ten
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
ten
/ten/ (n) toban.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
ten
n.c., toban, -ki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doxore
(Doxora-ha)
Hadal iyo faan been ah badan; daroori; teneg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kubbad
(Kubbad-da)
Geed kankoonsan oo ka samaysan cinjir ama harag ama wax kale oo in lagu cayaaro loogu talaggalay; qaar waa waaweyn oo waxay ka kooban yihiin labo waxyaalood oo isku gudajira oo midka kore adag yahay midka hoosena jilicsan yahay oo neef laga buuxin karo (waxaa kamid ah: kubbadaha cagta, kolayga, laliska, sacabka, dabaasha, kd.) qaarna waa yaryar (oo waxaa kamid ah: kubbadaha kabrada (xeegada), tenniska, iyo kuwo kale oo badan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
teenna
teenna¹: mu.lh.dh (kuweenna, w) Maga-cuyaal lahaansho oo tilmaamaya wax annagu (qofka koowaad ee wadarta ah oo kuwa lala hadlayo ay ku jiraan) aannu leennahay.
teenna²: (-tenna) dk.lh.dh Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax annagu (qofka koowaad ee wadarta ah oo kuwa lala hadlayo ay ku jiraan) aannu leennahay. Tusaale: “Shirka aan ku qabanno xarun-teenna”. la-mid: teen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tunuug
m.dh.w eeg teneg.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
teenna
teenna¹: mu.lh.dh (kuweenna, w) (naxwe) Magacuyaal lahaansho oo tilmaamaya wax annagu (qofka koowaad ee wadarta ah oo kuwa lala hadlayo ay ku jiraan) aannu leennahay.
teenna²: (-tenna) dk.lh.dh (naxwe) Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax annagu (qofka koowaad ee wadarta ah oo kuwa lala hadlayo ay ku jiraan) aannu leennahay. Tusaale: Shirka aan ku qabanno xarunteenna. la-mid: teen.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cigsanaan
Tension

Gigsanaanta Dusha
Surface Tension
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
dheer (teeniska)
lawn (tennis)
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
soo tuurasho
throw-in, to serve (tennis, voleyball)
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Isbeddelka baarometer
Barometetic tendency
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Isbeddelka cadaadiska
Pressure tendency
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Sigibtir
Tension
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Oktoobar
f. n. October (tenth month of Roman calendar)
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Shawaal
m. n.-time: tenth month of the Muslim lunar calendar, following Ramadan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Soonfur
m. n.-time: tenth month of the Somali lunar calendar, following Ramadan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afartamaad
num.-ord: fortieth
afartamaad m. n. ten-day rainy season
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ahaa
v., sg., simple past tense: I / he was
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ahaayeen
v., pl., simple past tense: they were
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
teen
(-teen) dk.lh.dh la-mid: teenna².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
teen
v., neg. condition: you [sg / pl.] / she would not have done (X)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
teen
(magac'uyaal) eeg tee.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
tend
/tendh/ (v) 1. u jan-jeerid (sida wax noqonayaan, ama qof ka suurowda) (v) 2. xannaanayn (ilaalin).
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Tend
U leexsan
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
tend
v.tr., (watch) ilaali, jir, la joog.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
tent
/tent/ (n) teendho (taanbuug).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
tent
n., (for travel) balballo, -adi; (in an enclosure) qoys, -ki; (not in an enclosure) qoqob, -ki; (an abode) rug, -ti, bul, -ki, guri, -gi.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
ténu
ténu, adj. - dhumuc yar; dhuuban; nidaamsan
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
then
/den/ (adv) 1. dabadeed (ka dib) (adv) 2. markaas (waqtigaas) (adv) 3. sidaas-awgeed; hadday saas tahay.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
then
ad., goortaas, goorti; c., haddaaye.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
tien
tien, pron.poss. - waxa aad leedahay
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
en
en, adv. manière - xaalad (isticmaalid garo badan oo kale bay leedahay); sida lagu sugan yahay
en, adv. lieu. - ee; degel; meel
en dessous - si qarsoon; si qarsoodi ah; hoos; xagga hoose.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
te
pron. - ku, kuu (adiga oo aan fale ahayn).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
té
s.m. - shaah.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
te
te, pron. pers. - adiga
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
den
f.mg1 (-emey, -entey) la-mid: dąn.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
den
/dhen/ (n) 1. xerada ama rugta dugaagga (n) 2. qol gaar ah (sida qoolad hawIl gaar ah lugu qabsado).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
den
(fal) dab ama laydh shidan bakhti.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
den
n., (cavern) booraan, -ti, god, -ki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gen
f.g1 (-nay, -ntay) la-mid: gan³.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hen
/hen/ (n) digaagad (dooro).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
hen
n., digaaga, -di, luki, -di, tujad or tijad, -ki.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
men
/meen/ eeg man (man oo jamac ah).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
pen
/pen/ (n) 1. qalin khad leh (qalin biire iwm) 2. xero (meel xoolaha lugu xereeyo); xerayn.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Pen
Qalin
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
pen
n., qalim, -ki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tan
1. Qof ama wax dheddig oo qofka hadlaya u dhow oo farta la isugu fiiqayo (sida: tan i sii; gabadhii meeday? Waa tan; ...) kolka ay magac ku xiriirsan tahay oo tilmaan u tahay, waxay noqotaa tan.
