ti
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ti
(-ti) dk.lh.dh la-mid: tiisa².
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
ti
pron. - ku, kuu (adiga aan fale ahayn).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aabayeelid
(Aabayeelid-da)
U dan gelid; tixgelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aabayn
(Aabayn-ta)
1. Tixgelin; aabayeelid; daryeelid.
2. (weel) xoolayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aabo
(Aaba-ha)
Tixgelis; danayn; aabayeel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aad
aad: 1. (⁰) Dhab; si daran.
2. Adigu.
-aad: Tiraab lagu dabakaro tirada oo muujiya jagada tiradaasi ku abbaaran tahay, saddex-aad (3d.); shan-aad (5d.); sagaal-aad (9d.).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aayad
(Aayad-da)
1. Suurad quraan, tixaha ay ka kooban tahay, middiiba.
2. Wax aan hor loo arki jirin oo yaab leh.
3. Mucjiso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abeeso-lugaley
(Abeeso-lugaley-da)
Jaad halaqa ka mid ah oo qallajisaha waaweyn lagu tirsho oo afar addin iyo dabo dheer iyo harag adag leh; masolugaley, riyannuug.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afar
(Afar-ta)
Tirada saddexda iyo shanta u dhexaysa (4).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afartamaad
(Afartamaad-ka)
1. Tirada heerka afartanka ku abbaaran; 40d. (ama afartanaad).
2. Xilli roob oo toban beri ah oo ka bilawda afartamaadka dabshidka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afartameeye
(Afartameeya-ha)
Tiro afartan ku dhow (ama afartameeyo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afartan
(Afartan-ka)
Tiro ka kooban afar tobnaad, (40).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afmaal
(Afmaal-ka)
Afyaqaan hadal wanaagsan tirsha ama qora (gabay, hees, buug, ...) oo wax ka dheefa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afraad
(Afraad-ka)
Tiro taxan, kan jagada afarta ku abbaaran; (4d.) (ama afaraad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Agool
(Agool-ka)
1. Hollobta timaha salkooda ka dhalata.
2. Astayn, calaamayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Akidid
(Akidid-da)
(talo, arrin, ...) cid ku raacid, adkayn, xoojin, tiirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ama
Erey isku xira labo hadal ama labo tixood, isla kolkaasna kala xiriirfura oo sheega inaan la isku hela hayne, tii la helaa ay tan kale meesha ka saarayso (aniga ama adiga; wax i sii ama i qadi).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Andaqaad
(Andaqaad-ka)
Arrin lagu heshiiyey, wixii xil ka yimaada ama eeddii ka timaadda oo la qaato; eedqaad; xilxanbaar; shaf-u-tun; u qoolnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Andaqaadid
(Andaqaadid-da)
Arrin lagu heshiiyey wixii xil ka yimaada ama eeddii ka timaadda, qaadasho; eed qaadid; xil xanbaarid; isu qoolid; shaf u tumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ardaaggal
(Ardaaggal-ka)
Ardaa qurux badan oo loo dhiso nin ama qolo gabdhaddoon iyo xididtooyo u timaadda; dadabgal; riddingal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Arkaan
(Arkaan-ta)
(keli: rukni) rukniyo badan; tiirar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Astaan
(Astaan-ta)
Wax laysku soo sooco (bar, haar, daqar); summad; tilmaan; asto; calaamo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tib
(Tib-ta)
1. Kasha mooyaha wehelisa oo badarka lagu tumo.
2. Ul kasta oo weyn oo kasha u eg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tib
m.l (-bab/-bo, m.l) Ul weyn oo siyaalo kala duwan loo isticmaalo, badarkana lagu tumo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tib
f. n. pestle; large club, cane, long stick
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tib
-ta: (magac, dhedig, keli) usha mooyaha wehelisa ee badarka lagu tumo. Dh: kal.
tib-ta: (magac, dhedig, keli) ul kasta oo weyn. Dh: gaar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tib
cf: sukuliye
de: pestle; large club, cane, long stick
initial: t
lx: tib
pd: (-ta Pl: tibab (ka))
ps: n4-f, n1-f
key: tib
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
tic
/tik/ (n) dubaaxis (siiba boodboodka murquhu mar-mar sameeyaan).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
tic
tic, n.m. - cudur qofku uu boodboodo oo uu il jabiyo mar kasta
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
tie
/tay/ (n) 1. negatiin (taay, dhuubka marada ah ee ragu xirto) (n) 2. xarig (shay wax-isku xira) (v) 3. xirid (dhuujin; isku-xirid).
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Tie
Qoor-xir
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
tie
v.tr., xidh, xidho; tie the she-camel's teats, mar; tie one side, hasha ka agmar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tif
1. Wax aad u yar.
2. (Tif-ka) Go' ama cad ama daliig dun ah ama caws ama wax la mid ah.
