timaxiir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
timaxiir
m.l la-mid: timaxiirid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
timaxiir
m.l la-mid: timaxiirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
timaxiir
-ka: (magac, lab, keli) timajare; taaloole.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
timaxiirid
m.dh Hab xiiridda timaha loo qurxiyo. la-mid: timaxiir.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
timaxiirid
m.dh Hab xiiridda timaha loo qurxiyo. la-mid: timaxiir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
timaxiirid
-da: (magac, dhedig, keli) timajarasho; jarasho; xiirasho.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Timaxiir-ka
coiffeur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Timir
(Timir-ta)
1. Geed dheeraada oo qurux iyo isku darsaday waxtar, kulaylka iyo abaartana adkaysi u leh; wuxuu u eg yahay geedaha baarta.
2. Miraha geedkaas ka baxa: sonkor baa ka buuxda, laf yar oo adagna waa lee yihiin; miraha dhirta kale la mid ma aha oo cunno ahaan baa loo cunaa oo loo kaydsadaa; magacyo badan bay kala leedahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
timir
m.dh 1. Geed u eg geedaha baarta. 2. Miraha geedkaas ka baxa, sonkor baa ka buuxda, laf yar oo adagna way ku dhexjirtaa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
timir
m.dh 1. Geed u eg geedaha baarta. 2. Miraha geedkaas ka baxa, sonkor baa ka buuxda, laf yar oo adagna way ku dhexjirtaa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
timir
f. n. date-palm tree and its fruit; dates
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
TIMIR
(Timir) All. Som. Phoenix dactylifera L. Palmae.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Timir
name-m date-palm tree and/or its fruit; dates. Syn: Timirre, Timiro
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
timir
-ta: (n) 1. date (dheeyt) 2. date palm ~ geedka timirta
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Timir
magac loo baxsho wiil midab cas oo sida timirta ah leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
timir
timir-ta: (magac, dhedig, keli) geed dheeraada oo qurux iyo isku darsaday waxtar kulaylaha iyo abaartana adkaysi u leh una eg geedaha baarta.
timir-ta: (magac, dhedig, keli) midhaha geedka timirta ka baxa, kayd bay gashaa oo ay kaga duwan tahay midhaha kale.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
timir
bw: Arabic
de: date-palm tree and its fruit; [col] dates
initial: t
lx: timir
pd: (-ta)
ps: n-f
key: timir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilaxir
m.l la-mid: ilxir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilaxir
-ka: (magac, lab, keli) eeg ilaxidh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Majiir
(Majiir-ka)
1. Rogmad; weecad; leexad.
2. Jibaax; jiiris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
majiir
majiir¹: m.l la-mid: majiirid.
majiir²: m.l (-rro, m.dh) 1. Dib u celinta wax ama arrin soconayey gadaal loo celiyo. 2. (-rro, dh.) Suunka dhanka hoose ee kooraha ka lusha oo caloosha faraska looga xiro.
majiir³: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Wax jahada uu u socday ka weecin. 2. Maro qoyan majuujin si biyuhu ugu daataan. 3. Is m.: wax socda dhankii uu ka yimid isla markiiba ku noqosho. 4. Isku m.: meel ciriiri ah xoog ku dhexmarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
majiir
f.g1 (-ray, -rtay) 1. Wax jahada uu u socday ka weecin. 2. Maro qoyan majuujin si biyuhu ugu daataan. 3. Is m.: wax socda dhankii uu ka yimid isla markiiba ku noqosho. 4. Isku m.: meel ciriiri ah xoog ku dhexmarid. m.f.dh, majiirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
majiir
v. deviate, turn something forcibly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
majiir
(fal) wareeji oo dib u celi. Baabuurka soo majiir. Dh: melmel, gooladee, leexi, celi.
majiir-ka: (magac, lab, keli) nooc calool xanuunka ka mid ah oo caloosha in la maroojinayo la moodo xanuun darteed.
majiir -ka: (magac, lab, keli) leexasho degdeg ah oo dib loo noqdo. Dh: melmel, rogmad weecad, leexad.
majiir -ta: (magac, dhedig, keli) uskag ama daxal dul fuula middiyaha ilkaha iyo wixii la mid ah. Ilko majiir leh ayuu ku qaniinay. Dh: daxal, huuro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
majiir
de: deviate, turn s.t. forcibly
lx: majiir
nt: majiir (ka) [vn2-m]
pd: (majiiray)
ps: v1=tr
key: majiir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maxiis
-ka: (magac, lab, keli) inan kaalkaaliye u ah nin caruus ah ayaanta guurgalka. Maxiiska iyo arooskay kala garan waayeen. Dh: minxiis, mixiis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tafiir
m.l (-ro, m.dh) Ilmaha ay dhalaan waalidku.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tafiir
m.l (-ro, m.dh) Ilmaha ay dhalaan waalidku. tafiiran f.mg1 (-rmay, -rantay; -rmi) Ka t.: wax ka soo farcamid (cid). m.f.dh, tafiirmid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tafiir
-ta: (n) ancestor (aan-ses-tar), forefather ~ isir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tafiir
(fal) wax aan jirin abuur, ama badi wax yaraa.
