tilmaamsad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tilmaamsad
-ka: (magac, lab, keli) astaansadka, wax lagu garto u yeelasho.
tilmaamsad -ka: (magac, lab, keli) meesha uu wax yahay garasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tilmaansad
(Tilmaansad-da)
Tilmaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tilmaansad
m.l la-mid: tilmaansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tilmaansad
-ka: (magac, lab, keli) eeg tilmaamsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tilmaaman
f.mg4 (-mnaa, -mnayd) 1. Wax la tilmaamay ahaansho. 2. Wax, wax caan ku ah ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tilmaaman
f.mg4 (-mnaa, -mnayd) 1. Wax la tilmaamay ahaansho. 2. Wax, wax caan ku ah ahaansho. m.f.dh, tilmaamnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tilmaaman
der. [adjective] indicated, signaled; explained, sorted out
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tilmaaman
(tilmaame) astaysan, wax lagu garto la sheegay ama loo yeelay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tilmaaman
de: indicated, signaled; explained, sorted out
initial: t
lx: tilmaaman
pd: (tilmaamnaa)
ps: adj-der
key: tilmaaman
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tilmaamid
(Tilmaamid-da)
Tilmaan u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tilmaamid
m.f.dh eeg tilmaan². la-mid: tilmaanid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tilmaamid
-da: (magac, dhedig, keli) tilmaam ka bixin; wax lagu garto u eyelid ama ka sheegid. tilmaamitaan -ka: (magac, lab, keli) siduu yahay iyo meeshu yahay sheegitaanka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tillaabsad
m.l la-mid: tallaabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tillaabsad
-ka: (magac, lab, keli) tallaabo qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tilmaansan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: tilmaaman.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tilmaansan
(tilmaame) wax la tilmaamay ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tilmaamasho
-da: (magac, dhedig, keli) astaan u yeelasho. Tilmaamasho ayaan ku helay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tilmaamnaan
m.f.dh eeg tilmaaman. la-mid: tilmaamnaansho, tilmaansanaan, tilmaansanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tilmaamnaan
(tilmaame) wax la tilmaamay ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tilmaam
-ta: (magac, dhedig, keli) wax meesha u yahay ama uu ku yaalo cid loo sheegayo. Tilmaam iga sii sida uu u eg yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cimaamad
(Cimaamad-da)
Maro, badanaa la dumeeyey oo la qurxiyey oo madaxa lagu duubto; Duub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cimaamad
m.dh (-do m.l) Maro yar, qafiif ah, naqashadeysan ama cad oo uu raggu madaxa ku duubto. la-mid: cumaamad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cimaamad
m.dh (-do m.l) Maro yar, qafiif ah, naqashadeysan ama cad oo uu raggu madaxa ku duubto. la-mid: cumaamad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cimaamad
f. n. turban
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cimaamad
-da: (n) piece of cloth worn by men as a covering for the head, neck or shoulders; man's shawl ~ cumaamad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cimaamad
(fal) «u ~» cimaamad madaxa ugu xidh; ugu duub.
cimaamad -da: (magac, dhedig, keli) maro badanaa la duneeyay oo la qurxiyay oo madaxa lagu duubto. Dh: duub.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cimaamad
a: cumaamad
de: turban
lx: cimaamad
pd: (-da)
ps: n1-f
syn: duub
xv: Arabic
key: cimaamad
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
cimaamad
عمامة
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gimaamad
-ka: (magac, lab, keli) hawl la abaabulayo oo la diyaarinayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tilmaame
tilmaame¹: m.l (-mayaal, m.l/dh) Tusmabixiye, horkace, wade.
tilmaame²: m.l (-mayaal, m.l/dh) (kiimika) Iskudhis si geddisme ah u beddela midabka, kaas oo ku xiran, PH-ka milanka uu ku milanyahay. Mitimsyada ogsidhayn yareyntu waxay u baahan yihiin tilmaa-mayaal gaar ah.
tilmaame³: m.l (-mayaal, m.l/dh) (naxwe) Wuxuu tilmaamaa qof ama shay rugtiisa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tilmaame
tilmaame¹: m.l (-mayaal, m.l/dh) Tusmabixiye, horkace, wade.
tilmaame²: m.l (-mayaal, m.l/dh) (kiim.) Iskudhis si geddisme ah u beddela midabka, kaas oo ku xiran, PH-ka milanka uu ku milanyahay. Mitimsyada ogsidhayn yareyntu waxay u baahan yihiin tilmaamayaal gaar ah.
