taqi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taqi
(Taqi-ga)
Nin Ilaah-ka-cabsi badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taqi
m.l.kh T. ah: qof Ilaah cabsidii u go'dooma.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
taqi
m. n. religious, god-fearing ~ devout person
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Taqi
name-m God fearing, heedful of God
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
taqi
-ga: (n) pious person (paayas peer-son); religious person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taqi
-ga: (magac, lab, keli) qof alle ka cabsi badan aadna u cibaadaysta.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
taqi
cf: caabid
de: religious, god-fearing ~ devout person
initial: t
lx: taqi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: taqi
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
taqti
m. n. unadulterated, pure; extremist
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
taqti
-ah: (n) intense (inteen-si); strong (istaroong); extreme (ikis-tiriim); pure (piyuur) ~ takhti. Ex: buluug taqti ah; a pure [strong] blue color
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
taqti
de: unadulterated, pure; [ext.] extremist Alt sp: takhti
initial: t
lx: taqti
pd: (-ga)
ps: n0-m-atr
key: taqti
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caabid
(Caabid-ka)
Qof cibaado badan; taqi.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
pious
/payas/ (adj) taqi ah (qof ilaahiis ka cabsada oo saalix ah).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Allayaqaan
-ka: (magac, lab, keli) qofka Rabbi kacabsiga badan. Sheekh Cismaan, qof Allayaqaan ah buu ahaa. Dh: taqi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
awliyo
-da: (magacwadareed) dadka inta amarka Ilaahay raacday ee macsida iska ilaaliya. Awliyo Ilaahay bay taqaan. Dh: taqi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caabid
-ka: (magac, lab, keli) qof cibaado badan. Dh: caabud, taqi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rabbiyaqaan
-ka: (magac, lab, keli) qof aammin ah oo waxa uu qabanayo Alle dartii ugu dhaqaaqa. Dh: taqi, Allayaqaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xushmad
-da: (magac, dhedig, keli) ixtiraam iyo tixgelin loo hayo cid mutaysata. Imaamkayagu waa taqi xushmad leh. Dh: ixtiraam.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqi
f.g2 (-iyay, -isay) Nafley gaajo iyo harraad badan badid. la-mid: caqi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aqi
v. starve someone to death
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aqi
-yey / say: (v) starve (istaarv); cause to suffer extreme lack of food and water ~ caqi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqi
(fal) cunnaxumi u dhimo. Dh: caqi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aqi
a: caqi
de: starve s.o. to death
lx: aqi
pd: (aqiyey)
ps: v2a=tr
key: aqi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taq
-a: (magac, lab, keli) karidda dheriga marka uu furka tuuro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caqi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: aqi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caqi
v. starve someone
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caqi
-yey / say: (v) starve (istaarv); make someone hungry and thirsty ~ aqi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caqi
(fal) biyo uu cabbo u diid oo harraad ha ku engego. Dh: oomi, harraadi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caqi
a: aqi
de: starve s.o.
lx: caqi
pd: (caqiyey)
ps: v2a=tr
key: caqi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faqi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: fiqi².
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Faqi
nickname-unisex he/she who consults secretly
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faqi
-yey / say: (v) say or tell privately or secretly; whisper (wispar)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faqi
-ga: (magac, lab, keli) qof diinta aad u bartay. Faqi tolkii kama jannatago. Dh: fiqi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haqi
f.g2 (-iyay, -isay) Cid harraad iyo gaajo ku dilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaqi
f.g2 (-iyay, -isay) Ilmo yar caano ka jalin. Tusaale: Canuggii bay jaqisey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabi
(fal) cid kale, war ama wax kale gaadhsii. Dh garsii, tebi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taki
m.l la-mid: kati.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taki
-da: (magac, dhedig, keli) qalab bir ah oo inta la tumay afka hore laga dhigay mid fiiqan oo dhulka lagu qodo.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Taki
Qoddo dhuuban oo wax turuqda sida tan gocdeysta iyo waranka oo kale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tali
f.mg2 (-iyay, -isay) 1. U t.: cid meel xukumid. 2. Ka t.: meel xukunkeeda qabsasho. 3. Ku t.: arrin talo ka bixin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tali
f.mg2 (-iyay, -isay) 1. U t.: cid meel xukumid. 2. Ka t.: meel xukunkeeda qabsasho. 3. Ku t.: arrin talo ka bixin. m.f.dh, talin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tali
v. rule, govern, be the head, administer
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tali
-yey / say: (v) 1. give or offer advice; advise (adh-veeyz) ~ la tali. 2. give an order; issue a command. 3. rule (ruul) ~ xukun
la tali -yey / say: (v) give or offer advice; advise (adh-veeyz)-, counsel (kawn-sal) ~ talo sii
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tali
(fal) arrin guul horseeda keen; talo keen oo dhiib. Dh: arrimi.