tafiir -ta: (magac, dhedig, keli) isir ama cid cid kale ka farcantay. Ma tafiiro gaaloo, tolow aan ku geyinoo, la takooro baan ahay. Dh: ab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biyaxir
(Biyaxir-ka)
Dhis xoog leh oo lagu joojiyo biyaha socona haya oo badda ama webiga ama durdurrada; biyacelis; (ama biyaxireen).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyaxir
m.l (-rro, m.dh) Dhismo loogu tala galay in biyaha webiyada socodkooda lagu hakiyo si loo keydiyo, heerkoodana kor loogu qaado. la-mid: biyaxireen.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
biyaxir
m.l (-rro, m.dh) Dhismo loogu tala galay in biyaha webiyada socodkooda lagu hakiyo si loo keydiyo, heerkoodana kor loogu qaado. la-mid: biyaxireen.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biyaxir
v., [compound] dam (up)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyaxir
-ka: (magac, lab, keli) eeg biyaxidh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
biyaxir
a: biyoxidh
de: dam (up)
lx: biyaxir
pd: (biyaxiray)
ps: v1=cmp
key: biyaxir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
simbiir
simbiir¹: m.dh Is-afgaranshawaa; iskhilaaf. 2. Firo.
simbiir²: f.g1 (-ray, -rtay) 1. dhinac u kufid. 2. Cid khilaafid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
simbiir
-ka: (magac, lab, keli) sinbiir; simbiidh.
simbiir -ta: (magac, dhedig, keli) marka qodaxdu si dadban oo aan toos ahayn wax u muddo. Dh: simbiidh.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tifatir
-ay / -tay: (v) 1. complete (kom-piliit) 2. explain (ikis-palaayn)
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
timajar
m.l la-mid: timajarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
timajar
-ka: (magac, lab, keli) qofka shaqadiisu tahay inuu timaha qurxiyo; timojare.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
camasiir
f. n. large intestine
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
camasiir
bw: Arabic
cf: mindhicir
de: large intestine
lx: camasiir
pd: (-ta)
ps: n2-f
key: camasiir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tifaftir
(Tifaftir-ka)
1. Tifafka iyo saxarrada oo laga saaro.
2. (war, hadal, ...) aad loo caddeeyo, loo qeexo, loo lafagguro, meel walba laga eego; aan waxba laga tegin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tifaftir
tifaftir¹: m.l la-mid: tifaftirid.
tifaftir²: f.g1 (-ray, -rtay) War iyo wixi lamida si bayaan ah oo qeexan u sheegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tifaftir
f.g1 (-ray, -rtay) War iyo wixi lamida si bayaan ah oo qeexan u sheegid. m.f.dh, tifaftirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tifaftir
m. n., [compound] explanation, description
tifaftir v. explain in detail, report word for word, report verbatim
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tifaftir
-ka: (n) 1. completion (kom-pilii-shin); improvement (im-puruuv-ment); finishing touch. 2. editorial (e-dhe-tooriyal); editorial comment ~ tafatir.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Tifaftir
Dettaglio
Detail
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tifaftir
(fal) wax aan dhamaystirnayn dhamee. Tifatir hawsha oo ku dhaqso.
tifaftir: (fal) wax aan isku sinayn isku sin; ul kurtumo leh isku sin. Tifatir marada oo qalqalooca ka sin.
tifaftir: (fal) wax khaldan sax; war, hadal iyo wixii la mid ah, dhinac kasta ka eeg oo kala qeex. Dh: tafaftir.
tifaftir -ka: (magac, lab, keli) dhamaystirka wax qabyo ahaa la dhameeyo.
tifaftir -ka: (magac, lab, keli) isku sinka shay kala qalloocsanaa la isku simo.
tifaftir -ka: (magac, lab, keli) tifafka iyo saxarrada oo laga saaro. Dh: tafaqayatir.
