taswiirid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taswiirid
-da: (magac, dhedig, keli) muuqaal qaadid. Dh: sawirid, masawirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masawirid
-da: (magac, dhedig, keli) wax taswiirid; sawir qaadid. Masawiridda xeryaha ciidanku waa mamnuuc. Dh: taswiirid, sawirid, sawiris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taswiir
(Taswiir-ta)
Masawir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taswiir
m.dh la-mid: masawir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
taswiir
f. n. image, picture, illustration, photograph
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
taswiir
-ta: (n) picture (pik-jar); painting (peeyn-ting); drawing (daroo-ing); photograph (footo-garaaf) ~ sawir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taswiir
(fal) muuqaal noole ama ma noole kaamirad ku qaad ama gacanta ku taswiir. Dh: sawir, masawir.
taswiir-ta: (magac, dhedig, keli) muuqaal wax nool iyo manoole lahaa oo kamarad lagu qaado ama gacantaba lagu sameeyo. Dh: sawir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
taswiir
a: masawir
de: image, picture, illustration, photograph
initial: t
lx: taswiir
pd: (-ta Pl: tasaawiir (ta))
ps: n2-f, n8-f
key: taswiir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ta'wiilid
m.f.dh eeg ta'wiil². la-mid: ta'wiil¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ta'wiilid
-da: (magac, dhedig, keli) riyo fasirid. ta'wiilo: (fal) riyo iskaa adigu u fasiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tacsiirid
(Tacsiirid-da)
Tacsiir saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tacsiirid
m.f.dh eeg tacsiir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tacsiirid
-da: (magac, dhedig, keli) eedsiin iyo takhsiirid, qof denbi galay oo lagu xukumo wax gefka uu galay u dhigma. Dh: ganaaxid, takhsiirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tafsiirid
(Tafsiirid-da)
Tafsiir u yeelid; macnayn; sharxid; tarjumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tafsiirid
m.f.dh eeg tafsiir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tafsiirid
-da: (magac, dhedig, keli) fasirid, macnayn sharraxid, tarjumid. Tafsiirida aayadda hagaaji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taqsiirid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, ganaaxid, garraaxid.
taqsiirid -da: (magac, dhedig, keli) tacsiir saarid. Dh: eedsiin, yakayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tashiilid
(Tashiilid-da)
Dhaqaalayn; maradhaarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tashiilid
m.f.dh la-mid: tashiil².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tashiilid
-da: (magac, dhedig, keli) wax yaryaraynta dhaqaale. Dh: tabiinida.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tasniifid
m.f.dh eeg tasniif².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tasniifid
-da: (magac, dhedig, keli) kitaab ama qo raal cusub curin oo allifid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taswiirle
-ha: (magac, lab, keli) eeg taswiiraale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gasariirid
°(Gasariirid-da)
(qof) jimicii iyo raxmaddii ka dhammaatay oo aan waxba ka nixin; dadka colaadda, islaynta iyo isnebcaanta ku dhex dhasha oo ku dhex kora oo qiimaha dadnimadu qalbigooda ka tirantay oo kale noqosho (ama geseriirid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gasariirid
gąsariirid: m.f.dh eeg gąsariir². la-mid: geseriirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gasariirid
-da: (magac, dhedig, keli) qof naxariistii iyo jimicii ka dhammaatay oo aan waxba ka nixin noqosho. Dh: geseriirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tacshiirad
(Tacshiirad-da)
Xabbado badan oo isku kol, wadajir, loo rido.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tacshiirad
m.dh Rasaas koox dad ahi hal mar wada ridaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tacshiirad
m.dh Rasaas koox dad ahi hal mar wada ridaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tacshiirad
f. n. volley (of shots); sudden burst of gunfire
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tacshiirad
-da: (n) simultaneous discharge of bullets; volley (voo-li)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tacshiirad
-da: (magac, dhedig, keli) xabbado badan oo isku mar si wada jir ah loo rido ama u dhaca. Dh: dabsaar, baas.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tacshiirad
de: volley (of shots); sudden burst of gunfire
initial: t
lx: tacshiirad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: tacshiirad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
takhsiirid
m.f.dh eeg takhsiir².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wanshiirid
m.f.dh eeg wanshiir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wanshiirid
-da: (magac, dhedig, keli) nafley, daal haleelid. Dh: wanshiir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiirid
m.f.dh eeg tiir².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Asiibid
(Asiibid-da)
Ku dhicid; ku abbaarmid; helid; la helid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asiibid
m.f.dh eeg asiib. la-mid: aseebid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asiibid
-da: (magac, dhedig, keli) abbaarid: la helid. Asiibiddaada maad hubisay?
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casirid
m.f.dh eeg casir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casirid
-da: (magac, dhedig, keli) calool majiirmid; caloosha, xanuun ka dareemid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawirid
m.dh la-mid: cawarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fasirid
(Fasirid-da)
1. Fasir u yeelid; ulajeeddadiisa qeexid; macnayn.
2. (dhar) tolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fasirid
m.dh eeg fasir². la-mid: fasilid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fasirid
vl. n. explaining, clarification, formulation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fasirid
-da: (n) definition (difini-shin); explanation (ekispalaneey-shin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fasirid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg fasilid.
