tasayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tasayn
(Tasayn-ta)
Tixgelin iyo qaddarin la'aan; waxaan jirin ka dhigid; liidid; sheelid; qarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tasayn
m.f.dh eeg tasee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tasayn
-ta: (magac, dhedig, keli) tixgelin iyo qaddarin la'aan ama waxaan jirin ka dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tasay
(fal) ha tixgelin; ha qadderin, xaqir. Wixii kugu xadgudba tasay.
tasay: (fal) hallee, lumi. Tasee lacagta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Casayn
(Casayn-ta)
Casaan ka dhigid; midab cas u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casayn
m.f.dh eeg casee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casayn
-ta: (magac, dhedig, keli) kabo iyo wax la mid ah, baalashayn; baalash marin. Dh: baalashayn.
casayn-ta: (magac, dhedig, keli) walax, midab cas u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gasayn
m.f.dh eeg gasee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Masayn
(Masayn-ta)
Mase ka dhigid; simid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masayn
-ka: (magac, laab, keli) dibi laboodhedig ah.
masayn -ta: (magac, dhedig, keli) wax siman oo isku mid ama is le'eg ah ka dhigid. Dh: simid maseyn, misayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rasayn
(Rasayn-ta)
Raso ka dhigid; is kor saarsaarid; taallayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rasayn
m.f.dh eeg rasee. la-mid: rasays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rasayn
-ta: (magac, dhedig, keli) si habaysan isku dul dhigdhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tabayn
(Tabayn-ta)
1. Hadba tab cusub keenid, muujin.
2. Tabo kula kicid; xeeladayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabayn
m.f.dh eeg tabee. la-mid: tabays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hadba tab cusub keenid ama muujin. Dh: xeeladayn, qaabayn, farsamayn, nidaamin.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tusayn
Tabular
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xasayn
(Xasayn-ta)
Meel xas ah gelin; qarin; dahid; kaayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xasayn
m.f.dh eeg xasee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xasayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xas ama meel qarsoon oo kale ku qarin. Xaar sagaaro xasayn kuma qarsoomo. Dh: khabbayn. Wa: xasxasayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tasee
de: ignore, disregard; look down upon
initial: t
lx: tasee
nt: tasayn ~ taseyn (ta) [vn-f]
pd: (taseeyey)
ps: v2b=tr
key: tasee
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Atamayn
Atomisation
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baslayn
(Baslayn-ta)
Si basle ah, baadi ama wax kale, u raadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baslayn
m.f.dh eeg baslee. la-mid: basle (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baslayn
-ta: (magac, dhedig, keli) nooc orodka ka mid ah oo gucle u eg oo si qaabxun wax loo raadgoobo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cashayn
(Cashayn-ta)
Casho cunid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cashayn
m.f.dh eeg cashee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cashayn
-ta: (magac, dhedig, keli) milayga fiidka, soor cunid. Dh: xeraadid.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
DHASAYN
[DASEYN] Commiphora sec. Opobalsames sp = Kuchar 16231 01
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhasayn
-ka: (magac, lab, keli) geed la bah ah dhiddink aiyo xagarka oo leh budhuq la faqdo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaasayn
-ta: (magac, dhedig, keli) mooteer ama wax la mid ah, gaas ku shubid. Faynuusku gaasayn buu doonayaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaasayn
m.f.dh eeg jaasee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kasbayn
m.f.dh eeg kasbee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qawsayn
m. n., [collective] brackets {punctuation}
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qawsayn
-ka: (n) brackets (baraakitis)-, () or [ ] ~ bilo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qawsayn
bw: Arabic
cf: bilo, isbarbardhig
de: brackets {punctuation}
lx: qawsayn
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
key: qawsayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taakayn
-ta: (magac, dhedig, keli) marka wax la cabbirayo oo taako lagu qiyaasay ka dhigid; taako ku cabbirida. Taakayntu yaanay kaa khaldamin.
