taxow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taxow
f.g1 (-xaabay, -xaabtay; xaabi) 1. Fardaha jare ku wadid ama ku garqaadid, iyadoo la soconayo, la lugaynayo. 2. Qof xoog ku wadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taxo
f.g3 (-xday, -xatay) Wax iniino ah, dhexda ka daloola dun iskula xiriirasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
taxo
v. put things in sequence ~ one after the other; put beads on a thread for oneself
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
taxo
a: tixo
de: put things in sequence ~ one after the other; put beads on a thread for oneself
initial: t
lx: taxo
pd: (taxday)
ps: v3b=tr
key: taxo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laxow
-ga: (magac, lab, keli) eeg laxaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tasow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) 1. Baadi wax muddo badan maqnayd noqosho. 2. Nafley dayoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tasow
-ga: (magac, lab, keli) xoolo baadiyow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taxaabid
m.f.dh eeg taxow. la-mid: taxaabo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
taxaab
de: lead a horse by a rope; take by force, drag Alt sp: taxow
initial: t
lx: taxaab
pd: (taxaabay)
ps: v1=tr
key: taxaab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baxdow
(Baxdow-ga)
Faras dheerayn caan ku noqday; aan fardaha la mid ahayn ee ka baxsan ama ka soo dhex baxay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baxdow
m.l Faras aad u dheereya oo aan fardaha la mid ahayn ee ka baxsan. la-mid: baxdoy.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baxdow
m. n. fast horse; horse of excellent quality
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baxdow
-ga: (magac, lab, keli) faras caan ku noqday orod oo aan fardaha la siinnayn. Xiinfiniin baxdow buu ahaa fardo ka sarreeya. Li: magaan.
baxdow -ga: (magac, lab, keli) neef dibadgaloobay oo orodka dheereeya. Banankaan ordaa sidii baxdow bahal ka rooraaye.
baxdow -ga: (magac, lab, keli) qof dhallinyarada ka soo baxa oo ka dhex muuqda. Baxdow Wiilwaal baa ahaa waran waabin kari waayey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baxdow
a: baxdoy (ga) [n7-m]
de: fast horse; horse of excellent quality
lx: baxdow
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: baxdow
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
tallow
/taalow/ (n) baruur, xayr.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
tallow
n., (suet) baruur, -ti, dayi, -gi, xaydh, -di.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Tooxow
nickname-m curved, bent, arched. Cf: Godane. Syn: Tooxan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Tooxow
magac loo baxsho wiil godan oo muuq ahaan soo foorara.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ubaxow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Ubax dhalid (geed). la-mid: ubxow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ubaxow
inch. v. bloom, blossom, flower
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ubaxow
(fal) ubax noqo.
ubaxow-ga: (magac, lab, keli) ubax noqosho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ubaxow
a: ubaxoob
de: bloom, blossom, flower
initial: u
lx: ubaxow
pd: (ubaxoobay)
ps: v1=inch
key: ubaxow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mataxnow
f.mg3 (-naaday, -naatay) la-mid: mutuxnow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mataxnow
(fal) qaawanaw oo mudh iyo gacan ahaw. Kolkaad gogoshaada jufto haddaad doonto mataxnow. Dh: mutuxnow, qaawanow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taw
m.dh.sh.r Cod lagu muujiyo wax degdeg ama dhaqso ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
taw
f. n. (adj.): instantaneous event; immediate, rapid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taw
(fal) xasuuso wax lumay oo horay aanad u garan. Taw waxaad ilowday: Dh: xasuuso.
taw: (tilmaame) eray loo isticmaalo marka la sheegayo orod kama danbaysa. Dh: carar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
taw
de: instantaneous event; [atr.] immediate, rapid
initial: t
lx: taw
pd: (-da)
ps: n-f
key: taw
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
taw
n., (a marble to play with) fatari, -gi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tax
tax¹: m.l Wax iniino ah oo la taxay ama wax xiriirsan (xoolo ama dad).
tax²: f.g1 (-xay, -xday; -tixi) Wax iniino ah, dhexda ka daloola dun iskula xiriirin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tax
tax¹: m.l Wax iniino ah oo la taxay ama wax xiriirsan (xoolo ama dad).