tifaftir -ka: (magac, lab, keli) war, hadal aad loo qaadaadhigay, loo qeexo, loo caddeeyo, loo lafaguray oo meel walba laga eegay, aan waxba laga tegin. Tifatirka warka xaqiiji.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
timonier
timonier, n.m. - hogaamiye weyn oo aqoon buuxda u leh xilka saaran
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tamaashiir
-ta: (magac, dhedig, keli) jaad ka mid ah walxaha sabuuradda lagu qoro oo laga sameeyo dhagaxnuuradeedka iyo wixii la mid ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
awlaxjiir
-ka: (magac, lab, keli) leebab carruurtu ku ciyaarto ee jiirka lagu laayo kooda ugu weyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Camaajiir
(Camaajiir-ka)
Midab caddaan iyo madow isku dhafan ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
camaajiir
m.l Midab caddaan iyo madow ama caddaan iyo casaan isugu jira oo ay yeeshaan lo'da iyo riyaha.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
camaajiir
m.l Midab caddaan iyo madow ama caddaan iyo casaan isugu jira oo ay yeeshaan lo'da iyo riyaha.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
camaajiir
m. n., [collective] indistinct spotted color pattern
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
camaajiir
-ka: (magac, lab, keli) midab caddaan iyo madow isku jira ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
camaajiir
cf: carwaajiis
de: indistinct spotted color pattern of perceptually close colors (e.g., light gray on white, brown on red) found on cloth or livestock;
lx: camaajiir
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
key: camaajiir
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
dimagrire
v.intr. - caatoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
himahiime
m.l la-mid: hiimammow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
is majiir
v. turn oneself away from
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
is_majiir
de: turn oneself away from
lx: is majiir
pd: (majiiray)
ps: v1=expr
key: is_majiir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jamaahiir
m.dh.w Wadar dad ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jamaahiir
m.dh.w Wadar dad ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jamaahiir
f. n., [collective] mass (of people); masses
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jamaahiir
-ta: (magacwadareed) ururka dad shicibweyne ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jamaahiir
bw: Arabic
de: mass (of people); masses
lx: jamaahiir
pd: (-ta)
ps: n-f-col
key: jamaahiir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jamaamiir
-ta: (magac, dhedig, keli) qamaamuur ama odayaal, guurti. Dh: jabaabiir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeegaxiir
(Jeegaxiir-ka)
Tima jar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeegaxiir
jeegaxiir¹: m.l 1. Timaxiir; jeego xiiridda. 2. (- rro, m.dh) Nin dhallinyaro ah oo aan weli guursan.
jeegaxiir²: f.mg1 (-ray, -rtay) Timaxiirid; timajarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jeegaxiir
m.l 1. Timaxiir; jeego xiiridda. 2. (-rro, m.dh) Nin dhallinyaro ah oo aan weli guursan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jeegaxiir
m. n., [compound] haircut
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jeegaxiir
-ka: (n) haircut (heer-kat)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeegaxiir
-ka: (magac, lab, keli) qofka timaha ka gaagaabiya dadka. Dh: rayiisle.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jeegaxiir
de: haircut
lx: jeegaxiir
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: jeegaxiir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qamaamiir
-ta: (magacwadaradeed) eeg qabaabir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tafaasiir
f. n. explanation, elucidation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tafaasiir
-ta: (n) details (di-teelis)-, specifications (espa-sa-fi-keey-shinis); particulars (paar-tiki-laaris); descriptions (dis-kirip-shinis)-, explanations (ekis-pala-neey-shinis) ~ sharaxaad, tafaasiil
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tafaasiir
a: tafaasiil
de: explanation, eluci-dation
initial: t
lx: tafaasiir
pd: (-ta)
ps: n-f
see: tafsiir
xv: Arabic
key: tafaasiir
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tasaawiir
f. n., pl. pictures, illustrations
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tasaawiir
bw: Arabic
de: pictures, illustrations Sg: taswiir
initial: t
lx: tasaawiir
pd: (-ta)
ps: n8-f-pl
key: tasaawiir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tifaftire
m.l (naxwe) Curiye tifatira mid kale (tus.: ninkan, “kan” ayaa tifaftire ah).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tifaftire
m.l 1. (naxwe) Curiye tifatira mid kale (Tusaale: ninkan, 'kan' ayaa tifaftire ah). 2. Madax qoraal. 3. qoraal hagaajiye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tifaftire
-ha: (magac, lab, keli) war sheeko ama hadal ninka u xil saaran inuu tifaftir ku sameeyo. Wuxuu tifaftire ka yahay wargeyska Maandeeg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tilmaamid
(Tilmaamid-da)
Tilmaan u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tilmaamid
m.f.dh eeg tilmaan². la-mid: tilmaanid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tilmaamid
-da: (magac, dhedig, keli) tilmaam ka bixin; wax lagu garto u eyelid ama ka sheegid. tilmaamitaan -ka: (magac, lab, keli) siduu yahay iyo meeshu yahay sheegitaanka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tilmaanid
m.dh la-mid: tilmaamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tilmaanid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg tilmaamid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
timaaddid
v., sg., neg., present habitual: you do not come
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
timaaddid
de: you do not come
initial: t
lx: timaaddid
pd: (timaaddo)
ps: v4b-2sg-neg-prhb
xe: These days you do not come to school.
xv: Adigu ayaamahan dugsiga maad timaaddid.
key: timaaddid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
timajarid
m.dh Habka timaha loo jaro ama loo qurxiyo. la-mid: timajar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
timajarid
m.dh Habka timaha loo jaro ama loo qurxiyo. la-mid: timajar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
timajarid
-da: (magac, dhedig, keli) timaha isku simin oo qurxin; timojarid.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
TIMOFAXIS
Justicia flava 10, Pavonia pirottae? 10, Sida sp Gillett et al 22207? 10