tart up
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
tart up
/tart ap/ (infl) (v) 1. dhaldhalaalin (naash-naashid). e.g. Their house was nicer before it was tarted up.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
act up
/aakt ap/ (adv) 1. wax aan si fiican u shaqaynayn. e.g. The computer tends to act up. 2. gof si aan caadi ahayn u dhaqma. e.g. The child was acting up in the classrooom.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
tear up
/ter-ap/ (v) jeex-jeexid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
warm up
/woorm-ap/ (v) qandicin (diirin).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
throw up
/throw ap/ (v) 1. matagid (hunqaacid) 2. joojin (fal samayntiis istaajin) 3. moosha-mooshayn (si dhakhso ah u samayn).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
train up
(see educate).
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
to warm up
iskululeyn
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
tart
/tart/ (n) 1. mac-macaan khudrad laga sameeyo (adj) 2. dhanaan ah (adj) 3. hadal-xun (hadal kharaar) (n) 4. sharmuuto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tarta
(magac, dhedig, keli) xiddiga foocar ee afqays.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
tarte
tarte, n.f. - macmacaanka nooc kamid ah
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
artful
/aartful/artfully; (adj) 1. qof xeelad ama khiyaamo badan. e.g. the artful tactics of politicians 2. qof xirfad sare u leh ama ku fiican wax gaar ah. e.g. She is the most artful writer in the country.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
artful
a., hadhig badan, xikmado badan.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
catsup
/ketsap/ (n) kajab (yaanyo la meceeyey 0o cuntada lugu cuno).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
cut up
/kat ap/ (v) jarjarid (googooyn).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
get up
/get ap/ (v) 1. kicid, toosid (v) 2. istaagid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
het up
/het ap/ (adj) wal-walsan (walaacsan).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
pay up
/pey ap/ (v) deyn iska bixin (siiba deynsadaha oo aan diyaar ahayn, oo khasab u bixiya).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
set up
/set ap/ (n) aasaas (aasaasid).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tarjum
v. translate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tarjum
-ay / tarjuntay: (v) translate (taraanisleeyt); interpret (iinterpat); explain (ikis-paleeyn) ~ tarjun
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tarjum
a: tarjim
de: translate
initial: t
lx: tarjum
pd: (tarjumay)
ps: v1=tr
key: tarjum
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tarjun
f.g1 (-umay, -untay; -umi) 1. Qoraal af kale ku beddelid. 2. Ka t.: cid wax ay sheegto cid kale u fasirid. la-mid: tarjin, turjun.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tarjun
f.g1 (-umay, -untay; -umi) 1. Qoraal af kale ku beddelid. 2. Ka t.: cid wax ay sheegto cid kale u fasirid. m.f.dh, tarjumid. la-mid: tarjin, turjun.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tarjun
v. translate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tarjun
-tarjumay / tarjuntay: (v) translate (taraanis leeyt); interpret (iinter pat); explain (ikis-paleeyn) ~ tarjum, turjun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tarjun
(fal) qoraal, hadal af laga yidhi ama ku qoran, af kale u beddel; ku macnay, ku beddel, u rog. Dh: fasir, tarjum.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tarjun
a: tarjim
de: translate
initial: t
lx: tarjun
pd: (tarjumay)
ps: v1=tr
key: tarjun
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tartan
(Tartan-ka)
1. Wada orod lagu ogaado labo qof kii dheereeya; bedertan; dhaqtan.
2. Tijaabo kasta oo lagu eega hayo, sida wax loo kala badiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tartan
tartan¹: m.l (-ammo/-anno, m.dh) 1. Baratan. 2. T.ka suugaanta; t.ka gabayada.
tartan²: m.l (-ammo/-anno, m.dh) (baayoloji) Isdhexgal ka dhex dhaca laba ama in ka badan oo noole, tiro dad ama jinsiyo, kuwaas oo wadaaga ilo degaameed. Marka ilaha wax laga helayaa yaraadaan. Tartanku waa quwad muhiim ah marka laga hadlayo tadawurka. Tusaale: “Dhirtu way dheeraadaan si ay ugu tartamaan ilayska qorraxda”.
tartan³: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) La t.: cid, cid kale la baratamid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tartan
tartan¹: m.l (-ammo/-anno, m.dh) 1. Baratan. 2. T.ka suugaanta; t.ka gabayada.
tartan²: m.l (-ammo/-anno, m.dh) (baay.) Isdhexgal ka dhex dhaca laba ama in ka badan oo noole, tiro dad ama jinsiyo, kuwaas oo wadaaga ilo degaameed. Marka ilaha wax laga helayaa yaraadaan. Tartanku waa quwad muhiim ah marka laga hadlayo tadawurka. Tusaale: Dhirtu way dheeraadaan si ay ugu tartamaan ilayska qorraxda.
