tifna
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tifna
Wax yarna; inna; xoogaana.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tifna
: not a drop, no (liquid), none at all
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tifna
de: not a drop, no (liquid), none at all
initial: t
lx: tifna
ps: neg-expr
key: tifna
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tifnaansho
m.l/dh la-mid: tifnaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tifan
de: plucked; tattered, in threads; [ext.] fringed (garment)
initial: t
lx: tifan
pd: (tifnaa)
ps: adj-der
key: tifan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tifnaan
m.f.dh eeg tifan. la-mid: tifnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tifnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax latifayahaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tif ah
adj., [expression] full (volume); abundant
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tif_ah
de: full (volume); abundant
initial: t
lx: tif ah
ps: adj-expr
key: tif_ah
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiflay
(fal) dhibic, iyo wixii la mid, ah'dhac. Dh: tifiqlay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tifqan
(fal) biyo'tifiqtifiq u dhacaya, sii daa. Dh: gobo'lay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tiinna
Waxa ama tan idinku aad leedihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiinna
tiinna¹: mu.lh.dh (kuwiinna, w) Magacuyaal lahaansho oo tilmaamaya wax idinku (qofka labaad ee wadarta ah) aad leedihiin.
tiinna²: (-tinna) dk.lh.dh Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax idinku (qofka labaad ee wadarta ah) aad leedihiin. Tusaale: “Waa la ogaaday sirtiinna”. la-mid: tiin².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tiinna
tiinna¹: mu.lh.dh (kuwiinna, w) Magacuyaal lahaansho oo tilmaamaya wax idinku (qofka labaad ee wadarta ah) aad leedihiin.
tiinna²: (-tinna) dk.lh.dh Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax idinku (qofka labaad ee wadarta ah) aad leedihiin. Tusaale: Waa la ogaaday sirtiinna. la-mid: tiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiinna
(magac'uyaal) waxa ama tan aad idinku leedihiin. Lacagtiinna marka aad bixisaan annana waanu keeni taayada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ina
1. Uyaal uu lee yahay qofka hadlaya oo kooxda ah oo kan lala hadlayaa ku jiro, oo wax la taarana hayo; innaga.
2. a) (ina) Kii uu dhalay: inankii; wiilkii. b) (inà) Tii uu dhalay; inantii; gabadhii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ina
mu.dhm.ly Magacuyaal layeele oo tilmaamaya qofka koobaad ee wadarta ah, oo aan kuwa lala hadlayaa ku jirin. Tus.: “Ninku waa ina wada arkay ee maxaynu samaynaa?” la-mid: inna³.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ina
mu.dhm.ly (naxwe) Magacuyaal layeele oo tilmaamaya qofka koobaad ee wadarta ah, oo aan kuwa lala hadlayaa ku jirin. Tusaale: Ninku waa ina wada arkay ee maxaynu samaynaa? la-mid: inna.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ina
pron., pl. us [inclusive.]
ina name: son, daughter
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Ina
nous (objet).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ina
(pronoun) 1. us; the objective case of we (annaga, innaga). Ex: ina keena; let us go. 2. [title] the son of or the daughter of.. Ex: ina Qawdhan; the son of Qawden.
ina: (suffix) not (not); don't (dhownt); used with you (all) and negative ha, Ex: ha cunninal; don't (you all) eat!
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ina
(magac'uyaal) tilmaamaya in qofka la sheegayo uu yahay ilmaha qofka magaciisu ka danbeeyo.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
ina
إبن
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tif
1. Wax aad u yar.
2. (Tif-ka) Go' ama cad ama daliig dun ah ama caws ama wax la mid ah.
3. Wax buuxa oo aan dhinnayn.
4. Dhicidda dhibicda; gobo'; tifiq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tif
tif¹: m.dh/l 1. (-faf, m.l) T. ah: wax buuxa oo aan dhinnayn. 2. Cad ama daliig dun ah ama caws. 3. Dhibcidda.
tif²: m.dh.sh.r Cod lagu muujiyo dhibcidda.
tif³: f.g1 (-fay, -ftay) 1 . Qori wax dhuuban ka dhigid. 2. Wax duf ka rifid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tif
m. n. (adj.): piece of thread, fiber, blade of grass, anything thin; very slim ~ thin
tif v. pluck, pull out fibers; make a fringe
tif [feminine] n. droplet; dripping
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tif
-ay / tay: (v) pluck (palaak); pull out abruptly with the fingers ~ rif, kidif,
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tif
(fal) liillimada dunta ah maro ama wax kale, midmid u bixbixi, u siibsiib.
