tiflayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiflayn
-ta: (magac, dhedig, keli) marka shay wax habaya ama qubaya dareere lagu qaado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiflay
(fal) dhibic, iyo wixii la mid, ah'dhac. Dh: tifiqlay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciflayn
-ta: (magac, dhedig, keli) samaynta codka 'cif'.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiflays
-ka: (magac, lab, keli) eeg tiflayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tifleyn
m.dh la-mid: tifqid.

tifiqlayn
m.dh la-mid: tifqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tifiqlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dareere, si tifiqtifiq ah u u di'id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilayn
(Ilayn-ta)
1. Il ama siriq samayn, waxayn; siriq ku roorin.
2. (senen) Dhugasho wax ku yeelid; dhabataysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilayn
m.f.dh eeg ilee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cawryid; eegmo cid lagu dhabateeyo. Dh: dhabasho.
ilayn-ta: (magac, dhedig, keli) meel madow oo aan nal lahayn, iftiimin. Dh: nalayn, siraadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tifan
La tifay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tifan
f.mg4 (-fnaa, -fnayd) Wax la tifay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tifan
der. [adjective] plucked; tattered, in threads; fringed (garment)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tifan
(tilmaame) dun la siisiibay. Joonyadu way tifan tahay.
tifan: (tilmaame) marka iduhu dhogor goostaan ama xiirtaan. Ido tifan ayaa jooga reerka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tifan
de: plucked; tattered, in threads; [ext.] fringed (garment)
initial: t
lx: tifan
pd: (tifnaa)
ps: adj-der
key: tifan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Idlayn
(Idlayn-ta)
Dhammays tirid; wada dhammayn; wax ka reebid la'aan; marin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
idlayn
m.f.dh eeg idlee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
idlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhammaynta wax tirsanaa ama tuulnaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
illayn
xi. 1. la-mid: illeen. Eray hadalka lagu adkeynayo. 2. la-mid: illaa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
illayn
xi. 1. la-mid: illeen. Erey hadalka lagu adkeynayo. 2. la-mid: illaa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
illayn
conj. but, on the other hand
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Illayn
en effet.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
illayn
(conjectiori) on the contrary; yet (yat); but (bat) ~ illeen, illayse
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
illayn
(xidhiidhiye) erey la yidhaahdo marka wax aan la ogayn la ogaado. Alaabtii aqalka ka soo qaado aan is lahaa, illayn Cali baa ila soo waydaartay. Dh: shaw, illeen.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
illayn
a: illeen
de: but, on the other hand
lx: illayn
ps: conj
key: illayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jifayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof xun, meel ama cid looga ergoodo. Dh: beegid, aanayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jilayn
(Jilayn-ta)
1. Jil u yeelid, ku marid.
2. (wadaan, kd.) afka marin; aad u buuxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilayn
m.f.dh eeg jilee. la-mid: jilays.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jilayn
vl. n. filling to the brim
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jilayn
a: jilays (ka) [vn-m]
de: filling to the brim
lx: jilayn
pd: (-ta)
ps: vn-f
see: jilee
key: jilayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
milayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax qaybin oo u kala soocid. Milayntaada ayaan sugaynnaa. Dh: milays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sifayn
(Sifayn-ta)
1. Wax sifaysan ka dhigid; nadiifin.
2. Sifo wax lee yihiin sheegid; tilmaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sifayn
m.f.dh eeg sifee. la-mid: safayn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sifayn
-ta: (n) 1. purification (piy-uuri-fi-keey-shin); cleaning (kilin-ing); refinement (ri-faayn-mant) purifying (piyuurafaaying) 2. characterising, describing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sifayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sifo wax leeyihiin sheegid; tilmaamid.
sifayn -ta: (magac, dhedig, keli) uskaga ka nadiifin. Dh: cadayn. Li: uskagayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tibayn
(Tibayn-ta)
Tib wax la dhicid ama wax ku qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tibayn
m.f.dh eeg tibee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tibayn
-ta: (magac, dhedig, keli) tib la dhicid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tifqan
(fal) biyo'tifiqtifiq u dhacaya, sii daa. Dh: gobo'lay.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tirayn
Numeration
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tolayn
(Tolayn-ta)
Wax tolku lee yahay ka dhigid; qaramayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tolayn
m.f.dh eeg tolee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tolayn
vl. n. act of making someone a kinsman; nationalization
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Tolayn
Nazionalizzazione
Nationalization
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tolayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax tolku leeyahay ama ka wada dhexeeya ummadda ka dhigid. Dh: midayn.
