teed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Teed
(Teed-ka)
Qoryo ama wax la mid ah oo sarcan; sarab; sarsar.
-teed
Teeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
teed
teed¹: m.l 1. Qoryo gaagaaban oo meel la dhisayo la sii saarsaaro. 2. Ood loo dhigo ugaar si ay u marto meel loogu talaggalay. 3. la-mid: teedin.
teed²: f.g1 (-day, -dday) la-mid: teedi.
teed³: (-teed) dk.lh.dh la-mid: teeda2.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
teed
m.l 1. Qoryo gaagaaban oo meel la dhisayo la sii saarsaaro. 2. Ood loo dhigo ugaar si ay u marto meel loogu talaggalay. 3. la-mid: teedin.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Teed
Array
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Teed
Array
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
teed
v. put in row ~ crosswise (at regular intervals)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
teed
(fal) meegaar ood aan aad u adkayn oo deyr ah ku soo wareeji. Dh: deyr, meegaar, wareeji.
teed -ka: (magac, lab, keli) meegaarka ama wareega, meel soo xeeran.
teed -ka: (magac, lab, keli) shaashka iyo qaroofka ay iska kiciyaan xoolaha iyo xawayaanka badhkii marka ay cadhoodaan ama ay dagaalamayaan. Teed bay iska kicisay bisadaydii. Dh: giir
teed -ka: (magac, lab, keli) wax wareeg ahaan isu dabayaal. Teed-kaa muuqdaan ka imi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Teeda
Tan iyadu ay leedahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
teeda
teeda¹: mu.lh.dh (kuweeda, w) Magacuyaal lahaansho oo dhaddig ah oo tilmaamaya wax iyadu (qofka saddexaad ee kelida ah ee dheddig) ay leedahay. eeg keeda. Tusaale: “Weyddii halka ay teeda uga tagtay”.
teeda²: (-teeda) dk.lh.dh Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax iyadu (qofka saddexaad ee kelida ah ee dheddig) ay leedahay. eeg keeda. Tusaale: “Gacanteeda ayay ku qortay warqaddan”. la-mid: teed³.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
teeda
teeda¹: mu.lh.dh (kuweeda, w) Magacuyaal lahaansho oo dhaddig ah oo tilmaamaya wax iyadu (qofka saddexaad ee kelida ah ee dheddig) ay leedahay. eeg keeda. Tusaale: Weyddii halka ay teeda uga tagtay.
teeda²: (-teeda) dk.lh.dh Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax iyadu (qofka saddexaad ee kelida ah ee dheddig) ay leedahay. eeg keeda. Tusaale: Gacanteeda ayay ku qortay warqaddan. la-mid: teed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
teeda
(magac'uyaal) lahaansho oo muujinaya tan iyadu ay leedahay. Li: tiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
teedi
f.g2 (-iyay, -isay) Ood, qoryo iyo wixi lamida xiriir isu dhigid. la-mid: teed².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
teedi
v. put in a row, line up (vertically)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
teedi
(fal) si qotan ah isku dhinac dhig. Dayrka ood ku teedi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
teedi
de: put in a row, line up (vertically)
initial: t
lx: teedi
nt: teedin (ta) [vn-f]
pd: (teediyey)
ps: v2a=tr
key: teedi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ardaa
(Ardaa-ga)
Dhul bannaan oo guryaha ka horreeya oo derbi ama teed ku wareegsan yahay; meel duggaal laga dhigo oo kor ka furan oo la fariisto ama la seexdo ama dano kale lagu qabsado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Birmac
(Birmac-da)
Birta teeda wanaagsan; birlab; birsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gabbaldaye
(Gabbaldaya-ha)
Geed la abuuro oo jaadad badan u kala baxa; wuxuu lee yahay ubax dhexda ku leh gaashi weyn oo ah cawl ama cillaan ama darmad ama madow; gaashida qarkeeda waxaa ku teedsan caleemo ubax oo cillaan ah, gudeheedana waxaa ka buuxa abuur (iniino) faro badan oo saliid la cuno laga liso. Ubuxu hadba docda qorraxdu jirto buu u jeestaa; qorraxday; (ama gabbalday).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Goroyacawl
(Goroyacaw-sha)
Goroyada teeda dheddig; booso; haldhurre.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haldhurre
(Haldhurra-ha)
Goroyada teeda dheddig; booso; goroyacawl.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heensarraar
(Heensarraar-ka)
Tiirar farraarro leh oo aqalka gudihiisa inta la teedsho, duubashida, kd., korka laga saaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qoqob
