc kala celiya. Dh: tiqraar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taraari
(fal) meel godan oo dhulka ah kusii daa si uu isku rogrogo ama u taraaro. Dh: giraangiri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tigraar
-ka: (magac, lab, keli) meel la jeexay ama la furay oo la kala durkiyey wax la dhexgaliyo qori ama wax la mid ah oo docaha kala celiya oo u diida in ay isku soo noqdaan oo isqabsadaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tikraar
Intercept
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Tikraar
Gacanqabsi dhexroor ah sida kan birqalaca, leoxqallaca, baarinleyda iwm.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abraarid
(Abraarid-da)
Jibaaxid; majiirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abraarid
m.f.dh eeg abraar². la-mid: abraar¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abraarid
-da: (magac, dhedig, keli) bootin fiirsasho la'aan ah. Dh: jibaaxid, majiirid.
abraarid -da: (magac, dhedig, keli) gelitaanka safar aan soo laabasho lahayn. Dadkii hore abraarid ayey geli jireen. Dh: hayaamid. Li: negaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraarid
m.f.dh eeg baraar⁴.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraarid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg badhaadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciqaabid
(Ciqaabid-da)
Eedsiin; ka goyn; kajeebid; yakayn; ganaaxid; khasirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciqaabid
m.f.dh eeg ciqaab².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciqaabid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale oo gaboodfal samaysay, ka goyn ama ganaaxid. Dh: ganaaxid, khasiraad, garraaxid, ciqaabis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciyaarid
m.dh la-mid: cayaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciyaarid
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar ka qaybgelid. Dh: dheelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curaarid
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo carbuunid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firaarin
m.dh la-mid: feeraarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firaaris
m.l la-mid: feeraarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
icraabid
m.f.dh eeg icraab². la-mid: icraabin, icraabis¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ijbaarid
m.f.dh eeg ijbaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ijbaarid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg ijbaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Inkaarid
(Inkaarid-da)
Habaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
inkaarid
m.f.dh eeg inkaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
inkaarid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, karaahi ku ridid, habaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ishaarid
(Ishaarid-da)
Baaqid; far ku fiiqid; astayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ishaarid
m.f.dh eeg ishaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
israacid
-da: (magac, dhedig, keli) wada socosho oo jid wada marid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jikaarid
(Jikaarid-da)
Diidmo iyo asaraar ka horkeenid; jactadid; murmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jikaarid
m.f.dh eeg jikaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jikaarid
-da: (magac, dhedig, keli) talo la soo jeediyay, si ula kac ah u diidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karaarid
m.f.dh eeg karaar³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karaarid
-da: (magac, dhedig, keli) xawli ku socod.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Midaarid
(Midaarid-da)
Baaq midaar ah, ku baaqid, cid wax ku barid, ku hadlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
midaarid
m.f.dh eeg midaar².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miraafid
(Miraafid-da)
Socod aan toos ahayn socsosho; warwareegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miraafid
m.f.dh eeg miraaf². la-mid: miraaf¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miraafid
-da: (magac, dhedig, keli) socsocossho Wiilkii yaraa saacaddaa ayuu miraafid ku magan yahay. Dh: warwareegid, miraafis, dinaafid. Li: barraahid, dhacadiidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaraarid
m.f.dh eeg qaraar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaraarid
-da: (magac, dhedig, keli) iska soo taagid, xamili waayid. Shaqo badan iyo mishaar yarayaa qaraaridda keenay: Dh: diidid. Li: oggolaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qidaarid
-da: (magac, dhedig, keli) qiyaasid, beegid, cabbirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siraadid
(Siraadid-da)
Siraad daarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siraadid
m.f.dh eeg siraad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siraadid
-da: (magac, dhedig, keli) siraad daarid, shidid, shidid ama noolayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sitaarid
-da: (magac, dhedig, keli) qol isku furan, iyo wixii la mid ah, shay lagu kala qaybiyo oo lagu kala gooyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tarrarid
(Tarrarid-da)
Qarrarid; dillaacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tarrarid
m.f.dh tarrar². la-mid: qarrar¹, qarrarid, tarrar¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tarrarid
-da: (magac, dhedig, keli) qarrarid; dildillaacid; jeexjeexmid. Tarrarida kareem ka soo iibso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tibaaxid
(Tibaaxid-da)
War ama wax kale oo aan la hubin ama sugnayn, sheegid, faafin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tibaaxid
m.f.dh eeg tibaax². la-mid: tibaax¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tibaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) war aan la hubin sheegidda. Dh: faafin, dulmarid.