tijaabis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tijaabis
-ka: (magac, lab, keli) eeg tijaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tijaabi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: jitaabi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tijaabi
v. test, experiment, try (out), rehearse
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tijaabi
-yey / say: (v) test (tes-t); experiment (ikis-peeri-ment); check (jeek); give something a try ~ jeegaree, iskuday
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tijaabi
(fal) wax aanad garanayn waxa kasoo bixi doona iska eeg. Iska tijaaabi marka hore inta aanad isticmaalin. Dh: shirrab, holli.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tijaabi
a: jitaabi
de: test, experiment, try (out), rehearse
initial: t
lx: tijaabi
pd: (tijaabiyey)
ps: v2a=tr
key: tijaabi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tijaabin
(Tijaabin-ta)
Tijaabo samayn; baxnaanin; isku deyid; hollin; shirrabid; (ama jitaabin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tijaabin
m.dh la-mid: jitaabin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tijaabin
vl. n. experiment, test, trial, demonstration, rehearsal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tijaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) marka wax loo sameeyo hubsiimo iyo ka gun gaadhid tayo. Dh: iskudayid, shirrabid, jirabid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tijaabin
a: tijaabis (ka) [vn-m]
cf: imtixaan
de: experiment, test, trial, demonstration, rehearsal
initial: t
lx: tijaabin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: tijaabin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaris
-ta: (magac, dhedig, keli) wax magan raadin. Dh: baadhis.
baaris -ta: (magac, dhedig, keli) tijaabista la hubiyo wax in uu hirgelayo iyo inkale. Dh: tijaabis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilkeedis
-ka: (magac, lab, keli) bilkeedin la imasho. Bilkeedis iyo oddoros baan wadnaa beryahan. Dh: tijaabis, baxnaanis, sugis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tillaabis
m.l la-mid: tallaabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tillaabis
-ka: (magac, lab, keli) dhinaca kale u gudbib; tallaabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taabis
-ta: (magac, dhedig, keli) hanasho iyo haleelid. Naagyahay ma taabsado haween taab ninkii gabaye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ijaabid
(Ijaabid-da)
Yeelid; maqlid; ajiibid, aqbalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ijaabid
m.f.dh eeg ijaab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tijaabo
(Tijaaba-da)
Baxnaanis; shirrab; hollis; (ama jitaabo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tijaabo
m.dh la-mid: jitaabo.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
tijaabo
trial
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tijaabo
f. n. test, experiment, trial; probation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tijaabo
-tijaabada: (n) experiment (ikis-peeri-ment); test (tes-t); trial (taraayal); tryout (taraay-awt); attempt (a-temti) —tijaabo -ah: (adj) experimental (ikis-peeri- mentaly trial (taraa-yal)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tijaabo
-da: (magac, dhedig, keli) hubsiino wax loo fara geliyey ama lagarabo inuu sidii laga doonayey yahay; u kuurgalka iyo jirrabidda fikrad cilmiyeed lagu ogaanayo inay sax tahay iyo in kale. Tijaabo ayaan uga socdaa hawshan. Dh: baxnaano, shirrab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tijaabo
de: test, experiment, trial; probation
initial: t
lx: tijaabo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: tijaabo
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
tijaabo
تَجْرِبَة، اخْتِبَارِ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jitaabis
m.l la-mid: jitaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tiraabid
(Tiraabid-da)
Tiraab afka ka soo saarid; hadal yar ku hadlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiraabid
m.f.dh eeg tiraab³. la-mid: tiraab¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiraabid
-da: (magac, dhedig, keli) tiraab afka ka soo saarid; hadal yar ku hadlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xijaabid
(Xijaabid-da)
1. Xijaab u yeelid, ku gudbid.
2. Qarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xijaabid
m.f.dh eeg xiijaab².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xijaabid
-da: (magac, dhedig, keli) xirsi xijaab u samayn oo duco iyo qur'aan akhrisasho si shar laga bagayo looga badbaado. Dh: xijaabis.
xijaabid-da: (magac, dhedig, keli) xijaab u xidhid Dh: asturid, xijaabis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mijaxaabis
m.l la-mid: manjaxaabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miidaabis
-ka: (magac, lab, keli) eeg miidaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tallaabis
m.l la-mid: tallaabin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tallaabis
-ka: (n) the act of crossing from one side to another; walking
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tallaabis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg tallaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tijaabsan
(tilmaame) la tijaabiyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tillaabid
m.dh la-mid: tallaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tillaabid
-da: (magac, dhedig, keli) tallaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tillaabin
m.dh la-mid: tallaabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tillaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg tallaabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tisqaadis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg tisqaadida.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tixraacis
-ta: (magac, dhedig, keli) hadal ama qoraal hore oo xigasho leh.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xisaabiso
Calculator
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
minjaxaabis
m.l la-mid: manjaxaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ijaab
f.g1 (-bay, -btay) Yeelid; maqlid; ajiibid, aqbalid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ijaab
v. accept, consent; heed (in religious sense)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ijaab
-ay / tay: (v) answer affirmatively; accept (aaksapl) ~ ajiib
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ijaab
(fal) codsi laguu soo jeediyay, aqbal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ijaab
de: accept, consent; heed (in religious sense)
lx: ijaab
pd: (ijaabay)
ps: v1=
key: ijaab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jabis
m.dh la-mid: jebin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jabis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg jabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabis
m.l la-mid: dabis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tabis
m. n., [collective] disease in birds
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg tabid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tabis
a: dabis, tabsi
de: disease in birds
initial: t
lx: tabis
pd: (-ka)
ps: n2a-m-col
key: tabis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baabis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg baabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daabis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg daabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaabis
(Gaabis-ka)
1. Aan orod badan lahayn.
2. Gaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaabis
m.l 1. G. ah: socod yaraan. 2. la-mid: gaabin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gaabis
m.l 1. G. ah: socod yaraan. 2. la-mid: gaabin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaabis
m. n. one who cannot run fast
gaabis vl. n. act of shortening
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaabis
(fal) «soo ~» war ama cashir soo ururi, soo yaree oo inta nuxurka ah ama dulucda iyo ujeeddada ah ka soo qaad. Dh: koob.
