tebbed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tebbed
1. (Tebbed-da) Weel saanta xoolaha laga sameeyo (badanaa tan geela) oo subagga lagu shubto.
2. (Tebbed-ka) Qori albaabkii la doonayo inaan la furin lagu xiro; qataar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tebbed
tebbed¹: m.l (-dyo, m.dh) Qori hoos irridda looga xiro; qataar.
tebbed²: m.dh (-do, m.l) Weel saan xoolaad ka samaysan oo subagga iyo muqmadda lagu shubto oo leh af dhuuban iyo aabur.
tebbed³: f.g1 (-day, -dday) Irrid iyo wixi lamida tebbed (qataar) ku xirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tebbed
f. n. container for ghee made of (camel ~ cattle) skin
tebbed: m. n. barricade ~ lock bar (used to reinforce a closed door)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tebbed
-da: (n) container for storing ghee (gii) tabbed, qumbe, qunbe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tebbed
-da: (magac, dhedig, keli) weel saanta xoolaha laga sameeyo badanaa ta geela oo subagga lagu shubto. Tebbed ayuu subaggu noogu jiraa.
tebbed -ka: (magac, lab, keli) qori albaabkii la doonayo inaan la furin lagu xidho. Tebbed ayaa albaabka lagu jaray Dh: qataar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lebbed
(Lebbed-da)
Suuqadda dumarku surka ku xirtaan, jaad kamid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lebbed
m.dh (-do, m.l) Nooc siyaaqadda dumarku isku qurxiyo ka mid ah oo dahab ka samaysan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lebbed
f. n. woman's necklace
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lebbed
-ka: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah suugadaha dumarku qoorta ku xidhaan. Inantii waxa loo keenay lebbed.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lebbed
cf: suuqad
de: woman's necklace
lx: lebbed
pd: (-da)
ps: n1-f
key: lebbed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qataar
(Qataar-ka)
1. Qalab wax lagu xiro; tebbed.
2. Sixir, fal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baarri
-da: (magac, dhedig, keli) ubbo calool weyn oo subagga lagu shubto. Dh: qunbe, tebbed.
baarri -ga: (magac, lab, keli) qofka yeela amarka labada waalid ee dhalay; qofka u dheganuglaada labadiisa waalid. Baarrigu janaduu galaa. Dh: muddeec, ducaqabe. Li: waalidinkaar, caaq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tebbed_1
de: container for ghee made of (camel ~ cattle) skin
hm: 1
initial: t
lx: tebbed
pd: (-da)
ps: n1-f
key: tebbed_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tebbed_2
cf: qataar
de: barricade ~ lock bar (used to reinforce a closed door)
hm: 2
initial: t
lx: tebbed
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: tebbed_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tebbedid
m.f.dh eeg tebbed³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tebbedid
-da: (magac, dhedig, keli) tebbed ku xirid: qataarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shebbed
-da: (magac, dhedig, keli) eeg shabbad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ebed
m.l. fk la-mid: abad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ebed
(falkaabe) abid; abiido.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Teed
(Teed-ka)
Qoryo ama wax la mid ah oo sarcan; sarab; sarsar.
-teed
Teeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
teed
teed¹: m.l 1. Qoryo gaagaaban oo meel la dhisayo la sii saarsaaro. 2. Ood loo dhigo ugaar si ay u marto meel loogu talaggalay. 3. la-mid: teedin.
teed²: f.g1 (-day, -dday) la-mid: teedi.
teed³: (-teed) dk.lh.dh la-mid: teeda2.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
teed
m.l 1. Qoryo gaagaaban oo meel la dhisayo la sii saarsaaro. 2. Ood loo dhigo ugaar si ay u marto meel loogu talaggalay. 3. la-mid: teedin.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Teed
Array
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Teed
Array
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
teed
v. put in row ~ crosswise (at regular intervals)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
teed
(fal) meegaar ood aan aad u adkayn oo deyr ah ku soo wareeji. Dh: deyr, meegaar, wareeji.
