taransi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taransi
-ga: (magac, lab, keli) wax ka faa'iidaysi; wax korodhsi. Dh: faa'iidaysi. Li: khasaare.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taranso
f.g3 (-saday, -satay) Wax faa'iideysasho ama badsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
taranso
v. increase production; get more for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taranso
(fal) wax badso oo korodhso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
taranso
de: increase production; get more for oneself
initial: t
lx: taranso
nt: taransad (ka) [vn-m], taransasho (/da) [vn-f]
pd: (taransaday)
ps: v3a=tr
key: taranso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taranti
m.dh la-mid: tarmid.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Taranti
Accrescimento
Growth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taranti
(fal) xoog ku socodsii.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
illin
-ka: (n) doorway (door-weey); entrance (en-taransi), exit (eg-zit); gateway (geeyt-weey); passage, way out, entry ~ irrid, albaab
illin -ta: (n) tear (ti-yar)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhigasho
-da: (magac, dhedig, keli) kaydsasho ama wax taransi. Wax dhigasho iyo dhaqasho ayaa laysku dhaafay
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
engendrer
engendrer, v. - taransiin (dhalmada); tababarid; ku dhaliso; ku sababto inay wax dhacaan ama jiraan; soo soorid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
lignée
lignée, n.f. - Asal Taransiin (dhalmada); Iniin; midhaha iniintooda.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
taransistar
de: transistor {Eng}
initial: t
lx: taransistar
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: taransistar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tartansii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Beretensii.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tartansii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Beretensii. m.f.dh, tartansiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tartansii
v.caus: cause to compete
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tartansii
(fal) labo qof ama in ka badan beratansii.
tartansii: (fal) dad ama wax kale, loollansii, si ka khibrada badan ama aqoonta dheer leh aan u ogaano.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tartansii
de: cause to compete
initial: t
lx: tartansii
pd: (tartansiiyey)
ps: v2a=caus
key: tartansii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garansii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) 1. Cid xusuusin. 2. Cid wax ka dhaadhicin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garansii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) 1. Cid wax xusuusin. 2. Cid wax ka dhaadhicin. m.f.dh, garansiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garansii
v.caus: make someone understand, convince; remind
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
garansii
-yey / say: (v) persuade (peersuweeydh); remind (ri maayndh) ~ xasuusi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garansii
(fal) cid kale, wax fahamsii oo ka raarid. Eebboow xaqa na garansii. Dh: garawsii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garansii
de: make s.o. understand, convince; remind
lx: garansii
pd: (garansiiyey)
ps: v2a=caus
key: garansii
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taraarsi
-ga: (magac, lab, keli) jibaaxid; dardarid; jiirid; abraarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taransad
(Taransad-ka)
Taransasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taransad
m.l la-mid: taransasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taransad
-ka: (magac, lab, keli) wax badsadka, taransasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tarraysi
m.l la-mid: darraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tarsaasi
(Tarsaasi-ga)
1. Hadal layska hadlo oo aan milgo lahayn, badanaa waxaa ku wacan xanuun; qarow.
2. Cunno layska badiyo lahan ka yimaada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tarsaasi
m.l 1. Lalabbo ka timaadda cunto la iska badiyey. 2. Qaraw; calwasaad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tarsaasi
m. n. delirium, raving talk
tarsaasi m. n. nausea ~ discomfort caused by eating too much
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tarsaasi
-ga: (magac, lab, keli) cunno marka la iska badiyo lahanka yimaada. Dh: tandhaaf.
tarsaasi -ga: (magac, lab, keli) kala hadalka uu keeno kaarka badani. Dh: garow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tawaansi
m.l la-mid: dawaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ransi
(Ransi-ga)
Ransasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ransi
m.l la-mid: ramasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taani
(Taani-ga)
Laf, qurux iyo xoog leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taani
m.l.kh T. ah: qof laf iyo xoog leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
taani
m. n. (adj.): good-looking and well-built man; robust
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taani
(tilmaame) noole qurux iyo xoog leh. Ragga dharka xayaysiiyaa waa taani, Dh: dhamays.
