tarbiyeyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tarbiyeyn
m.f.dh eeg tarbiyee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tarbiyeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, tarbiyad ku rabayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carabiyeyn
m.dh eeg carabiyee. la-mid: carabayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Carabiyeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) Carabi ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tarbiyee
f.g2 (-yeeyay, -yeysay) Cid asluub wanaagsan ku barbaarin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tarbiyee
f.g2 (-yeeyay, -yeysay) Cid asluub wanaagsan ku barbaarin. m.f.dh, tarbiyayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tarbiyee
(fal) barbaari oo si wanaagsan u kori. Ubadku intay yaryihiin tarbiyee. Dh: tarbiyadee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
martiyeyn
m.f.dh eeg martiyee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tacsiyeyn
(Tacsiyeyn-ta)
Cid laga dhintay, hadal tacsi ah oo laabta u qaboojiya kula hadlid, u dirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tacsiyeyn
m.f.dh eeg tacsiyee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tacsiyeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid laga dhintay. samirsiis ugu tegid; hadal tacsi ah laabta ugu qaboojin, kula hadlid, ama u dirid ama waxtar dhaqaale u gayn.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Toobiyeyn
Horseedid, hoggaamin, tilmaamid.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Sharciyeyn
Legalizzazione
Legalization
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharciyeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) sharci ka dhigid; sharciyeys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toorriyeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) toorrey ku dhufasho; toorrey ku gawricid ama toorrey ku mud mudid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waardiyeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) ilaalin; waardiyeys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biyeyn
(Biyeyn-ta)
Biyo ka dhigid, ku shubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyeyn
m.f.dh eeg biyee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) weel biyo ku shubid. Biyeynta dhiilaha weylahaa oommane ka danbaysiiya. Dh: dhaamin.
biyeyn -ta: (magac, dhedig, keli) biyo ku darid. Wallee biyeynta caanaha lagaama karo waa wax gaajo ku soo korey. Dh: badhxid, xariirid.
biyeyn-ta: (magac, dhedig, keli) biyo ku shubidda beerta, iyo waxii la mid ah. Biyeynta beerta soo dhammeeya kaddib hadhimeeya. Dh: waraabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carbiye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Qof wax carbiya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tarbiyo
m.dh Asluub fiican. la-mid: tarbiyad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tarbiyo
m.dh Asluub fiican. la-mid: tarbiyad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tarbiyo
-da: (magac, dhedig, keli) rabbaynta iyo laylyidda noole garaad leh. Dh: tarbiyad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibiyeyn
m.f.dh eeg dibiyee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tacsiyey
(fal) eeg tacsiyee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tarbiyad
m.dh la-mid: tarbiyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tarbiyad
m.dh la-mid: tarbiyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tarbiyad
-da: (magac, dhedig, keli) ilmo dhaqanka wanaagsan ku barbaarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baadiyeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) dariiqa xaqa ah ka leexin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bartireyn
m.f.dh eeg bartiree.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mardimeyn
m.f.dh eeg mardimee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mardimeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) xarriiq dheer jeexid. Mardimaynta ku heshiiya. Dh: xarriiqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Murtiyeyn
(Murtiyeyn-ta)
Murti u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murtiyeyn
m.f.dh eeg murtiyee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murtiyeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) gaabin oo murti u yeelid. Hadal ku murtiyeynta ayuu ku macaan yahay. Dh: murtiyeys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaaliyeyn
(Qaaliyeyn-ta)
Qaali ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaliyeyn
m.f.dh eeg qaaliyee. la-mid: qaaleyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rasmiyeyn
m.f.dh eeg rasmiyee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taariikheyn
m.f.dh eeg taariikhee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taariikheyn
-ta: (magac, dhedig, keli) taariikh ahaan uga sheekayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarashyeyn
m.dh la-mid: qarasheyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurbacyeyn
m.f.dh eeg qurbacyee. la-mid: qurbacyeys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharciyayn
m.f.dh eeg sharciyee. la-mid: sharciyays.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sharciyayn
-ta: (n) legalization (lii-gaa-li-zeey-shin); validation (yaali-dheey-shiri)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharciyayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sharci ka dhigasho, ansixin si ay u sharciyowdo. Sharciyaynta qodobkan ha loo codeeyo. Dh: xeerin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharciyeys
-ka: (magac, lab, keli) sharciyeys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tatoonyeyn
m.dh la-mid: tantoomid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tatoonyeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) tantoon ku dhufasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toorriyeys
-ka: (magac, lab, keli) wax nool oo toori lala dhaco. Dh: tooriyeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tumburyeyn
m.dh la-mid: tumburid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tumburyeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) tantoomayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waardiyeys
-ka: (magac, lab, keli) eeg waardiyeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharciyeysan
(tilmaame) sharci ku qotoma.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toorriyeysan
(tilmaame) qof toorri lala dhacay ama la geliyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abitey
m.dh (-eeyo, m.dh) Warqad qaab shimbireed leh oo inta dun dheer lagu xiro caruurtu hawada ku laliyaan; dawaarad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abitey
m.dh (-eeyo, m.dh) Warqad qaab shimbireed leh oo inta dun dheer lagu xiro caruurtu hawada ku laliyaan; dawaarad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abitey
f. n. kite
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abitey
-da: (magac, dhedig, keli) warqad ama wax kale oo inta shinbir loo ekaysiiyo ee xadhig dabada lagaga xidho, hawada loo laliyo. Dh: dawaarad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abitey
de: kite
lx: abitey
pd: (-da)
ps: n2a-f, n7-f
key: abitey
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyeys
-ka: (magac, lab, keli) biyo ku shubid. Biyeys bay beertu u baahantahay.