tif: (tilmaame) wax aad u buuxa oo halka u sarraysa jooga. Dh: daf, buux. Li: faaruq.
tif -ka: (magac, lab, keli) dun, tigaad ama wax kale, miiq ka mid ah. Tif yar baa isha iga galay. Dh: saxar.
tif -ka: (magac, lab, keli) wax aad u dhuuban.
tif -ta: (magac, dhedig, keli) dhibcid; kolba dhibic sii deyn. Dh: dhibicda, gobo, tifiq.
tif -ta: (magac, dhedig, keli) wax aad u yar.
tif -ta: (magac, dhedig, keli) astaan yar oo dusha laga saaro shaqallada ereyada qaarkood si loo kala saaro labka, dhedigga, fudaydka iyo culayska ee afafka qaarkood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tin
(Tin-ka)
Daliigo jiljilicsan oo dunta u eg oo oogada dadka iyo nafleyda kale qaarkeed ka soo baxa, mid ka mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tin
m.l/dh (-imo, m.l) Daliigo jillicsan oo dunta u eg oo oogada dadka iyo nafleeyda kale qaarkeed ka soo baxa, mid ka mid ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tin
m.l/dh (-imo, m.l) Daliigo jillicsan oo dunta u eg oo oogada dadka iyo nafleeyda kale qaarkeed ka soo baxa, mid ka mid ah.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tin
Tlin
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tin
m. n. hair (single)
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
tin
/tin/ (n) 1. macdan, birta nooca tanagyada iwm laga sameeyo, (n) 2. Qasac.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tin
-ta: (n) [singular of timo] a single hair
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tin
-ta: (magac, dhedig, keli) hal xabo oo ka mida timaha ama dhogorta. Wa: timo.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
tin
شعر
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
tin
n., tanag, -gi; tin pot, daasad, -di.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
fifa
s.f. - baqdin, cabsi.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
iéna
s.f. - waraabe, dhurwaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Inna
(in + na) waxna; waxba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
inna
inna¹: mu.diid waxba. la-mid: in¹ (5).
inna²: mu.eb la-mid: innaga.
inna³: mu.dhm.ly la-mid: ina.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
inna
mu.diid waxba. la-mid: in.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
inna
pron., red, pl. we all [inclusive.]
inna: [conjunction], neg. not ... that; nothing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
inna
(pronoun) us (aas); we (wii). Ex: inna keena; let us go
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
inna
(magacuyaal) qofka kowaad oo wadarta ah; dadka lala hadlaayo oo uu ku jiro kan hadlaayi. Inna keena, saacaddii iskuulku way dhacdee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isna
pron., [conjunction] and he also ...
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isna
[pronoun plus conjunction] he ~ asna. Ex: isna wuu joogay; also. he was also present
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isna
(magacuyaal) qofka saddexaad ee laga hadlayo oo keli ah; isagana.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isna
de: and he also ... = is + -na
lx: isna
ps: pro + conj
key: isna
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Mina
name-f fortunate (Arb)
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
mina
s.f. - miino.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Mina
ama Muna: magac loo bixiyo gabadh dhalashadeedu nasiib lahayd ama gumburta Mina loogu magacdaray.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
tana
s.f. - god bahaleed.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
tien
tien, pron.poss. - waxa aad leedahay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tiin
(Tiin-ka)
1. Miro yaryar oo macaan badan oo gudaha ku leh gan ubax ah; waxay lee yihiin dalool yar oo uurka iyo afka isu haya; wax ka bisayldhaafi og, oo sidaas daraaddeed, waa la engejiyaa.
2. Geedka mirahaasi ka baxaan.
3. Geed dhulka kulul iyo lamaddegaannada ka baxa oo aan caleemo lahayn oo laamihiisu ka samaysan yihiin xubno bagbagafsan oo wada buruq ah oo korka iska saarsaaran oo qodxo ku wada rogan yihiin; wuxuu dhalaa miro qaabka ugaxda leh oo kolkay bislaadaan aad u guduudan oo iyagana qodxo ku rogan yihiin; qurcis; tiin-hindi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiin
tiin¹: m.l 1. Geed aan caleemo lahayn oo korkiisa qodxo ku wada rogon; miraha geedkaas. 2. Macdan.
