tayaaqid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tayaaqid
-da: (magac, dhedig, keli) si tiigsasho ah ugu qaylin, yeedhmo la isu qaylsho ugu yeedhid. tayaaqsad -ka: (magac, lab, keli) qaylo ku tiigsad. Tayaaqsad baan maqlayaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiyaaqid
m.f.dh eeg tiyaaq². la-mid: tiyaaq¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiyaaqid
-da: (magac, dhedig, keli) si gargaar iyo gurmad loo helo, qaylyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tayaaqood
m.l la-mid: tannaagood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tayaaq
(fal) «u ~» si tiigsasho ah ugu qayli, ugu yeedh, u tannaag. U tayaaq safarka.
tayaaq -a: (magac, lab, keli) qaylo baaq ah oo gurmad lagu dalbanayo. Dh: qaylodhaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tafaqid
m.f.dh eeg tafaq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tafaqid
-da: (magac, dhedig, keli) dhibicdhibic u dhicid. Dh: tifqaamid, tifqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bayaamid
-da: (magac, dhedig, keli) si qeexan u soo bixid oo la wada arkayo. Bayaamid bay fartani u baahantahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cayaarid
(Cayaarid-da)
Cayaar ka qaybgelid; dheelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cayaarid
m.f.dh eeg cayaar². la-mid: ciyaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cayaarid
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar ka qaybgelid. Dh: dheelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaaqid
m.dh la-mid: dabaakhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dalaaqid
(Dalaaqid-da)
Xiriirkii guurka jebin; dalaaqihii isu dhixidda iyo isqabiddu ku jaba hayeen ku dhawaaqid; xilafurid; furid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalaaqid
m.f.dh eeg dalaaq³. la-mid: dalaaq¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dalaaqid
vl. n. divorce, annulment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalaaqid
-da: (magac, dhedig, keli) guur hore u guntamay jebin; ereyo isqabiddii sharciga ahayd ay ku jabayaan, ku dhawaaqid. Dh: furid, xilafurid, furis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dalaaqid
de: divorce, annulment
lx: dalaaqid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: dalaaqid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dayaamid
(Dayaamid-da)
Dayaan ka yeerid; daryaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dayaamid
m.f.dh eeg dayaan². la-mid: daryaamid, diryaamid, diyaamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dayaamid
-da: (magac, dhedig, keli) dayaan iyo qaylo samayn. Buuraha ayaa dayaamiddu xoog ugu soo baxdaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fayaamid
-da: (magac, dhedig, keli) murgaamidiye firfricooni ku soo korodha qofka, marka uu qaato wax baraaruja oo la cabbo ama la cuno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hadaaqid
(Hadaaqid-da)
Sida carruurta hadal-baradka ah u hadlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadaaqid
m.f.dh eeg hadaaq². la-mid: hadaaq¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadaaqid
-da: (magac, dhedig, keli) sida carruurta aan afka baran u dhadhawaaqid. Ilmuhu hadaaqid buu afka ku bilaabaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halaaqid
(Halaaqid-da)
Unuunufidda badan oo xoolaha qaarkood, siiba lo'da, oo ay doontaan lafo dibadda lagu qubay oo ay ruugaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halaaqid
m.f.dh eeg halaaq². la-mid: halaaq¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halaaqid
-da: (magac, dhedig, keli) unuunufidda badan oo xoolaha qaarkood, siiba lo'da, oo ay ku raadsadaan lafo ay ruugaan.
