tawaawacid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tawaawacid
-da: (magac, dhedig, keli) calaacalid: cataabid, cabasho. Tawaawacay sidii curad aan dhalay ciil ku taagsaday: Dh: calaacal,catow, taah. Li: faan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tawaawicid
(Tawaawicid-da)
Cabasho; calaacalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tawaawicid
m.dh eeg tawaawac².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tawaawac
(Tawaawac-a)
Cabasho; calaacal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tawaawac
tawaawac¹: m.l Cabasho, calaacal.
tawaawac²: f.mg1 (-cay, -cday; -wici) Calaacalid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tawaawac
m. n. lamentation, complaint
tawaawac v. complain, lament
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tawaawac
(fal) cabo, calaacal, cataaw. Tawaac oo sheego baahidaada.
tawaawac -a: (magac, lab, keli) calaacal iyo cabasho tilmaamaysa itaalyari iyo liidasho. Dh: ciil. Li: rayrayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tawaawid
-da: (magac, dhedig, keli) calaacalid; cabasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tawaawac_1
de: lamentation, complaint
hm: 1
initial: t
lx: tawaawac
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: tawaawac_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tawaawac_2
de: complain, lament
hm: 2
initial: t
lx: tawaawac
nt: tawaawicid (da) [vn-f]
pd: (tawaawacay)
ps: v1=intr
key: tawaawac_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tawaawilid
m.f.dh eeg tawaawil².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qawaacid
(Qawaacid-ka)
Wax weyn oo daran; dhibaato weyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qawaacid
m.l Khasaaro weyn; masiibo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qawaacid
m. n. serious trouble, harm ~ damage
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qawaacid
-ka: (magac, lab, keli) wax weyn oo daran, dhibaato weyn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qawaacid
cf: daran
de: serious trouble, harm ~ damage
lx: qawaacid
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: qawaacid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taabacid
-da: (magac, dhedig, keli) dad aragtida ay qabaan ku raacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tawaawil
tawaawil¹: m.l Bari idaad iyo dhir la isku shiilay oo dawo ahaan loo isticmaalo.
tawaawil²: f.g1 (-ilay, -ishay) Bari idaad iyo dhir la isku shiilay cid ku daawayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tawaawil
m. n. folk medicine, medicinal concoction consisting of sheep fat mixed with various herbs
tawaawil v. treat someone with (herbal folk medicine)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tawaawuc
-a: (magac, lab, keli) eeg tawaawac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawraacid
-da: (magac, dhedig, keli) maritaanka waddada toosan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tawakalid
(Tawakalid-da)
(Ilaah) talasaarasho; iskuhallayn; wakiil ka dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tawakalid
m.f.dh eeg tawakal². la-mid: tawakal¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tawakalid
-da: (magac, dhedig, keli) Ilaahay oo la talo saarto, arrinkaaga oo ilaahay loo magansado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawaawirid
hawaawirid¹: m.l Rididda xabbado aan dan laga lahayn la rido.
hawaawirid²: m.f.dh eeg hawaawir².
