tankard
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
tankard
/taankardh/ (n) galaas dheg-leh (koob weyn, oo dheg leh).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tankar
-ta: (magac, dhedig, keli) cayayaan qaniinka ka tirsan oo xoolaha iyo noolaha kale ba qaniina. Dh: takar.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Standard
Beeggal, istaandar
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Standard
Beegal
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
standard
/staandhardh/ (n) 1. heer (n) 2. caadi (aan ka duwanayn sida caadiga ah) (n) 3. calan (sida calan xaflad la suro, oo lugu maamuuso (n) 4. cabbir (miisaan, qiyaas) (adj) 5. maqbuul ah (la wada ogol yahay).
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Standard
Sal, Caan, Negaadi
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
standard
n., (flag, ensign) calan, -ki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Takar
(Takar-ta)
Xasharaadka duula bahal ka mid ah oo xoolaha qaniina.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
takar
m.dh.u Gendi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
takar
m.dh.u Gendi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
takar
f. n. gadfly, camel-fly, horsefly
takar v. hobble a camel
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Takar
nickname-m gadfly, camel-fly, horse-fly. Lit: temperamental person
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
takar
-ta: (n) gadfly (gaadh-falaay), a fly that bites livestock, especially the camel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
takar
-ta: (magac, dhedig, keli) xasharaad baaley ah oo ku dhabata xoolaha oo qaniinta. Takarbaa geela cunaysa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bankad
m.dh (-yo, m.l/dh) Nooc marwaxadaha gacanta lagu socodisiiyo ka mid ah oo tumaaluhu dabka ku huriyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bankad
m.dh (-yo, m.l/dh) Nooc marwaxadaha gacanta lagu socodisiiyo ka mid ah oo tumaaluhu dabka ku huriyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bankad
-da: (magac, dheddig, keli) nooc ka mid ah marawaxadda oo gacanta lagu socodsiiyo. Dadka biraha tuma ayaa dabka ku huriya.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
canard
canard, n.m. - balanboolada lab (shimbir)
canard fausse nouvelle - Warbixin Dacaayad.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
panard
panard, n.m. - faras lug qalooca; lug ka dhutinaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tanaad
(Tanaad-ka)
Qof hanti badan leh; hodan; taajir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tanaad
tanaad¹: m.l (-ddo, m.dh) Qof hanti badan leh.
tanaad²: f.mg1 (-day, -dday) Qof hanti badan yeelasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tanaad
tanaad¹: m.l (-ddo, m.dh) Qof hanti badan leh.
tanaad²: f.mg1 (-day, -dday) Qof hanti badan yeelasho. m.f.dh, tanaadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tanaad
n. rich man, wealthy person
tanaad [inchoative] v. become wealthy, be ~ get rich
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Tanaad
name-unisex to get rich, to be wealthy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tanaad
-ay / tanaadday: (v) be successful; have economic prosperity; become wealthy
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Tanaad
Benestante
Wealthy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Tanaad
magac loo baxsho gabadh hanti ama ladnaan loogu ducaynayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tanaad
(fal) liibaan oo guul ku waar.
tanaad -ka: (magac, lab, keli) qof hanti badan haysta oo hodan ah. Dh: hodan, taajir.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
tanker
/taankar/ (n) booyad (gaari, ama markab biyaha, gaaska iwm lugu xammuulo).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tanqaad
-ka: (magac, lab, keli) culayska la qaadi karo. Tangaad ka dhig haysku badine.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
vantard
vantard, adj. - islawayni; faanfaanid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
backward
/baakwardh/backwards; (adv) 1. dib u nogod (xaga dambe ama gadaal-gadaal). e.g. She stepped backward into the lake. (adv) 2. dambeeya (qof aan ilbax ahayn oo fahankiisu gaaban yahay).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
backward
/baakwoordh/ (adj, adv) 1. rereed. 2. kassing yer (dombooyi).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
backward
-s, ad., dib; go backward, dib u soco; go back and forwards, hore iyo diba u soco.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
banjarid
-da: (magac, dhedig, keli) neef ka bixidda shaagga. Banjaridda shaagga wax ugu wacan musbaar muday.