(Qoqob-ka)
Dhis xero ama aqal gudihi qaysha oo kala googgooya; derbi; teed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qubo
(Quba-da)
Bahal dhiig qabow oo lafdhabar leh oo halaqa iyo qallajisaha iyo yaxaaska la bah ah; waa jaadad badan, waxayna ku nooshahay badaha kulkulul, teeda birriga ku noolna waxaa la yiraahdaa diin; waxay leedahay gafuur aan ilko lahayn iyo oogo gaashaan adag oo gees ahi ku rogan yahay oo afarta addin iyo madaxa iyo dabadu dibadda uga soo bixi karaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saraacimo
(Saraacima-da)
Libaax-badeed aad u weyn oo badaha kulul ku nool; wuxuu qalka kore ku lee yahay gafuur dheer oo xalleef ah oo ilko, kuwa miinshaarta u eki, labada dhinac kaga teedsan yihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sarab
(Sarab-ka)
Dhis ulo ka samaysan; teed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Teedsan
La teediyey; sarcan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Teedsanaan
(Teedsanaan-ta)
Wax teedsan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Warriile
(Warriila-ha)
Goroyada teeda yaryar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaani
(Xaani-da)
Ciidda teeda iniinaha ah, sida tan dixda ama xeebta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilig
m.l (ilko, m.l) (cilmiga naflayda) Xubno cadcad, adag ku teedsan daamanka lafdhabarreyda ee wax lagu gooyo laguna calashado middood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuweeda
mu.lh.w eeg keeda¹ / teeda¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leeb
leeb¹: m.l (-bab, m.l) Ul yar oo dhuuban oo afka bir fiiqani kaga jirto oo qaansada laga gano; gamuun.
leeb²: m.l (-bab, m.l) (xisaab) Teed kasta oo tiro ah lehna hal dhinac u tax ama hal joog u tax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarab
sarab¹: m.l Ulo dhuudhuuban oo wax lagu dhiso.
sarab²: f.mg1 (-rbay, -rabtay; -rbi) Ulo yaryar meel ku teedid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taxane
m.l (-nayaal, m.l/dh) 1. (xisaab) Teed tirooyin maangal ah (ama waxyaabo kale) oo qaab laydi leh. 2. (kiimika) Urur xaddiyo ah oo u habaysan dhinac u taxyo iyo joog u taxyo si ay u sameeyaan qaab teed laydisan. Badanaaba waxa lagu dhex xiraa laba bilood ama laba sakal. Taxaneyaasha ma aha qiime tireed sida sugayaasha. Waxaa loo adeegsadaa in lagu muujiyo xiriirka ka dhexeeya xaddiyada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Eed
Eed — (Eed-da)
1. Xaal; arrin; xaajo; gar.
2. Gaboodfal; gef; denbi.
-eed
Waxay ka dabadhacdaa magaacyada qaarkood, ulajeeddo lahaaneedna u yeeshaa; (alaabo carruur-eed; askar Soomaaliy-eed).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eed
eed¹: m.dh (-do, m.l) 1. Denbi cid uusan ku caddayn lagu soo oogey. 2. Gef; denbi.
eed²: f.g1 (-day, -dday) Fal, arrin iyo wixi lamida samayntooda natiijo xun kala kulmid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
eed
eed¹: m.dh (-do, m.l) 1. Denbi cid uusan ku caddayn lagu soo oogey. 2. Gef; denbi.
eed²: f.g1 (-day, -dday) Fal, arrin iyo wixi lamida samayntooda natiijo xun kala kulmid. m.f.dh, eedid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
eed
v. blame, accuse; repent, regret, lament
eed [feminine] n. accusation, blame; reason, cause; fault, guilt
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
eed
-da: (n) allegation (ala-geey-shin); blame (baleeym); fault, guilt
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eed
(fal) qalad ad horay u gashay cidhibtiisa xambaaro oo ka qoomammee ama ku guuldarrayso. Dh: aalo.
eed: dabakar magacyada xagga danbe kaga darsama kolka cid loo aanaynayo ama loo tiirinayo Arrin dawladeed iyo indho qudhaanjeed, midna lama arko.
eed -da: (magac, dhedig, keli) cambaarayn gef iyo denbi xanbaarsan. Gaboobe Senge wuxu yidhi 'Eed geel laga wadaan waayay!' Dh: gaboodfal, denbi, canbaarayn, gef. Wa: eedo.
eed -da: (magac, dhedig, keli) xaal iyo arrin loo fadhiyo; xaajo iyo gar la naqayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tee
tee¹: mu.we.dh (kuwee, w) Magacuyaal weyddiimeed oo dhaddig, oo iskii u taagan, oo wax ama qof lagu hubsado. Tusaale: “Waa tee midda hadlaysa imminka?”.