3. Wax buuxa oo aan dhinnayn.
4. Dhicidda dhibicda; gobo'; tifiq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tif
tif¹: m.dh/l 1. (-faf, m.l) T. ah: wax buuxa oo aan dhinnayn. 2. Cad ama daliig dun ah ama caws. 3. Dhibcidda.
tif²: m.dh.sh.r Cod lagu muujiyo dhibcidda.
tif³: f.g1 (-fay, -ftay) 1 . Qori wax dhuuban ka dhigid. 2. Wax duf ka rifid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tif
m. n. (adj.): piece of thread, fiber, blade of grass, anything thin; very slim ~ thin
tif v. pluck, pull out fibers; make a fringe
tif [feminine] n. droplet; dripping
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tif
-ay / tay: (v) pluck (palaak); pull out abruptly with the fingers ~ rif, kidif,
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tif
(fal) liillimada dunta ah maro ama wax kale, midmid u bixbixi, u siibsiib.
tif: (tilmaame) wax aad u buuxa oo halka u sarraysa jooga. Dh: daf, buux. Li: faaruq.
tif -ka: (magac, lab, keli) dun, tigaad ama wax kale, miiq ka mid ah. Tif yar baa isha iga galay. Dh: saxar.
tif -ka: (magac, lab, keli) wax aad u dhuuban.
tif -ta: (magac, dhedig, keli) dhibcid; kolba dhibic sii deyn. Dh: dhibicda, gobo, tifiq.
tif -ta: (magac, dhedig, keli) wax aad u yar.
tif -ta: (magac, dhedig, keli) astaan yar oo dusha laga saaro shaqallada ereyada qaarkood si loo kala saaro labka, dhedigga, fudaydka iyo culayska ee afafka qaarkood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tig
(Tig-ta)
1. Bahal jiirka u eg oo leh lugo dheerdheer oo xoogag badan iyo jeenyo aad u gaaggaaban oo aan ishu dhab u qaban karin.
2. (*) Gaari yar oo saddex garangarood leh (mid hore iyo labo danbe).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tig
m.dh 1. Bahal jiirka u eg oo leh lugo dhaadheer iyo jeenyo aad u gaagaaban. 2. (go, m.l) Gaari yar oo saddex garan-garood (mid hore iyo labo dambe).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tig
f. n. gerbil species, kangaroo rat
tig [feminine] n. three-wheeled cart
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tig
(fal) xadhig iyo wax la mid ah, ku xidh oo dhagdhaqaaqa u diid. Wuu tigay ka yar. Dh: giji.
tig -ta: (magac, dhedig, keli) bahal jiirka u sansaan eeg oo leh lugo dhaadheer oo aad u xoogan iyo jeenyo aad u gaagaaban oo aan ishu dhabu qaban karin.
tig-ta: (magac, dhedig, keli) gaadhi yar oo saddex shaag leh; mid hore iyo labo danbe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tii
Tii: Qof ama wax la isla ogaa oo maqan oo dheddig oo aan magaciisa la sheegeyn.
Tii: -tii — a) Tii. b) Qodobka -ta oo noqda -tii kolka uu ka dabadhaco magac, qofka hadlaya iyo qofka lala hadlayo isla og yihiin ama yaqaanniin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tii
tii¹: mu.ac.dh kuwii, w Magacuyaal aan cayinnayn oo dheddig ah oo cid ama wax la isla ogaa oo maqan oo aan magaciisa la sheegayn. Tusaale: “Waxaan arkay tii qortay buuggan?”.
tii²: (-tii) q.dh Qodobka 'ta' oo noqda 'tii' kolka uu ka dabadhaco magac dhaddig, qof ka hadlaya iyo qofka lala hadlayo isla ogyihiin ama yaqaanniin. Tusaale: “Aaway baastadii aad karisay?”.
tii³: (-tii) dk.lh.dh la-mid: tiisa².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tii
tii¹: mu.ac.dh (kuwii, w) Magacuyaal aan cayinnayn oo dheddig ah oo cid ama wax la isla ogaa oo maqan oo aan magaciisa la sheegayn. Tusaale: 'Waxaan arkay tii qortay buuggan?
tii²: (-tii) q.dh Qodobka 'ta' oo noqda 'tii' kolka uu ka dabadhaco magac dhaddig, qof ka hadlaya iyo qofka lala hadlayo isla ogyihiin ama yaqaanniin. Tusaale: Aaway baastadii aad karisay?
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tii
pron., 3f: she (is the one)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tii
(pronoun) she (shii) Ex: tii day waxay samaynayso! Look what she is doing!