banjarid -da: (magac, dhedig, keli) gerigo'an ku dhacid; meel cidla' ciirsila' ah ku go'doomid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
banmarid
m.f.dh eeg banmar². la-mid: banmar¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
banmarid
-da: (magac, dhedig, keli) nadaafadxumo sac lagu lisay darteed u caano yarayn. Xooluhu banmaridda way ku naasabeelaan. Dh: balmarid. banmarin -ta: (magac, dhedig, keli) neef gacan aan nadiif ahayn ku lisid oo sababtaa darteed u caanayarayn. Dh: balmarin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bantarid
m.f.dh eeg bantar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bantarid
-da: (magac, dhedig, keli) caatoobid oo wax hilib weyd ah leh noqosho. Gaajada ayaa neefka bantaridda ugu wacan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cantarid
m.f.dh eeg cantar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cantarid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal aan macne lahayn ku hadlid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dangarad
-ka: (magac, lab, keli) qofka dantiisa ma ahee, wax kale aan isku hawlin. Li: danmoog.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
étendard
étendard, n.m, - heer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fangarid
m.f.dh eeg fangar².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanqarid
m.f.dh eeg hanqar².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaankaro
f. n. cancer
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kaankaro
-kaankarada: (n) [disease] cancer (kaanser)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaankaro
de: cancer
lx: kaankaro
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: buro-bahalaadda {It}
key: kaankaro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kankamid
(Kankamid-da)
Ur badan urid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kankamid
m.f.dh eeg kankan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kankamid
-da: (magac, dhedig, keli) ur badan oo meel ka soo urta. Dh: kakamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Karkarid
(Karkarid-da)
Karkar badan u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karkarid
m.dh Karkar badan u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mandarad
(Mandarad-da)
Muraayad; biladdaye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mandarad
m.dh (-do, m.l) 1. Muraayad. 2. Guri dabaq ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mandarad
f. n. mirror, looking glass; spectacles, eyeglasses
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mandarad
-da: (n) mirror (mirar) ~ muraayad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mandarad
-da: (magac, dhedig, keli) shay quraarad ballaadhan oo dhinac ka ranjiyeysan ah oo la isku daawado la iskana dhex arko. Kolkaan gadhka iska xiirayo mandarad baan isku eegaa. Dh: muraayad, minyaarad.
mandarad -da: (magac, dhedig, keli) dhisme iskor saarsaaran oo dheer oo aqallo ama xafiisyo ah. Waxan leenahay mandarad labaatan dabaq ah. Dh: bandarad, fooq. Li: buul, daso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mandarad
de: mirror, looking glass; [pl] spectacles, eyeglasses
lx: mandarad
pd: (-da)
ps: n1-f
syn: biladdaye, muraayad
key: mandarad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maskarad
-da: (magac, dhedig, keli) suuqa khudradda xawaashka iyo hilibka lagu iibiyo. Dh: sariibad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sanqarid
(Sanqarid-da)
Shanqarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sanqarid
m.f.dh eeg sanqar². la-mid: shanqarid, sharqamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanqarid
-da: (magac, dhedig, keli) sanqar la maglo samayn; sharqamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tanaadid
(Tanaadid-da)
Tanaad noqosho; hodmid; taajirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tanaadid
m.f.dh eeg tanaad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tanaadid
-da: (magac, dhedig, keli) qofku marka uu isku fillaado dhinac wax barsho iyo dhinac dhaqaaleba ee uu muuqdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taraarid
(Taraarid-da)
Xoog ku dhexmarid; jibaaxid; dardarid; abraarid; jiirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taraarid
m.f.dh eeg taraar². la-mid: taraar¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taraarid
-da: (magac, dhedig, keli) xoog ku dhexmarid. Dh: jibaaxid, dardarid, abraarid, jiidhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tarrarid
(Tarrarid-da)
Qarrarid; dillaacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tarrarid
m.f.dh tarrar². la-mid: qarrar¹, qarrarid, tarrar¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tarrarid
-da: (magac, dhedig, keli) qarrarid; dildillaacid; jeexjeexmid. Tarrarida kareem ka soo iibso.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
vanguard
/vaan gardh/ (n) horseed (hormuud, sida askarta safka hore ee dagaalka loo diro).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wanqarid
m.f.dh eeg wanqar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wanqarid
-da: (magac, dhedig, keli) nafley, uurkujirta ka dillaacin.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Tank Alert
Dabbaabad Heensayn
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
akar
m. n. acre
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
akar
de: acre {Eng}
lx: akar
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: akar
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
taad
deictic, vl. pron. this ... you
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
taad
de: this ... you = tan + aad
initial: t
lx: taad
ps: deic + vpro
key: taad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taar
(Taar-ka)
