tammadi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tammadi
f.g2 (-iyay, -isay) Qof ama wax kale oo astaamo ama tilmaamo gaar ah leh, calaamaysasho, soo aadid, ku soo aroorid, u qasdid; ku hirasho; abbaarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tammadi
v. target, head directly for; mark someone ~ something as a target
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tammadi
(fal) cid kale, ku hiro; u tag, abbaar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tammadi
de: target, head directly for; mark s.o. ~ s.t. as a target (e.g., a person who could help solve a problem)
initial: t
lx: tammadi
nt: tammadin (ta) [vn-f]
pd: (tammadiyey)
ps: v2a=tr
key: tammadi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tammadin
(Tammadin-ta)
Qof ama wax kale oo astaamo ama tilmaamo gaar ah leh, calaamaysasho, soo aadid, ku soo aroorid, u qasdid; ku hirasho; abbaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tammadin
m.f.dh eeg tammadi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tammadin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof ama wax kale oo astaamo gaar ah leh ku hirasho ama abbaarid, u tagid ado dan kale, ama raacaya fikirkiisa. Dh: hirasho, abbaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tammadis
-ka: (magac, lab, keli) eeg tammadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
temmadi
f.mg2 (-iyay, -isay) Ku t.: meel u socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hirasho
(Hirasha-da)
Wax ama meel la gabbaadsado ama wax lagaga nabadgalo, ama dan kale loo lee yahay, gaariddeed ku dadaalid, u socosho; tammadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qammaadi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Ka q.: cid meel xoog kaga celin. 2. Ka q.:wax meel halis ah ka weecin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qammaadi
v. cause someone to avoid something, make someone turn away from
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qammaadi
(fal) (ka ~) ka fogee; ka dheeree; ka weeci. Xoolaha sunta ka qammaadi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qammaadi
de: cause s.o. to avoid s.t., make s.o. turn away from with preposition ka
lx: qammaadi
pd: (qammaadiyey)
ps: v2a=tr
key: qammaadi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
temmadin
m.f.dh eeg temmadi.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hammad
-da: (n) a wish or longing; ambition (aam-bishin)-, desire (dizaayer)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hammad
-da: (magac, dhedig, keli) wax samayntiisa maanka lagu hayo. Dh: iddidiilo, mala'awaal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lammad
(fal) labee oo mar kale ku celi. Shaaha i lammad. Dh: labee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qamadi
(Qamadi-da, Qamadi-ga)
Badar sarreenka u eg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qamadi
m.l/dh Badar bariiska u eg lana eg laakiin ka midab duwan oo la cuno.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qamadi
m.l/dh Badar bariiska u eg lana eg laakiin ka midab duwan oo la cuno.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qamadi
m. n.-gen: wheat, grain ~ cereal crop
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QAMADI
(Gamadi) N Triticum aestivum L. Gramineae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qamadi
-ga: (n) wheat (wiit); barley (baarli) ~sarreen
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qamadi
-ga: (magac, lab, keli) badar geedgaabka ka mid ah oo daqiiqda laga ridqo. Qamadigaiye sarreenku way isku egyihlin. Dh: qamaddi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qamadi
de: wheat, grain ~ cereal crop
lx: qamadi
pd: (-da ~ -ga)
ps: n-m/f-gen
key: qamadi
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
qamadi
قمح
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tamaad
-ka: (magac, lab, keli) geedgaab bixiya midho cas cas oo cuntada lagu daro.