tax²: f.g1 (-xay, -xday; -tixi) Wax iniino ah, dhexda ka daloola dun iskula xiriirin. m.f.dh, tixid.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tax
Series, Cascade
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tax
v. thread (beads, etc); arrange in a row, align, make straight
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
tax
/taaks/ (v) 1. canshuurid (v) 2. kallifid (qaxrid).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tax
-ay -tay: (v) interconnect (in-ter-konekt); link together; thread together; concatenate (kon-kaat-neeyt); string together; conjoin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tax
(fal) si isdaba joog ah u xidhxidh. Tusbaxa tax. Maqasha mareegta ku tax. Li: filiq.
tax-a: (magac, lab, keli) xadhkaha lagu xidhxdiho kabaha iyo wixii la mid ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tax
de: thread (beads, etc); arrange in a row, align, make straight
initial: t
lx: tax
pd: (taxay)
ps: v1=tr
key: tax
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
tax
n., cashuur, -ti; v.tr., dadka cashuur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tow
f.g1 (-way, -wday) la-mid: teb.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
tow
/tow/ (n) 1. baabuur-jiidis (v) 2. jiidid (siiba baabuur uu jiido baabuur kale).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tow
-da: (magac, dhedig, keli) orod xoog ah oo la is maqiiqo. Dh: taw.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
tow
n., xig, -gi, xaskul, -shi; tow used for closing the camel's teats, maraq, -i.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xow
(ereycodeed) erey xoolaha loogu yeh 'kaalay' macnahiisu yahay.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Abow
name-m brother
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abow
(fal) ab iyo isir lagu arooro noqo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adow
-ga: (magac, lab, keli) eeg abkow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
agow
e.d Hadday u yaraato; xataa. Tusaale: 'Agow ii ahaateenaa!'; 'Agow roob di'i lahaayaa.'
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ahow
imperative v., sg. you be ...!
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ahow
(n) that you [sing.] become or be ~ ahaw
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ahow
de: you be ...!
lx: ahow
pd: (ahaw)
ps: v5a-imp-sg
xe: Be a good girl!
xv: Gabar fiican ahow!
key: ahow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ajow
(fal) eeg ajaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqow
(fal) wax baro oo ogow. Aqow in maskaxda la adeegsado. Dh: garo.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
avow
v.tr., (confess) qaado, qiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awow
m.l la-mid: awoowe.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
awow
m. n. grandfather
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
awow
-ga: (magac, lab, keli) aabbaha labada waalid midkood.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
awow
a: awoowe
de: grandfather
lx: awow
pd: (-ga)
ps: n6-m, n7-m
syn: abkoow
key: awow
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Axon
Akson (dhambaal dire unug)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laxo
(Laxa-ha)
(xiddigo) Lixo; urur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laxo
m.l Urur xiddigo ah oo tiradoodu lix ka kooban tahay. la-mid: lixo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laxo
m.l Urur xiddigo ah oo tiradoodu lix ka kooban tahay. la-mid: lixo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laxo
pr. n., loc. name of a star constellation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laxo
-ha: (magacwadareed) toddobada xiddigood ee habarnaaf: ido ama urur na waa loo yagaan. Dh: ido, urur, lixo, loxo, cadaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laxo
a: lixo
de: name of a star constellation
lx: laxo
pd: (/ha)
ps: n0-loc-m
key: laxo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saxo
saxo¹: m.dh Xaaladda uu ku sugan yahay jir aan cudur hayn. la-mid: sixo¹.
