termuus
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Termuus
* (Termuus-ka)
Quraarad lagu shubo waxyaalaha kulul oo la cabbo iyo waxyaalaha qabow labadaba oo la doonayo inay saacado badan sidaas ahaadaan oo aan heerka kuljiirkoodu (kulaylkooda ama qabowgoodu) is beddelin. Waxay leedahay gal ku samaysan oo bir ah oo kore, iyo labo kaloo derbi, oo ah dhalo lacag lagu dheehay oo aan isku dhegsanayne meel marani u dhexayso, iyo fur iyo daboollo ad'adag; (ama tarmuus).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
termuus
m.l la-mid: tarmuus.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
termuus
m. n. thermos
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
termuus
-ka: (n) thermos bottle or thermos (theer-mas) ~ tarmuus, alaaash
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
termuus
de: thermos {Eng}
initial: t
lx: termuus
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: termuus
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
teermuus
-ka: (magac, lab, keli) eeg termuus.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tarmuus
(Tarmuus-ka)
Termuus.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tarmuus
m.l (-syo, m.dh) Weel gudihiisa dhalo aan hawo lahayn ku jirto oo wixii lagu shubo xaaladdiisa ku haya in muddo ah. la-mid: termuus.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tarmuus
m.l (-syo, m.dh) Weel gudihiisa dhalo aan hawo lahayn ku jirto oo wixii lagu shubo xaaladdiisa ku haya in muddo ah. la-mid: termuus.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tarmuus
m. n. thermos
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tarmuus
-ka: (n) thermos bottle or thermos (theer-mas) ~ termuus, falaash
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tarmuus
-ka: (magac, lab, keli) weel shaaha lagu shubto, oo kulaylka iyo qabawgaba xajiya. Dh: teermuus, tallaagad yar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tarmuus
a: termuus {Eng}
de: thermos
initial: t
lx: tarmuus
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: tarmuus
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tenis
-ka: (magac, lab, keli) ciyaar miis weyn dulshiisa iyo garoon loogu talaggalayba lagu dheelo. termuus -ka: (magac, lab, keli) eeg tarmuus.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
terminus
/termanas/ (n) dhammaadka khadka tareenka ama baska.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
terminus
terminus, n.m. - meesha uu wax ku dhamaado
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
termuumi
m. n. thermometer
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
termuumi
de: thermometer
initial: t
lx: termuumi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
syn: heerkulbeeg
key: termuumi
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Terms
Heshiis
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
tèrmos
s.m. - tarmuus.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darmuus
-ka: (magac, lab, keli) weel hoosta quraarad ka ah oo qabowga ama kululaylka hadba kii lagu shubo xejiya. Dh: falaas, falaasad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fetamuus
-ta: (magac, dhedig, keli) cunto aad u macaan oo laga sameeyo bur iyo moos ama wax kale oo la isku cajiimay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qarmuusi
(Qarmuusi-da)
Dhar xariir ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarmuusi
m.dh Dharka xariirta ah nooc ka mid ah oo lagu sameeyo gobolka Qarmuusi ee u dhexeeya Iraq iyo Iiraan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qarmuusi
f. n., [collective] silk cloth; silken clothes
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarmuusi
-da: (magac, dhedig, keli) jaad dharka ka mid ah oo xariir ah. Tukaankayagu dhar qaali ah oo qarmuusi ah ayuu iibiyaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qarmuusi
cf: xariir
de: silk cloth; silken clothes (from Iran or Iraq)
lx: qarmuusi
pd: (-da)
ps: n-f-col
key: qarmuusi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taarsuus
m.l (cilmiga naflayda) Toddobada lafood ee yaryar oo sameeya xubin isgoyska u dhexeeya lafta dheer ee lugta iyo lafaha faraha cagta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
taarsuus
m.l (cilmiga naflayda) Toddobada lafood ee yaryar oo sameeya xubin isgoyska u dhexeeya lafta dheer ee lugta iyo lafaha faraha cagta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tarbuush
(Tarbuush-ka)
Koofiyad badanaa guduudan oo dhalada ama dhinac bul madoobi ka laallaado; waxaa waagii hore raggu ka qaadan jirey dalka Turkiya; Casmali.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tarbuush
m.l (-shyo, m.dh) Koofiyad dhuuban oo dhalada ama dhinac bul dheer ka raaraco oo askartii Talyaanigu qaadan jireen; waxaa waagii hore raggu ka qaadan jiray dalka Turkiga. la-mid: darbuush.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tarbuush
m.l (-shyo, m.dh) Koofiyad dhuuban oo dhalada ama dhinac bul dheer ka raaraco oo askartii talyaanigu qaadan jireen; waxaa waagii hore raggu ka qaadan jiray dalka Turkiga. la-mid: darbuush.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tarbuush
m. n. fez, Turkish hat; hair style for young girls
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tarbuush
-ka: (n) fez (feez) ~ casmali, koofiyad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tarbuush
-ka: (magac, lab, keli) koofiyad badanaa guduudan oo dhalada ama dhinac bul madoobi ka laallaado; waxaa waagii hore raggu ka qaadan jirey dalka turkiya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tarbuush
a: darbuush
cf: casmali
de: fez, Turkish hat; [ext.] hair style for young girls
initial: t
lx: tarbuush
pd: (-ka)
ps: n2a-m
xv: Arabic
key: tarbuush
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Termites
Aboor
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
thrombus
(n) a blood clot blocking a blood vessel or formed in a heart cavity.
