taraaraysi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taraaraysi
(Taraaraysi-ga)
Kuraysi; sagaalaysi; duceysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taraaraysi
m.l la-mid: taraaraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taraaraysi
-ga: (magac, lab, keli) duco la sameeyo markay haweenayda uurka leh sagaalka bilood gasho. Dh: kuraysi, sagaalaysi, ducaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taraarayso
f.mg3 (-stay, -satay) Haween uur leh taraare samaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
taraarayso
v. hold a pre-delivery ceremony
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taraarayso
(fal) taraare samayso; sagaalaysi; kurayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
taraarayso
bw: kurayso
de: hold a pre-delivery ceremony (in which a pregnant woman receives blessings and good wishes of friends and relatives for the upcoming birth)
initial: t
lx: taraarayso
nt: taraaraysi (ga) [vn-m]
pd: (taraaraystay)
ps: v3b=intr
key: taraarayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farayaraysi
m.l la-mid: farayaraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farayaraysi
-ga: (magac, lab, keli) farsamo aad u heer sarraysa wax u samayn ama u qurxin; si farshaxanimo ku jirto ugu nuux nuuxsado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabraaraysi
-ga: (magac, lab, keli) soo ugaadhsi oo dabasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taraarsi
-ga: (magac, lab, keli) jibaaxid; dardarid; jiirid; abraarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tarraysi
m.l la-mid: darraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaaraysi
m.l la-mid: abaaraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabaraysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg tabaraysasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tamaraysi
-ga: (magac, lab, keli) awoodaysiga jidheed ama dhaqaale. Tamaraysi ayey u baahan tahay hawshu.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaraabaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg qaraabaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sagaaraysi
-ga: (magac, lab, keli) sagaaro soo ugaadhsi. Dh: sakaaraysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sakaaraysi
-ga: (magac, lab, keli) sagaaro ugaarsi; sagaaraysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaryaraysi
-ga: (magac, lab, keli) yasid oo wax qabadkiisa saluugid. Rag yaryaraysi maleh. Dh: yaraysi.
yaryaraysi -ga: (magac, lab, keli) eeg yaryaraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kur
1. (Kur-ka) Madax; unuun.
2. (Kur-ta) a) Duco iyo qurbaan yar oo dumarka uurka lihii sameeyaan kolka sidkoodu dhammaad ku dhow yahay; kuraysi; sagaalaysi; taraaraysi. b) Meel taag ah; kood. c) Xeero yar; kurbin.
3. (kur-: sida kurtood; kurtiin; kurtiis; kd.) giddi; kulli; dhammaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madaxshub
m.l 1. Sadaqo loo bixiyo qof haween ah oo dhintay. 2. Allabbari haweenku bixiyaan marka ay soo sid-dhaweeyaan; kuraysi; taraaraysi; sagaalaysi.

taraaraysasho
m.f.dh eeg taraarayso. la-mid: taraaraysi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
madaxshub
m.l 1. Sadaqo loo bixiyo qof haween ah oo dhintay. 2. Allabbari haweenku bixiyaan marka ay soo sid-dhaweeyaan; kuraysi; taraaraysi; sagaalaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuraysi
-ga: (magac, lab, keli) hooyo haddeed umul u diyaar ah, kuraysasho. Dh: taraaraysi, sagaalaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taraare
-ha: (magac, lab, keli) eeg taraaraysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraaraysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax baraare ku jira ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baraaraysan
der. [adjective] prosperous; content, happy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraaraysan
(tilmaame) nimcaysan oo nabad iyo caano ku jira. Annagoo baraaraysan ayay dagaalladii sokeeye dhaceen. Dh: badhaadhaysan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baraaraysan
de: prosperous; content, happy
lx: baraaraysan
pd: (baraaraysnaa)
ps: adj-der
key: baraaraysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farayarayso
f.mg3 (-stay, -satay) Ku f.: wax si wanaagsan u farsamayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
farayarayso
f.mg3 (-stay, -satay) Ku f.: wax si wanaagsan u farsamayn. m.f.dh, farayaraysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
farayarayso
v., [compound] do something carefully, meticulously ~ skillfully
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gardarraysi
(Gardarraysi-ga)
Gardarraysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gardarraysi
m.l la-mid: gardarraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gardarraysi
-ga: (magac, lab, keli) dad daandaansasho oo ku xadgudub; gardarnaan qof aan wax kuu gaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garwaaxaysi
m.l la-mid: garwaaxeedsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarjaamaysi
m.l la-mid: qarjaamaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ararays
-ka: (magac, lab, keli) eeg ararayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taraari
(fal) meel godan oo dhulka ah kusii daa si uu isku rogrogo ama u taraaro. Dh: giraangiri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Araarayn
(Araarayn-ta)
Labo qolo oo dagaallama haya kala joojin; dagaal joojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
araarayn
m.f.dh eeg araaree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
araarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) labo qolo oo dagaallamaya kala joojin. Araaraynta reeraha, aabbaa innoo dhigay. Araare ajal ma oosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carraysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg carraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darraysi
m.l la-mid: darraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darraysi
-ga: (magac, lab, keli) eed darraysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarraysi
m.l la-mid: jarraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karraysi
m.l la-mid: karraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karraysi
-ga: (magac, lab, keli) caafimaad helid oo xanuun ka bogsood. Dh: raysasho, ladnaansho, karraysad, karraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raaracsi
m.l la-mid: raaracsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raaxaysi
(Raaxaysi-ga)
Raaxaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raaxaysi
m.l la-mid: raaxaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taraarax
(Taraarax-a)
Xoog lagu socdey xawligiisii oo la isla celin waayo, meeshii la rabey ama loo asteeyey sidbasho ku dhaafid, la shalwasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taraarax
taraarax¹: m.l la-mid: taraaraxid.
