taxtaxaashid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taxtaxaashid
-da: (magac, dhedig, keli) si xarrago iyo qushisocod ah iskaga meeraysi. Dh: faajafaajoodid, tamashleynta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taxtaxaashi
(fal) socod miyir ah soco.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taxtaxaashis
-ka: (magac, lab, keli) socod xasillooni ku jirto u socosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taxtaxaash
(fal) si xarago ah u socsoco. Soo yara taxtaxaash in muddo ah oo fasax gaado.
taxtaxaash -ka: (magac, lab, keli) faajafaajoodka iyo tamashleha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adamaxid
-da: (magac, dhedig, keli) tamashlayn iyo taxtaxaashid; daanshadaanshood u socosho. Adamaxid ayuu ku maqanyahay ninkii beerta lahaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haashaarid
-da: (magac, dhedig, keli) xarragood iyo socosho hannaan quruxsani ka muuqdo. Dh: taxtaxaashid, mardaaddiyid, shoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tamashlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) socod xarrago iyo muuqaal fiican leh. Tamashlaynta waa lagu yaqaan, dhallinta toolmoone. Dh: dalxiis, taxtaxaashid,
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taarashid
m.f.dh eeg taarash². la-mid: tarashid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taarashid
-da: (magac, dhedig, keli) dhar shulshul u samayn oo taarash u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaraashid
(Xaraashid-da)
Xaraash ku iibin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaraashid
m.f.dh eeg xaraash².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaraashid
-da: (magac, dhedig, keli) iib xaraash ah wax ku iibin; naado ku iibin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaashxaashid
-da: (magac, dhedig, keli) tamashleyn oo kolba meel iska dalxiisid. Xaashxaashid badanaa wiilku. Dh: taxtaxaashid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aasaasmid
m.dh la-mid: asaasmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aasaasmid
-da: (magac, dhedig, keli) abuuranka iyo samaysanka wax aan hore u jirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alalaasid
m.f.dh eeg alalaas². la-mid: alalaas¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alalaasid
-da: (magac, dhedig, keli) dalamo samayn; farxad aawadeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baalashid
m.f.dh eeg baalash². la-mid: baalasheyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Macaashid
(Macaashid-da)
Macaash ka helid; wax ka dheefid; faa'idid; ribxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaashid
m.f.dh eeg macaash².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaashid
-da: (magac, dhedig, keli) macaash helid; faa'iido helid. Adoon raasamaalkii hayn macaashid ha doondoonin. Dh: faa'idid, ribxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taftaafid
m.f.dh eeg taftaaf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taftaafid
-da: (magac, dhedig, keli) cudur i xanuun, la caatoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taltaalid
m.f.dh eeg taltaal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaxyaxaad
-da: (magac, dhedig, keli) dareen xishood oo uu qofku la hadli kari waayo kolka qalad lagu fahmo. Kolkii beentiisa la fahmay ayuu yaxaxaad la aamusay. Dh: khajilaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faataxaysi
m.l la-mid: faataxaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faataxaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg faataxaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karbaashid
m.f.dh eeg karbaash².
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
karbaashid
-da: (n) whipping (wipping) ~ jeedlid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karbaashid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, karbaash la dhicid. Dh: jeedalayn, shaabuugayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maxammasid
m.f.dh eeg maxammas².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabaxsasho
m.f.dh eeg tabaxso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
talaxgabid
m.f.dh eeg talaxgab². la-mid: talaxgab¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
talaxgabid
-da: (magac, dhedig, keli) itaalyari iyo liidasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
talaxtagid
-da: (magac, dhedig, keli) hawl la qabanayey oo intii loo baahnaa la dhaafiyo oo in siyaado ah lala yimaado, aqoon dheeraada oo loo leeyahay darteed. Dh: tiigaalid, tiigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taxaddarid
m.f.dh eeg taxaddar².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taxnaansho
m.l/dh la-mid: taxnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walaanshid
-da: (magac, dhedig, keli) quruxda ay xarragadu muujiso ama weheliso. Dhallinyaro walaanshayn haddaan waabka soo geliyo, kaa waayay inad gogol wacan wac uga siisaaye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xashaashid
(Xashaashid-da)
Xarragood; mardaaddiyid; shoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xashaashid
m.f.dh xashaash². la-mid: xarshaashid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xashaashid
-da: (magac, dhedig, keli) xarrago samayn. Dh: xarragood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cantalaalid
m.f.dh eeg cantalaal². la-mid: cantalaal¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faataxaysad
m.l la-mid: faataxaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faataxaysad
-ka: (magac, lab, keli) ducaysasho iyada oo Faataxada la akhrisanayo. Dh: faataxaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka macaashi
v. make someone earn profit ~ derive benefit from something
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ka_macaashi
de: make s.o. earn profit ~ derive benefit from s.t.
lx: ka macaashi
pd: (macaashiyey)
ps: v2a=expr
key: ka_macaashi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kashkaashid
m.f.dh eeg kashkhaash². la-mid: kashkaashis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kashkaashid
-da: (magac, dhedig, keli) meel burgoglid oo kashkaash u samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nashnaashid
m.f.dh eeg nashnaash². la-mid: naashnaashid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taataabasho
-da: (magac, dhedig, keli) jidh ama wax kale dhawr jeer gacanta saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xarshaashid
m.dh la-mid: xashaashid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naashnaashid
m.dh la-mid: nashnaashid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naashnaashid
-da: (magac, dhedig, keli) gacanmarin iyo gabagabayn. Naashnaashidda waxa loo daayaa qof farsamayaqaan ah. Dh: qabyatirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faataxaysasho
m.f.dh eeg faataxayso. la-mid: fataxaysad, faataxaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faataxaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) iyada oo Faataxada la akhrisanayo, ducaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taltallaabsad
-ka: (magac, lab, keli) marba tallaabo qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tarraxnaansho
m.l/dh la-mid: tarraxnaan.