halaaqid-da: (magac, dhedig, keli) munuusid guryaha iyo xaafadaha dhexdooda. Dh: suunsuumid, ununuufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hayaamid
(Hayaamid-da)
Meel fog oo abaari ka sokayso u guurid; kaynaanid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hayaamid
m.f.dh eeg hayaan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hayaamid
-da: (magac, dhedig, keli) meel aad u fog oo nabad ama naq leh u rarid. Dh: dalandoolid, qayaadid, kaynaanid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Layaabid
(Layaabid-da)
Yaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
layaabid
-da: (magac, dhedig, keli) wax ka fajacid oo la amakaagid. Dh: irkigid, ashqaraarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malaaqid
-da: (magac, dhedig, keli) malaaq ka dhigid. Beeshu waxay ku mashquulsan tahay malaaqidda malaaq cusub. Dh: boqrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mayaayid
m.dh la-mid: mayayid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayaadid
-da: (magac, dhedig, keli) geeddi dheer guurid. Socdaal qayaadid ah ayaan Yugaandha ku tegney. Dh: hayaamid, guurid, qayaadis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rafaaqid
(Rafaaqid-da)
Rafaajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rafaaqid
m.dh la-mid: rafaajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Riyaaqid
(Riyaaqid-da)
Farxid; rayrrayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
riyaaqid
m.f.dh eeg riyaaq². la-mid: riyaaq¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riyaaqid
-da: (magac, dhedig, keli) (u ~) farxad muujin. Dh: farxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tabaaqil
(Tabaaqil-ka)
(dhir, ...) teelteel; kalafogfogaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabaaqil
m.l Dhir teel fog.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tabaaqil
m. n. scattered ~ sparse (plants, vegetation, etc.)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabaaqil
-ka: (magac, lab, keli) beer, dhir iyo wixii la mid ah, si teelteel ah u baxid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tabaaqil
cf: teelteel
de: scattered ~ sparse (plants, vegetation, etc.)
initial: t
lx: tabaaqil
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: tabaaqil
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tacaalid
(Tacaalid-da)
(la-tacaalid) Dhaawac daran ama cudur halis ah, degdeg wax uga qabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tacaalid
m.f.dh eeg tacaal². la-mid: tacaal¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tacaalid
-da: (magac, dhedig, keli) (la ~) dhaawac daran ama cuddur halis ah, degdeg wax uga qabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tanaadid
(Tanaadid-da)
Tanaad noqosho; hodmid; taajirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tanaadid
m.f.dh eeg tanaad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tanaadid
-da: (magac, dhedig, keli) qofku marka uu isku fillaado dhinac wax barsho iyo dhinac dhaqaaleba ee uu muuqdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taqtaqid
m.f.dh eeg taqtaq². la-mid: taqtaq¹ (1).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
taraaqad
-da (n) sardine (saar-diin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taraaqad
-da: (magac, dhedig, keli) kalluun caalami ah oo aad loo jecel yahay. Dusha ayuu maraa oo xiiska ayuu raacaa, badaha adduunka oo dhan buu na u kala gooshaa oo meel gaara kuma eka. Dh: yuunbi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taraarid
(Taraarid-da)
Xoog ku dhexmarid; jibaaxid; dardarid; abraarid; jiirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taraarid
m.f.dh eeg taraar². la-mid: taraar¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taraarid
-da: (magac, dhedig, keli) xoog ku dhexmarid. Dh: jibaaxid, dardarid, abraarid, jiidhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tawaawid
-da: (magac, dhedig, keli) calaacalid; cabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taxaabid
(Taxaabid-da)
Fardaha jare ku wadid ama ku garqaadid, iyadoo la socona hayo, la lugayna hayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taxaabid
m.f.dh eeg taxow. la-mid: taxaabo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taxaabid
-da: (magac, dhedig, keli) fardaha jare ku wadid ama garqaadid iyadoo la soconayo ama la lugaynayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tayaaqoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) la-mid: tannaagoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tayaaqsi
-ga: (magac, lab, keli) marka qof kaa fog aad dhawaaq dheer ugu yeedhayso. Dh: wicid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tayaaqso
(fal) qaylo ku tiigso. Hadal qaylo tara, ma tayaaqsadaa, mise turunturrada aan ku tababbartee, waan tiigsadaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Walaaqid
(Walaaqid-da)
Wax walaaqan ka dhigid; qasid; labid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
walaaqid
m.f.dh eeg walaaq². la-mid: walaaq¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walaaqid
-da: (magac, dhedig, keli) wax walaaqan ka dhigid; qasid; labid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wasaaqid
-da: (magac, dhedig, keli) xumayn ay cid kali talo kaa xumayso ama kaa carqaladayso Xaajada wasaaqida ka ilaali.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xanaaqid
(Xanaaqid-da)
Carood; dhirfid; dhiidhiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xanaaqid
m.f.dh eeg xanaaq².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanaaqid
-da: (magac, dhedig, keli) cadho samayn. Waa nin xanaaqid badan. Dh: dhirfid, cadhood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xayaadid
(Xayaadid-da)
Hees ka luuqin, ku qaadid, ku dhawaaqid; madiixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xayaadid
m.f.dh eeg xayaad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xayaadid
-da: (magac, dhedig, keli) hees ku luuqayn oo ku dhawaaqid. Dh: qaadid, madiixid.
