ereyga

tiixtiix

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

tiixtiix

DHAN
1

(fal) roob ama wax kale, dhibco sii daa.

2

tiixtiix -a: (magac, lab, keli) roob sida tiixid ah u da'a; shuux-shuux.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

cadarin

DHAABAN
1

-ta: (magac, dhedig, keli) cadar iyo udgoon ku samayn. Dh: udgoonayn, cadrin.

2

cadarin -ta: (magac, dhedig, keli) marka cirku daruuro yeesho ee roobku na tiixtiixayo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dhibdhibcid

DHAABAN

-da: (magac, dhedig, keli) kolba dhibic soo tiixid. Dh: tiixtiixid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dhibicdhibic

DHAABAN
1

-da: (magac, dhedig, keli) tiixtiix wax qoyani uu kolba hal mar dhibic soo daayo. Dawada indhaha dhibicdhibic isha ugu tiixi.

2

dhibicdhibic: (tilmaame) maro ama wax kale oo caarcaar leh.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

fixfix

DHAABAN

-da: (magac, dhedig, keli) tifiqtifiqda uu dareere miyir u daadanayaayi sameeyo. Dh: tiftif, tiixtiix.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

gabadhle

DHAABAN

-ha: (magac, lab, keli) mayay fudud; roob habeenkii da'a oo aanan xoog badnayn oo tiixtiix ah, horayse aan u qaadin. Dh: dhabacle, mirtifiqle, tumay.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

hibitiqid

DHAABAN

-da: (magac, dhedig, keli) biyo ama dareere kale kolba in yar dhibicdhibic u tiixtiixid. Dh: dhibiclayn, habyid, darroorid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

niggax

DHAABAN
1

(fal) haan iyo wax la mid ah, afka maydhax ama maro kaga ningax.

2

niggax -a: (magac, lab, keli) maydhax ama mare yar oo daboollada haamaha afka lagaga marosi aanay u tiixtiixin. Dh: lingax, ningax.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

ningax

DHAABAN
1

(fal) maydhax ama maro yar dabool afka kaga mar. Dh: lingax.

2

ningax-a: (magac, lab, keli) maydhax ama maro yar oo daboollada haamaha afka lagaga maro si aanay u tiixtiixin. Dh: lingax, nigax.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

qajaje

DHAABAN

-ha: (magac, lab, keli) tiixtiixa ka dambeeya roobka weyni marka uu da'o. Qajaje ayaa da'aya ee ina mari aan soconee.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

shuuc

DHAABAN

-a: (magac, lab, keli) roobka aan badnayn ee tiixtiixa ah Shue baa da'aya. Dh: tiixtix.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xafiif

DHAABAN

-ka: (magac, lab, keli) 'roob' tiixtiix yar oo biyo ah. Dh: caruuracabsiis.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

tiitiin

DHAFANDHAAF

-ka: (n) cactus (kak-tas) ~ tiin, tiintiin Ex: geedka tiintiinka; the cactus plant

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

riixriix

DHAFANDHAAF

v. move around, push around; massage

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

riixriix

DHAFANDHAAF
1

de: move around, push around; [ext.] massage

2

lx: riixriix

3

pd: (riixriixay)

4

ps: v1=pl

5

key: riixriix

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Tiiftiif

DHAFANDHAAF
1

(Tiiftiif-ka)

2

Sarmooyin yaryar oo oogada lagu dhigo kolka dhiig laga soo saara hayo; sarsar.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

tiiftiif

DHAFANDHAAF
1

m. n., pl. small incisions ~ cuts (for blood-letting)

2

tiiftiif v. slash ~ slit repeatedly; make numerous incisions

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

tiiftiif

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) sarmooyin yaryar oo oogada lagu dhigo kolka dhiig laga soo saarayo. Dh: sarmooyin, mudmudid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]

TIINTIIN

DHAFANDHAAF

(Tintin) S, C Opuntia ficus-indica L. Cactaceae.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

tiintiin

DHAFANDHAAF

-ka: (n) cactus (kak-tas) ~ tiin. Ex: geedka tiintiinka; the cactus plant

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

sixiix

DHAFANDHAAF

-a: (magac, lab, keli) qof magaciis, uu isagu gacantiisa ku qora; saxiix.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]

sixiix

DHAFANDHAAF

توقيع، إِمْضاء

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Tiixid

DHAFANDHAAF
1

(Tiixid-da)

2

(roob) di'id yar; shuxshuxid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

tiixid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg tiix².

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

tiixid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) roob wax yar di'id. Dh: shuuxid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

riixtin

DHAFANDHAAF

m.dh la-mid: riixdin.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

riixtin

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) riixid; riixis.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

tiibbii

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) xanuun saablayda gaar ahaan feedhaha ku dhaca oo halis ah. Dh: qaaxo, tiibii, tiinbey.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

riixniin

DHAFANDHAAF
1

-ka: (magac, lab, keli) riixitaan wax la riixo. Riixniin baan halkan ku keennay gaadhiga.

2

riixniin -ka: (magac, lab, keli) cadaadis wax hoos loo riixo.

3

riixniin -ka: (magac, lab, keli) duugitaan wax lagu sameeyo. Riixniin ma lagu dayey bararka lugta.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

tiicniin

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) eeg tiicitaan.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

firixfirix

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) wax la qabtay oo in uu baxsado raba dhaqdhaqaaq iyo rafashada uu sameeyo. Dh: firfir.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Riixriixid

DHAFANDHAAF
1

(Riixriixid-da)

2

Riixid badan; tuutuujin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

tiiftiif_1

DHAFANDHAAF
1

de: small incisions ~ cuts (for blood-letting)

2

hm: 1

3

initial: t

4

lx: tiiftiif

5

pd: (-ka)

6

ps: n-m-pl

7

key: tiiftiif_1

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

tiiftiif_2

DHAFANDHAAF
1

de: slash ~ slit repeatedly; make numerous incisions

2

hm: 2

3

initial: t

4

lx: tiiftiif

5

nt: tiiftiif (ka) [vn-m], tiiftiifid (da) [vn-f]

6

pd: (tiiftiifay)

7

ps: v1=pl

8

key: tiiftiif_2

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Tiiftiifid

DHAFANDHAAF
1

(Tiiftiifid-da)

2

Tiiftiif ku dhigid, u yeelid; sarsarid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

tiiftiifid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) eeg tiiftiif.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

tiiqtiiqsi

DHAFANDHAAF

m.l la-mid: tiiqtiiqsasho.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

tiiqtiiqsi

DHAFANDHAAF

-ga: (magac, lab, keli) hadal jeesjees ah ama lagu digto qofka. Dh: digasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

tiiqtiiqso

DHAFANDHAAF

f.mg3 (-saday, -satay) 1. Cid ku digasho. 2. Arrin si qeexan uga hadlid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

tiiqtiiqso

DHAFANDHAAF

f.mg3 (-saday, -satay) 1. Cid ku digasho. 2. Arrin si qeexan uga hadlid. m.f.dh, tiiqtiiqsasho.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

tiiqtiiqso

DHAFANDHAAF

(fal) faahfaahin ama balbalaadhin, ku talaxtag: xarragahadal, xaragasocod. Ku tiiq tiiqso markaad qudbada shaagayso.

waa la naqliyay ✓