tesi
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
tèsi
s.f. - fikrad; (t. di laurea: buug qalinjebin).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
edeb
-taga: (n) polite behavior; a socially correct way of acting; discipline (di-sipliin); courtesy (koor tesi); etiquette (ete kaayt) ~ akhlaaq. Syn: propriety, protocol, decorum
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
tes
tes, adj. poss.pl - waxaaga oo wadar ah
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gesi
m.dh la-mid: gisi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gesi
f. n., [collective] buffalo, wild cattle
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gesi
a: gisi
de: buffalo, wild cattle
lx: gesi
pd: (-da)
ps: n0-f-col
key: gesi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tebi
f.g/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Gudbin, gaarsiin. 2. (f.mg) Xoolihii rimi lahaa oo aan rimin ama beer waqtigii ay bixi lahayd aan la beerin; waqti ka boodid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tebi
f.g/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Gudbin, gaarsiin. 2. (f.mg) Xoolihii rimi lahaa oo aan rimin ama beer waqtigii ay bixi lahayd aan la beerin; waqti ka boodid. m.f.dh, tebin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tebi
v. convey, transmit, pass to; insinuate, investigate, forecast, warn, advise
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tebi
-yey -say: (v) pass on information; inform (infoorm); make known; report (ri-poort); convey (kon-veey); carry a report ~ weri, wari
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tebi
(fal) beer, waqtigii aad bixi lahayd, ha bixin. Dh: baago.
tebi: (fal) war, alaab ama wax kale, cid kale u sii gudbi; cid kale sii gaadhsii. Tebi warkaan kuu sheegay. Dh: gudbi.
tebi: (fal) tebi signalka birlabdanabawga. Dh: dir, dalwi.
tebi: (fal) xoolo, waqtigii aad rimi lahayd, dhaaf.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tebi
de: convey, transmit, pass to; insinuate, investigate, forecast, warn, advise = tab + -i
initial: t
lx: tebi
pd: (tebiyey)
ps: v2a=tr
key: tebi
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
test
(n) a means of examination, trial, or proof, esp. a medical procedure used to diagnosis a disease.
baadhitaanka, ama ku xaqiijin
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
test
/test/ (n) 1. imtixaan (n) 2. tijaabo (sal-gaar) (v) 3. imtixaanid (v) 4. tijaabin (tijaabo ka qaadid).
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Test
Tijaabin
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
tèst
s.m. - tijaabo (imtixaan).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
test
test, n.m. - imtixaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
teersi
m.l (-iyo, m.dh) Dhir ka kooban geedo gaagaaban iyo geedcawsaad.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
testis
(n) the male reproductive gland, normally paired in an external scrotum or sac of skin.
qanjirada taranka labka
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
thesis
/thiisis/ (n) 1. teese (qoraalka heer-jaamacadeed, ee la qoro qalin- jebinta) (n) 2. aragti (fikrad ama mawduuc laga munaaqa-shoodo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dersi
(Dersi-ga)
Cashar; meeris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dersi
m.l (duruus, m.dh) Cashar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dersi
m.l (duruus, m.dh) Cashar. m.dh.w, duruus. desibel m.l (-llo, m.dh) (fiisikis) Halbeeg loo isticmaalo isbarbardhigga labo heer awoodeed, badanaa waxa loo adeegsadaa jabaqda ama sinyaale danabeedka. In kasta oo desibelku yahay (1/10 = 10 -1) ee halbeegga bel, haddana waxa badanaa la adeegsadaa desibel.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dersi
m. n. lesson, study, lecture
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dersi
-ga: (n) lesson (lesan); lecture (lak-jer) ~ dersin, cashar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dersi
-ga: (magac, lab, keli) cashir ka mid ah casharrada laguu dhigo. Dh: cashir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dersi
a: daras ~ darsi; rw: deres
bw: Arabic
de: lesson, study, lecture
lx: dersi
pd: (-ga Pl: duruus (ta))
ps: n2-m, n8-m
key: dersi
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
désir
désir, n.m. - Doonid; Rabid.