xinjir dhiig ah oo xidha xididada dhiigga ama ku samaysma wadnaha gudihiisa
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
tortuous
/toorjuwas/ tortuously; (adj) qal-qalloocan (weecweecsan, duuban).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muus
(Muus-ka)
1. Miro dheerdheer oo dhumuc leh oo soo godgodan oo si qurux badan cuntub ugu baxa; midabkoodu, kolkay bislaadaan, waa cawl dahabka u eg, aadna waa u macaan yihiin; geedka muusku, geed dhab ah ma aha; waa caws weynaadey, caleemihiisuna waa wax dhab u balballaaran oo dheerdheer; (ama moos).
2. Mandiil daab leh oo isku laabanta oo lagu xiirto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muus
muus¹: m.l (-sas, m.l) 1. Mindiil daab leh, isku laabanta, oo lagu xiirto. 2. la-mid: moos².
muus²: f.mg1 (-say, -stay) Biyo hoos u gelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
muus
muus¹: m.l (-sas, m.l) 1. Mindiil daab leh, isku laabanta, oo lagu xiirto. 2. la-mid: moos.
muus²: f.mg1 (-say, -stay) Biyo hoos u gelid. m.f.dh, muusid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muus
v. flow out of the ground
muus m. n. banana
muus m. n. razor
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MUUS
(Mus) All. Som. Musa sp. Musaceae.
All. Som. Musa paradisiaca L. Musaceae.
S Ensete ventricosum (Welw.) Cheesman. Musaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
muus
-ka: (n) banana (ba nan a) ~ moos
muus -ay / -tay: (v) embank (embaank); dam (dhaam), dam up, earth up ~ moos
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muus
-ka: (magac, lab, keli) geed caleemo dhaadheer oo balballaadhan bixiya oo gun jilicsan iyo midho rooshaan u baxa leh oo dhala khudradda muuska. Dh: moos.
muus-ka: (magac, lab, keli) midho dhaadheer oo soo yare xoodan oo si qurux badan oo rooshaamo ah u baxa kolkay bislaadaanna midabkoodu waa huruud jaalle ah oo aad u macaan. Soomaaliya waa waddannada ugu caansan dhoofinta muuska Dh: moos.
muus-ta: (magac, dhedig, keli) mindiil daab leh oo isku laabanta oo aad u af badan oo waayadii hore lagu xiiran jiray. Muus ii soo ibi. Dh: maddiil, daar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruus
m.l R. ah: fadhiid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruus
hadal dhalliil ah oo lagu yidhaa wax aan si wanaagsan u korin.
ruus-ka: (magac, lab, keli) wax aan si wanaagsan u korin oo korsiintii hori ka xumaato. Dh: calaan, hagaas.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
term
/term/ (n) 1. muddo (waqti go'an) (n) 2. kalmad, weer (hadal) (n) 3. shuruud (shuruudo) (n) 4. xiriir (cilaaqo) (v) 5. ku magacaabid (ugu yeerid, sida erey loo yaqaan).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
term
n., (limit) dal, -ki; (a word) eray, -gi.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
temps
temps, n.m. - wakhti; wakhtigas xili
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
terme
terme, n.m. - waqti ama wakhti xaddidan
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caruus
-ka: (n) bridegroom (baraaydh-guruum); groom (guruum) ~ arooska
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caruus
-ka: (magac, lab, keli) nin aroos cusub ku jira oo markaa uun guursaday. Dh: aroos.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dermis
Maqaar, harag
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duruus
m.dh.w eeg dersi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duruus
f. n., pl. lessons, lectures
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duruus
-ta: (n) [plural of darsin-ka] lessons (lesanis) ~ casharo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duruus
bw: Arabic
de: lessons, lectures
lx: duruus
pd: (-ta Sg: darsi ~ dersi)
ps: n8-f-pl
key: duruus
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
permis
permis, n.m. - awood bixin; oggolaansho qoraal ah.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
remous
remous, n.m. - meertada ku dhalata marka markabku socdo gadaashiisa
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tamuum
(fal) yohoon oo socod aan soo jeesi lahayn ku jir. Halkeed saaka u tamuumsan tahay. Dh: yahoon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tamuun
f.mg1 (-uumay, -uuntay; -uumi) Meel abbaarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tamuun
v. go directly toward a place
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tamuun
(fal) tuuran oo sida gantaalaha u dhac.