taraarax²: f.mg1 (-xay, -xday) 1. Sidbasho. 2. Wax xadkoodii dhaafid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
taraarax
f.mg1 (-xay, -xday) 1. Sidbasho. 2. Wax xadkoodii dhaafid. m.f.dh, taraaraxid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
taraarax
v. slip, slide, skid
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
taraarax
-ay / day: (v) slide (islaaydh); skid (iskip); slip (islip); glide (galeeydh); —taraarax -ah: (adj) slippery (isli-pari) ~ silito
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taraarax
(fal) silbo oo taraarax ama meel dheer jooji oo hoos u shub gaadhiga. In yar hore u qaad gaadhiga oo taraarixi.
taraarax -a: (magac, lab, keli) simbiriirixasho, dhulka dhoobada qoyan leh lagu siibto ama baabuur dhaafay halkii loogu talogalay in la joojiyo. Dh: sibibix.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
taraarax
de: slip, slide, skid
initial: t
lx: taraarax
nt: taraarax (a) [vn-m], taraaraxid (da) [vn-f]
pd: (taraaraxay)
ps: v1=intr
key: taraarax
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tarrayso
f.g3 (-stay, -satay) la-mid: darrayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tarsaasi
(Tarsaasi-ga)
1. Hadal layska hadlo oo aan milgo lahayn, badanaa waxaa ku wacan xanuun; qarow.
2. Cunno layska badiyo lahan ka yimaada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tarsaasi
m.l 1. Lalabbo ka timaadda cunto la iska badiyey. 2. Qaraw; calwasaad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tarsaasi
m. n. delirium, raving talk
tarsaasi m. n. nausea ~ discomfort caused by eating too much
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tarsaasi
-ga: (magac, lab, keli) cunno marka la iska badiyo lahanka yimaada. Dh: tandhaaf.
tarsaasi -ga: (magac, lab, keli) kala hadalka uu keeno kaarka badani. Dh: garow.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Yaraaysi
Minimizzare
Belittle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaarayso
f.mg3 (-stay, -satay) Wax abaari ku dhacday noqosho (meel). la-mid: abaarso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaarayso
(fal) roobla'aan iyo nabaadguur ha kugu dhacaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alaabaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg alaabaysad. alaabayso: (fal) aqal, xafiis ama wax kale, u alaab guro oo qalabayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Carabaysi
-ga: (magac, dhedig, keli) (is ~) Carab ahaan isu urursasho; Carab ahaan isu raacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carareysi
m.l la-mid: cararsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daraarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cunto duco looga jeedo, karin. Xilliga barwaaqada ah daraaraynta beereleydu waa joogto. Dh: casuumadayn, daraarays, ducayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farataysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg fadhataysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maraabays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg maraabayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarafaysi
-ga: (magac, lab, keli) baryootamid oo kolba qof wax weydiisasho. Qarafaysiga ardaydu ceeb ma'aha. Dh: dhawrtaysi, sadaqaysi, dewersi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qararabsi
m.l la-mid: qararamsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qararamsi

tabaalays
m.l la-mid: tabaalayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabaalays
-ka: (magac, lab, keli) eeg tabaalayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabarayso
f.mg3 (-stay, -satay) Tabar yeelasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tabarayso
f.mg3 (-stay, -satay) Tabar yeelasho. m.f.dh, tabaraysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tabarayso
v.auto: become strengthened, get stronger; acquire energy ~ strength
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tabarayso
-tabaraystay / tabaraysatay: (v) become stronger; be strong; be restored; recuperate (ri-kuu-pareeyt); make a comeback ~ xooggeyso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabarayso
(fal) xoogayso; awoodayso oo dheef tayo leh oo isku dheelitiran cun. Dh: awoodso, taagso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tabarayso
de: become strengthened, get stronger; acquire energy ~ strength
initial: t
lx: tabarayso
nt: tabaraysad (ka) [vn-m], tabaraysasho (/da) [vn-f]
pd: (tabaraystay)
ps: v3b=auto
key: tabarayso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tamarayso
(fal) eeg tabarayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taraarsii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) Meel ciriiri ah wax xoog ku marsiin; jiirsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taraarsii
(fal) jibaaxsii; dardarsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xawaarays
-ka: (magac, lab, keli) orod xoog ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaryarays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg yaryarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaaraysii
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: abaaree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaaraysii
(fal) dhul, abaar ka dhig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaamaysi
m.l la-mid: calaamadsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farafarays
m.f.dh la-mid: farafarayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farafarays
-ka: (magac, lab, keli) wax aanan ku khusayn, farala la gelid. Dh: farafarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaadayso
f.mg3 (-stay, -satay) la-mid: garaadso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gardarayso
(fal) cid kale, wax aan gar ahayn kula kac oo ku gaboodfal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaanaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg macaanaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaalaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg magaalaysad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
masaafaysi
-ga: (n) elopement (ilowpmenf) ~ see also masaafo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaafaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg masaafaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaraabayso
f.g3 (-stay, -satay) Cid qaraabo ka dhigasho.