tilmaame³: m.l (-mayaal, m.l/dh) (naxwe) Wuxuu tilmaamaa qof ama shay rugtiisa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tilmaame
m. n. guide, manual; indicator {mathematics}; adjective {grammar}
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tilmaame
-ha: (magac, lab, keli) jiheeyaha haga gaadiidka circa iyo badda.
tilmaame-ha: (magac, lab, keli) naxwe, qaybaha weedhu u kala baxdo qayb ka mid ah, waa magacyo, ereyo tilmaama sida waxa magaca lihi u eg yahay ama ku sugan yahay ama meesha uu joogo, sida gaaban, badan, weyn, cusub, kayga, taas.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tilmaame
de: guide, manual; indicator {mathematics}; adjective {grammar}
initial: t
lx: tilmaame
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: tilmaame
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tilmaamo
(fal) sidii uu u ekaa sheego. Tilmaamo dibigaaga astaantiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hilmaamid
m.dh la-mid: halmaamid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hilmaamid
-da: (n) forgetting (feer-get-ting) ~ halmaamid, helmaamid, ilaawid, hilmaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hilmaamid
-da: (magac, dhedig, keli) xusuusan waa; ilaawid; illoowid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iimaansad
m.l la-mid: iimaansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iimaansad
-ka: (magac, lab, keli) wax aad haysid, ku gancid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilbaadsad
m.l la-mid: ilbaadsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilwaadsad
m.l la-mid: ilwaadsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
irmaansad
m.l la-mid: irmaansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
talaabsad
-ka: (magac, lab, keli) marka cagta la qaado, ee socodka la bilaabayo. Dh: talaabsasho. talaabsasho -da: (magac, dhedig, keli) eeg talaabsadka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tilmaanid
m.dh la-mid: tilmaamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tilmaanid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg tilmaamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tilmaansi
-ga: (magac, lab, keli) astaansiga, shay wax lagu garto oo loo sameeyo.
tilmaansi -ga: (magac, lab, keli) tilmaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tilmaanso
f.mg3 (-saday, -satay) 1. Wax tilmaan u yeelasho. 2. Meel ama wax tilmaantooda xafidid. 3. Meel tilmaanteeda qaadasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tilmaanso
f.mg3 (-saday, -satay) 1. Wax tilmaan u yeelasho. 2. Meel ama wax tilmaantooda xafidid. 3. Meel tilmaanteeda qaadasho. m.f.dh, tilmaansasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tilmaanso
v. have a distinguishing mark, be marked out; take directions; direct oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tilmaanso
(fal) calaamadso meesha aad hadhow ugu imaan doonto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tilmaanso
de: have a distinguishing mark, be marked out; take directions; direct oneself
initial: t
lx: tilmaanso
nt: tilmaansad (ka) [vn-m], tilmaansasho (/da) [vn-f]
pd: (tilmaansaday)
ps: v3a=
key: tilmaanso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dillaacsad
m.l la-mid: dillaacsasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
helmaamsan
(adj) forgetful (feer-get-ful)-, unmindful (anmaaynful); oblivious (a biliiv- yas) ~ ilowsan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hilmaansan
der. [adjective] forgotten
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hilmaansan
(adj) forgetful (feer-getfuly, unmindful (an-maayn-ful), oblivious (a biliiviyas) ~ ilowsan, helmaansan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hilmaansan
(tilmaame) mid wax illowsan; halmaansan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hilmaansan
a: halmaansan, helmaansan
de: forgotten
lx: hilmaansan
pd: (hilmaansanaa)
ps: adj-der
key: hilmaansan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tallaabsad
(Tallaabsad-da)
Tallaabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tallaabsad
m.l la-mid: tallaabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tallaabsad
-ka: (magac, lab, keli) tallaabo qaadid. Tallaabsadka ayaa ku adag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isticmaarsad
m.l la-mid: isticmaarsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isticmaarsad
-ka: (magac, lab, keli) quruumo kale, addoonsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tilmaansasho
(Tilmaansasha-da)
Tilmaan u yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tilmaansasho
m.f.dh eeg tilmaanso. la-mid: tilmaansad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tilmaansasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg tilmaamasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cilladaysad
-ka: (magac, lab, keli) dhaliil iyo cillad qarsoon yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilbajabsad
m.l la-mid: jilbajabsasho.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
tallaabsade
pace-maker
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bartilmaameed
m.l (-dyo, m.dh) 1. Calaamad la isla wada yaqaan ama wax lagu aqoonsado. 2. Meel la isla wada yaqaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bartilmaameed
m.l (-dyo, m.dh) 1. Calaamad la isla wada yaqaan ama wax lagu aqoonsado. 2. Meel la isla wada yaqaan.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Bartilmaameed
Obbiettivo
Goal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bartilmaameed
-ka: (magac, lab, keli) meel la hiigsanayo, meesha shiishku hayo. Bartilmaameedka loo socdaa waa baydka reer boqore.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isticmaarsade
-ha: (magac, lab, keli) cidda dad kale in ay addoonsato ka shaqaysa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tilmaansanaan
m.dh la-mid: tilmaamnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tilmaansanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la tilmaamay ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alamsad
-ka: (magac, lab, keli) cunto, kolba in weyn dhakhso u liqliqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilaaqad
(Ilaaqad-da)
Dalool yar; dul; ilaaqeen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilaaqad
m.dh (-do, m.l) Dalool yar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilaaqad
f. n. small hole; prick
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilaaqad
-da: (magac, dhedig, keli) dalool aad u yar sida kan ibta naaska. Dh: ib, il.