taakayn -ta: (magac, dhedig, keli) taako u dhigid oo joojin. Taakaynta waa lagu ilko beelaa. Dh: taakays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tabcayn
(Tabcayn-ta)
Tabco ku qabasho; qonfid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabcayn
m.f.dh eeg tabcee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabcayn
-ta: (magac, dhedig, keli) tabco ku qabasho, sudhid, legdinta wiilasha oo uu lugta lugta kale kaga maro. Wiilku wax tabcayn ogaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tamcayn
-ta: (magac, dhedig, keli) lugta lugtu ugu marid oo la legdamid. Dh: tabcayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tusmayn
m.f.dh eeg tusmee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tusmayn
-ta: (magac, dhedig, keli) marka reer meel loo sahamiyo ka duwan meeshii ay yaaleen.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xawsayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qaxwaayn; shaah cabbid. Dh: qaxwayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Asay
(Asay-da)
Dhar cad ama madow oo afadu qaadato kolka saygu ka dhinto; hangal; weer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asay
m.dh la-mid: asaay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
asay
f. n. mourning dress (white)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
asay
-da: (n) the clothes put on by a woman whose husband passed away; mourner's clothes (moorneris kaloowth)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asay
-da: (magac, dhedig, keli) gambada cad ee afadu xidhato kolka seygeedu dhinto. Asaydii bay weli Farduus siddaa. Dh: agal, hengel, hangal, weer.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
asay
cf: hangal
de: mourning dress (white)
lx: asay
pd: (-da)
ps: n1-f
key: asay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sayn
1. (Sayn-ka) Addin roob ah oo aan ballaarrayn oo meel ka hoora.
2. (Sayn-ta) Timaha nafleyda qaarkeed (sida tan ku taal qanaanta fardaha, dabada lo'da, ...).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sayn
sayn¹: m.l (-mo, m.dh) Addin roob ah oo aan ballaarayn oo meel ka hoora.
sayn²: m.dh Timo bul ah oo xayawaanka qaarkiis dabada fooddeed uga yaal.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sayn
m.dh Timo bul ah oo xayawaanka qaarkiis dabada fooddeed uga yaal.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Sayn
Sine
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Sayn
Sine
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sayn
m. n. signs of rain, rain-clouds
sayn [feminine] n. clumps ~ bristles of animal hair; tail
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sayn
-ta: (n) tail (teeyl); animal's tail ~ dabo
sayn -ka (n) a raining cloud
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sayn
-ta: (magac, dhedig, keli) timaha nafleyda qaarkeed siiba gammaanka iyo shaashka libaaxa. Sayn libaax ciyaar laguma taabto.
sayn -ka: (magac, lab, keli) addin roob ah oon ballaadhnayn oo meel ku hoora.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taan
-taan
Qodobka ta iyo tan oo la isku gaabiyey (sida: dhegta tan = dhegtaan; ...).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taan
f.g1 (-aamay, -aantay; -aami) Ku t.: wax la jecelyahay ku fekerid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
taan
f.g1 (-aamay, -aantay; -aami) Ku t.: wax la jecelyahay ku fekerid. m.f.dh, taamid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
taan
v. plan, bear in mind
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
taay
-ga: (n) necktie (nek-taay); bow tie (boow-taay) ~ niikteyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aasan
La xabaalay; la duugey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aasan
aasan¹: f.mg1 (-smay, -sanaty; -smi) Wax cidi aastay noqosho.
aasan²: f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la aasay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aasan
aasan¹: f.mg1 (-smay, -sanaty; -smi) Wax cidi aastay noqosho. m.f.dh, aasmid.
aasan²: f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la aasay ahaansho. m.f.dh, aasnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aasan
der. [adjective] buried
aasan [inchoative] v. be buried, get buried
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aasan
-aa: (adj) buried (beeridh); placed in the ground ~ xabaalan ama duugan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aasan
(fal) qof ama wax aasan noqo. Waxaan idhi aasan, ninkii inkiraaya, adduunka dhibtiisa.
aasan: (tilmaame) qof ama wax dhulka loo qoday oo la xabaalay ahaan. Waxa aan hellay dad meel mid ah ku aasan. Dh: xabaalan, duugan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afayn
(Afayn-ta)
Bir iyo wixii kaloo wax lagu gooyo, af u yeelid; soofayn; lisid; sibid; loolin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afayn
m.f.dh eeg afee. la-mid: afays.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
afayn
-ta: (n) sharpening (sharpening)-, honing (hooning) ~ soofayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afayn
-ta: (magac, dhedig, keli) bir af ay wax ku goyso ama turqa soofayn oo af u eyelid. Mindidan saawirta ahi afayn bay u baahantahay. Dh: soofayn, lisitaan, lisid, loollin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ahayn
v., pl., simple past tense: we were
ahayn v., neg., simple past tense: was ~ were not
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ahayn
ahayn: (v) we were
ahayn: (v) [ with negative ma; not] was or were not.... Ex: aniga ma ahayn; that was not me
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ajayn
-ta: (magac, dhedig, keli) biyo nadiif ah ajo ka dhigid; biyo jooga wasakhayn. Dh: ajays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
amayn
m.dh (kiimika) Iskudhisyo orgaanig ah oo sameysma marka hal ama in ka badan oo atamyada haydarojiin ee amooniyada lagu beddelo koox orgaanig ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
amayn
m.dh (kiim.) Iskudhisyo orgaanig ah oo sameysma marka hal ama in ka badan oo atamyada haydarojiin ee amooniyada lagu beddelo koox orgaanig ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
basan
(tilmaame) wax aad u guban oo meel la taabto lahayn. Dh: dumudhsan.