tamaad -ka: (magac, lab, keli) midhaha ka baxa geedka tamaadka. Dh: xabuub, yaanyo, tamaad, tamaato, tamaandho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tamani
-ga: (magac, lab, keli) wax aad jeceshahay oo aanad hayn ku fekerid. Tamani laguma helo wax aanada kasbin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tamari
(fal) xoog iyo itaal yeelo. Aqli wadajir buu tamariyaa igadhku waa ceebe.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caymadi
(fal) eryo oo halka uu joogo ka kaxee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hammada
m.l (juqraafi) Nooc ka mid ah lamaddegaanka, gaar ahaan Saxarada woqooyi Afrika. Lamaddegaanka h., dhulka dushiisu sida badan waxay ka kooban tahay dhadhaab qaawan, oo dabayshu ay ka qaadday bataaxda iyo boorka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hammada
m.l (juqraafi) Nooc ka mid ah lamaddegaanka, gaar ahaan Saxarada woqooyi Afrika. Lamaddegaanka h., dhulka dushiisu sida badan waxay ka kooban tahay dhadhaab qaawan, oo dabayshu ay ka qaadday bataaxda iyo boorka.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Hammada
Hammada
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mammani
-da: (magac, dhedig, keli) iimaanli'i; wax walafsan oo wax uu jecel yahay ku hungurixun ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabaadi
m.l.kh Neef buuran, cayilan, shilis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabaadi
-ga: (magac, lab, keli) mid laf weyn ahaan; korranaan. Waakii tabaadiga ahaa taw aan liicsamini.
tabaadi-ga: (magac, lab, keli) neef geela oo aad u shilis. Dh: cayil, buurni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tanaadi
f.g2 (-iyay, -isay) Cid tanaad ka dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tanaadi
v. enrich, make someone rich ~ wealthy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tanaadi
(fal) mustaqbal fiican u yeel; caawi inuu hore u maro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tanaadi
de: enrich, make s.o. rich ~ wealthy
initial: t
lx: tanaadi
pd: (tanaadiyey)
ps: v2a=tr
key: tanaadi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
temmedi
f.mg2 (-iyay, -isay) Wax qiimayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dammaadid
(Dammaadid-da)
Wax dammaadsan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dammaadid
m.f.dh eeg dammaad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dammaadid
-da: (magac, dhedig, keli) wareerid iyo dayoobid; wax dammaadsan noqod. dammaadsan: (tilmaame) mid wareersan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qammaadid
m.f.dh eeg qammaad². la-mid: qammaad¹ (4).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qammaadid
-da: (magac, dhedig, keli) (ka ~) ka fogaan; ka dheeraan; ka weecsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qammaadin
m.f.dh eeg qammaadi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qammaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) (ka ~) ka fogayn; ka dheerayn; ka weecin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sammaadid
m.f.dh eeg sammaad².
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Cammaari
name-m one who is builder, long lived, or preserver of life
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caymadid
-da: (magac, dhedig, keli) orod naxdin ama cabsiyi ku jirto, ordid. Dh: baxsasho, firxasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caymadin
-ta: (magac, dhedig, keli) caydhin; eryid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caymadis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg caymadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarmaadi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax aroor hore socodsiin; kallihin. la-mid: jermaadi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jarmaadi
v. make someone set out early in the morning
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jarmaadi
(fal) xoolo iyo wax la mid ah, arooryo hore socodsii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jarmaadi
de: make s.o. set out early in the morning
lx: jarmaadi
pd: (jarmaadiyey)
ps: v2a=tr
key: jarmaadi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kamma'id
m.f.dh eeg kamma'². la-mid: kama'id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lammaani
f.mg2 (-iyay, -isay) Ku l.: wax, wax kale ku xoojin, ku labayn, raacsiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lammaani
f.mg2 (-iyay, -isay) Ku l.: wax, wax kale ku xoojin, ku labayn, raacsiin. m.f.dh, lammaanin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lammaani
-da: (magac, dhedig, keli) eeg lammaanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Madmadid
(Madmadid-da)
Mataatixid; diindiimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madmadid
m.f.dh eeg madmad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madmadid
-da: (magac, dhedig, keli) kibir darteed kala mannaanikhid. Dh: kibrid, faaqid, mataatixid.
madmadid -da: (magac, dhedig, keli) ilma yar gacanta qabasho oo kaxayn. Dh: daadihin, dalandalin.