2. (*) (Tan-ka) Kun kiilograam ama toban kiintaal culayskood.
-tan — Ereyga tan kolka uu tilmaanta yahay oo magac ka dabadhaco; kolka magac qodob lihi ka horreeyo, inta ta'-da la tuuro baa la isku gaabin karaa (sida: naagtatan = naagtaan; maradatan = maradaan; hashatan = hashaan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tan
tan¹: m.l 1. Culays dhan 1000 kg. 2. Mug.
tan²: mu.ti.dh (kuwan, w) Magacuyaal tilmaame oo dhaddig, oo wax qofka ha-dlaya u dhow oo farta la isugu fiiqayo lagu tilmaansado. Tu. “Tan meesha fadhidaa waa walaashay”.
tan³: (-tan) dk.ti.dh Dibkabe tilmaame oo magac dheddig dib looga qodbo oo wax qofka hadlaya u dhow oo farta la isugu fiiqayo lagu tilmaansado. Tusaale: “Tintan tayda ma aha”.
tan⁴: fk. Ilaa; T. ama taniyo: mar laga bilaabo; jeer laga gaaro. Tusaale: “Tan iyo intii uu halkaan yimid wuu bukay”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tan
tan¹: m.l 1. Culays dhan 1000 kg. 2. Mug.
tan²: mu.ti.dh (kuwan, w) Magacuyaal tilmaame oo dhaddig, oo wax qofka hadlaya u dhow oo farta la isugu fiiqayo lagu tilmaansado. Tu. Tan meesha fadhidaa waa walaashay.
tan³: (-tan) dk.ti.dh Dibkabe tilmaame oo magac dheddig dib looga qodbo oo wax qofka hadlaya u dhow oo farta la isugu fiiqayo lagu tilmaansado. Tusaale: Tintani way caddahay.
tan⁴: fk. Ilaa; T. ama taniyo: mar laga bilaabo; jeer laga gaaro. Tusaale: Tan iyo intii uu halkaan yimid wuu bukay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tan
deictic: this, these
tan m. n. ton
tan m. n., [abstract] capacity, volume; limit
tan num. unit of ten
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
tan
/taan/ (v) 1. magdin (hab haraga xoolaha looga dhigo maqaar) (v) 2. madoobaansho ama kafee u ekaansho, cadceedda qorraxda darteed (n) 3. kafee khafiif ah (midab boor ah, oo aan tikh ahayn).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tan
(pronoun) this (this); especially used to indicate feminine nouns. Ex: tan miyaad rabtaa; Do you want this one?
tan -ka: (n) ton (tan); 1. also called net ton, or short ton; equal to 2,000 pounds (907.18 kilogram) 2. long ton; equal to 2,240 pounds (1.016 metric tons or 1,016.05 kilograms)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tan
(magac'uyaal) tilmaama qof dhedig oo meel qofka hadlaya la joogta ama u dhaw. Tan la hadal guriga ku jirta. Wa: kuwan.
tan -ka: (magac, lab, keli) kun kiiloo garaam ama toban kiintaal culayskood; 1000kg.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
tan
طاقة، هَذِهِ
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tea
Caleen shaah
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
tea
/tii/ (n) 1. shaah (n) 2. caleen-shaah (rinji).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
tea
n., shaah, -i, caleen, -ti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
teb
f.g1 (-bay, -btay) Wax maqnaanshahooda dareemid. la-mid: tow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
teb
v. feel, come to know, realize
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
teb
-ay/tay: (v) miss (mis); feel the lack or loss of. Ex: ma i tebtay? did you miss me? tab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
teb
(fal) xasuuso, wax hore u lumay, maqnaantooda dareen.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
teb
a: tab
de: feel, come to know, realize
initial: t
lx: teb
pd: (tebay / tebtey)
ps: v1=tr
key: teb
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tee
tee¹: mu.we.dh (kuwee, w) Magacuyaal weyddiimeed oo dhaddig, oo iskii u taagan, oo wax ama qof lagu hubsado. Tusaale: “Waa tee midda hadlaysa imminka?”.
tee²: (-tee) dk.we.dh Dibkabe weyddiimeed oo dheddig, oo wax ama qof lagu hubsado. Tusaale: “Fartee baa kula qurxoon?”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tee
tee¹: mu.we.dh ( kuwee, w) Magacuyaal weyddiimeed oo dhaddig, oo iskii u taagan, oo wax ama qof lagu hubsado. Tusaale: Waa tee midda hadlaysa imminka?