désir sexuel - labood ama dheddig jecel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Eersi
(Eersi-ga)
Eersasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eersi
m.l la-mid: eersasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
eersi
vl. n. state of being the cause, reason
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
eersi
-ga: (n) see [eeg] eersasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eersi
-ga: (magac, lab, keli) eeg eersad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
eersi
de: state of being the cause ~ reason
lx: eersi
pd: (-ga)
ps: vn2-m
key: eersi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geesi
(Geesi-ga)
Nin aan cabsi aqoon; aan fuley ahayn; aar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geesi
m.l (-iyaal, m.l/dh) Nin dhiirran oo aan cabsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
geesi
m.l (-iyaal, m.l/dh) Nin dhiirran oo aan cabsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geesi
m. n. hero, brave man
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
geesi
-ga: (n) 1. a courageous man: brave (fcraav); hero (hiiroo). 2. geesi ah: (adj) brave (braav). fearless (fiiyerles)-, courageous (koreejes), heroic (hi-row-ik), valiant (yaal-yent)-, bold (booldh). Ex: nin geesi ah; a brave man
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geesi
-ga: (magac, lab, keli) qofka hoggaamiyaha wanaagsan bulsahdiisa u ah ee dadku u arkaan tusaale dhan walba oo nolosha ah.
geesi -ga: (magac, lab, keli) nin aanan baqan. Dh: halyay, dagaalyahan, soomajeeste, gadac, aar. Li: fulay, fule.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geesi
cf: aar, dhiirran, labakelyood
de: hero, brave man
lx: geesi
pd: (-ga)
ps: n2a-m, n7-m
key: geesi
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
geesi
شُجَاع
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gefsi
m.l la-mid: gefsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geshi
m.l la-mid: geshin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geshi
-ga: (magac, lab, keli) nafaqada iyo saxada fiican ee cuntada laga helo. Dh: dheef.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gésir
gésir, v. - jiifid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeesi
m.l la-mid: jeensasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeesi
-ga: (magac, lab, keli) daymooshaha meel kale. Dh: jeensi, jeesasho, jeesad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kensi
(Kensi-ga)
Lacag badan ama alaabo qaali ah oo meel ku kaydsan, ku qarsoon, ku aasan; (ama kansi).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kensi
m.l la-mid: kansi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kensi
m. n. treasure
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kensi
-ga: (magac, lab, keli) lacag badan ama alaabo qaali ah oo meel ku kaydsan ama ku qarsoon. Dh: kayd, khasnad. Wa: kensiyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kensi
a: kansi
de: treasure
lx: kensi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: kensi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Meesi
(Meesi-ga)
Jaadadka xoolaha sida geela, lo'da, kd.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meesi
m.l (-iyo, m.dh) 1. Duunyada la dhaqdo nooc ka mid ah. 2. Isku m.: isku fil; isku nooc. la-mid: meesin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
meesi
m.l (-iyo, m.dh) 1. Duunyada la dhaqdo nooc ka mid ah. 2. Isku m.: isku fil; isku nooc. la-mid: meesin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
meesi
m. n. category of stock (camels, cattle, etc.)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meesi
-ga: (magac, lab, keli) shanta maal ee adduunyo midkood sida: geel, lo', adhi, gammaan. Meesigaa ayaad adigu maanta raacaysaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
meesi
de: category of stock (camels, cattle, etc.)
lx: meesi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: meesi
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
resin
/resan/resinous;(n) xabag (xanjada dhirta).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
taasi
deictic, subject case: that (one), those [subject]
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
taasi
(pronoun) that (thaat) ~ see [eeg] taas
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
taasi
de: that (one), those [SUBJECT]
initial: t
lx: taasi
ps: deic-f-subj
xe: Is that Ahmeds wife?
xv: Taasi ma afadii Axmed baa?