madmadid-da: (magac, dhedig, keli) gabaw darteed kala daadasho oo jeexjeexmid. Dh: jarqiyoobid, humoobid, diidiimid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qammacid
-da: (magac, dhedig, keli) indhaha iyo wejiga ka hanjabid. Haweenku qammacidda iskama daayaan. Dh: huruufid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qammacis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qammacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabaadis
-ka: (magac, lab, keli) neef dhedig oo xilliguu rimi lahaa dhaafay ama rimi waayey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tamminid
(Tamminid-da)
Qiimayn; simid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tamminid
m.f.dh la-mid: temminid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tamminid
-da: (magac, dhedig, keli) qiimaynta; sicirayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tammooti
(Tammooti-da)
1. Neef aan fayoobeyn ama cudur u dhintay oo la qasho.
2. Neefka sidaas ah hilibkiisa; aan dubaax ahayn.
3. Dhimasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tammooti
m.l/dh Neef aan fayoobeen oo cudur dhimanaya oo la qasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tammooti
f. n. animal that died from natural causes ~ its meat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tammooti
-da: (magac, dhedig, keli) neef aan fayoobayn ama cudur u dhintay oo la qasho.
tammooti -da: (magac, dhedig, keli) dhimasho. tammuujad-da: (magac, dhedig, keli) jaad ka mida hubka yar yar ee dhinaca lagu qaato. Midi waxay qaddaa lix xabadood, midina sagaal xabbadood. Dh: bastoolad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tammooti
de: animal that died from natural causes ~ its meat (i.e., it was not slaughtered; such an animal is considered unclean under Islamic law)
initial: t
lx: tammooti
pd: (-da)
ps: n2a-f
key: tammooti
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tanaadid
(Tanaadid-da)
Tanaad noqosho; hodmid; taajirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tanaadid
m.f.dh eeg tanaad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tanaadid
-da: (magac, dhedig, keli) qofku marka uu isku fillaado dhinac wax barsho iyo dhinac dhaqaaleba ee uu muuqdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tanaadin
(Tanaadin-ta)
Tanaad ka dhigid; hodmin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tanaadin
m.f.dh eeg tanaadi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tanaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) tanaad ka dhigid, hodmin. Tanaadinta adeerkay ayaa u sabab ah. Dh: tanaadis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tanaadis
-ka: (magac, lab, keli) eeg tanaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
temmedin
m.f.dh eeg temmedi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
temmedin
-ta: (magac, dhedig, keli) kalluun weyn oo badda ku nool oo hilib macaan. Dh: tebedin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tummaati
(Tummaati-ga)
Nabar waran oo toos iyo gacanqabsi ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tummaati
tummaati¹: m.l/dh Nabar waran oo toos iyo gacanqabsi ah.
tummaati²: f.g1 (-iyay, -iday; -iyi) Waran, mindi iyo wixi lamida iyadoo daabka la haysto qof ku mudid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tummaati
m. n. spear-wound
tummaati v. wound with a spear ~ pointed weapon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tummaati
(fal) nabar toos ah oo waran ah ku dhufo.
tummaati -da: (magac, dhedig, keli) nabar iyo wixii la mid ah, toos iyo gacanqabsi la isugul dhufto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xammaali
m.l Qof ay shaqadiisu tahay in uu dusha wax ku qaado. la-mid: xamaal¹, xamaali, xammaal¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xammaali
m.l Qof ay shaqadiisu tahay in uu dusha wax ku qaado. la-mid: xamaal, xamaali, xammaal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xammaali
m. n. porter, carrier, loader, stevedore
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xammaali
-ga: (n) porter (poortar)-, cargo handler; redcap (reedh-kaap)-, stevedore (istii-vidoor); coolie (kuu-li)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xammaali
-ga: (magac, lab, keli) eeg xamaal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xammaali
de: porter, carrier, loader, stevedore
initial: x
lx: xammaali
pd: (-ga)
ps: n2a-m, n7-m
key: xammaali
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xammayti
-da: (magac, dhedig, keli) dheecan huruud ah oo beeryartu cuntada ku sii dayso. D xameeti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gamaamadid
m.f.dh eeg gamaamad². la-mid: gamaamad¹, gamaamamud¹, gamaamudid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gamaamadid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la qarinaayey wax kale ku hilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aadi
f.g2 la-mid: aaddi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
amad
m.dh Dalagga ka soo go'a beeraha; fasal.