hawaawirid³: f.g1 (-day, -dday) Xabbado bilaash u ridid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawaawirid
-da: (magac, dhedig, keli) isla sheekaysasho; isla hadlid. Dh: islasheekaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hawaawiyid
(Hawaawiyid-da)
Alaladid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawaawiyid
m.f.dh eeg hawaawi². la-mid: hawaawi¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawaawiyid
-da: (magac, dhedig, keli) hurdada dhexdeeda ku sheekaysasho. Dh: alaladid, riyood, dhadhabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabaalicid
m.f.dh eeg tabaalac².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tafaawulid
m.dh la-mid: tafaafulid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taraaraxid
(Taraaraxid-da)
Si taraarax ah u socosho, u xiimid, u sidbasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taraaraxid
m.f.dh eeg taraarax². la-mid: taraa-rax¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taraaraxid
-da: (magac, dhedig, keli) silbasho la is qaban kari waayo, oo lagu sigto in la kufo. Dh: sinbiriirixasho, silbasho, sidbasho, siibasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gawaanraacid
(Gawaanraacid-da)
Fardo badan oo aan lagu joogin, oo inta kuwo yar loo fuulo, dida.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gawaanraacid
m.f.dh eeg gawaanraac². la-mid: gawaanraac¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gawaanraacid
-da: (magac, dhedig, keli) fardo, kuwo la fuushan yahay, gurdaanraacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hantaatacid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal aan milgo lahayn, ku hadlid. Dh: hantatacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tafantaacid
-da: (magac, dhedig, keli) daandaansi iyo annaaniyo aan lala kala gabban. Tafantaacida iga jooji. Dh: gardarraysi, tafantaacis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Awaalid
(Awaalid-da)
Filid; malayn; sugid; saadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awaalid
m.dh la-mid: aawil¹, aawilid, awaal¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
awaalid
-da: (magac, dhedig, keli) wax saadin; wax saadaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hawaawi
(Hawaawi-ga)
Alalad; dhadhab; riyo; hiyiwaale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawaawi
hawaawi¹: m.l 1. Haynta niyadda lagu hayo wax helitaankooda. 2. la-mid: hawaawiyid.
hawaawi²: f.mg1 (-iyay, -iday; -iyi) Wax si aad ah ugu fekerid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hawaawi
m. n. dream
hawaawi v. dream
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawaawi
(fal) hurdada dhexdeeda, sawirro iyo xaalado dhab u eg ku arag. Dh: riyoo, alalad.
hawaawi -ga: (magac, lab, keli) waxyaalaha qofku uu arko kolka uu hurdo. Dh: qaraw, alal, dhadhab, hiyi, riyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tawalid
m.f.dh eeg tawal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tawalid
-da: (magac, dhedig, keli) werwerid: walbahaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Tawraad
-da: (magac, dhedig, keli) diintii Ilaahay nebi Muuse (naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaadeene) ku soo dejiyey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aawaalid
-da: (magac, dhedig, keli) ka warramidda wax aan weli dhicin iyada oo la kaashanayo astaamaha lagu tilmaansan karo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awtaamid
m.f.dh eeg awtaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baayacid
-da: (magac, dhedig, keli) gorgortanka iibka la xidhiidha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadaawad
m.dh la-mid: cadaawo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cadaawad
m.dh la-mid: cadaawo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadaawad
-da: (magac, dhedig, keli) colaad labo dhinac dhextaal. Dh: colaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daabacid
-da: (magac, dhedig, keli) dhar iyo wixii la mid ah, daabacaad u yeelid oo dun ku xardhid.
daabacid: -da: (magac, dhedig, keli) buug iyo wixii la mid ah madbacad ku daabicis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daafacid
vl. n. protecting, defending
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daafacid
de: protecting, defending
lx: daafacid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: daafacid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daalacid
-da: (magac, dhedig, keli) soo muuqasho, soo bixid. Soo daalacidda arrintan muddaa la sugayay. Dh: daalicid, daahirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dawaafid
(Dawaafid-da)
Kacbada ku wareegid, Xajka gudashadiisa kamid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawaafid
m.f.dh eeg dawaaf². la-mid: dawaaf¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawaafid
-da: (magac, dhedig, keli) dhulka kolba meel u socdaalid, wareegid. Dh: dawaafis.
dawaafid -da: (magac, dhedig, keli) Kacbada ku wareegid. Aabbo dawaafidda wuu karaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawaarad
m.dh (-do, m.l) Abitey.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dawaarad
m.dh (-do, m.l) Abitey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawaarad
-da: (magac, dhedig, keli) qalab dharka lagu tolo. Shamiiska dawaarad ii mari. Dh: dawaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawlaaci
(fal) xadhig dawlis ah iyo wax la mid ah marba in yar sii daa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaawaci
(fal) qof waxyeello ama nabar soo gaadhay daawee oo buulle. Dh: dhaawici.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garaacid
(Garaacid-da)
Xoog wax wax ugu dhufdhufasho; wax la dhicid; ulayn; tumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaacid
m.f.dh eeg garaac³. la-mid: garaac¹ (3), garaacis.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
garaacid
to dribble, dribbling
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garaacid
vl. n. blow, tap, knock, knocking
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
garaacid
-da: (n) the act of beating (biiting); knocking (naaking) ~ garaacis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garaacid
-da: (magac, dhedig, keli) shey wax kale ku dul tumid, la dhicid. Dh: garaacis.
