tartiibsi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tartiibsi
-ga: (magac, lab, keli) qunyarsiga; aayarsi. Tartiibsade qodaxi ma muddo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tartiibi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax si aan degdeg lahayn u samayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tartiibi
v. proceed with something slowly, make someone go calmly; do moderately
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tartiibi
-yey / say: (v) make slow or slower; slow down
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tartiibi
(fal) si tartiib ah ama tartiibsan wax u wad; wax u qabo. Dh: aayar, qunyar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tartiibi
de: proceed with s.t. slowly, make s.o. go calmly; do moderately
initial: t
lx: tartiibi
pd: (tartiibiyey)
ps: v2a=tr
key: tartiibi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tartiibso
(fal) qunyarso, aayarso. Tartiibso oo xasilooni wax u wad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tartiibsad
-ka: (magac, lab, keli) qunyar u socod, degenaan iyo aayar u shaqayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tartiibsan
La tartiibiyey; tartiib loo yeelay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tartiibsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la tartiibiyey ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tartiibsan
der. [adjective] slow ~ slowed, calm, moderate; done slowly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tartiibsan
(tilmaame) wax la hagaajiyay oo si toolmoon loo dhigay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tartiibsan
de: slow ~ slowed, calm, moderate; done slowly
initial: t
lx: tartiibsan
pd: (tartiibsanaa)
ps: adj-der
key: tartiibsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tartiib
(Tartiib-ta)
Si deggan oo miyir leh; si xasilloon; aayar; qunyar; aashaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tartiib
m.dh Degdeg la'aan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tartiib
m.dh Degdeg la'aan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tartiib
f. n. (adj.); [adv.]: slowness; slow, calm; moderate; gradually, little by little
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Tartiib
peu.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tartiib
-ah: (adj) slow (isloow); gradual (garaajuwal) ~ aayar
si tartiib ah: (adv) slowly (isloo-wli)
tartiib -ta: (n) slowness (isloow-nes)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tartiib
-ta: (magac, dhedig, keli) xasillooni, si deggan oo miyir leh. Dh: qunyar, aayar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tartiib
de: slowness; [atr.] slow, calm; moderate; [adv.] gradually, little by little
initial: t
lx: tartiib
pd: (-ta)
ps: n0-f
xe: Speak calmly ~ slowly.
xv: Tartiib u hadal.
key: tartiib
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tartiibin
(Tartiibin-ta)
Si tartiib ah ama tartiibsan wax ku wadid, wax u qabasho; tartiib u yeelid; aayarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tartiibin
m.f.dh eeg tartiibi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tartiibin
-ta: (magac, dhedig, keli) si xasilloon wax u wadid ama u qabasho. Dh: aayarid, qunyarid, tartiibis. Li: dedajin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tartiibis
-ka: (magac, lab, keli) eeg tartiibinta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tariib
(Tariib-ka)
1. Dawo jirka meel ka mid ah la geliyo oo meesha fasas iyo hunbuluuluq u yeesha oo cudurrada qaarkood looga hortago; tallaal.
2. Caanaha dhirta qaarkeed (sida dharkaynka) oo dubka hoostiisa la geliyo, si oogadu u yeelato astaamo iyo xarad soo buurbuuran oo qurux loola jeedo.
3. Cudur faafi og oo la is-qaadsiin og yahay; saf; safmar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tariib
tariib¹: m.l.u Nabarro yaryar oo jirku yeesho oo ka qaado dhirta caanaha leh qaarkood.
tariib²: f.mg1 (-bay, -btay) Nabarro yaryar oo jirku yeesho dhirta caanaha leh qaarkeed ka qaadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tariib
m. n. mark on the skin, tattoo
tariib: m. n. vaccine, vaccination ~ inoculation; epidemic disease
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tariib
(fal) sharaab biyo iyo wixii la mid ah, sonkor ama wax kale ku badi.
tariib -ka: (magac, lab, keli) caanaha dhirta qaarkeed sida dharkeynka oo jidhka qofka meeshay ka taabtaan u yeela barar iyo nabaro hunbuluuluqa. Dh: kabxarar.
tariib -ka: (magac, lab, keli) cudur la is qaadsiiyo oo si degdeg ah u faafa. Dh: saf, safmar.