tee²: (-tee) dk.we.dh Dibkabe weyddiimeed oo dheddig, oo wax ama qof lagu hubsado. Tusaale: “Fartee baa kula qurxoon?”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tee
tee¹: mu.we.dh ( kuwee, w) Magacuyaal weyddiimeed oo dhaddig, oo iskii u taagan, oo wax ama qof lagu hubsado. Tusaale: Waa tee midda hadlaysa imminka?
tee²: (-tee) dk.we.dh Dibkabe weyddiimeed oo dheddig, oo wax ama qof lagu hubsado. Tusaale: Fartee baa kula qurxoon?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tee
(magac'uyaal) erey su'aaleed u dhigma: waa tuma? Wa: kuwee.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
-eed
(suffix) [-al] of, relating to, or characterized by: Ex: goboleed; regional
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beed
m.l.u Ukun.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beed
m.l.u Ukun.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beed
m. n. egg (of chicken)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beed
-ka: (magac, lab, keli) walax dusha qolof kaga dahaadhantahay hoostana nololi kaga jirto, ugxanta aan dillaacin digaagadda iyo waxii la mid ah. Dh: ukun, unfax, naalo.
beed-da: (magac, dhedig, keli) eeg bayd.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beed
bw: ukun, unfax
de: egg (of chicken)
lx: beed
pd: (-ka Pl: beedad (ka))
ps: n4-m-enum, n2-m
syn: ugax;
key: beed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceed
m.l la-mid: cayd.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
deed
/dhiidh/ (n) 1. fal (camal) e.g. a good deed (n) 2. warqada lahaanshaha dhul ama dhismo (subbar-loogo).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
deed
n., (action) falniin, -ki, or -ti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
feed
m.dh Dhul sare oo fidsan.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
feed
/fiidh/ (v) 1. quudin, raashin-siin (v) 2. siin, gaarsiin (n) 3. quud, cunto.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
feed
n., (food) soor, -ti, sabbar, -ki, sooryo, -adi, masruuf or musruuf, -ki; v.tr., soor, sabbar, sabbaro; feed the cattle, daaqgee, daji; feed your family, masruuf; v.i., he lives on fruits, midho buu ku noolyahay; he lives like a Somali, sida dadka Soomaaliyeed buu u cunaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geed
(Geed-ka)
1. Wax nool oo dhulka ka soo baxa oo yeesha xididdo dhulka ku xabaalan, sal (gun, jirrid), dhex, laamo, caleemo, miro, ubax, qodxo, kd.
2. Wixii laabta ku soo dhaca oo dhan, ifyaal iyo uuryaal mid kasta ha ahaadee, haddii dadka iyo nafleyda kale laga reebo; wax.
3. (koox: geedo) waxyaalaha cunnada lagu daro oo udgoonka iyo dhadhanka wanaagsan u yeela; dhir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geed
m.l (-do, m.l) Nooc dhirta ah oo leh jirrid oo iskeed isu taagi karta iyo laamo leh oo dhulka ka kacsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
geed
m.l (-do, m.l) Nooc dhirta ah oo leh jirrid oo iskeed isu taagi karta iyo laamo leh oo dhulka ka kacsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geed
m. n. tree; plant; herb; spices
geed m. n. thing, whachamacallit, whats-it [when one does not know ~ cannot remember the right word.]
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GEED
(Gaed) Acanthus gaed Lindau Acanthaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
geed
-ka: (n) [Pl. geedo-ha] 1. plant (palaant); tree (tirii). 2. something difficult to classify or whose name has been forgotten: thingumajig (thingamajiig); thing (thing). Ex: geedkaa ii soo qabo; give me that thing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geed
-ka: (magac, lab, keli) shay nool oo dhulka dushiisa ka soo baxa oo leh xididdo dhulka ku haya iyo caleemo lagana manaafacaadsado hadh iyo midho. Geedka galoolka ayaa maydhaxda ugu fiican laga diiraa.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
geed
شجر
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heed
(Heed-da)
Badar la cuno oo mirihiisu aad u yaryar yihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heed
m.dh Nooc badarka ka mid ah oo miro yaryar leh.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Heed
Barley, Oats
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
heed
f. n., [collective] small millet species
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
HEED
(Hed) N Hordeum vulgare L. Gramineae.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
heed
/hiidh/ (v) dhug u-yeelasho, addeecid, ahmiyad siin. e.g. Pay no heed to what she says.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heed
-da: (magac, dhedig, keli) nooc geedgaabka ka mid ah oo qamadiga iyo sarreenka ay isku bah yihiin saloolkeedana waxa laga ridqaa budo basho la yidhaa oo la cuno.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
heed
n., foojigaan, -ti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeed
f.mg1 (-day, -dday) 1. Sii j.: cid dhabarka xijin. 2. Soo j.: habeen hurdo ka tegid (cid). 3. U j.: muuqaal il ku hayn. 4. U j.: meel aadid. 5. Ula j.: fal ama hadal ujeeddo gaar ah ka lahaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jeed
f.mg1 (-day, -dday) 1. Sii j.: cid dhabarka xijin. 2. Soo j.: habeen hurdo ka tegid (cid). 3. U j.: muuqaal il ku hayn. 4. U j.: meel aadid. 5. Ula j.: fal ama hadal ujeeddo gaar ah ka lahaan. m.f.dh, jeedid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jeed
v. look at, turn to, face towards; mean, intend; refer to
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jeed
-ay: (v) [with preposition u] 1. see (sii) ~ arag. Ex: yaa u jeeday? who saw? 2. intention (in-teen-shin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeed
(fal) (u ~) dhinac eeg.