teed -ka: (magac, lab, keli) meegaarka ama wareega, meel soo xeeran.
teed -ka: (magac, lab, keli) shaashka iyo qaroofka ay iska kiciyaan xoolaha iyo xawayaanka badhkii marka ay cadhoodaan ama ay dagaalamayaan. Teed bay iska kicisay bisadaydii. Dh: giir
teed -ka: (magac, lab, keli) wax wareeg ahaan isu dabayaal. Teed-kaa muuqdaan ka imi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
debed
f. n., loc. exterior, external side, outside
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
debed
-da: (magac, dhedig, keli) deyrka reerka inta ka baxsan ee dad iyo dugaagba ka dhaxaysa. Kaalay daaddah debedda soo baro. Dh: dibad.
debed-da: (magac, dhedig, keli) wixii waddanka ka baxsan ee dalalka kale ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
debed
de: exterior, external side, outside Alt sp: debbed
lx: debed
pd: (-da)
ps: n1-f-loc
key: debed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Eebbe
(Eebba-ha)
Kan wax walba abuura oo u taliya oo weligi jirey weligina jiri doona; Ilaah; Rabbi; Guulle; Madhinte; Weyne; Baahilaawe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eebbe
m.l Sarreeyaha awoodda leh oo wax kasta abuura oo weligiis jirey, jirina doona; Ilaah; Rabbi, Guulle, waaq, madhinte, weyne.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
eebbe
m.l Sarreeyaha awoodda leh oo wax kasta abuura oo weligiis jirey, jirina doona; Ilaah; Rabbi, Guulle, waaq, madhinte, weyne.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Eebbe
m. n. / name: God
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Eebbe
-Eebbaha: (n) God (gaadh); creator Rabbi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Eebbe
mid ka mid ah magacda Ilaahay; kan wax walba abuura oo u taliya oo weligii soo jirey haddana jira, weligiina sii jiri doona. Eebboow mahaddaa. Dh: Rabbi, Ilaah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Eebbe
bw: Eebbow
de: God
lx: Eebbe
pd: (/ha)
ps: n0-m / name-m
syn: Alla, Daa'in
xv: oh God!
key: Eebbe
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
Eebbe
الله
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
embed
/imbedh/ (v) ku-dhejin, ku malaasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hebed
(Hebed-ka)
(nafley) dadka la joogiddiisa iyo la dhaqmiddiisa la baray oo aan ka cararin; kalsan; kalbaxan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hebed
hebed¹: m.l.kh H. ah: neef irmaan oo ilmo kasta nuugi karo ama qof kasta maali karo.
hebed²: f.mg1 (-bday, -bedday; -bdi) 1. Hebed noqosho. 2. la-mid: hebdi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hebed
m. n. tame animal; docile person
hebed [inchoative] v. become tame ~ docile
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hebed
-ka / ah: (adj) 1. naturally unafraid; tame (teeym); unresisting; manageable. 2. (n) tame animal, or domestic animal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hebed
(fal) hebed noqo; ilmihii ku soo gaadhaa ba ha ku nuugo.
hebed -ka: (magac, lab, keli) neef ilmihii soo gaadhaaba nuugo cid waliba listo oo aan cidna diidin. Haleelooy hebedka geel, hashaan maqasha iska celin, jiilaalkii bay hadhaa. Ridii hebed ahi shillal bay tagtaa lagu hagoogaaye. Dh: hebed.