xayaadid -da: (magac, dhedig, keli) iska raaxaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabaaqilid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg tabaaqil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barraaqid
(Barraaqid-da)
Fadhi kala daadsan oo foolxun, fadhiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barraaqid
m.f.dh eeg barraaq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barraaqid
-da: (magac, dhedig, keli) si qaab daran oo foolxun u fadhiisad, Dh: barraahid, bahardaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bashaaqid
-da: (magac, dhedig, keli) madaxa bud iyo waxii la mid ah kaga garaacid oo cardaadiqay lafta. Bashaaqid bud lays la dhiciyo inta nabarro la isgaarsiiyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daryaamid
m.dh la-mid: dayaamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daryaamid
-da: (magac, dhedig, keli) dareemidda madaxwareer. Dh: diryaamid.
daryaamid-da: (magac, dhedig, keli) samaynta sanqadh ama hugun weyn. Dh: diryaamid. daryaan: (fal) dareen madaxwareer la moodo in madaxa gudihiisa ha kaa sanqadho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaqaaqid
(Dhaqaaqid-da)
1. Dhaqaaq bilaabid.
2. Wax shubma noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqaaqid
m.f.dh eeg dhaqaaq². la-mid: dhaqaaq¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqaaqid
-da: (magac, dhedig, keli) socod billaabid. Gurguuradku waa dhaqaaqidda bilawgeeda. Dh: dhaqaaqis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhawaaqid
(Dhawaaqid-da)
Dhawaaq sii deyn, ku dhufasho, soo saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhawaaqid
m.f.dh eeg dhawaaq³. la-mid: dhawaaq¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhawaaqid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal dheer oo yeedhid ah odhasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fayaqabid
m.f.dh eeg fayaqab². la-mid: fayaqab¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fayaqabid
-da: (magac, dhedig, keli) fayoobida iyo caafimaadqabidda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gardaaqid
-da: (magac, dhedig, keli) xaq ku joogid: gar ku taagnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hantaaqid
-da: (magac, dhedig, keli) wax nugul riixid oo ridid. Dh: hantaaqis.
hantaaqid-da: (magac, dhedig, keli) qof culus soo luggayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haylaamid
m.f.dh eeg haylaan³. la-mid: haylaan¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haylaamid
-da: (magac, dhedig, keli) aqal, dusha sare haylaan ka saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaynaanid
(Kaynaanid-da)
Hayaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaynaanid
m.f.dh eeg kaynaan².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khayaamid
m.dh la-mid: khayaanid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khayaamid
-da: (n) deception (disapshan), cheating (jiiting)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khayaamid
-da: (magac, dhedig, keli) khayaano ku samayn. Dh: sirid, khatalid, dhagrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khayaanid
m.f.dh eeg khayaan. la-mid: kha-yaamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khayaanid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, khayaano ku samayn. Dh: sirid, khatalid, dhagrid.