tartan³: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) La t.: cid, cid kale la baratamid. m.f.dh, tartamid.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
tartan
competition, race
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tartan
Common N. race, contest, tournament; competition (in business)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tartan
-tartamay / tartantay: (v) race (reeys); compete (kompiit); contest (kon test) ~ baretan
tartan -ka: (n) competition (kom-piti-shin); contest (kon-test); tournament (toor-no-ment) ~ baratan
la tartan -tartamay / tartantay: (v) compete with; stand against; go against
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Tartan
Competizione
Competition
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tartan
(fal) beretan, orod ka qayb gel. Tartan oo orod yahan nogo.
tartan: (fal) wax ku loolan, kibradaada iyo waayo aragnimadaada kala qayb gal. Tartan oo ka qaybgal imtixaanka la marayo.
tartan -ka: (magac, lab, keli) wada orod lagu ogaado sida loo kala badiyo. Tarrtan abaal marin leh ayaanu ga'lay: Dh: beratan, orotan.
tartan-ka: (magac, lab, keli) wax kasta oo lagu oggaado sida wax loo kala badiyo, loo kala fiican yahay. Dh: loolanka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tartan
de: race, contest, tournament; competition (in business)
initial: t
lx: tartan
pd: (-ka)
ps: n2(c)-m
xe: Im sure it will be a close race.
xv: Waan hubaa inay tartan isudhow noqoneyso.
key: tartan
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
tartan
مُسَابَقَة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tartar
(Tartar-ka)
(oogo)
1. Feeraha hoose oo lallaada.
2. Dhinac; barbar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tartar
tartar¹: m.l (-rro, m.dh) 1. Feeraha hoose oo laallaada. 2. Dhinac; barbar.
tartar²: f.mg1 (-ray, -rtay) Wax cad cad u googo'id.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tartar
m. n., loc. flank; side
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
tartar
/tartar/ (v) 1. dabar (midabka, ama huurada ilkaha ku samaysanta) (n) 2. dilaa (qof qabiid ah oo wax dila).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tartar
-ka: (n) engine malfunctions; stalling or idle (aay-dhel); car idling ~ tartaridda baabuurka
tartar -ka: (n) ribs (ribis)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tartar
-ka: (magac, lab, keli) dhinac; barbar.
tartar -ka: (magac, lab, keli) feedhaha hoostooda.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tartar
cf: dhinac; barbar
de: flank; side
initial: t
lx: tartar
pd: (-ka)
ps: n2-m-loc
key: tartar
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
tortue
tortue, n.f. - diinka; diidiinka
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
back up
/baak ap/ (v) ayidaad (wax cadayn ah oo lugu xoojinayo arin, sheeko ama qoraal, si loo ayido ). e.g. You will need hard evidence to back up your story.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
call up
/kool ap/ (v) 1. teleefoonin (wicid) (v) 2. xusuusasho.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hang up
/haang-ap/ (v) taleefoon isa saarid, demin
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
jack up
/jaak ap/ (v) giriig ku dallicid (giriig ku qaadid). e.g. Could you jack up the car please?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kartuun
-ka: (magac, lab, keli) eeg kartoon.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
lace up
/leys ap/ (v) xarig ku dhuujin (xarig ku adkayn). e.g. He bent to lace up his shoes.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
make up
/meyk up/ (v) 1. sheeko samayn (war been ah allifid) (n) 2. wajiga oo boolbare iyo midabo kale la mariyo oo lugu qurxiyo (dumarka).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
mark-up
/mark ap/ (v) 1. qiimo kor u qaadid (n) 2. sicirka inta lugu siyaadiyo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
meet up
/miit ap/ (v) ku ballamid (kulan meel lugu ballamo).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
pack up
/paak ap/ (v) 1. dhammayn (shaqo dhammayn) 2. alaab aruursi (alaabta oo boorso iwm lugu gurto).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
paid up
/peydh ap/ (adj) lacagtii oo dhan bixiyey (siiba bixinta lacagta xubin ahaanshaha urur iwm).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
partout
partout, adv. - meel walba.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
pass up
/paas ap/ (v) gefid (haleeli waayid).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
rake up
/reyk ap/ (infl)(v) 1. soo xusuusin (kusoo kicin wax xun oo layska ilaaway) 2. dhib ku soo aruurin (siiba lacagta).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
shut up
/shat ap/ (v) aamus (ha hadlin).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
silt up
/silt ap/ (v) bacaad ka buuxsamay (cammuud buuxisay).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
tactful
/taaktful/ (adj) xeelad badni (taatiko badni).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
tantrum
/taantram/ (n) dhirif (camal, siiba xanaaq furka la xooro).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tarmuus