garaacid-da: (magac, dhedig, keli) dilid oo ul iwm la dhicid. Neefka garaacidda ka daa uqubo iyo aaqilo ayuu leeyahaye. Dh: ulayn.
garaacid -da: (magac, dhedig, keli) ka guulaysasho; ka adkaasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garaacid
de: blow, tap, knock, knocking
lx: garaacid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: garaacid
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
garaacid
قَرْعٍ دَقَ طَرْقٍ ضَرْبٍ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gawaadad
m.dh (-do, m.l) Haweeney, rag iyo naago isu geysa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gawaadad
-da: (magac, dhedig, keli) haweeney, rag iyo naago isu geysa. Dh: fataalad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gawaadid
m.f.dh eeg gawaad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gawaadid
-da: (magac, dhedig, keli) ninka ragga iyo dumarka isu gayntooda ka dhex shaqaysta noqosho. Dh: fataalid, rufyaanid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gawracid
-da: (magac, dhedig, keli) neef, birayn ama xalaalayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hawaarid
(Hawaarid-da)
Fadhi ballaaran oo kala daadsan fadhiyid; barraaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawaarid
m.f.dh eeg hawaar³. la-mid: hawaar¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawaarid
-da: (magac, dhedig, keli) fadhi ballaadhan oo kala daadsan fadhiyid; si hawaar ah u fadhiyid. Dh: hawaarsasho, bahardaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawaawir
hawaawir¹: m.l.sh.r Cod weyn oo xabbado la ridayo bixiyaan.
hawaawir²: f.mg1 (-ray, -rtay) 1. Si aan sugnayn u muuqasho (wax). 2. Caloolyow dareemid. 3. Ur xun urid (wax).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hawaawir
f.mg1 (-ray, -rtay) 1. Si aan sugnayn u muuqasho (wax). 2. Caloolyow dareemid. 3. Ur xun urid (wax). m.f.dh, hawaawirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawaawir
(fal) kelidaa adoon hurdin isla hadal. Dh: islahadal
hawaawir-ka: (magac, lab, keli) isla hadalka iyo sheekaysiga qofku kelidii isla hadlo oo uu sheekaysto isaga oo soo jeeda; hadal dareen dhib leh dartiis qofka ka soo baxa iyadoon cidina la hadlayn. Dh: sheekeysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jawaabid
(Jawaabid-da)
1. Xoolo la shuba hayo, ku heesid.
2. Wax lays weyddiiyey, hadal ka celin; waxkadhihid; kadhihid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jawaabid
m.f.dh eeg jawaab³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jawaabid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal hore, jawaab ka celin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kawaamid
(Kawaamid-da)
Xoolo in hilibkooda la iibsho darteed u qalid; (ama kawaanid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kawaamid
m.f.dh eeg kawaan². la-mid: ka-waanid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kawaamid
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo in hilibkooda la iibsho darteed u qalid. Dh: kawaanid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kawaanid
m.dh la-mid: kawaamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laayacid
-da: (magac, dhedig, keli) dayacidda xoolaha ama ilaalin la'aantooda. Dh: baylihin, dayacitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lawaaxad
-da: (magac, dhedig, keli) beddelidda. biraha sawracoodii laga beddelo oo sidii hore si ka duwan loo farsameeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lawlawid
m.f.dh eeg lawlaw².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maanacid
-da: (magac, dhedig, keli) wax horjoogsi oo in la sameeyo diidid. Maanacidda iska daa oo dadka sii daa. Dh: celin, diidid. Li: oggolaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raabacid
m.f.dh eeg raabac².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sawaabad
-da: (magac, dhedig, keli) gabar dogon ah; nacas; calaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sawaabid
m.f.dh eeg sawaab³.