taani-ga: (magac, lab, keli) qof qurux iyo xoog leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
taani
de: good-looking and well-built man; [atr.] robust Also used as a name or nickname {N & O}
initial: t
lx: taani
pd: (-ga)
ps: n-m
key: taani
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
taasi
deictic, subject case: that (one), those [subject]
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
taasi
(pronoun) that (thaat) ~ see [eeg] taas
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
taasi
de: that (one), those [SUBJECT]
initial: t
lx: taasi
ps: deic-f-subj
xe: Is that Ahmeds wife?
xv: Taasi ma afadii Axmed baa?
key: taasi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taran
(Taran-ta)
1. Carruur ama dhal badan; farac.
2. Badasho; bulaal.
3. Barako.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taran
taran¹: m.l la-mid: tarmid.
taran²: f.mg1 (-rmay, -rantay; -rmi) 1. Miro dalag la kariyey badasho. 2. Nafley is dhashay tiradeeda badasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
taran
f.mg1 (-rmay, -rantay; -rmi) 1. Miro dalag la kariyey badasho. 2. Nafley is dhashay tiradeeda badasho. m.f.dh, tarmid.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Taran
Product
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
taran
v. multiply, be multiplied ~ propagated
taran [feminine] n., [abstract] state of having lot of descendants; act of becoming numerous
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
taran
-ka: (n) breed (biriidh); breeding (biriiding); reproduction (ri-poro-dhak-shin); propagation (poro-pa-geey-shin) ~ tarmid, dhalmo. Ex: xubnaha taranka; the reproductive organs
taran -tarmay / tarantay: (v) generate, multiply or produce many, usually many children or offspring
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taran
(fal) carruur badan dhal; si fiican u farcan. Taran oo bado oo bulaal. Dh: farcan.
taran -ka: (magac, lab, keli) wax is dhalay oo batay; farcamid. Dh: farac.
taran -ta: (magac, dhedig, keli) isku dhufashada labo tiro. Taranta 2 iyo 3 waa 6.
taran -ta: (magac, dhedig, keli) farcamid, badasho, bulaalid. Taranta caruur ayaa lagu helaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
araasi
araasi¹: m.l Orod iyo ci' uu sameeyo sac dhalay marka uu u soo socdo dhashiisa. la-mid: insaarax¹.
araasi²: f.mg2 (-iyay, -isay) Sac markaa dhalay meeshi uu dhashiisa ku ogaa aadid isagoo orod iyo ci' sameynaya. la-mid: insaarax².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baansi
m.l la-mid: baansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baansi
-ga: (magac, lab, keli) eeg baansad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barasi
(fal) baras u yeel ama calaamadee. Barasi hasha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taagsi
(Taagsi-ga)
Taagsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taagsi
m.l la-mid: taagsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taagsi
-ga: (magac, lab, keli) (ku ~ eeg taagsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taangi
m.l (-iyo, m.dh) 1. Weel bir ah oo baabuurta ku rakiban oo biyaha, baasiinka iyo wixi lamida lagu shubo. 2. Nooc baabuurta qafilan ee dagaalka ka mid ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
taangi
m.l (-iyo, m.dh) 1. Weel bir ah oo baabuurta ku rakiban oo biyaha, baasiinka iyo wixi lamida lagu shubo. 2. Nooc baabuurta qafilan ee dagaalka ka mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
taangi
m. n. tank, armored vehicle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
taangi
-ga: (n) 1. tank (taangk); large container for holding or storing liquids or gas ~ booyad. 2. armored car; armored combat vehicle ~ dabaabad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taangi
-ga: (magac, lab, keli) gaadiid silsilad leh oo ciidamadu ku dagaalgalaan, ahna ka ugu xoogga badan ee dhulka lagaga dagaallamo. Dh: kaare, dabaabad.