key: taasi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tacsi
(Tacsi-da)
1. Wax afka laga yiraahdo ama addinka laga qabto oo qof geeriyi ku timid, loogu laab qaboojiyo.
2. Qofka dhintay waxa la raacsho ama darti loo sameeyo (Quraan, duco, Allabbari, axan, agas; ...).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tacsi
m.dh 1. Hadallo qof laga dhintay loo jeediyo oo lagu samirsiiyo. 2. Lacag loo geeyo qof laga dhintay. 3. Murugo dhawr maalmood loo hayo qof dhintay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tacsi
m.dh 1. Hadallo qof laga dhintay loo jeediyo oo lagu samirsiiyo. 2. Lacag loo geeyo qof laga dhintay. 3. Murugo dhawr maalmood loo hayo qof dhintay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tacsi
f. n. mourning; condolence (to the relatives of the deceased)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tacsi
-da: (n) funeral rites (fiyuu-naraal raayt); condolence (kon-dhoo-lansi); consolation (kon-saleey-shin)
u tacsiyee -yey tacsiyeysay: (v) console (kon-sool); express one's condolences ~ u tacsiyadee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tacsi
-da: (magac, dhedig, keli) fadhiga qof geeriyi ku timid oo ay dadku ka samirsiiyaan iyagoo booqasho waxtar leh ula imanaya; qof dhintay duco loo sameeyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tacsi
de: mourning; condolence (to the relatives of the deceased)
initial: t
lx: tacsi
pd: (-da)
ps: n2a-f
key: tacsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tagsi
(Tagsi-ga)
1. Taksi.
2. Tag; Guur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tagsi
m.l 1. la-mid: taksi. (-iyo, m.dh) Baabuur yar oo la kireysto. 2. la-mid: tagsasho. Guur; tag.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tagsi
m.l 1. la-mid: taksi. (-iyo, m.dh) Baabuur yar oo la kireysto. 2. la-mid: tagsasho. Guur; tag.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tagsi
vl. n. relationship through marriage; marrying into a good family
tagsi m. n. taxi
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tagsi
-ga: (n) taxi (taksi); cab (kaab) ~ taksi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tagsi
-ga: (magac, lab, keli) tagid ama guurid.
tagsi -ga: (magac, lab, keli) baabuur yar oo magaalooyinka waaweyn gudahooda ka shaqeeya. Dh: taksi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taksi
* (Taksi-ga)
Baabuur yar oo inta wax la baxsho, dadweynaha gura; wuxuu badanaa gudaha ku lee yahay qalab tiriya oo muujiya hadba lacagta la isku lee yahay; (ama tagsi).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taksi
m.l la-mid: tagsi (1).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
taksi
m. n. taxi
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
taksi
-ga: (n) taxi (taksi); cab (kaab) ~ tagsi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taksi
-ga: (magac, lab, keli) gaadhi yar oo la kiraysto oo gaadiid ahaan loo isticmaalo. Dh: tagsi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
taksi
a: tagsi {Eng}
de: taxi
initial: t
lx: taksi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: taksi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tashi
(Tashi-ga)
Labo qof ama ka badan oo talo isu keena, is weydaarsada, isku biiriya; arrinsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tashi
m.f.dh la-mid: tashad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tashi
vl. n. consultation; act of deciding
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tashi
-ga: (n) consultation (kon-sol-teey-shin) ~ tashad.
wada tashi -ga: (n) exchange of views; mutual consultation; collaboration; brainstorming
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Tashi
Consultazione
Consultation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tashi
-ga: (magac, lab, keli) eeg taloda.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tashi
a: tashad, tashasho
de: consultation; act of deciding
initial: t
lx: tashi
pd: (-ga)
ps: vn2a-m
see: tasho
key: tashi
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
tassi
(o taxi) s.m. - tagsi.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
tease
/tiis/ (v) 1. foorjayn. (caayid) 2. Dhibid.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
tease
v.tr., daali.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tebid
(Tebid-da)
Wax lumay ama hallaabay ama loo baahan yahay maqnaantood dareemid; ogaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tebid
m.f.dh eeg teb. la-mid: towid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tebid
vl. n. coming to know; realization
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tebid
-da: (magac, dhedig, keli) wax maqan oo inuu kaa maqan yahay aan xasuusatay, qof meel ku magan ama shey aad meel ku ogayd xasuusti marka aad waydo. Faarax xaguu aaday haduun baan tebaye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tebid
de: coming to know; realization
initial: t
lx: tebid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: tebid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tebin
(Tebin-ta)
1. Gudbin; dawin; gaarsiin.
2. Xoolihii rimi lahaa oo aan rimin ama beer waqtigii ay bixi lahayd aan la beerin; waqti ka boodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tebin
m.f.dh eeg tebi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tebin
vl. n. conveying; insinuating; forecasting