ilaaqad -da: (magac, dhedig, keli) weel badeecad lagu xidhay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilaaqad
cf: dalool; dul, ib, irbad
de: small hole; prick
lx: ilaaqad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: ilaaqad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilmasid
m.l (-dyo, m.dh) la-mid: ilmasideen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laambad
m.dh (-do, m.l) 1. Qasac yar oo af dheer iyo dheg la qabsado leh oo la ifsado. 2. Nal.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laambad
m.dh (-do, m.l) 1. Qasac yar oo af dheer iyo dheg la qabsado leh oo la ifsado. 2. Nal.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Laambad
Lamp
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laambad
f. n. lamp
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
laambad
-da: (n) lamp (laamp), lantern (laantan) ~ misbaax, feynuus
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laambad
-da: (magac, dhedig, keli) daasad ama wax kale oo yar oo gaas iyo wixii la mid ah inta lagu shubo ee liifad lagu dhex rido, quraarad madaxa ka daloolsha na la dulsaaro, la shido oo la iftiinsado.
laambad -da: (magac, dhedig, keli) nalka ifa, nalka la shito inta yar ee iftiinta. Laabadda qolku aad bay u iftiimaysaa. Dh: nal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laambad
de: lamp
lx: laambad
pd: (-da)
ps: n1-f
syn: faynuus {It}
key: laambad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maadsad
-ka: (magac, lab, keli) eeg maadeysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maarsad
-ka: (magac, lab, keli) kaaftoomid wax laga kaaftoomo.
maarsad -ka: (magac, lab, keli) maangaabni. Dh: maarsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raamsad
-ka: (magac, lab, keli) wax afka ku jira calalin oo muddo dheer axadhid. Dh: raabsasho, raamsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taagsad
(Taagsad-ka)
Taagsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taagsad
m.l la-mid: taagsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taagsad
-ka: (magac, lab, keli) awood u sheegad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tilmaan
(Tilmaan-ta)
1. Astaamaha ama calaamooyinka, wax ama qof, gaar u lee yahay, oo hadal lagu sheego: baadisooc.
2. (naxwe) qaybaha hadalku u kala baxo, qayb ka mid ah: waa magacyo ama ereyo tilmaama sida waxa magaca lihi u eg yahay, ama ku sugan yahay, ama meesha uu joogo, ... (wiil yar; hadal wanaagsan; meel fog; maro cusub; aqalkayga; geedkaas).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tilmaan
tilmaan¹: m.dh (-aamo, m.l) Calaamad muhim ah oo wax lagu garto. 2. Akhbaar iyo macluumaad laga siiyo cid meel ayan aqoon.
tilmaan²: f.g1 (-aamay,-aantay;-aami) 1. U t.: wax tilmaantooda cid u sheegid. 2. Cid meel ayan aqoon akhbaar iyo macluumaad ka siin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tilmaan
tilmaan¹: m.dh (-aamo, m.l) Calaamad muhim ah oo wax lagu garto. 2. Akhbaar iyo macluumaad laga siiyo cid meel ayan aqoon.
tilmaan²: f.g1 (-aamay,-aantay;-aami) 1. U t.: wax tilmaantooda cid u sheegid. 2. Cid meel ayan aqoon akhbaar iyo macluumaad ka siin. m.f.dh, tilmaamid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tilmaan
f. n. sign, distinguishing mark; guide, direction; indication, remark; adjective {grammar}
tilmaan: v. show something (to someone), indicate, connote, point out, explain (to); identify
tilmaan: vl. n. act of indicating