tali: (fal) xukunka qaad oo caddee go'aanka.
tali: (fal) (u ~) maammule u noqo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tali
de: rule, govern, be the head, administer
initial: t
lx: tali
pd: (taliyey)
ps: v2a=intr
key: tali
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tani
deictic, subject case: this [subject]
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tani
(pronoun) this one; especially used to indicate feminine nouns ~ tanu
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tani
de: this [SUBJECT]
initial: t
lx: tani
ps: deic-f-subj
xe: Whats this [fem]?' = tan + -i
xv: Tani maxay tahay?
key: tani
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
taxi
/taaksi/ (n) 1. tagsi (baabuur la kiraysto) (v) 2. dhul ku-socoshada diyaaradda kolkay kicitimayso.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
taxi
taxi, n.m. - tagsi; baabuurka yar ee la kiraysto
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Taqiya
name-f God fearing, heedful of God
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
taquin
taquin, adj. - jecel in uu kaftamo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taraqi
-ga: (magac, lab, keli) erey carabi ka soo jeeda oo uu macnihiisu yahay, horumar iyo badhaadhe. Anaa kaa tol roon waa waxaw taraqi weydeene. Dh: horowmar. Li: dibudhac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baaqi
(Baaqi-ga)
Wax la bixiyey, inta ka soo harta; dheeri; hanbo; haraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaqi
m.l Tiro go'an inta ka baxday mooyee inta kale ee ka soo harta; haraa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baaqi
m.l Tiro go'an inta ka baxday mooyee inta kale ee ka soo harta; haraa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baaqi
m. n. leftover, excess, remainder, the rest; change (money)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baaqi
-ga: (n) 1. change (janji); 2. remnant (rimnant); leftover, remainder~ haraa, hambo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaqi
-ga: (magac, lab, keli) inta ka soo hadha wax la cunay ama la iibsaday ama la isticmaalay. Inta baaqu badan iyo baaqiqaa hadhi. Dh: hadhaa, hanbo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baaqi
de: leftover, excess, remainder, the rest; change (money)
lx: baaqi
pd: (-ga)
ps: n2-m
xe: Keep the change!
xv: Arabic
key: baaqi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balqi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Hoore weel ka buuxa in yar ka daadin. 2. Is b.: wax suuxsan iska dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
balqi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Hoore weel ka buuxa in yar ka daadin. 2. Is b.: wax suuxsan iska dhigid. m.f.dh, balqin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
balqi
v. spill (a small quantity of liquid from a container)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
balqi
-yey/say: (v) spill (ispil); spill [scatter] liquid from containment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balqi
(fal) weel buuxa in yar ka daadi. Shaaha ha ku gubane inyar iska balqi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
balqi
de: spill (a small quantity of liquid from a container)
lx: balqi
pd: (balqiyey)
ps: v2a=tr
key: balqi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Banqi
(Banqi-ga)
(ceel) biyo badan leh; (ama banqay)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
banqi
m.l (-iyo, m.dh) Ceel biyo badan. la-mid: banqay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
banqi
m. n. well that produces a lot of water; abundance
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
banqi
-ga: (magac, lab, keli) ceel biyo badan oo aan gu'in. Dh: banqe, banqay, bowad, mawi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
banqi
a: banqay
de: well that produces a lot of water; abundance
lx: banqi
pd: (-ga)
ps: n2-m
key: banqi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqid
m.dh la-mid: biqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqid
-da: (magac, dhedig, keli) caano, baq noqsho; caano xumaansho. Baqidda caanaha ka ilaasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqis
-ta: (magac, dhedig, keli) xumaanshaha caanaha gaar ahaan kuwa labaraaflaha; baqidda caanaha.
