tiin-hindi
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
TIIN-HINDI
(Tin-indi) N, C Opuntia ficus-indica L. Cactaceae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
TIMIR-HINDI
(Timir-hindi) S Tamarindus indica L. Caesalpiinaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tiin
(Tiin-ka)
1. Miro yaryar oo macaan badan oo gudaha ku leh gan ubax ah; waxay lee yihiin dalool yar oo uurka iyo afka isu haya; wax ka bisayldhaafi og, oo sidaas daraaddeed, waa la engejiyaa.
2. Geedka mirahaasi ka baxaan.
3. Geed dhulka kulul iyo lamaddegaannada ka baxa oo aan caleemo lahayn oo laamihiisu ka samaysan yihiin xubno bagbagafsan oo wada buruq ah oo korka iska saarsaaran oo qodxo ku wada rogan yihiin; wuxuu dhalaa miro qaabka ugaxda leh oo kolkay bislaadaan aad u guduudan oo iyagana qodxo ku rogan yihiin; qurcis; tiin-hindi.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
TINIINI
(Tinini) S, C Solanum pampaninii Chiov. Solanaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
is-hirdi
-ga: (magac, lab, keli) iska hor'imaadka labo walxood oo yaacaya oo si xooggan isugu dhaca.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
TIINTIIN
(Tintin) S, C Opuntia ficus-indica L. Cactaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tiintiin
-ka: (n) cactus (kak-tas) ~ tiin. Ex: geedka tiintiinka; the cactus plant
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
FIID-JINNI
(Fid-ginni) S,C Waltheria indica L. Sterculiaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geed-hindi
(Geed-hindi-ga)
Mirimmiri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geed-hindi
m.l Geeddheer, xididdo dhaadheer, hoos weyn oo aan xooluhu daaqin; mirimiri.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
geed-hindi
m.l Geed dheer, xididdo dhaadheer, hoos weyn oo aan xooluhu daaqin; mirimiri.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geed-hindi
m. n., [collective] tree species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geed-hindi
-ga: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah geedagaallaha oo Hindiya asal ahaantii laga keenay. geed-hoosaad -ka: (magacwadareed, lab) geedaha aan waaweynayn ama kuwa xooluhu daaqaan ee doogga la yidhaahdo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiinhiinsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg hiinhiinsad.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
LIIN-BUNJI
(Lin-bunji) N, S Citrus aurentifolia Swing. Rutaceae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BOCOR-HINDI
(Bo'r-hindi) S Cucurbita maxima Duch.ex Lam. Cucurbitaceae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DIGIR-JINNI
(Digir-jini) S Clitoria ternatea L. Papilionaceae.
N Cassia sp. Caesalpinaceae.
S Cassia occidentalis L. Caesalpinaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diin-fidiye
m.l (-yayaal, m.l/dh) (dii.) Qof kiristaan ah oo loo soo diray waddan shisheeye si uu u baro kirishtaanimada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liin-ugunji
m.dh (botani) Geed caleemo dhuudhuuban leh, dhala miro kulkulucsan oo midab hurdi ah leh, lana miirto biyaheeda. la-mid: liimo-ugunji.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
liin-ugunji
m.dh (botani) Geed caleemo dhuudhuuban leh, dhala miro kulkulucsan oo midab hurdi ah leh, lana miirto biyaheeda. la-mid: liimo-ugunji.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
liin-ugunji
f. n. grapefruit
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
liin-ugunji
-ta: (n) grapefruit (gareeyp furut) ~ banbeelmo-da, liimo-ugunji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taran-jinsi
m.l (baayoloji) Qaab taran ah oo ku yimaaddo isku beddelka laba unug taran ee dariiqadda bacriminta. Caadi ahaan, gaar ahaan xayawaanku, waxay u baahanyihiin laba waalid, mid lab iyo mid dheddig.