fasirid-da: (magac, dhedig, keli) sharrax u yeelid: ulajeeddadiisa qeexid. Dh: macnayn, sharraxid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fasirid
de: explaining, clarification, formulation
lx: fasirid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: fasirid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hawirid
(Hawirid-da)
Wax liita ka dhigid; dhawrid la'aansho; xannaano-darrayn; laayicid; luggooyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawirid
m.f.dh eeg hawir². la-mid: hawir¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawirid
-da: (magac, dhedig, keli) wax liita oo aan macno ku fadhiyin ka dhigid. Dh: yasid; shilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kawirid
m.f.dh eeg kawir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kawirid
-da: (magac, dhedig, keli) doon ama markab meeshii loo socday meel aan ahayn u weecin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nawirid
m.f.dh eeg nawir². la-mid: nawir¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nawirid
-da: (magac, dhedig, keli) wax nuuraya la dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qasirid
-da: (magac, dhedig, keli) ganaaxid; taqsiir cid dusha ka saarid. Dh: ganaaxid, khasirid, takhsiirid, garraaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sawirid
m.f.dh eeg sawir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sawirid
-da: (magac, dhedig, keli) sawir samayn: wax u ekaysiin; masawirid: taswiirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shiirid
(Shiirid-da)
Shiir yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiirid
m.f.dh eeg shiir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiirid
-da: (magac, dhedig, keli) shiir yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tajwiid
m.l Cod aad u qurxoon oo quraanka lagu akhriyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tajwiid
m.l Cod aad u qurxoon oo quraanka lagu akhriyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tawxiid
(Tawxiid-ka)
Midnimada Ilaah oo la qiro, la rumaysto, la ictiqaado; (ama towxiid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tawxiid
m.l Qiritaanka la qiro in Ilaah kali yahay cibaadadana isaga mudan yahay in la caabudo. la-mid: towxiid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tawxiid
m.l Qiritaanka la qiro in Ilaah kali yahay cibaadadana isaga mudan yahay in la caabudo. la-mid: towxiid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tawxiid
m. n. oneness of God, monotheism
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Tawxiid
name-m belief in one God
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tawxiid
-ka: (n) Islamic monotheism (mono-thi-yii-zim); the oneness of Allah [God]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tawxiid
-ka: (magac, lab, keli) odhaah, keli ahaanta iyo jiritaanka Rabbi iyo rasuulkiisa lagu qiro, lagu rumeeyo, marka uu qofku aaminsan yahay jiritaanka kelinimada Ilaahay. Dh: asha'haado.
tawxiid -ka: (magac, lab, keli) qiritaanka iyo rumaynta kelinimada Ilaahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tawxiid
bw: Arabic
de: oneness of God, monotheism (Islamic formula proclaiming God's unity)
initial: t
lx: tawxiid
pd: (-ka)
ps: n0-m
key: tawxiid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yasirid
(Yasirid-da)
Fudayd ka dhigid; fududayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yasirid
m.f.dh eeg yasir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yasirid
-da: (magac, dhedig, keli) xaajo adkayd fududayn oo wax dhib yar ka dhigid. Yasiridda arrintan Eebbaan ka sugaynaa. Dh: fududayn, sahlid, yasiraad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
catiirid
m.f.dh eeg catiir². la-mid: catiiris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dariirid
m.f.dh eeg dariir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faqiirid
(Faqiirid-da)
Faqiir noqosho; (ama faqriyid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faqiirid
m.f.dh eeg faqiir². la-mid: faqiiroobid, faqrin, faqriyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faqiirid
-da: (magac, dhedig, keli) qof xoolayar noqosho ama hantibeelid. Dh: saboolid, fiqiirid, caydhoobid. Li: taajirid, qaniyoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gariirid
(Gariirid-da)
Qarqaryo ama cabsi ama wax kale la ruxasho, la jarcayn, la qarqarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gariirid
m.f.dh eeg gariir². la-mid: gariir¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gariirid
-da: (magac, dhedig, keli) qadhqadhyo ama cabsi darteed la jarcayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gasiirad
f. n. island
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gasiirad
-da: (n) island (eeylandh) ~ jasiirad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gasiirad
-da: (magac, dhedig, keli) dhul ay biyo dhan walba kaga wareegsan yihiin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gasiirad
bw: Arabic
de: island
lx: gasiirad
pd: (-da)
ps: n1-f
see: jasiirad
key: gasiirad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jasiirad
(Jasiirad-da)
Dhul badi ku wareegsan tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jasiirad
m.dh (-do, m.l) (jooloji) Gabal dhul ah oo ay ku wareegsanyihiin biyo, gabalkaasi dhulka ah wuxuu ku dhexyaal badweyn, bad, haro, ama webi. la-mid: jasiiro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jasiirad
m.dh (-do, m.l) (jool.) Gabal dhul ah oo ay ku wareegsanyihiin biyo, gabalkaasi dhulka ah wuxuu ku dhexyaal badweyn, bad, haro, ama webi. la-mid: jasiiro.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Jasiirad
Island
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jasiirad
f. n. island
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jasiirad
-da: (n) island (aaylaandh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jasiirad
-da: (magac, dhedig, keli) dhul engagan oo biyo ku wareegsanyihiin. Jasiirad ayaa dagayaa. Dh: gasiirad. Wa: jasiirado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jasiirad
a: jasiiro (/da) [n6-f]
bw: Arabic
de: island
lx: jasiirad
pd: (-da Pl: jasaa'ir (ka))
ps: n8-f, n1-f
key: jasiirad
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
jasiirad
جزِيرَةٌ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
majiirid
m.f.dh eeg majiir³. la-mid: majiir¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
majiirid
-da: (magac, dhedig, keli) wax toos u socda ama taagan dhanka kale u leexin. Shookaanta gaadhigu majiiridda degdegga ah way ku jabtaa. Dh: melmelid, leexin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nashirid
(Nashirid-da)
1. (maro, kd.) furfurid; kala bixin; babbin.
2. (war) dad badan gaarsiin; shaac ka dhigid; faafin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nashirid
m.f.dh eeg nashir². la-mid: nashir¹.