biyeys -ka: (magac, lab, keli) weel biyo ka buuxin oo ku shubid. Biyeyska wasooyinka adigaa lagaa rabaa. Dh: dhaamis.
biyeys-ka: (magac, lab, keli) biyo ku darid sida caano. Biyeyska caanaha nooga daa hooyo. Dh: badhxis, xariiris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carbin
(Carbin-ta)
Hebed ka dhigid; layiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carbin
m.f.dh eeg carbi. la-mid: carbis (2).
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Carbin
Istruire
To train
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carbin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof ama wax kale, rabbayn oo laylitirid. Dh: laylyid, agabbarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Darbin
(Darbin-ta)
Badarka bisil oo iidaaman oo aan aayar la qaadqaadan ee hadba shan farood iyo caacal buuxa la qaato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darbin
m.f.dh eeg darbi². la-mid: sarbin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darbin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax garaacid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dareyn
f. n. rapidity
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabeyn
m.f.dh eeg gabee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garbin
(Garbin-ta)
Garab ku dhufasho, ku riixid; horay u tuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garbin
m.f.dh eeg garbi². la-mid: garbis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garbin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, garab ku riixid oo ku turfayn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
habeyn
-ka: (n) night (naayt) ~ habeen,cawo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Harbin
(Harbin-ta)
Horay u riixid ama u dhaqaajin yar oo xoog ku jiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harbin
m.f.dh eeg harbi. la-mid: harbis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harbin
-ta: (magac, keli) horay u riixid ama u dhaqaajin yar oo xoog ku jiro;.
harbin -ta: (magac, dhedig, keli) si xoog ah hore ugu riixid ama u dhaqaajin. Dh: harbis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
irbeyn
m.f.dh eeg irbee.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kariye
-ha: (n) cook (kuuk), chef (sheef)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
niyeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax niyadda ku qabasho oo rajayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabeyn
m.dh la-mid: qubeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) biyo iyo wax la mid ah ku qubeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ribeyn
m.f.dh eeg ribee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ribeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg ribayn.
ribeyn -ta: (magac, dhedig, keli) si ribo ku jirto ugu baayacmushtarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarbin
m.dh la-mid: darbin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarbin
-ta: (magac, dhedig, keli) sarab samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tabayn
(Tabayn-ta)
1. Hadba tab cusub keenid, muujin.
2. Tabo kula kicid; xeeladayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabayn
m.f.dh eeg tabee. la-mid: tabays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hadba tab cusub keenid ama muujin. Dh: xeeladayn, qaabayn, farsamayn, nidaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taliye
(Taliya-ha)
Qof maamul siyaasadeed oo qaran ama urur dowladeed madax u ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taliye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Qof qayb ciidan ah madax u ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
taliye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Qof qayb ciidan ah madax u ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
taliye
m. n. leader, controller; commander, sir
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Taliye
name-m ruler, commander
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
taliye
-taliyaha: (n) leader (lii-dher); ruler (ruu-ler); commander (ku-maan-dher) Ex: taliyaha ciidanka cirka; the commander of the air forces. —la taliye -ha: (n) advisor (adveeyser), consultant (kon-saltant), mentor (mentoor); counsellor
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Taliye
Comandante
Commandant
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taliye
-ha: (magac, lab, keli) qof maamul siyaasadeed oo qaran ama urur dawladeed madax u ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
taliye
de: leader, controller; commander, sir Also a term of address to military or police officers
initial: t
lx: taliye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: taliye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tareen
* (Tareen-ka)
Gaadiid ka kooban gaariyaal badan oo isku xiriirsan oo midka u horreeya oo wax jiidaa motoor lee yahay; dhabbayaal bir ah buu ku kor ordaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tareen
m.l (-nno, m.dh) Gaadiid ka kooban gaariyaal badan oo isku xiriira oo midka u horreeyaa ee wax jiidayaa matoor saaran yahay kuna orda jid bir ah. la-mid: tariin.