gaabis -ka: (magac, lab, keli) hawl qabashadeeda ka gaabin.
gaabis -ka: (magac, lab, keli) orad ama socod gaabin.
gaabis-ka: (magac, lab, keli) wax dheer in ka jaris, badh ka goys.
gaabis-ka: (magac, lab, keli) wax sare u joogay oo taagnaa, hoos u dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ijaabo
(Ijaaba-da)
Duco la iska yeelo; arrin Ilaah aqbalo; baryo lagu liibaaney.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ijaabo
m.dh (dii.) Aqbalidda duco Ilaah loo jeediyo oo uu aqbalo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ijaabo
m.dh (dii.) Aqbalidda duco Ilaah loo jeediyo oo uu aqbalo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ijaabo
f. n. acceptance, consent (in religious sense)
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Ijaabo
name-f acceptance, consent 'in a religious sense' (Arb)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ijaabo
-ijaabada: (n) approval (appa-ruuval); acceptance (ak sap tansi)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Ijaabo
magac loo baxsho gabadh duco ku dhalatay ama la filayo inay noqoto mid ducaysan oo la aqbalo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ijaabo
-da: (magac, dhedig, keli) aqbalaadda iyo oggolaanshaha wax laguu soo jeediyay.
ijaabo -da: (magac, dhedig, keli) ducada Rabbi aqbalo. Ijaabo weeyaan ducadeennu. Dh: aqbal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ijaabo
bw: Arabic
de: acceptance, consent (in religious sense)
lx: ijaabo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: ijaabo
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Jaabir
name-m brave; bonesetter, repairer, counselor, comforter
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaanis
-ka: (magac, lab, keli) fursad ama firaago. Wa: jaanisyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaawis
m.l la-mid: jaawin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laabis
1. (Laabis-ka) Qalab dhenged yar oo dhuuban u eg oo inta af laga fiiqo wax lagu qoro; waxaa dhexda kaga jira miiq adag oo ka samaysan dhuxul madow oo la jilciyey oo birbiraysa; qalin-rasaas.
2. (Laabis-ta) Laabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laabis
laabis¹: m.l (-syo, m.dh) la-mid: laabis.
laabis²: m.dh la-mid: laabid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laabis
vl. n. act of folding ~ returning
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laabis
-ka: (magac, lab, keli) qalab dhuub ah oo yar oo inta afka laga fiiqo wax lagu qoro; waxa dhexda kaga jira dhuux adag oo ka samaysan dhuxul madow oo la jilciyey oo xaquuqmaysa. Dh: qalinrasaas, qalinqori.
laabis -ta: (magac, dhedig, keli) wax kala baxsan ama fidsan isku celin; isku soo rogid. Dh: laabid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laabis
a: laabid (da) [vn-f]
de: act of folding ~ returning
lx: laabis
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: laabis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maabis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg maabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nijaas
(Nijaas-ka)
Nejis (ama najaas).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nijaas
nijaas¹: m.l (-syo, m.dh) la-mid: najaas¹.
nijaas²: m.dh (-syo, m.dh) 1. (dii.) la-mid: najaas². 2. Wax aan daahir ahayn. 3. Wax daahirnimada buriya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nijaas
m.dh (-syo, m.dh) 1. (dii.) la-mid: najaas. 2. Wax aan daahir ahayn. 3. Wax daahirnimada buriya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nijaas
m. n., [collective] impurity, something unclean; dirt
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nijaas
-ka: (n) nasty or indecent person ~ nejis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nijaas
(tilmaame) wax aan daahir ahayn.
nijaas-ka: (magac, lab, keli) qof akhlaaq xun oo wuxuu doonaba sameeya. Dh: najis.
nijaas -ta: (magac, dhedig, keli) eeg najaas.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nijaas
bw: Arabic
de: impurity, s.t. unclean; dirt (anything unclean according to the precepts of Islam)
lx: nijaas
pd: (-ka)
ps: n2a-m-col
key: nijaas
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaabis
m.l 1. Garoorinta la garooriyo caano la doonayo in la lulo. 2. Q. ah: caana garoor ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaabis
-ka: (magac, lab, keli) gadhoodhinta la gadhoodhiyo caano la doonayo in la lulo.
qaabis -ka: (magac, lab, keli) caana gadhoodh ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saabis
m.l la-mid: saabin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saabis
-ka: (magac, lab, keli) saab u samayn; saabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taabid
(Taabid-da)
1. Xoog ku qabsasho; hanasho; qabsasho.
2. Wada gaarid; koobid; saabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taabid
m.f.dh eeg taab². la-mid: taab¹ (4).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taabid
-da: (magac, dhedig, keli) awood ku qabsad; hanasho. Timahaldhaalay, taabay oo helay ama taahay abidkay
taabid-da: (magac, dhedig, keli) gaadhid oo wada koobida.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taagis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg taagida.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taahis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg taahid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taajis
m.l la-mid: taajin.