tiirshe
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Tiirshe
nickname; name-m he who supports his household morally, emotionally and physically
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Diirshe
name: Dirshe
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Diirshe
name-m warmer, comforter. Syn: Diiriye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Diirshe
magac loo baxsho wiil dhalashadiisa lagu diirsaday oo reerku ku farxay. Waxa ay u badan tahay in ay gabdho badan hortii dhasheen.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Diirshe
de: Dirshe
lx: Diirshe
ps: name-m
key: Diirshe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tiire
(Tiira-ha)
Geed la beero oo iniinihiisu u eg yihiin kuwa sisinta oo dhirta wax lagu daweeyo ka mid ah; ~ xarmal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiire
m.l (-rayaal, m.l/dh) Geed iskiisa isaga baxa oo xididdadiisa u ah dawo nooc ka mid ah dhiigyarida carruurta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tiire
m. n. cultivated plant species, with seeds resembling sesame
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiire
-ha: (magac, lab, keli) geed la beero oo iniinyihiisu u eg yihiin kuwa sisinta oo dhirta wax lagu daaweeyo ka mid ah. Dh: xarmal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tiire
de: cultivated plant sp., with seeds resembling sesame
initial: t
lx: tiire
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: tiire
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iibshe
m.l (-shayaal, m.l/dh) Qof wax iibiya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
iibshe
m.l (-shayaal, m.l/dh) Qof wax iibiya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iibshe
m. n. peddler; seller
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iibshe
-iibshaha: (n) seller (seelar) ~ iibiye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iibshe
-ha: (magac, lab, keli) qof ganacsade ah oo wax iibiya. Dh: gade.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iibshe
de: peddler; seller
lx: iibshe
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: iibshe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiirsi
-ga: (magac, lab, keli) meel dhabarka saarid isaga oo fadhiya ama taagan. Gidaarka tiirsiga ka daaya. Dh: cuskasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiirso
f.g/mg3 (-saday, -satay) 1. (f.g) Wax meel cuskasho. 2. (f.mg) Ku t.: wax ku santeecsasho. 3. (f.mg) Ku t.: kaalmo darteed cid ugu xirraansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tiirso
f.g/mg3 (-saday, -satay) 1. (f.g) Wax meel cuskasho. 2. (f.mg) Ku t.: wax ku santeecsasho. 3. (f.mg) Ku t.: kaalmo darteed cid ugu xirraansho. m.f.dh, tiirsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tiirso
v. lean, make something incline for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiirso
(fal) «ku meel cusko. Ku tiirso gidaarka.
tiirso: (fal) jiifka ka kacoo kor isu dhidib. Tiirso tiirsiga ayaa kuu wanaagsane.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tiirso
de: lean, make s.t. incline for oneself
initial: t
lx: tiirso
nt: tiirsasho (/da) [vn-f]
pd: (tiirsaday)
ps: v3a=tr
key: tiirso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiirsad
-ka: (magac, lab, keli) gargaarsadka; cuskadka. Ul aan tiirsado i sii. Dh: tiirsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tiirsan
Meel lagu tiiriyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiirsan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax la tiiriyey ahaansho. 2. Ku t.: cid, cid kale kaalmo ka hesha ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tiirsan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax la tiiriyey ahaansho. 2. Ku t.: cid, cid kale kaalmo ka hesha ahaansho. m.f.dh, tiirsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tiirsan
der. [adjective] leaned ~ leant on; propped up, supported
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tiirsan
-aa / ayd: (v) placed against something; leaned (liinidh); propped against
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiirsan
(tilmaame) meel lagu tiirshey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tiirsan
de: leaned ~ leant on; propped up, supported
initial: t
lx: tiirsan
pd: (tiirsanaa)
ps: adj-der
syn: ku tiilan
key: tiirsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gariirshe
m.l Qori yar kankoonsan, af dhuuban, oo caruurta sibirka ku wareejiyaan iyaga oo xarig la dhacaya; dhulmad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gariirshe
-ha: (magac, lab, keli) qori kankoonsan oo yar, afkana dhuuban, oo caruurta sibidhka ku wareejiyaan iyaga oo xadhig la dhacaya. Dh: dhulmad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiirsasho
m.f.dh eeg tiirso. la-mid: tiirsimaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiirsasho
-da: (magac, dhedig, keli) «ku meel cuskad, ku tiirsad.
