timayuluq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
timayuluq
-da: (magac, dhedig, keli) geedbiyood ka baxa dudumooyinka iyo dhulka ciidda jilicsan oo dhulkafuur ah. Dh: damayuluq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tamayuluq
-da: (magac, dhedig, keli) caws ama caleen ka baxda xididdada dhirta qaarkeed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
timayulukh
-da: (magac, dhedig, keli) geed yar oo dhulka ka soo baxa oo aan caleen ubax iyo cagaar midna aan lahayn. Dh: like, diisi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maluuq
f.g/f.mg1 (-qay, -qday) 1. Madax timo ka wada xiirid. 2. Ku maluuq subag, dhoob, wasaq iyo wixi lamida meel ku dhoobid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maluuq
f.g/f.mg1 (-qay, -qday) 1. Madax timo ka wada xiirid. 2. Ku maluuq subag, dhoob, wasaq iyo wixi lamida meel ku dhoobid. m.f.dh, maluuqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maluuq
(fal) Madax timo ka wada xiirid.
maluuq-a: (magac, lab, keli) eeg malluuq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mayuug
-ga: (magac, lab, keli) qaraar kaste oo aad la iskugu adkeeyo si loo fuliyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tayuub
-ka: (magac, lab, keli) caag madaw oo jilicsan oo ka hooseya taayirka babuurka naqaskana celiya.
tayuub -ka: (magac, lab, keli) cinjir shaagga ka hooseeya oo neefta lagu rido, neefta laga buuxsho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taxaluq
-a: (magac, lab, keli) la xidhiidha; xidhiidh la leh. Dh: saabsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dumbuluq
m.dh.sh.r la-mid: dubuq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dumbuluq
(ereycodeed) lagu tilmaansado shanqadha wax biyo ku dhax dhacay sida dhagax oo kale.
dumbuluq -da: (magac, dhedig, keli) dhul kala sarsarreeya oo socodka ku adag.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Stimulus
Nashaadin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taxalluq
taxalluq¹: m.l la-mid: taxalluqid.
taxalluq²: f.mg1 (-qay, -qday) Ku t.: wax, wax kale ku saabsan noqosho.