tigis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tigis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg tigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tiis
Tiisa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiis
(magac'uyaal) waxa ama tan isagu uu lee yahay; tiisa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cigis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg cigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
figis
-ta: (magac, dhedig, keli) saliid dareere ama burcad ah oo kulul oo jidhka markuu ku xanuuno la is mariyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ligis
m.l.kh Biyo qasan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ligis
m. n., [abstract] (adj.): dirtiness; dirty, gloomy, dark, foul
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ligis
-ka: (magac, lab, keli) raadka dhiig guntamay oo hilibka iyo haragga dhexdooda joogsaday jidhka oo la garaacay aawadii.
ligis-ka: (magac, lab, keli) wasakh iyo faddaro.
ligis-ta: (magac, dhedig, keli) eeg ligid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ligis
de: dirtiness; [atr.] dirty, gloomy, dark, foul
lx: ligis
pd: (-ka)
ps: n-m-abs
key: ligis
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nigis
-ka: (n) underwear (andher-weer); underpants (an-dhar-pounds); underclothes ~ kastuumo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sigis
m.l (sigisyo, m.dh) Maro si gaar ah loo tolay oo cagaha la gashado intaan kabaha la illan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sigis
m.l (-syo, m.dh) Maro si gaar ah loo tolay oo cagaha la gashado intaan kabaha la illan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sigis
m. n. stocking, pair of socks
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sigis
-ka: (n) [plural sigsaan -ta] sock (sook) ~ sharaabaad -see [eeg] sigsaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sigis
-ta: (magac, dhedig, keli) meel wax lala shiishaayo meel u dhow ku dhufad ama ag marin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sigis
de: stocking, pair of socks
initial: s
lx: sigis
pd: (-ka Pl: sigsaan (ta))
ps: n2a-m, n8-m
syn: iskaalso, sharabaad {N}
key: sigis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tagis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg tagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tegis
(Tegis-ta)
Tegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tegis
m.dh la-mid: tegid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tegis
vl. n. going; departing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tegis
-ta: (n) departure (di-paart-jar); leaving (Hiving); going away ~ baxid, tegid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tegis
-ta: (magac, dhedig, keli) meel aadid oo bixid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tegis
de: going; departing
initial: t
lx: tegis
pd: (-ta)
ps: vn-f
xe: I stopped going to the movies.
xv: tagis, tegid
key: tegis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tigid
m.l (-dyo, m.dh) Warqad hab gaar ah u samaysan oo ay ku qorantahay lacagta qofku baxsho oo dano badan loo istic-maalo. la-mid: tikid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tigid
m.l (-dyo, m.dh) Warqad hab gaar ah u samaysan oo ay ku qorantahay lacagta qofku baxsho oo dano badan loo isticmaalo. la-mid: tikid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tigid
m. n. ticket (for theater ~ transport); postage stamp
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tigid
-da: (magac, dhedig, keli) xadhig ku xidhid oo dhaqdhaqaaq u diidid. Dh: gijin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tigid
a: tigidh ~ tikit {Eng}
de: ticket (for theater ~ transport); postage stamp
initial: t
lx: tigid
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: tigid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tigin
(Tigin-ka)
Qori yar oo inta dhulka lagu aaso salkiisa wax lagu xiro (xargaha teendhada iyo wax la mid ah).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tigin
m.l (-nno, m.dh) Qori dhulka lagu aaso si loogu adkeeyo wax la dhisayo.
Gundhigga Astaamaha - Ina Ashkir [2015]
Tigin
'
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tigin
m. n. stake (of metal ~ wood)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tigin
-ka: (magac, lab, keli) qori yar oo inta dhulka lagu aaso salkiisa wax lagu xidho, sida kan taambuuga xajiya oo kale.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tigin
de: stake (of metal ~ wood)
initial: t
lx: tigin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: tigin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tigir
-ka: (magac, lab, keli) eeg tigidh
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiris
tiris¹: m.l la-mid: tirin.