tiirsasho -da: (magac, dhedig, keli) gargaarsasho ama meel dhinaca ama dhabarka saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diirasho
dįirasho: m.f.dh eeg diiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diirasho
-da: (magac, dhedig, keli) diirka ka qaadasho; dubka sare ka xoodhin. Dh: hoolasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giirasho
m.f.dh eeg giiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giirasho
-da: (magac, dhedig, keli) wajiga giir ka kicin oo ururin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiirasho
(Jiirasha-da)
(oogada nafleyda) xoog wax isaga keenid; docosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiirasho
m.f.dh eeg jiiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiirasho
-da: (magac, dhedig, keli) xoog wax iskaga keened. Dh: ducasho.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
tigresse
tigresse, n.f. - shabeelka dhadiga
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tiigasho
(Tiigasha-da)
(ku tiigasho) Xoog aan loo baahnayn saarid, ka badin; talaxtegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiigasho
m.f.dh eeg tiigo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiigasho
-da: (magac, dhedig, keli) «ku ~» xoog aan loo baahnayn oo dheeraad ah saarid, ka badin. Tiigasho ayuu kula kacay. Dh: ku talaxtegid.
tiigasho -da: (magac, dhedig, keli) foofka ama soofka xooluhu ugu daaq tagaan meel dheer.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tiilasho
vl. n. leaning position
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tiilasho
de: leaning position
initial: t
lx: tiilasho
pd: (/da)
ps: vn-f
key: tiilasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiirsani
-da: (magac, dhedig, keli) eeg tiirsanaanshoha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiirsimo
-da: (magac, dhedig, keli) wax dhabarka ama xusulka la saaro oo ku soo xajiya. Tiirsimo aan dhabarka iska dhigo i sii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xididshe
m.l (-shayaal, m.l/dh) (kiimika) Atam ama koox atammo ah oo leh elektroon madi ah (aan lammaanayn). Xididsheyaasha soocani aad bay u firfircoon yihiin; waxana lagu dejin karaa ama lagu takoori karaa xaalado gaar ahaaneed oo keliya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xididshe
m.l (-shayaal, m.l/dh) (kiim.) Atam ama koox atammo ah oo leh elektroon madi ah (aan lammaanayn). Xididsheyaasha soocani aad bay u firfircoon yihiin; waxana lagu dejin karaa ama lagu takoori karaa xaalado gaar ahaaneed oo keliya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xiirasho
(Xiirasha-da)
Timaha iska xiirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiirasho
m.f.dh eeg xiiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiirasho
-da: (magac, dhedig, keli) timo iska xiirid. Dh: timajarasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tiir
(Tiir-ka)
1. Qori sida usha u toosan oo xoog badan oo badanaa dheer oo inta dhulka lagu mudo wax celiya ama xoog tara; udub.
2. Dhis kasta oo qaabka iyo waxtarka tiirka leh.
3. (caleen, waran, ...) Tiirka kalabbarka mara oo caaradda iyo salka isu haya.
4. Kan u dhexeeya sanka labadiisa dul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiir
tiir¹: m.l (-rar, m.l) 1. (-rar,m.l) Qori sida usha u toosan oo xoog badan oo badanaa dheer oo inta dhulka lagu mudo wax celiya ama xoog tara; udub. 2. Dhis kasta oo qaabka iyo waxtarka tiirka leh. 3. T.ka kalabbarka mara oo caaradda iyo salka isu haya (caleen, waran iyo wixi lamida). 4. Kan u dhexeeya sanka labadiisa dul.
tiir²: f.g1 (-ray, -rtay) Neef ku soo biiray xayn xoola ah la collobid, hinaaso awgeed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tiir
m.l (-rar, m.l) 1. Qori sida usha u toosan oo xoog badan oo badanaa dheer oo inta dhulka lagu mudo wax celiya ama xoog tara; udub. 2. Dhis kasta oo qaabka iyo waxtarka tiirka leh. 3. T.ka kalabbarka mara oo caaradda iyo salka isu haya (caleen, waran iyo wixi lamida). 4. Kan u dhexeeya sanka labadiisa dul.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tiir
m. n. post, pole, pillar; support; nasal septum, part between the nostrils
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tiir
-ka: (n) pole (pool); post (powst); pillar (pi-lar); log (loog) ~ udub
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiir
-ka: (magac, lab, keli) caleen, waran tiirka kala badhka mara oo caaradda iyo salka isu haya.
tiir-ka: (magac, lab, keli) dhis kasta oo waxtarka tiirka leh.
tiir-ka: (magac, lab, keli) dhiska yar ee carjawda ah oo sanka labadiisa dul u kala dhexeeya. Dh: mirqeeye, mirqis.