1. War gaaban ama farriin raadyaha lagu diro; siin.
2. Dun bir ah; silig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taar
taar¹: m.l (-rar, m.l) 1. War farriin kooban oo nooc raadiyeyaasha ka mid ah lagu diro. 2. Silig wax lagu oodo. 3. (muus.) Daf afar geesle ah.
taar²: f.g1 (-ray, -rtay) Rati raran oo taagan wax saarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
taar
m.l (-rar, m.l) 1. War farriin kooban oo nooc raadiyeyaasha ka mid ah lagu diro. 2. Silig wax lagu oodo. 3. (muus.) Daf afar geesle ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
taar
m. n. telegram; cable, metal wire
taar v. hang something up (on a high place)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
taar
-ka: (n) telegram (teela-garaam); telegraph (teela-garaaf); wire (waayer); cablegram ~ teelagaraam, silig
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Taar
Telegramma
Telegram
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taar
(fal) meel kore soo sudh oo ka soo laadlaadi. Taar salladda hilibku ku jiro gidaarka. Dh: callaal.
taar-ka: (magac, lab, keli) caantaynka raadyowga meel fog wax uga soo qabta, ee loo bixiyo ama taago. Raadyowga taarka u taag. Dh: caantayn.
taar-ka: (magac, lab, keli) isgaadhsiin lagu xidhiidhi jirey wakhtigii hore. Taar ayaa u soo dhacay xaliimo. Dh: fooniye.
taar -ka: (magac, lab, keli) xadhig bir ah. Taarka kartoonnada ku giijiya. Dh: silig, waayir.
taar -ka: (magac, lab, keli) meel ka sarraysa madaxa. Taarka ayay saaran tahay alaabtu.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
tana
s.f. - god bahaleed.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
tank
/taank/ (n) 1. taangi (haan biyo, gaas iwm) (n) 2. kaare (dabaabad, taangiga dagaalka).
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Tank
Haan
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
tank
tank, n.m. - taangi; haan biyeed ama batrool iwm; kaare; dubaabad; taangiga dagaalka
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
tank
n., berkad, -di.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
tard
tard, adv. - daahida; dib u dhac
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aanad
vl. pron., neg. you ... not
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aanad
a: aadan
de: you ... not = aan + aad
lx: aanad
ps: neg + vpro
xe: The work you didnt do is difficult.
xv: Shaqada aanad qabanin wey adagtahay.
key: aanad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anaad
(magac'uyaal) lagu asteeyo qofka koowaad ee hadlaha ah oo keli ah. Waa 'aniga' iyo 'ayaad' oo la isku daray. Ma anaad aabbahaa i moodaysay?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anbad
-ka: (magac, lab, keli) eeg ambad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
angar
angar¹: m.l la-mid: angarid.
angar²: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Qof meel cidla ah uga tegid. 2. Qof dhibaato ku dhaafid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
angar
(fal) ka tag; ka dhaqaaq.
angar-ka: (magac, lab, keli) ka tegis; ka dhaqaagis. angaran: (tilmaame) mid laga tegey ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anqar
-ka: (magac, lab, keli) cabbitaanka ama cunnada ugu horraysa ee ilmaha afka loo saaro. Angar xalaal ah ilmaha sii. Curadkayga timir ayaan angar uga dhigay.