(Tarmuus-ka)
Termuus.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tarmuus
m.l (-syo, m.dh) Weel gudihiisa dhalo aan hawo lahayn ku jirto oo wixii lagu shubo xaaladdiisa ku haya in muddo ah. la-mid: termuus.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tarmuus
m.l (-syo, m.dh) Weel gudihiisa dhalo aan hawo lahayn ku jirto oo wixii lagu shubo xaaladdiisa ku haya in muddo ah. la-mid: termuus.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tarmuus
m. n. thermos
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tarmuus
-ka: (n) thermos bottle or thermos (theer-mas) ~ termuus, falaash
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tarmuus
-ka: (magac, lab, keli) weel shaaha lagu shubto, oo kulaylka iyo qabawgaba xajiya. Dh: teermuus, tallaagad yar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tarmuus
a: termuus {Eng}
de: thermos
initial: t
lx: tarmuus
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: tarmuus
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tartabo
m.dh Jaad ka mid ah kalluunka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tartame
m. n. competitor; applicant (for a position)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tartame
-tartamaha: (n) [Plural tartamayaasha] contender (konteendher); competitor (kom-peta-tar); rival (raay-val); challenger (jaalan-jer); contestant (kon-tes-tant) ~ baratame
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tartame
de: competitor; applicant (for a position)
initial: t
lx: tartame
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: tartame
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tartiib
(Tartiib-ta)
Si deggan oo miyir leh; si xasilloon; aayar; qunyar; aashaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tartiib
m.dh Degdeg la'aan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tartiib
m.dh Degdeg la'aan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tartiib
f. n. (adj.); [adv.]: slowness; slow, calm; moderate; gradually, little by little
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Tartiib
peu.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tartiib
-ah: (adj) slow (isloow); gradual (garaajuwal) ~ aayar
si tartiib ah: (adv) slowly (isloo-wli)
tartiib -ta: (n) slowness (isloow-nes)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tartiib
-ta: (magac, dhedig, keli) xasillooni, si deggan oo miyir leh. Dh: qunyar, aayar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tartiib
de: slowness; [atr.] slow, calm; moderate; [adv.] gradually, little by little
initial: t
lx: tartiib
pd: (-ta)
ps: n0-f
xe: Speak calmly ~ slowly.
xv: Tartiib u hadal.
key: tartiib
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
tartine
tartine, n.f. - rooti subag iyo malmalaad lamariyo
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
tartufe
tartufe, n.m. - gabiid; qof niyo xun; qof qalbi xun
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tastuur
1. (Tastuur-ka) Qori kolkol shiraaca lagu xiro oo doonyuhu ku isticmaalaan kolkay mokhoorka yihiin.
2. (Tastuur-ta) Xeer; caado; dhaqan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tastuur
tastuur¹: m.l (-rro, m.dh) 1. Xeer ama qaynuun waddan lagu maamulo. 2. Qori kolkol lagu shiraaca lagu xiro oo doonyuhu isticmaalaan.
tastuur²: m.l/dh.u Dhaqan iyo dabeecad qof leeyahay. la-mid: dastuur.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tastuur
tastuur¹: m.l (-rro, m.dh) 1. Xeer ama qaynuun waddan lagu maamulo. 2. Qori kolkol lagu shiraaca lagu xiro oo doonyuhu isticmaalaan.
tastuur²: m.l/dh.u Dhaqan iyo dabeecad qof leeyahay. la-mid: dastuur.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tastuur
m. n. mast of a boat (to which sails are attached)
tastuur: m. n. constitution, fundamental law of the land
tastuur: [feminine] n., [collective] custom, norm; manners; regulation, rule
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tastuur
-ka: (n) constitution (kon-isti-tuu-shin); law (loo); regulation (rege-leey-shin); rule (ruul) ~ dastuur, qaanuun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tastuur
-ka: (magac, lab, keli) qori kolkol shiraac lagu xidho oo doonyuhu isticmaalaan markay makhoorka yihiin.
tastuur -ka: (magac, lab, keli) qoraal ay dawladi samaysato ama ummadi dhigato si ay isugu xakumaan. Tastuur la'aani waa sharci la'aan. Dh: xeer, dastuur.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
team up
/tiim ap/ (adv) wada shaqayn (isku-darsamid si hawl loo wada qabto).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
tone up
/town ap/ (v) adv) xoojin (awood u yeelid).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
toss up
/toos ap/ (v) 1. bakhtiyaa-nasiib tuurasho (xarash iyo madax tuurasho) (n) 2. nasiib-isle'eg u leh (u siman nasiibka ama guuleysiga).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
tune up
/tuun ap/ (v) hagaajin qalab muusig.
Qaamuus-Yare Ingiriis-Jiiddu-Soomaali - Saalim Caliyow Ibro [1998]
start (v)
balaawaal
bilaabid
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
tartaruga
s.f. - diin, qubo.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Taste bud
Ruqur dhadhan