tiris²: m.dh la-mid: tirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tiris
vl. n. cancelling; wiping (out), erasing
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Tiris
Conteggio
Counting
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiris
-ka: (magac, lab, keli) eeg tirinta.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tiris
de: cancelling; wiping (out), erasing
initial: t
lx: tiris
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: tiris
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
togis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg togid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tugis
-ta: (magac, dhedig, keli) cabbaynta, buuxinta la biixiyo wax dhiman.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xigis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhigis
(Dhigis-ta)
Dhigid; qoris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhigis
m.dh la-mid: dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhigis
vl. n. act of writing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhigis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg dhigid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhigis
de: act of writing
lx: dhigis
pd: (-ta)
ps: vn1-f, vn2a-f
key: dhigis
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Digits
Faro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiigis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg fiigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
filgis
-ka: (magac, lab, keli) eeg filqin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiigis
-ta: (magac, dhedig, keli) si baahi ka muuqato, harag ama tahar ama wax la mid ah, ruugid oo afka ula dhicid. Dh: hiigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hingis
-ka: (magac, lab, keli) sidayaasha isku haya albaabka iyo gidaarka. Dh: rasad, faseexad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liigis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg liigid. Wil: (fal) dun iyo wixii la mid ah, sooh oo miiq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mingis
(Mingis-ka)
Cayaar ragga iyo dumarkuba ka qayb galaan; dhinac tumiddeedu aad bay u qurux badan tahay, dhinacna senen aad u foolxun bay ku dhisan tahay; waa loo dhacaa oo loo bukoodaa oo waxaa la qabaa in jinniyo magacyo badan leh (sida: Maamme; Yoose) ay dadka caafimaadkiisa gacanta ku hayaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mingis
m.l 1. (dii.) Rooxaan ama jin la rumaysanyahay in uu dadka cudur geliyo. 2. Cudur dadka ku dhaca oo la aamminsanyahay inuu ka yimaado rooxaanta (mingiska). 3. Cayaar jiib, jaan iyo durbaan leh oo loo tumo qofka jirrada mingiska qaba.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mingis
m.l 1. (dii.) Rooxaan ama jin la rumaysanyahay in uu dadka cudur geliyo. 2. Cudur dadka ku dhaca oo la aamminsanyahay inuu ka yimaado rooxaanta (mingiska). 3. Cayaar jiib, jaan iyo durbaan leh oo loo tumo qofka jirrada mingiska qaba.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mingis
m. n. demon ~ evil spirit that possesses people; dance to relieve this possession
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mingis
-ka: (n) a sickness believed to be caused by an evil spirit: demon (diiman) ~ boorane, saar, wadaaddo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mingis
ciyaar da' weyn oo ka mid ah ciyaaraha saarka waxana laga ciyaaraa gobollo ay ka mid yihiin Waqooyi-Galbeed, Mudug, Bari iyo Banaadir ee Soomaaliya; qalabka loo qaato ama lagu ciyaar waxaa ka mid ah: durbaan iyo narso waxana la shidaa waxyaabaha udugga leh iyo cadarro kala nooc ah oo la isku shubo.
mingis-ka: (magac, lab, keli) saarka laga tumo dadka saarka leh. Dh: saar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mingis
cf: boorane, saar, yoose
de: demon ~ evil spirit that possesses people; dance to relieve this possession In folklore
lx: mingis
pd: (-ka)
ps: n0-m
key: mingis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mirgis
m.l la-mid: merjin.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
otitis
(n) inflammation of the ear, which may be marked by pain, fever, abnormalities of hearing, etc.
dheg xanuun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taagis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg taagida.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ticisi
m.l Nooc ka mid ah qaadka oo ka yimaada magaalada Ticis ee dalka Yemen.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
tights
/tayts/ (n) surweel jiidma oo jirka ku dhagan, oo aalaaba dumarka niikiyaa qaataan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tigidh
m. n. ticket; stamp
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tigidh
-ka: (n) ticket (ti-kit) ~ tikit. Ex: tigidhka diyaaradda; the airline ticket
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tigidh
-ka: (magac, lab, keli) warqada ama aqoonsiga loo goosto in meel lagu galayo sida dhakhtar, golaha maaweelada basaska, diyaaradaha iyo wixii la mid ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tigidh
de: ticket; stamp
initial: t
lx: tigidh
pd: (-ka)
ps: n2a-m
see: tigid {N < Eng}
key: tigidh
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tigtig
(Tigtig-ga)
Xirmo, tolmo u eg, oo wax ballaaran ama af weyn leh qarkiisa xoog isugu soo uruurisa oo isu keenta oo xirta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tigtig
tigtig¹: m.l la-mid: tigtigid.
tigtig²: f.g1 (-gay, -gtay) Wax la tolayo ama la xirayo dhuujin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tigtig
v. cinch; lock stitch; tie up tight
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tigtig
-ay / tay: (v) pull tight; make tight or tighter; tighten (taay-ten); draw tight.; stiffen (istifan) ~ tog, giiji
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tigtig
(fal) wax debecsan oo kala soocan kala xidhxidh oo yaanu dhaqdhaqaaqin.