hebed -ka: (magac, lab, keli) nafley, dadka la joogiddiisa iyo la dhaqmiddiisa la baray oo aan ka cararin. Dh: kalsan, kalbaxan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kebed
(Kebed-da)
Gogol badanaa mayrax laga falkiyo oo marriin ama dun midabyo leh, lagu qurxiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kebed
m.dh (-bdo, m.l) Gogol badanaa mayrax ka samaysan oo dun midabyo leh lagu qurxiyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kebed
m.dh (-bdo, m.l) Gogol badanaa mayrax ka samaysan oo dun midabyo leh lagu qurxiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kebed
f. n. mat; thatch roof
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kebed
-ka: (n) comforter or quilt used to protect camel's back from the load
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kebed
-da: (magac, dhedig, keli) raro qurux badan oo laga sameeyo maydhax ka kooban badhooq, duf iyo xadhko midabbo kala duwan leh oo aqal soomaaliga lagaga dhiso dhanka dahada awrtana rarka looga dhigo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kebed
cf: gogol; surrad
de: mat; thatch roof
lx: kebed
pd: (-da Pl: kebdo (/ha))
ps: n3-f
key: kebed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tebid
(Tebid-da)
Wax lumay ama hallaabay ama loo baahan yahay maqnaantood dareemid; ogaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tebid
m.f.dh eeg teb. la-mid: towid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tebid
vl. n. coming to know; realization
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tebid
-da: (magac, dhedig, keli) wax maqan oo inuu kaa maqan yahay aan xasuusatay, qof meel ku magan ama shey aad meel ku ogayd xasuusti marka aad waydo. Faarax xaguu aaday haduun baan tebaye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tebid
de: coming to know; realization
initial: t
lx: tebid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: tebid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
debber
(fal) adiga oo aan cidna la kaashan, wax, hagaaji oo suubbi. Dh: xalli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kelbed
(Kelbed-da)
Qalab ka samaysan labo birood oo istallaabsan, iskuna qodban oo kolkii laysku qabto afkoodu isu yimaado; (ama kalbad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kelbed
m.dh (-do, m.l) Qalab ka samaysan laba birood oo istallaabsan, iskuna qodban oo kolkii laysku qabto afkoodu isu yimaado, waxaana lagu soo fujiyaa masaabiirta, siliggana lagu gooyo; biinso. la-mid: kalbad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kelbed
m.dh (-do, m.l) Qalab ka samaysan laba birood oo istallaabsan, iskuna qodban oo kolkii laysku qabto afkoodu isu yimaado, waxaana lagu soo fujiyaa masaabiirta, siliggana lagu gooyo; biinso. la-mid: kalbad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kelbed
f. n. pincers, pliers, tweezers
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kelbed
-da: (n) pliers (palaayaris); pincers (pensarizs) ~ kalbad, biinso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kelbed
-da: (magac, dhedig, keli) qalab ka samaysan labo birood oo istallaabsan, iskuna qodban oo kolkii laysku qabto afkoodu isu yimaado oo wax lagu qabto. Dh: kalbed.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Kelbed
Qalab-gacmeed looga shaqeeyo xeelado kala duwan sida: Jaridda iyo qalloocinta masaamiirta, siligga qarada yar, qabatinta iyo xajinta guud iwm.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kelbed
a: kalbad
de: pincers, pliers, tweezers
lx: kelbed
pd: (-da)
ps: n1-f
key: kelbed
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
seabed
/sii bed/ (n) moolka-badda.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tabbad
-da: (n) container for storing ghee (gii) ~ tebbed, qumbe, qunbe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beebbee
-ga: (magac, lab, keli) gaadhi ciidan oo gaashaaman; taangiga kaaraha ee lagu dagaalgalo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jeebbee
-yey /jeebbeysay: (v): handcuff (haandhkaf); cuff (kaf); restrain with handcuffs -katiinadee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeebbee
(fal) cid kale, ka xidh labada gacmood.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sebbène
cong. - inkasta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tebedin
-ka: (magac, lab, keli) kalluun kan dubka jilicsan ka mid ah oo hilib fiican leh. Dh: tebediin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tebisid
m.f.dh eeg tebis².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
temmedi
f.mg2 (-iyay, -isay) Wax qiimayn.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
trépied
trépied, n.m. - saddex lugood leh; kursi saddex lugood leh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weebbee
(fal) (ka ~) gego ka ciyaar; golay. Illaa wiil ba halkiisa, ka weebbee la yidhaahdo.