tee²: (-tee) dk.we.dh Dibkabe weyddiimeed oo dheddig, oo wax ama qof lagu hubsado. Tusaale: Fartee baa kula qurxoon?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tee
(magac'uyaal) erey su'aaleed u dhigma: waa tuma? Wa: kuwee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
teg
(fal) meel kale aad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tel
(Tel-ka)
Seri; xasaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tel
m.l Seri; xasaw.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tel
m. n. shiny metallic thread; tinsel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tel
-ka: (magac, lab, keli) dun xaasaw ah, oo dharka qaarkii ama alaabo kalaba lagu qurxiyo. Tel baa lagu muunadeeyey macawista Cabsiiye. Dh: seri, xasaw.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
tel
tel, adj. - sida
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tel
de: shiny metallic thread; tinsel
initial: t
lx: tel
pd: (-ka Pl: telel (ka))
ps: n4-m
see: seri
key: tel
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
tes
tes, adj. poss.pl - waxaaga oo wadar ah
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tin
(Tin-ka)
Daliigo jiljilicsan oo dunta u eg oo oogada dadka iyo nafleyda kale qaarkeed ka soo baxa, mid ka mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tin
m.l/dh (-imo, m.l) Daliigo jillicsan oo dunta u eg oo oogada dadka iyo nafleeyda kale qaarkeed ka soo baxa, mid ka mid ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tin
m.l/dh (-imo, m.l) Daliigo jillicsan oo dunta u eg oo oogada dadka iyo nafleeyda kale qaarkeed ka soo baxa, mid ka mid ah.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tin
Tlin
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tin
m. n. hair (single)
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
tin
/tin/ (n) 1. macdan, birta nooca tanagyada iwm laga sameeyo, (n) 2. Qasac.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tin
-ta: (n) [singular of timo] a single hair
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tin
-ta: (magac, dhedig, keli) hal xabo oo ka mida timaha ama dhogorta. Wa: timo.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
tin
شعر
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
tin
n., tanag, -gi; tin pot, daasad, -di.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
ton
/tan/ (n) 1. tan (halbeeg culays oo la mid ah 2000 oo rodol oo Maraykanka ama 2240 rodol oo ingiriiska ama 1000 kg.) (n) 2. cabbir baaxadeed oo la mid ah 100 tallaabo oo saddex-jibbaaran. (infl) (n) 3. tira-badan (fara-badan).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
ton
ton, ta, tes, adj. poss. - waxaaga
ton, n.m. - codka; dhuwaga
hausser le ton - codka oo kor loo qaado; la qayliyo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tun
(Tun-ka)
Luqunta dhabarkeeda; jeegada hoosteeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tun
tun¹: m.l Luqunta dhabarkeeda; jeegada hoosteeda.
tun²: f.g1 (-umay, -untay; -umi) 1. Badar iyo wixi lamida buushe ka saarid. 2. Cid ul la dhicid. 3. Wan dhufaanid. 4. Sacab t.: sacab isku garaacid. 5. U sacab t.: cid ballan ka qaadid ama taageerid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tun
tun¹: m.l Luqunta dhabarkeeda; jeegada hoosteeda.
tun²: f.g1 (-umay, -untay; -umi) 1. Badar iyo wixi lamida buushe ka saarid. 2. Cid ul la dhicid. 3. Wan dhufaanid. 4. Sacab t.: sacab isku garaacid. 5. U sacab t.: cid ballan ka qaadid ama taageerid. m.f.dh, tumid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tun
v. beat, strike, hammer, grind, pound; play drum ~ guitar
tun m. n. nape, back of the neck
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tun
-tumay / tuntay: (v) 1. strike (istaraayk.); beat (biit); pound (paawndh) 2. play or perform music. Ex: koox cusub baa caawa, tiyaatarka ka tumaysa; a new band is performing tonight in the theater
tun -ka: (n) nape (niip); the back of the neck; scruff (iska-raaf) ~ qoor, luqun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tun
(fal) farsamo bir ama wax kale, ka samee wixii looga baahan yahay.
tun: (fal) hadhuudh, garaac oo buushiga ka saar ama jejebi. Dh: bukaas, budli.
tun: (fal) wan ama wax kale, xiniinyaha ka saar Dh: dhufaan.
tun: (fal) ciyaar, sacabbada isla dhac. Dh: jaamay.
tun: (fal) cid kale, dil oo ulee.
tun-ka: (magac, lab, keli) luqunta dhabarkeeda: jeegada hoosteeda.
tun -ka: (magac, lab, keli) waa hilib kabaxa qoorta xageeda danbe iyo hareeraheeda. Dh: luqun, gadaad.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Tun
Dusha fidsan ee cuddadda oo wax lagu kortumo.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
wen
n., buro, -adi.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
yen
/yen/ (n) 1. lacagta jabbaanka (v) 2. jamasho, aad u rabid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ateen
v., neg. condition: you [singular or plural.] / she would not have done
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
often
/oftan/ (adv) 1. badanaa (inta-badan) 2. sida badan.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
often
ad., goor, kol, mar badan, dhawr goor, qajayla, yaala.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
paten
n., secni, -gi.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
stern
/starn/ (adj) 1. ad-adag (qabiid ah qof dabci kulul leh) (n) 2. qaybta dambe ee markabka.