tarango'itaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tarango'itaan
-ka: (magac, lab, keli) tafiir go'itaanka; itaalbeelitaanka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tarango'id
-da: (magac, dhedig, keli) taarbeelid iyo tafiirgo'. Dh: baabi'id, taargo'id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaango'naan
m.f.dh la-mid: jaango'naansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraanburitaan
-ka: (magac, lab, keli) god ka mid ah gododka suugaanta ku baraanburis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalandoolitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg dalandoolid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tahanbaabitaan
-ka: (magac, lab, keli) hungoobi taanka, lugo'itaanka waxba laga soo waayo meel aad ku talo gashay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arooritaan
-ka: (magac, lab, keli) biyo doonitaan; ceel biyo u doonasho.
arooritaan-ka: (magac, lab, keli) wax, meel hoose u daadejin.
arooritaan -ka: (magac, lab, keli) erey ama weedh macno leh oo meel kale laga soo xiganayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dananitaan
-ka: (magac, lab, keli) ciyitaanka fardaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sargo'naan
m.f.dh eeg sargo'an. la-mid: sargo'naansho.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Sargo'naan
Congruence
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sargo'naan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax sargo'an ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aarguditaan
-ka: (magac, lab, keli) «u» aano la geystay, ciddii lahayd ka goyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baabi'itaan
-ka: (magac, lab, keli) tirtirmitaanka wax jirey oo raadkiisa la waayey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraaritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg badhaadhitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dagaagitaan
-ka: (magac, lab, keli) gaajo iyo diihaal dartood la qixitaan. Dagaagitaan bay ku noolyihiin iyo qoxootinnimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hagaagitaan
-ka: (magac, lab, keli) baydhbaydhis la'aan; toos iyo horay u socosho.
hagaagitaan-ka: (magac, lab, keli) sidii la rabay noqosho; qummanaansho iyo toosni.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaagitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg magaagid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
talaabitaan
-ka: (magac, lab, keli) qof ama wax kale meel ka gudbid; tilaabitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tortoritaan
-ka: (magac, lab, keli) qudhun dartii la muudhmuudhitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wareegitaan
-ka: (magac, lab, keli) wareegid lafteeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqalgalitaan
-ka: (magac, lab, keli) labo qof oo isguursatay, isku hoyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barakicitaan
-ka: (magac, lab, keli) qaxooti ahaan u guurid; cabsi ama gaajo u qayaaditaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanbixitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg caanbixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabargo'naan
m.f.dh eeg dabargo'an. la-mid: dabargo'naansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabargo'naan
-ta: (magac, dhedig, keli) aan waxba ka jirin oo wada halaagsanaan. Dh: cidhibtirnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faanbiyitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg faanbiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garansoonaan
(Garansoonaan-ta)
Xusuusnaan; ogaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garansoonaan
m.f.dh eeg garansoon. la-mid: garansoonaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garansoonaan
f. n., [abstract] knowledge, awareness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garansoonaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax xasuusnaan; aqoonsanaan; ogaansho u lahaan. garansoonaansho -ha: (magac, lab, keli) wax ogaansho; xasuusnaansho; aqoonsanaansho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garansoonaan
de: knowledge, awareness
lx: garansoonaan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: garansoonaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haaneeditaan
-ka: (magac,lab, keli) eeg haaneedid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarqooritaan
-ka: (magac, lab, keli) soo afmeeritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ardaagelitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg ardaagelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
argaggixitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg argaggixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraarugitaan
-ka: (magac, lab, keli) hurdo ka toositaan, ka kicitaan. Baraarugitaan ka hor lama kicin karo waa nin hurda weyn.
baraarugitaan -ka: (magac, lab, keli) baraarugid oo wax kasta ogaal u yeelasho. Dh: digtoonaad, feejignaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraarujitaan
-ka: (magac, lab, keli) cid kale hurdo ka toosin. Dh: baraarujin.