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tii
(magac'uyaal) tilmaame, oo loola jeedo qof ama wax la isla ogaa oo maqan oo dhedig, oo aan magaciisa la sheegayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tin
(Tin-ka)
Daliigo jiljilicsan oo dunta u eg oo oogada dadka iyo nafleyda kale qaarkeed ka soo baxa, mid ka mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tin
m.l/dh (-imo, m.l) Daliigo jillicsan oo dunta u eg oo oogada dadka iyo nafleeyda kale qaarkeed ka soo baxa, mid ka mid ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tin
m.l/dh (-imo, m.l) Daliigo jillicsan oo dunta u eg oo oogada dadka iyo nafleeyda kale qaarkeed ka soo baxa, mid ka mid ah.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tin
Tlin
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tin
m. n. hair (single)
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
tin
/tin/ (n) 1. macdan, birta nooca tanagyada iwm laga sameeyo, (n) 2. Qasac.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tin
-ta: (n) [singular of timo] a single hair
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tin
-ta: (magac, dhedig, keli) hal xabo oo ka mida timaha ama dhogorta. Wa: timo.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
tin
شعر
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
tin
n., tanag, -gi; tin pot, daasad, -di.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
tip
/tip/ (n) 1. bakh-shiish (lacag yar oo dheeraad ah, oo qof kuu adeegay looga farxiyo) (n) 2. caarad (fiiq). (n) 3. naseexo (talo- siin, siiba talo hawl kuu sahasha) (v) 4. bakhshiishid (v) 5. liicin (dhan u liicin, u dheelliyid) (v) 6. daadin (qubid).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
tip
n., (of the ear) dhegta dahasheeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tir
f.g1 (-ray, rtay) 1. Wax muuqooda baabi'in. 2. Ka t.: wax wasakh ka sifayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tir
f.g1 (-ray, rtay) 1. Wax muuqooda baabi'in. 2. Ka t.: wax wasakh ka sifayn. m.f.dh, tirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tir
v. cancel, eliminate, annul; erase; destroy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tir
-ay / tay: (v) remove by rubbing; erase (i-reeyz); delete (di-liit), cancel (kan-sal) ~ tirtir, masax
ka tir -ay / tay: (v) wipe (waayp); rub something clean. Ex: wasakhda ka tir; wipe off dirt
ka tiritaan -ka: (n) the act of canceling or wiping
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tir
(fal) baabi'i; raad tir. Dh: masax.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
tir
tir, n.m. - rididda sida mar xabada rido; gamidda sida marka falaadha lagamo; tuuridda.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tir
de: cancel, eliminate, annul; erase; destroy
initial: t
lx: tir
pd: (tiray)
ps: v1=tr
key: tir
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
tir
مسح
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tis
(Tis-ka)
Ood la gooyey oo is-haysata; jebis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tis
tis¹: m.l.u Ood la gooyey oo is-haysata oo hal mar qof qaadi karo; jebis.
tis²: f.mg1 (-say, -stay) Tis meel isugu keenid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tis
m. n., [collective] bundle of brushwood; branch of a thorny tree
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tis
(fal) is dulsaar, aad u gufee. Tis ooda yaan bahalu soo marine.
tis: (fal) ku ka buuxi oo tan dhaafi; aad u diiq. Ku tis shandada dharka.
tis -ka: (magac, lab, keli) ood la gooyey oo is haysata oo hal mar qof qaadi karo. Tiska u qaad reerka. Dh: jebis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tis
de: bundle of brushwood; branch of a thorny tree (used for making livestock enclosures)
initial: t
lx: tis
pd: (-ka)
ps: n-m-col
key: tis
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
tit
/tit/ (n) (infl) naas (naaska dumarka); ibta naaska.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tix
(Tix-da)
1. Hadal gaaban oo si gaar ah u taxan; weer; oroh; hawraar.
2. Maanso ama gabay gaaban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tix
m.dh 1. Ereyo qaafiyad iyo miisaan leh. 2. Gabay dhowr beyd ka kooban.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tix
m.dh 1. Ereyo qaafiyad iyo miisaan leh. 2. Gabay dhowr beyd ka kooban.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tix
f. n. line of poetry, stanza; short poem; poetry
tix [feminine] n. embroidered hem
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
TIX
Cynodon dactylon 20, Panicum pinifolium 10
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tix
-da: (n) verse (veers); short poetic composition ~ tuduc
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Tix
Verso; linea
Verse; line
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tix
-da: (magac, dhedig, keli) hadalka inta miisaanka iyo xarafraaca leh ee fikrad iyo ujeeddo leh dareenka na raadaysa oo ay dhegtuna jeclaysato. Tix iyo tiraaba waa lagula hadlay Soomaaliye qabyaalad deyn maayaan. Dh: maanso, gabay. Li: weedh, odhaah, hawraar.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
tix
قريض، شعر
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
toi
toi, pron. - adiga
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
tri
pref. - horkabe tilmaama saddex.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
tri
tri, n.m. - kala sooca