jeed: (fal) (u ~) isha ku hay; maskaxda ku hay, fahansanow ujeeddada wax laga leeyahay.
jeed: (fal) (ku ~) wax ku mashquul.
jeed: (fal) (ka ~) ha rabin, ha doonin.
jeed: (fal) (sii ~) cid kale, dhabarka u sii jeedin ama xajisiin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jeed
de: look at, turn to, face towards; mean, intend; refer to
lx: jeed
pd: (jeeday)
ps: v1=
xe: aan loola jeedo a decision that is intended for s.o.
xv: go
key: jeed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leed
(fal) cagta inteeda kore, cid kale ku dhufo. Dh: laad.
leed -ka: (magac, lab, keli) cagta inteeda kore, cid kale ku dhufasho. Dh: laad.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
need
/niidh/ (n) baahi (u baahan).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
need
n., (want) dan, -ti, tabaalo, -adi; (poverty) baaho, -adi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
reed
m.dh (-do, m.l) Dhinac; gees; baal; dhan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
reed
f. n., loc. side, flank
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
reed
de: side, flank
lx: reed
pd: (-da)
ps: n1-f-loc
syn: dhinac, hareer {S}
key: reed
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
reed
n., dur, -ki, -ti; a white reed, caws salool, -ki, jarac, -i.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Seed
(Seed-da)
(oogo) dun ama sooh adag oo cad oo muruqyada madaxyadooda ku yaal oo muruqyada iyo lafaha isku xira.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seed
seed¹: m.dh (-do, m.l) Sooh adag, cad oo muruqyada madaxooda ku yaal isuna haya muruqyada iyo lafaha.
seed²: m.dh (-do, m.l) (cilmiga naflayda) Koox nudo ah oo liilsami kara, kuwaasoo hal ama in ka badan oo lafo ah oo isu tagay, isuna haya kalagoosyo dhaqdhaqaaq. Seeduhu waxay xukumaan dhaqdhaqaaqa lafaha ee kalagoyska, sidaa awgeed waxay muhiim u tahay ka hortagga kala baxa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
seed
seed¹: m.dh (-do, m.l) Sooh adag, cad oo muruqyada madaxooda ku yaal isuna haya muruqyada iyo lafaha.
seed²: m.dh (-do, m.l) (cilmiga naflayda) Koox nudo ah oo liilsami kara, kuwaasoo hal ama in ka badan oo lafo ah oo isu tagay, isuna haya kalagoosyo dhaqdhaqaaq. Seeduhu waxay xukumaan dhaqdhaqaaqa lafaha ee kala-goyska, sidaa awgeed waxay muhiim u tahay ka hortagga kala baxa.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Seed
Iniin
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
seed
question word, vl. pron. how ... you?
seed [feminine] n. tendon, nerve
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Seed
nickname-m tendon, nerve; strong; rigid
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
seed
/siidh/ (n) 1. iniin (iniinta miraha) 2. durriyad (waraso) 3. ciyaar-yahan loo filo inuu raynayo (siiba teniska).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
seed
-da: (n) sinew (sin-yu); tendon (ten-dhen)
seed: (adv) how (haaw); in what manner or way ~ sideed. Ex: seed tiri? how did you do it?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Seed
magac loo baxsho wiil ad'adayg dartii seed lagu metaalay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seed
-da: (magac, dhedig, keli) 'oogo' dun ama sooh adag oo cad oo muruqyada madaxyadooda iyo lafaha qaarkood xidhiidhiya, isku xidha.
seed -ka: (magac, lab, keli) soohdin; weegaar.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
seed
n., iniin, -ti.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
teeb
-ka: (magac, lab, keli) makiinad ay xuruufta alifba'du ku dhantahay oo wax lagu qoro.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
teem
/tiim/ (v) 1. buuxid (ciq ah, ka buuxo) (infl) (v) 2. roob xoog u da'a.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
teen
(-teen) dk.lh.dh la-mid: teenna².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
teen
v., neg. condition: you [sg / pl.] / she would not have done (X)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
teen
(magac'uyaal) eeg tee.