tariib -ka: (magac, lab, keli) dawo jidhka meel ka mid ah la geliyo oo hanbuluuluq caabuq ah u yeesha oo loogaga hortago cudurrada qaarkood. Dh: tallaal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bariisi
(fal) xerada xoolaha ku raaji subaxii, barqada ku dibdhig. Bariisi adhiga inta yaxnigu ka kici.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fariisi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax salka dhul u dhigid. 2. Cid fadhi ku soo dhaweyn. 3. Ka f.: cid shaqo ka joojin. 4. Caano iyo wixi lamida garoorin. la-mid: fadhiisi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fariisi
v. seat, sit someone down; cause to sit down
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fariisi
-yey / say: (v) cause or help someone to sit down; seat (siit)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fariisi
(fal) cid kale, salka u dhig; fadhiisi.
fariisi: (fal) caano, biyo iyo wixii la mid ah, dareere ahaanta ka bi'i oo gadhoodhi. Dh: fadhiisi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fariisi
a: fadhiisi
de: seat, sit s.o. down; cause to sit down
lx: fariisi
pd: (fariisiyey)
ps: v2a=tr
key: fariisi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qariibi
f.g2 (-iyay, -isay) Qof qariib ah dhoweyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bariinsi
-ga: (magac, lab, keli) wax joogtaysi ah. Bariinsiga bukaan waa laga baxaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cariigsi
m.l la-mid: cariiqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cariigsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg cariigsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cariiqsi
(Cariiqsi-ga)
Wax la yeeli lahaa, qof darti ama ku xumaynti, u diidid; wax aan la sameeyeen oo qof ku xumaynti loo sameeyo; (ama cariigsi).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cariiqsi
m.l 1. Wax la yeeli lahaa, qof darti ama ku xumaynti, u diidid; wax aan sameeyeen oo qof ku xumaynti loo sameeyo. 2. la-mid: cariiqsasho. la-mid: cariiqsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cariiqsi
m.l 1. Wax la yeeli lahaa, qof darti ama ku xumaynti, u diidid; wax aan sameeyeen oo qof ku xumaynti loo sameeyo. la-mid: cariiqsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cariiqsi
vl. n. provoking, 'bugging' someone
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cariiqsi
-ga: (n) the act of challenging or provoking
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cariiqsi
-ga: (magac, lab, keli) carigsi; canaagid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cariiqsi
de: provoking, 'bugging' s.o.
lx: cariiqsi
pd: (-ga)
ps: vn2-m
key: cariiqsi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habiibsi
-ga: (magac, lab, keli) cidda dad kugu xigta xoolaheeda.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tajriibi
Heuristic
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tariib_1
de: mark on the skin, tattoo (original process of pricking the skin with colored dyes)
hm: 1
initial: t
lx: tariib
pd: (-ka)
ps: n-m
key: tariib_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tariib_2
de: vaccine, vaccination ~ inoculation; [ext.] epidemic disease
hm: 2
initial: t
lx: tariib
pd: (-ka)
ps: n-m
key: tariib_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tariibid
m.f.dh eef tariib².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tirtirsi
-ga: (magac, lab, keli) dareen kicin iyo guubaabo. Dh: tirtirsiin.
tirtirsi-ga: (magac, lab, keli) qof arrin ku khasbid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barriinsi
-ga: (magac, lab, keli) wax joogtaysi. Dh: joogtaysi; caadaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carriigsi
-ga: (magac, lab, keli) «ku~ wax la yeeli lahaa, qof dartii ama xumayntii, u diidid ama wax aan la sameeyeen oo qof ku xumayntii loo sameeyo. Dh: cariigsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saaxiibsi
-ga: (magac, lab, keli) saaxiib la noqosho; saaxiib ka dhigasho. Dh: saaxiibsasho, saaxiibsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tarbiicso
f.mg3 (-saday, -satay) 1. Si tarbiico leh isu taagid. 2. Derbi in yar isku tiirin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tarbiicso
(fal) dalbo yeelo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tartiibsasho
-da: (magac, dhedig, keli) deggenaan u socosho. Dh: qunyarsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarriinsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) la-mid: jarsii.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
taranjinsi
m.l (baay.) Qaab taran ah oo ku yimaaddo isku beddelka laba unug taran ee dariiqadda bacriminta. Caadi ahaan, gaar ahaan xayawaanku, waxay u baahanyihiin laba waalid, mid lab iyo mid dheddig.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taranjinsi
-ga: (magac, lab, keli) taranka noolayaasha leh lab iyo dhidig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tarriiqmid
m.f.dh eeg tarriiqan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tarriiqmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax kala jeexan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiiqtiiqsi
m.l la-mid: tiiqtiiqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiiqtiiqsi
-ga: (magac, lab, keli) hadal jeesjees ah ama lagu digto qofka. Dh: digasho.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
artist
/aartist/artists, artistic; (n) 1. qofka wax sawira ama naqshadeeya. e.g. He is a very talented artist. 2. qofka ku fiican xirfad gaar ah sida fanka ama farshaxanka. e.g. She has been an artist for ten years.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
artist
/artist/ (n) langky wal hereraw, giiraw amy masawiraw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bariis
(Bariis-ka)
Bariid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bariis
m.l Geed cawseed dalagga la beerto ka mid ah dhala iniinyo yaryar oo kuwa sarreenka ka yar oo la cuno marka la karsho. la-mid: bariid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bariis
m.l Geed cawseed dalagga la beerto ka mid ah dhala iniinyo yaryar oo kuwa sarreenka ka yar oo la cuno marka la karsho. la-mid: bariid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bariis
m. n., (mass n.): rice
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BARIIS
(Baris) All.Som. Oriza sativa L. Gramineae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bariis
-ka: (n) rice (raays) ~ bariid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bariis
-ka: (magac, lab, keli) eeg bariid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bariis
a: bariid; staple of northern Somalia
de: rice
lx: bariis
pd: (-ka)
ps: n2-m-mass
key: bariis
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
bariis
أرز
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diibsi
m.l la-mid: diibsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diibsi
-ga: (magac, lab, keli) habka loo udgooneeyo timaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qariib
(Qariib-ka)
1. Qof dad aan dadkiisa ahayn dhex jooga, ama meel ku cusub; qof qalaad.
2. (Qariib-ta) Kalluun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qariib
qariib¹: m.l (-byo, m.dh) Q. ah: qof meel uu dadkeeda aqoon jooga.
qariib²: m.dh Nooc kalluunka ka mid ah.
qariib³: f.mg1 (-bay, -btay) U q.: wax helitankooda dhibaato iyo xakaar u marid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qariib
qariib¹: m.l (-byo, m.dh) Q. ah: qof meel uu dadkeeda aqoon jooga.
qariib²: f.mg1 (-bay, -btay) U q.: wax helitankooda dhibaato iyo xakaar u marid. m.f.dh, qariibid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qariib
m. n. foreigner, newcomer; migrant, resident (but not originally from the area ~ group)
qariib [feminine] n. fish species
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qariib
-ka:(n) 1. stranger (istareen-jar); foreigner (fooriner); newcomer (nuu-kamer; niyuu-kamer); outsider. 2. —qariib -ah: (adj) strange (istareenji); peculiar (pi-kuul-yaar); odd (oodh); eccentric (ik-san-tirik) ~ cajiib
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qariib
-ka: (magac, lab, keli) kalluunka jaadadkiisa mid ka mid ah. Qariib hilibkii weli ma cuntay.
qariib -ka: (magac, lab, keli) qof socoto ah oon joogin meeshiisii ama reerkiisa. Inan yahay qarib baan ahe hay qulquladayne. Dh: socoto, marti. Li: mudane.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tariin
m.l la-mid: tareen.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tarmis
-ka: (magac, lab, keli) farcan badan u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiigsi
m.l la-mid: tiigsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiigsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg tiigsasho.
tiigsi -ga: (magac, lab, keli) hindisaha iyo horumarka qofku maagan yahay mustaqbalkiisa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiirsi
-ga: (magac, lab, keli) meel dhabarka saarid isaga oo fadhiya ama taagan. Gidaarka tiirsiga ka daaya. Dh: cuskasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiriis
-ka: (magac, lab, keli) eeg teeris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wariis
(Wariis-ta)
Waraso; ubad; dhal; ilmo; carruur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yariis
yariis¹: m.l.kh Y. ah: nin bar yar.
yariis²: m.dh.kh Y. ah: haweeney bar yar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yariis
(tilmaame) yar oon qayrkii le'ekayn. Ilmo yariis ah ayuu ku xadgudbay.
yariis-ka: (magac, lab, keli) wiil far yar.
yariis-ta: (magac, dhedig, keli) gabadh far yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abtirsi
m.l la-mid: abtirsasho, abtirsiinyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abtirsi
m.l la-mid: abtirsiinyo. abtirsiimo m.dh la-mid: abtirsiinyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abtirsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg abtirsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arrinsi
m.l la-mid: arrinsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
arrinsi
vl. n. consultation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
arrinsi
-ga: (n) counseling; the act of giving or taking of advice; consultation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arrinsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg arrinsad.