tigtig-ga: (magac, lab, keli) xidhmo tolmo u eg oo wax balaadhan ama af weyn leh qarkiisa xoog isugu soo ururisa oo isu keenta oo xirta
tigtig: (ereycodeed) lagu sifeeyo socod aan dheellitirrayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tigtig
de: cinch; lock stitch; tie up tight
initial: t
lx: tigtig
nt: tigtig (ga) [vn-m], tigtigid (da) [vn-f]
pd: (tigtigay)
ps: v1=tr
key: tigtig
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiicis
m.l la-mid: tiicin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiicis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg tiicid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiifis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg tiifid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiimis
m.l Gabay la soo diyaariyey
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiiris
m.l la-mid: tiirin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiiris
-ka: (magac, lab, keli) eeg tiirin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tircis
-ka: (magac, lab, keli) socodka nirgaha marka ay dhashaan illaa ay dhawr maalmood ka gaadhayaan.
tircis -ta: (magac, dhedig, keli) gacanqabashada ilmo yar oo raadbarad ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiriis
-ka: (magac, lab, keli) eeg teeris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tirjis
m.l la-mid: tirjin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
utiris
-ta: (magac, dhedig, keli) denbi ama fal nin aanu faline, loo aaneeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tigtigis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg tigtigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tixgelis
(Tixgelis-ka)
Xurmo; sharaf; qaddaris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tixgelis
m.l la-mid: tixgelin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tixgelis
vl. n. taking into account, consideration; respect
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tixgelis
-ka: (n) see [eeg] tixgelin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tixgelis
-ka: (magac, lab, keli) ixtiraammka la siyo qof walba ee uu mutaystay. Dh: qadariska, xurmayska, shafiska.
tixgelis -ka: (magac, lab, keli) (is ~) is ixtiraammis, isqaddariska iyo isxushmaynka dadka ka dhaxaysa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tixgelis
a: tixgelin (ta) [vn-f]
cf: maamuus
de: taking into account, consideration; respect
initial: t
lx: tixgelis
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: tixgelis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iis
-ta: (magac, dhedig, keli) dhanaaniso lagu daro cajiinta daqiiqda si ay u faxdo oo loo dubo. Dh: dhanaaniso, fixiso, khamiiriso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tig
(Tig-ta)
1. Bahal jiirka u eg oo leh lugo dheerdheer oo xoogag badan iyo jeenyo aad u gaaggaaban oo aan ishu dhab u qaban karin.
2. (*) Gaari yar oo saddex garangarood leh (mid hore iyo labo danbe).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tig
m.dh 1. Bahal jiirka u eg oo leh lugo dhaadheer iyo jeenyo aad u gaagaaban. 2. (go, m.l) Gaari yar oo saddex garan-garood (mid hore iyo labo dambe).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tig
f. n. gerbil species, kangaroo rat
tig [feminine] n. three-wheeled cart
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tig
(fal) xadhig iyo wax la mid ah, ku xidh oo dhagdhaqaaqa u diid. Wuu tigay ka yar. Dh: giji.
tig -ta: (magac, dhedig, keli) bahal jiirka u sansaan eeg oo leh lugo dhaadheer oo aad u xoogan iyo jeenyo aad u gaagaaban oo aan ishu dhabu qaban karin.
tig-ta: (magac, dhedig, keli) gaadhi yar oo saddex shaag leh; mid hore iyo labo danbe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tii
Tii: Qof ama wax la isla ogaa oo maqan oo dheddig oo aan magaciisa la sheegeyn.
Tii: -tii — a) Tii. b) Qodobka -ta oo noqda -tii kolka uu ka dabadhaco magac, qofka hadlaya iyo qofka lala hadlayo isla og yihiin ama yaqaanniin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tii
tii¹: mu.ac.dh kuwii, w Magacuyaal aan cayinnayn oo dheddig ah oo cid ama wax la isla ogaa oo maqan oo aan magaciisa la sheegayn. Tusaale: “Waxaan arkay tii qortay buuggan?”.
tii²: (-tii) q.dh Qodobka 'ta' oo noqda 'tii' kolka uu ka dabadhaco magac dhaddig, qof ka hadlaya iyo qofka lala hadlayo isla ogyihiin ama yaqaanniin. Tusaale: “Aaway baastadii aad karisay?”.
tii³: (-tii) dk.lh.dh la-mid: tiisa².