tiin²: (-tiin) dk.lh.dh la-mid: tiinna².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tiin
m.l 1. Geed aan caleemo lahayn oo korkiisa qodxo ku wada rogon; miraha geedkaas. 2. Macdan.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tiin
Cactus
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tiin
m. n. cactus plant; succulent used as a hedge
tiin m. n. fig tree; fig ~ figs (fruit)
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
TIIN
(Tin) S, C, N, May. NFD Opuntia ficus indica L. Cactaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiin
-ka: (magac, lab, keli) geed lamaddegaannada iyo dhulka kulul ka baxa oo aan laamihiisu caleemo lahayn ayse ka kooban yihiin xubno bagbagafsan oo wada baruq ah oo korka iska saarsaaran oo qodxo ku wada rogan yihiin, wuxuu dhalaa midho qaabka ugaxda leh oo kolkay bislaadaan aad u guduudan oo iyagana ay qodoxi ku rogan tahay. Dh: qurcis, tiinhindi.
tiin -ka: (magac, lab, keli) midhaha geedka tiinka ka baxa.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
tiny
/tayni/ (adj) aad u yar (yaraan badan).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
tuna
/tuuna/ (n) tuuno (hilibka kalluunka).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cidna
Waxna: qofna; ninna.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cidna
pro; n. phr., neg. no one, nobody
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cidna
(pronoun) nobody; no person; not anyone
cidna (pronoun) nobody (noo-baadhi); no person; not anyone ~ qofna. Ex; cidna kuma oran tag; nobody told you to go
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cidna
de: no one, nobody
lx: cidna
pd: (cidina)
ps: pro / np + neg
syn: qofna
key: cidna
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
cifra
s.f. tiro.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Diina
name-f religious
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jifaa
m.l (-aayaal, m.l/dh) Jirrid jiif u baxda dhulka korkiisa oo xididdo ku yeelata gummudyo yar yar, kuwaas oo geedo cusubi ka soo baxaan xididdadaas.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Liana
Xayaab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Midna
Mid oo iyaga ahna...; xataa mid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
midna
n. phr., neg. not one, no one, neither one
midna n. phr., [conjunction] and one ..., and the other ...
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
midna
(pronoun plus negative) no one; nobody
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
midna
(magac'uyaal) erey lagu cabbiro in uu qofna wixii loo baahnaa ka soo bixin; xataa mid kuwaa ahna. Raggii kolkay iga baxeen midna ma arag. Dh: qofna.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Misna
Haddana; kol kale; kol labaad; kol danbe; (ama misanaa).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
misna
xi. la-mid: misana.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
misna
[adverb] or [adverbial] [expression] again
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
misna
(conjunction) 1. and (andh). Ex: misana wuu yimid; and he came ~ misna. 2. (adverb) again (ageen) Ex: misana samee! do it again!
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
misna
a: misana
de: again
lx: misna
ps: adv
key: misna
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ninna
pro; n. phr., neg. no man, nobody
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ninna
(pronoun) no one; nobody (noo-baadhi)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ninna
de: no man, nobody
lx: ninna
ps: pro / np + neg
key: ninna
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Pinna
Caroog
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qofna
Ninna; cidna.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qofna
pro; n. phr., neg. no one, nobody
qofna pro / n. phr., [conjunction] anyone, somebody
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qofna
(pronoun) 1. nobody (noo-baadhi); no one (noo-wun); no person; not anyone. 2. somebody (sam-baadhi); someone (sam-wan)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tafaa
-ga: (n) climber (kaleeymer)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tahna
Waxyarna; in yarna; inna.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tahna
fk. Waxyarna; inyarna; inna.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tahna
: not even a little bit
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tahna
-da: (magac, dhedig, keli) wax yarna; in yarna. Tahna kama helin halkaan tegay: Dh: kis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tahna
cf: innaba
de: not even a little bit = tahay + -na
initial: t
lx: tahna
ps: neg-expr
key: tahna
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
tèrna
s.f. - saddexley.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tibia
Biixi weyn
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
tibia
(n) the larger of two bones between the knee and ankle.
lafta kubka
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
tibia
/tibya/ (n) shansho (xubinta bowdada iyo dhudhunka U dhaxaysa).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
tibia
tibia, n.m. - lafta labada mataanood ee addinka ta hore
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tif_1
de: piece of thread, fiber, blade of grass, anything thin; [atr.] very slim ~ thin
hm: 1
initial: t
lx: tif
pd: (-ka Pl: tifaf (ka))
ps: n4-m
key: tif_1