basan: (tilmaame) dab bakhtiisan oo aan shidmayn. Dab ilaa shalay basan dhamac ha ka raadin. Li: hursan, oogan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casay
(fal) wax midabkiisu cas yahay ka dhig.
casay: (fal) kabo, baalashee; dhalaali oo baalash mari. Dh: baalashee, casee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hasan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax nijaasi ku hallowday ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Hasan
name: Hassan
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Hasan
de: Hassan
lx: Hasan
ps: name-m
see: Xasan
key: Hasan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isayn
-ta: (magac, dhedig, keli) marka qof si gaar ah shey loogu keli yeelo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kasan
(tilmaame) la wada garanaayo oo cid waliba aqoonsanayso. Dh: caan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masay
m.dh Cutub caws ah oo dusha looga maro geeddi (xarig yar), marka la samaynayo raar, raarkuna kuwaas oo badan uu ka koobmo.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Masay
égal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masay
(fal) is le'ekeysii; isku mid ka dhig. Masay dhererka labada toob. Dh: sin, masee.
masay -da: (magac, dhedig, keli) xigga marka laga shaqeeyo ama la xigo inta miiqyada la nadiifiyay ah ee xadhkaha laga sooho. Maasay aan wadhaf ka sameeyo ii keen. Dh: maasay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nasan
Labo hawlood dhexdood, daaltirasho ku jira; nasiino ku jira; bojina haya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nasan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax nastay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nasan
der. [adjective] resting, taking a break
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nasan
-aa / nasnaa: (adj) relaxed (ri-laaksidh); rested (res-tidh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nasan
(tilmaame) raaxaysan oo daal ka nastay. Li: daallan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nasan
de: resting, taking a break
lx: nasan
pd: (nasnaa)
ps: adj-der
key: nasan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qasan
Wareer galay; murugsan; laban; walaaqan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qasan
qasan¹: f.mg1 (-smay, -santay; -smi) 1. Biyo iyo wixi lamida wax kale ku labmid. 2. Qof xasillooni darro maskaxeed la kulantay noqosho.
qasan²: f.mg4 (-snaa, -snayd) 1. Biyo iyo wixi lamida oo wax ku labmay ahaansho. 2. Qof xasilloonidarro maskaxeed la kulantay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qasan
qasan¹: f.mg1 (-smay, -santay; -smi) 1. Biyo iyo wixi lamida wax kale ku labmid. 2. Qof xasillooni darro maskaxeed la kulantay noqosho. m.f.dh, qasmid.
qasan²: f.mg4 (-snaa, -snayd) 1. Biyo iyo wixi lamida oo wax ku labmay ahaansho. 2. Qof xasilloonidarro maskaxeed la kulantay ahaansho. m.f.dh, qasnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qasan
der. [adjective] turbid, murky; muddled, confused; untidy, mixed (up)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qasan
-qasnaa / qasnayd: (adj) 1. mixed (miksidh); mixed up; blended (baleendhidh); stirred (isteeridh). 2. complicated (kom-pili-keeytidh); unclear (an-kiliyar); confused (kon-fiyuusidh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qasan
(tilmaame) budo iyo dareere isku laaqan ah. Liin qasan noo keen. Dh: laaqan.
qasan: (tilmaame) isku dhex mulaaqan. Xafiis qasan ayaa lagu keenay.
qasan: (tilmaame) neef dhedig oo lab badan saartay oo rimin ah. Qaalintu way qasan taha dibida ka celiya oo dibi qudha u daaya.
qasan: (tilmaame) murugsan oo meel laga fur meel laga xidho midna lahayn. Xaajadu wa qasan tahaye odayo u yeedha.