baraarujitaan -ka: (magac, lab, keli) cid kale digtooni gelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaroobitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg habaroobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raadgoobitaan
-ka: (magac, lab, keli) doodoonitaan wax lumay la raadiyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tafaafulitaan
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, beddelitaan oo sixrid. Dh: qataarid, sixrid, sixritaan, falitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaraandegitaan
-ka: (magac, lab, keli) baaraandegidda lafteeda iyo hoos u eegitaanka badan ee hawl la qabanayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barqamaalitaan
-ka: (magac, lab, keli) maalitaanka barqinkii xoolaha la maalo. Barqamaalitaan meel baadiyo biya leh, halkay beeshu ku badhaadhay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faddaroobitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg faddaroobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halaanhalitaan
-ka: (magac, lab, keli) calaacalitaan oo cataabid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kala go'la'aan
[adverbial] [expression] without interruption
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kala_go'la'aan
de: without interruption
lx: kala go'la'aan
ps: adv-expr
key: kala_go'la'aan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aayaritaan
-ka: (magac, lab, keli) si tartiib ah oo aanu degdeg iyo adayg ku jirin. Dh: aayarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaabitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg abaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adeegitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg adeegid. adeego: (fal) gacantaada wax ku qabso; naftaada u shaqayso. Adeego haddaad mid tahay, adkayso haddaad nin tahay. Dh: shaqayso, qabbaano.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afrogitaan
-ka: (magac, lab, keli) gembiyitaanka weel ama wax kale oo sare joogay. Anigu waan karayaa afrogitaanka foosto buuxda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agtagitaan
-ka: (magac, lab, keli) meel u dhow, tagisteeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aloositaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg aloosid. aloosnaan -ta: (magac, dhedig, keli) xaaladda qabanqaabo iyo isku diyaarinta hawl taagan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
amaaritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg amaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqoolitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg aqoolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aragxumaan
m.f.dh eeg aragxun. la-mid: aragxumaansho, aragxumi, aragxumo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aragxumaan
-ta: (magac, dhedig, keli) indhaha aragtidooda oo yaraata.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aruubitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg aruubid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arxamitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg arxamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
awooditaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg awoodid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
axadhitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg axadhid. axado: magac loo baxsho gabadh dhalatay ayaan Axad ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aynabitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg aynabid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baadhitaan
vl. n. investigation, analysis, research
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baadhitaan
-ka: (magac, lab, keli) wax dahsoon raadintii si runtiisa loo gaadho ama xog badan looga ogaado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baadhitaan
a: baaritaan {N}
de: investigation, analysis, research
lx: baadhitaan
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: baadhitaan
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Bari go'an
Karingaabad, radeeb go'an.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bariggo'an
m.l Daruur weyn, biyo lahayn oo aan daruur kale ka hooseyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawaritaan
-ka: (magac, lab, keli) cid kale cawarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabargo'an
f.mg4 (-'naa, -'nayd) Wax dabargo'ay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabargo'an
der. [adjective] eradicated, eliminated, destroyed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabargo'an
(tilmaame) wax halaagsamay oo aan waxba ka jirin. Kol hadduu ninkii dhintay reerkaasi wuu dabargo'an yahay. Dh: cidhibtiran.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dabargo'an
de: eradicated, eliminated, destroyed
lx: dabargo'an
pd: (dabargo'naa)
ps: adj-der
key: dabargo'an
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
engegitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg engegid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fajacitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg fajacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Farafootan
(Farafootan-ka)
Habka loo legdamo mid kamid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farafootan
farafootan¹: m.l Nooc legdinta ka mid ah.
farafootan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Qof, qof kale la legdamid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
farafootan
v. wrestle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farafootan
-ka: (magac, lab, keli) habka midmid loogu legdamo. Farafootanka aayara. Dh: lagdan.
farafootan -ka: (magac, lab, keli) farabadi iskugu faanid; laandheerenimo ku faanid. Farafootan iyo tookh meel laguma gaadho. Dh: farasheegad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
farafootan
de: wrestle
lx: farafootan
nt: farafootan (ka) [vn2-m]
pd: (farafootamay)
ps: v1=recip
key: farafootan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fatahitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg fatahid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaadhitaan
-ka: (magac, lab, keli) wax sii socda ku sinmid; wax kaa korreeya gaadhid. Dh: gaaritaan, gaadhis, taababasho, qabasho, tegis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garangarin
m.f.dh eeg garangari. la-mid: garaangarin, garangaaris, garangaris, garaangirin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garangarin
-ta: (magac, dhedig, keli) si xarago leh, wax u dhaqdhaqaajin. Garangarinta laafyaha, xubnaheega gaarka ah...
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haadhitaan
-ka: (magac, lab, keli) afbadnaanta birta wax goynaysa sida middida iyo billaawaha.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Jaan-go'an
nickname-m planned, projected, designed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kafafitaan
-ka: (magac, lab, keli) maro ama wax kale oo qoyan, soo engegitaan; soo qallalitaan. Dh: kawrixitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mataxitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg mutuxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaadhitaan
-ka: (magac, lab, keli) wax dhadhay oo isku buusay ahaan. Qudradda qoo oo qaadhitaanka ka ilaali. Dh: dhadhitaan, qaadhniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qawaditaan
-ka: (magac, lab, keli) ka faanitaan oo iska weyneyn. Dh: islaweyni.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rawixitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg rawaxaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sababitaan
-ka: (magac, lab, keli) sabab u noqosho melgitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sakalitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg shakalitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salalitaan
-ka: (magac, lab, keli) salalidda lafteda.
salalitaan -ka: (magac, lab, keli) sasitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sasabitaan
-ka: (magac, lab, keli) maaweelin; sabsabitaan; sabaalayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tarandhaaf
tarandhaaf¹: m.l la-mid: tarandhaafid.
tarandhaaf²: f.mg1 (-fay, -ftay) Wax aad u badasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tarandhaaf
v. increase, multiply to an excessive amount
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tarandhaaf
-ka: (magac, lab, keli) taran badan yeelad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tarandhaaf
de: increase, multiply to an excessive amount
initial: t
lx: tarandhaaf
pd: (tarandhaafay)
ps: v1=intr
key: tarandhaaf
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tarantarin
-ta: (magac, dhedig, keli) si xoog ah ku socodsiin oo ku dhaqsasho. Dh:tarantaris.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
transitare
v.intr. - marid, gudbid.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Transition
Kalaguur