tamuun -ka: (magac, lab, keli) tuuryada xoogga ah iyo xawaaraha uu jaro wax la ganay. Gantaalaha tamuumiyo suntaa tuurista u dhaw e.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tamuun
de: go directly toward a place
initial: t
lx: tamuun
pd: (tamuumay)
ps: v1=intr
key: tamuun
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tamuux
(Tamuux-da)
Cammuud iniino ah oo aan habaas lahayn sida tan dixda ama xeebta; xaani.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tamuux
m.dh Carro shawle ah oo aan habaas lahayn sida tan xeebta; xaano; xaani.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tamuux
f. n. sand granules
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tamuux
-a: (magac, lab, keli) cammuud iniino ah oo aan habaas lahayn sida tan dixda ama xeebta. Dh: xaani.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tamuux
cf: bacaad, cammuud, xaani
de: sand granules
initial: t
lx: tamuux
pd: (-da)
ps: n0-f
key: tamuux
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tarmis
-ka: (magac, lab, keli) farcan badan u yeelid.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Tergue
Lambar
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Uterus
Makaan
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
uterus
(n) hollow muscular female organ that holds a developing fetus.
makaan ama ilma galeen
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
uterus
/yuutaras/ (n) ilma-galeen (rixim, makaanka).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
utérus
utérus, n.m. - ilma-galeenka dumarka.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
versus
/versas/ vs; (prep) kasoo-horjeeda (ku-liddi ah).
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Farduus
name-f paradise
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
ferrous
/feras/ (adj) xadiid ah, xadiid ku jirto. e.g. ferrous metal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Feynuus
(Feynuus-ka)
Geed habeenkii la daarto; wuxuu lee yahay sal gaas loogu shubo, liifad yar oo la daaro, dhalo ololka ilaalisa iyo hagoog kore oo dusha ka awdda; siraad; masrad; (ama faanuus).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
feynuus
m.l (-syo, m.dh) Qalab guryaha lagu iftiinsado leh sal gaas lagu shubo, gal quraarad ah iyo liifad holacda. la-mid: faanuus.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
feynuus
m.l (-syo, m.dh) Qalab guryaha lagu iftiinsado leh sal gaas lagu shubo, gal quraarad ah iyo liifad holacda. la-mid: faanuus.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
feynuus
m. n. lamp, gas light, lantern
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Feynuus
nickname; name-f lamp, gas light, lantern
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
feynuus
-ta: (n) lamp (laamp); lantern (laantan) ~ misbaax, laambad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feynuus
magaca gabadh lagu metaalay tiriig iyo iftiin.
feynuus -ka: (magac, lab, keli) qalab la iftiinsado oo leh sal gaasta loogu shubo, dubaalad yar oo soo qaadda shiidaalka, quraarad dhawraarin ah iyo hagoog bir ah intoodaa isu haysa. Dh: masarad, faanuus, siraad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
feynuus
a: faanuus
bw: Arabic
de: lamp, gas light, lantern
lx: feynuus
pd: (-ka Pl: fawaaniis)
ps: n8-m, n2a-m, n1-m
key: feynuus
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Gurmuux
Gumuuxan, aan lahayn af soo baxsan ama caarad dhuuban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hormuud
(Hormuud-ka)
Madax; horfiiq; ammaanduule.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hormuud
m.l (-dyo, m.l) 1. Qof kulliyad, machad iyo wixi lamida madax u ah. 2. Qof xeerbeegti garwadeen u ah. 3. Madax, hogaamiye.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hormuud
m.l (-dyo, m.l) 1. Qof kulliyad, machad iyo wixi lamida madax u ah. 2. Qof xeerbeegti garwadeen u ah. 3. Madax, hogaamiye.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hormuud
m. n. leader, chairman
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hormuud
-ka: (n) dean (diin); head (heedh). Ex: hormuudka jaamicadda ummadda; the dean of the national university
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hormuud
-ka: (magac, lab, keli) madax; horfiiq; ammaanduule.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hormuud
de: leader, chairman
lx: hormuud
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: hormuud
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaamuus
(Jaamuus-ta)
Gisi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaamuus
m.dh 1. Lo' gisi. 2. Kabo raggu qaato adag, saan geri ka samaysan oo marka lagu socdo dhawaaqa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jaamuus
f. n., [collective] foreign breed of cattle
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jaamuus
cf: gesi ~ gisi
de: foreign breed of cattle
lx: jaamuus
pd: (-ta)
ps: n1-f-col
key: jaamuus