saxo²: f.g/mg3 (-xday, -xatay) 1. (f.g) Wax sax ka dhigasho. 2. (f.mg) Wax la liqay oo hunguriga cad aaday ku qufacid. la-mid: sixo².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saxo
f.g/mg3 (saxday, saxatay) 1. (f.g) Wax sax ka dhigasho. 2. (f.mg) Wax la liqay oo hunguriga cad aaday ku qufacid. m.f.dh, saxasho. la-mid: sixo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saxo
v. choke (on), swallow something the wrong way
saxo [feminine] n., [abstract] health
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saxo
-saxday / saxatay: (v) choke (jowk); get choked; become blocked in the throat or larynx ~ margo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saxo
(fal) adoo wax cunaya ama cabbaya hunguriga cad wax ha ku rooreen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabo
f.g3 (-btay, -batay) 1. Wax la filanayay oo la waayey dib u gocasho. 2. Dhacdo godob ka tirsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tabo
f.g3 (-btay, -batay) 1. Wax la filanayay oo la waayey dib u gocasho. 2. Dhacdo godob ka tirsasho. m.f.dh, tabasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tabo
v. miss, feel the lack of
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tabo
de: miss, feel the lack of
initial: t
lx: tabo
pd: (tabtay)
ps: v3b=tr
key: tabo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Talo
(Tala-da)
Wax wax ka qabadkood, oo qof, sida ay ula eg tahay, ka sheego; arrin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
talo
m.dh (-ooyin, m.l) Fikrad wax ku ool ah oo cid tuseysa sidii uu wax u qabsan lahaa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
talo
m.dh (-ooyin, m.l) Fikrad wax ku ool ah oo cid tuseysa sidii uu wax u qabsaan lahaa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
talo
f. n. decision, advice, opinion, directions, proposal
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
talo
-talada: (n) advice (adh-veeyz); counsel (kaawn-sal); guidance (gaay-dhensi); piece of advice; suggestion (saj-jesh-shin); opinion (o-piin-yan) ~ waano
ku talagal -ay / ku talagashay: (v) intend to (inteendh to); plan to (palaan tu)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Talo
Consiglio
Advise
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
talo
-da: (magac, dhedig, keli) arrin taagan sida laga yeelayo oo laga wada hadlo iyo go'aanka laga qaato.
talo -da: (magac, dhedig, keli) ra'yi qof soo jeediyo. Dh: aragti.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
talo
de: decision, advice, opinion, directions, proposal
initial: t
lx: talo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: talo
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
talo
نصِيحَة
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taro
(fal) cid kale, wax sii oo gargaar. Khalqiguu wax wada taaran jiray tabanayee mooyi.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
taxe
taxe, n.f. - canshuur
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
taxi
/taaksi/ (n) 1. tagsi (baabuur la kiraysto) (v) 2. dhul ku-socoshada diyaaradda kolkay kicitimayso.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
taxi
taxi, n.m. - tagsi; baabuurka yar ee la kiraysto
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tayo
(Taya-da)
Sifada ama tilmaanta lagu garto dhalanka ama abuurta wax kale lee yihiin oo waxyaalaha kale kaga duwan yihiin (oo badanaa kaga wanaagsan yihiin); alab; nooc; jaad; cayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tayo
tayo¹: m.dh Sifo lagu garto dhalanka ama abuurta wax kale leeyihiin oo waxyaale kale kaga duwanyihiin; nooc; jaad.
tayo²: (-tayo) dk.lh.dh Tan annagu aannu leenahay. la-mid: taayada², taayo, tayada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tayo
tayo¹: m.dh Sifo lagu garto dhalanka ama abuurta wax kale leeyihiin oo waxyaale kale kaga duwanyihiin; nooc; jaad.
tayo²: (-tayo) dk.lh.dh Tan annagu aannu leenahay. Tusaale: “Buugagtayada baa cusub”. la-mid: taayada².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tayo
f. n. quality, characteristic; type, kind
tayo pron., det, pl. our [exclusive.]
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tayo
-tayada: (n) quality (ku-waaliti); goodness (guud-nes) Ex: tayo fiican; of good quality
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Tayo
Buona qualità
Good quality
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tayo
-da: (magac, dhedig, keli) heerka waxtar ee shaygu lee yahay.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
tayo
جُودَة، جَوْدَة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aafow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax aafeysan noqosho (nafley badan).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aafow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax aafeysan noqosho (nafley badan). m.f.dh., aafoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aafow
(fal) aafo iyo ibtilo yeelo.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Aayow
name-m future, destiny; benefit from
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bacow
-ga: (magac, lab, keli) qofka habaarka badan. Intii bacow aan qaadan laa, gole ku joog fiican, mar hadey gardhalad wada noqdeen guur aan.
bacow-ga: (magac, lab, keli) bahal quraanjada ka duwan oo midabkiisu cawlan yahay ur qarmuuna leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Badow
(Badow-ga)
Aan reer-magaal ahayn; reer-miyi; aan wax aqoon; aan ilbax ahayn; galti; khashiin; (ama Badwi).