taangi -ga: (magac, lab, keli) gaadiidka qaybtiisa shidaalka ama biyaha lagu shubo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
taangi
de: tank, armored vehicle
initial: t
lx: taangi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
syn: dabbaabad {Eng}
key: taangi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tamani
-ga: (magac, lab, keli) wax aad jeceshahay oo aanad hayn ku fekerid. Tamani laguma helo wax aanada kasbin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taraqi
-ga: (magac, lab, keli) erey carabi ka soo jeeda oo uu macnihiisu yahay, horumar iyo badhaadhe. Anaa kaa tol roon waa waxaw taraqi weydeene. Dh: horowmar. Li: dibudhac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tarash
(Tarash-ka)
(maro) taarash; xiddo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tarash
tarash¹: m.l la-mid: taarash¹ (2).
tarash²: f.g1 (-shay, -shtay) la-mid: taarash².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tarash
m. n. decoration on the hem of a garment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tarash
-ka: (magac, lab, keli) daliig dharka la huwado ama la guntado dacalada lagaga qurxiyo. Go' shaala oo bilaa tarash ah weli kaaga ka hor maan arag. Dh: xiddo, taarash.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tarash
a: taarash
de: decoration on the hem of a garment
initial: t
lx: tarash
pd: (-ka)
ps: n-m
key: tarash
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taxani
-da: (magac, dhedig, keli) eeg taxnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barandi
(Barandi-ga)
Cayaariyaasha danbe xargohooda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barandi
m.l.u Cayaari ama khaafiyad weyn, doonta xaggeeda dambe ku taal oo xarigga shiraaca lagu duubo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
barandi
m. n. rope of a pulley
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barandi
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaariyayaasha gadaal ku yaalla ee doonta xadhkaha loogu xidho. Barandi ma laha doontu.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
barandi
de: rope of a pulley
lx: barandi
pd: (-ga)
ps: n2-m
key: barandi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cararsi
m.l la-mid: cararsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faranji
(Faranji-ga)
Ferenji.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faranji
m.l.kh la-mid: ferenji.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faranji
m. n. white infidel, non-Islamic European person
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faranji
-ga: (n) white man especilly non-Islamic Caucasian [European] ~ feranji
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faranji
-ga: (magac, lab, keli) qof midabkiisu cad yahay oo reer galbeedka ka soo jeeda. Shaadirlaha raggii feejignaa faranjiga u geeyey. Dh: caddaan, ferenji. Li: madaw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faranji
bw: ferenji
de: white infidel, non-Islamic European person
lx: faranji
pd: (-ga)
ps: n2a-m
syn: gaal
xv: Arabic
key: faranji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garabsi
m.l la-mid: garabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garabsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg garabsad.
garabsi -ga: (magac, lab, keli) (is ~) is taageersi; is kaalmayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garaysi
(Garaysi-ga)
Garaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaysi
m.l la-mid: garaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garaysi
-ga: (magac, lab, keli) aqoonsasho; garaysad; garaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harawsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg harawsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaraysi
m.l la-mid: jaraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karahsi
m.l la-mid: karahsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karahsi
-ga: (magac, lab, keli) wax nebcaysasho. Dh: karahsasho, karahsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lalansi
-ga: (magac, lab, keli) eeg lalansad. lalanso: (fal) laadlaadso oo dusha ha saaran. Dh: laadlaadso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magansi
-ga: (magac, lab, keli) eeg magansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maragsi
-ga: (magac, lab, keli) marag u qabsasho: markhaati ka dhigasho. Nin goobjoog ah ayaa maragsi loo qabsadaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maranti
(Maranti-da)
Waxa naagta la qabaa ninkeeda u tahay; afo; oori; arad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maranti
m.dh (-iyo, m.l/-iyaal, m.l/dh) Oori; afo.

f. n. wife