tiir-ka: (magac, lab, keli) qori sida usha u toosan oo xoog badan oo badanaa dheer oo inta dhulka lagu taago wax celiya ama xoog tara. Tirka adkee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tiir
cf: rukni ~ rukun
de: post, pole, pillar; support; nasal septum, part between the nostrils
initial: t
lx: tiir
pd: (-ka Pl: tiirar (ka))
ps: n4-m
key: tiir
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
tiir
عَمُودٍ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tiis
Tiisa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiis
(magac'uyaal) waxa ama tan isagu uu lee yahay; tiisa.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
tire
/tayar/ (v) 1. daalid (tabcaamid) (n) 2. shaag (taayir).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tire
-ha: (magac, lab, keli) mafiiqda dhulka lagu. xaaqo. Dh: duugmo, xaaqin.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
tire
tire, n.f. (à la tire) - tuuga dadka jeebkiisa wax kala baxa
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
tiré
tiré, adj. - daal; caato
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
tire
v.tr., (make weary) daali; v.i., (fall with weariness) daal, catow, cataysnaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biire
m.l (-rayaal, m.l/dh) Nooc qalimada ka mid ah oo khad fadhida ku jirto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
biire
m.l (-rayaal, m.l/dh) Nooc qalimada ka mid ah oo khad fadhida ku jirto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biire
m. n. pen, ball-point pen, byro
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
biire
biiraha: (n) ballpoint pen ~ qalin biire
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
biire
de: pen, ball-point pen, byro {It}
lx: biire
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: biire
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Ciire
name-m; nickname gray; spotted color pattern on black; cloudy, foggy; misty. Cf: Ciiro
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Ciise
name: Issa, Jesus
Ciise m. n. major Somali clan located in Djibouti
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Ciise
name-m saviour; Jesus; Prophet in the holy Qur'an
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cishe
(Cisha-ha)
1. Habeenka bilawgiisa; fiid.
2. Salaadda kolkaas la tukado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cishe
m.l 1. Habeenka intiisa hore; fiid. 2. (dii.) Shanta salaadood ee Islaanka faralka ku ah midda habeenki la tukado.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cishe
m.l 1. Habeenka intiisa hore; fiid. 2. (dii.) Shanta salaadood ee Islaanka faralka ku ah midda habeenki la tukado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cishe
m. n. early evening; time of evening prayer
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cishe
-cishaha: (n) evening prayer performed by Muslims
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Cishe
-ha: (magac, lab, keli) salaadda xilliga fiidka la tukado. Cishe ayuu soo tukanayaa aabbahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cishe
-ha: (magac, lab, keli) milayga habeenka bilawgiisa. Dh: fiid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cishe
de: early evening; time of evening prayer
lx: cishe
pd: (/ha)
ps: n6-m
key: cishe
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Diise
Compressor
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fiise
m. n. visa
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fiise
-fiisaha: (n) visa (vii za) ~ dalkugal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiise
-ha: (magac, lab, keli) oggolaanshaha dal lagu galo. Dh: dalkugal, fiiso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fiise
de: visa {Eng}
lx: fiise
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: fiise
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fiish
(Fiish-ka)
1. Indhaxanuun dhacaan iyo malax leh.
2. Qoyaanka iyo malaxda xanuunka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiish
m.l 1. Daaf. 2. Malaxda ka timaad indhaha marka daaf ku dhaco.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fiish
m.l 1. Daaf. 2. Malaxda ka timaad indhaha marka daaf ku dhaco.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fiish
m. n. discharge from the eye (in the morning ~ from conjunctivitis)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fiish
-ka: (n) eye discharge; pus (pas) ~ baqbaq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiish
-ka: (magac, lab, keli) cudur ku dhaca riyaha.
fiish-ka: (magac, lab, keli) bushi cudur ah oo ku dhaca riyaha.
fiish-ta: (magac, dhedig, keli) xanuun dheecaan iyo malax leh oo indhuhu yeeshaan. Dh: dhalxan.
fiish-ta: (magac, dhedig, keli) halka kooraanka laga geliyo bareesada.
fiish-ta: (magac, dhedig, keli) meesha lagu kaydiyo faylalka macluumaadka dadka khuseeya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fiish
de: discharge from the eye (in the morning ~ from conjunctivitis)
lx: fiish
pd: (-ka)
ps: n-m
key: fiish
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Hiish
Inch
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kiish
(Kiish-ka)
Weel yar oo tolan oo wax lagu rito.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kiish
m.l Kolay maro, harag iyo wixi lamida ka samaysan oo wax lagu rito. la-mid: kiis¹.