baqis -ta: (magac, dhedig, keli) baqid ama cabsi ku gasha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baqti
(Baqti-ga)
Wax aan la gowricin oo iska dhintay; aan la birayn; (ama bakhti).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqti
baqti¹: m.l (-iyo, m.dh) 1. Nafley iyadoon la birayn nafbaxday. 2. Nafley nafbaxday oo quruntay. la-mid: bakhti¹.
baqti²: f.mg1 (-iyay, -iday, -iyi) Nafley, iyadoon la gawracin nafbixid. la-mid: bakhti².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baqti
baqti¹: m.l (-iyo, m.dh) 1. Nafley iyadoon la birayn nafbaxday. 2. Nafley nafbaxday oo quruntay. la-mid: bakhti.
baqti²: f.mg1 (-iyay, -iday, -iyi) Nafley, iyadoon la gawracin nafbixid. m.f.dh, baqtiyid. la-mid: bakhti.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baqti
m. n. dead animal
baqti: v. die naturally (of an animal)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baqti
-ga: (n) one who has died, especially an animal; dead (dheedh) ~ bakhti-ga
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqti
(fal) dhimo oo nafta waa. Dh: bakhti.
baqti -ga: (magac, lab, keli) geeri iyo nafwaayid. Dh: bakhti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barqi
f.g2 (-iyay, -isay) Xoolo inta aan la maalin subaxii daajin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
barqi
f.g2 (-iyay, -isay) Xoolo inta aan la maalin subaxii daajin. m.f.dh, barqin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
barqi
v. graze livestock in the late morning
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barqi
(fal) daaji xoolaha subaxda hore. Barqiyey lo'dii bilisey ciirtii ma bixiseen.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
barqi
de: graze (livestock) in the late morning
lx: barqi
pd: (barqiyey)
ps: v2a=tr
key: barqi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caqdi
m.l la-mid: caqad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caqdi
m.l la-mid: caqad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caqdi
-ga: (n) contract (kon-tarakt)-, agreement (agriiment) ~ heshiis, qandaraas
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caqdi
-ga: (magac, lab, keli) heshiis dad wada saxiixdo. Dh: cahdi; axdi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caqin
m.dh la-mid: aqin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caqin
-ta: (magac, dhedig, keli) harraadin; oomin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caqli
(Caqli-ga)
Awood wax lagu garto; garaad; xis; kas; dhimir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caqli
m.l (-iyo/cuquul, m.dh) Awood binu'aadanka u gaar ah oo ay wax ku kala gartaan; garaad. la-mid: aqli.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caqli
m.l (-iyo/cuquul, m.dh) Awood binu'aadanka u gaar ah oo ay wax ku kala gartaan; garaad. m.dh.w, cuquul. la-mid: aqli.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caqli
m. n., [collective] intelligence, mind; wisdom; cunning
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caqli
-ga: (n) brains (bareeynis), intellectual power; intellect (intal-lekt); logic (looj-ik) ~ maskax. -Syn: intelligence, wit, reason.
u caqliceli -yey / say: (v) talk or argue with someone logically; reason (rii-zen)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caqli
-ga: (magac, lab, keli) awoodda maskaxda ee wax lagu garto. Dh: xis, kas, maan, garasho.
caqli: magac loo baxsho wiil ama gabadh la rajaynayo in ay noqonayaan kuwo garaad badan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caqli
bw: Arabic
cf: duug, maskax, xirgi
de: intelligence, mind; wisdom; cunning Pl = types of intelligence
lx: caqli
pd: (-ga Pl: cuquul (/sha))
ps: n2a-m, n8-m-mass
key: caqli
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
caqli
عَقل
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carqi
(fal) biyo fadhdhiya, dhooqo iyo wixii kale ee gunta ku jira ku walaaq.