tolayn-ta: (magac, dhedig, keli) gumayn; beelayn Dh:tolays.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tolayn
de: act of making s.o. a kinsman; [ext.] nationalization Alt sp: toleyn
initial: t
lx: tolayn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: tolayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xilayn
(Xilayn-ta)
1. Xil saarid; xiloodin.
2. Xilo ka dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xilayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid masuuliyad saarid. Xilayn wuu ku fiican yahay. Dh: xilsaarid, xilays, xiloodin.
xilayn-ta: (magac, dhedig, keli) xilo samaysasho; reer dhisasho oo guursasho. Xilayni heshiis kama maaranto. Dh: xilays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biglayn
(Biglayn-ta)
Hadba big leh; bidhaamo googgo'an oo degdeg isu dabajooga, samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biglayn
m.f.dh eeg biglee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biglayn
vl. n. twinkling, flashing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
biglayn
-ta: (n) twinkling or flashing light; flicker, glimmer ~ biliglayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biglayn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg bidhlayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
biglayn
de: twinkling, flashing
lx: biglayn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: biglayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
billayn
m.dh la-mid: ballayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
billayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cunug afartan cisho jira cid dusha u saarid oo dibadda warwareejin. Billaynta carruurta waxa lagu balleeyaa kolba qofka la doorbidayo. Dh: gardaadin, ballayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biqlayn
(Biqlayn-ta)
Biqle samayn; biibbiilayn; jaflayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biqlayn
m.f.dh eeg biqlee. la-mid: biqlays, biqle (1).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biqlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) labada lugood ee danbe oo wada jira, ku harraatiyid. Dh: jaflayn, biibiilayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bislayn
(Bislayn-ta)
Wax bisil ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bislayn
m.f.dh eeg bislee. la-mid: bislays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bislayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax bissil ka dhigid. Bislayn intaa ka badan looma baahnee dheriga ka soo rog. Dh: bislays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cidlayn
(Cidlayn-ta)
Cidla' ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cidlayn
m.f.dh eeg cidlee.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Cidlayn
Abbandono
Abandonment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cidlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) meel cidi joogin ka dhigid; meel aan wehel lahayn ka dhigid. Dh: cidlays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cillayn
m.dh la-mid: cilladayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cillayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cillad u yeelid; kharribid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diglayn
(Diglayn-ta)
Dikaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diglayn
m.f.dh eeg diglee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fixlayn
(Fixlayn-ta)
Aad u qoslid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fixlayn
m.f.dh eeg fixlee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fixlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) tiflayn ama tifiqtifiqlayn oo aayar u di'id. Dh: tiflayn, tifiqlayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiqlayn
m.dh la-mid: hiqhiqlayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiqlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cod googo'an oo ka dhasha oohin la isku celiyo iyo ciilkaambi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaflayn
(Jaflayn-ta)
(xoolo) lugaha danbe wax ku haraatiyid, siiba lo'da.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaflayn
m.f.dh eeg jaflee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaflayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo, xagga danbe wax u harraatiyid. Dh: harraati
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kiilayn
m.f.dh eeg kiilee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lillayn
-ta: (magac, dhedig, keli) waxtar iyo faa'ido lahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
niglayn
-ta: (magac, dhodig, keli) nignigta hayn cod wax weyn oo dhulka ku dhacay oo kale abi samayn. Niglaynta hubka ayay carruurtu ka sasaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rillayn
(Rillayn-ta)
Wax jiritaankood ama ahaanshohood, raalli ka noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rillayn
m.f.dh eeg rillee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tifnaan
m.f.dh eeg tifan. la-mid: tifnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tifnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax latifayahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tifqaan
f.mg1 la-mid: tifiq².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tifqaan
v. pour in droplets
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tifqaan
-ka: (magac, lab, keli) tifqaamid; tifqamid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tifqaan
de: pour in droplets
initial: t
lx: tifqaan
nt: tifqaamid (da) [vn-f]
pd: (tifqaamay)
ps: v1=tr
key: tifqaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wifleyn
m.f.dh eeg wiflee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wiilayn
-ta: (magac, dhedig, keli) in badan ereyga 'wii' ku celcelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xifaalayn
(Xifaalayn-ta)
Hadallo xifaalo ah, ku dhihid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xifaalayn
m.f.dh eeg xifaalee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xifaalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid la kaftamid. Dh: xafaalayn, xifaalays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidhlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax kolla iftiimiya kolla bakhtiyaya ahaan. Dh: biglayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biiqlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) codka biiqbiiqda oo is daba joog ah loo sameeyo. Biiqlayn badana ma dhoortaxaliil baa dabada gashay. Dh: biilayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bikhlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cadho is dabajoog ah oo soo noqnoqota.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buuflayn
m.f.dh eeg buuflee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuflayn
-ta: (magac, dhedig, keli) buufta hayn oo neef kolla hoos u jiidid kolla kor. Buuflaynta daa oo saani u hadal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiiqlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) oy adiga oo 'hiq' dhabanaya.