tamayuluq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tamayuluq
-da: (magac, dhedig, keli) caws ama caleen ka baxda xididdada dhirta qaarkeed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
timayuluq
-da: (magac, dhedig, keli) geedbiyood ka baxa dudumooyinka iyo dhulka ciidda jilicsan oo dhulkafuur ah. Dh: damayuluq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuko
-da: (magac, dhedig, keli) wax isku cufan. Buukada tamayuluq baa leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
timayulukh
-da: (magac, dhedig, keli) geed yar oo dhulka ka soo baxa oo aan caleen ubax iyo cagaar midna aan lahayn. Dh: like, diisi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taxaluq
-a: (magac, lab, keli) la xidhiidha; xidhiidh la leh. Dh: saabsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taxalluq
taxalluq¹: m.l la-mid: taxalluqid.
taxalluq²: f.mg1 (-qay, -qday) Ku t.: wax, wax kale ku saabsan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baaluq
(Baaluq-a)
Qof shan iyo toban jir gaarey; qaangaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaluq
baaluq¹: m.l (-qyo, m.dh) B. ah: qof da'di qaangaarnimada gaarey.
baaluq²: f.mg1 (-qay, -qday) Da'dii qaangaarnimada gaarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baaluq
baaluq¹: m.l (-qyo, m.dh) B. ah: qof da'di qaangaarnimada gaarey.
baaluq²: f.mg1 (-qay, -qday) Da'dii qaangaarnimada gaarid. m.f.dh, baaluqid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baaluq
m. n. person who has reached puberty
baaluq v. reach maturity, be about fifteen years old
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baaluq
-ay/day: (v) became mature; approached maturity~ qaangaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaluq
(fal) qaangaadh noqo; xadka baaluqa gaadh. Inankaygii weynaa wuu baaluqay.
baaluq -a: (magac, lab, keli) qaangaadh noqosho; da'da la xisaabtanka. Dh: qaangaadh, qaangaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maluuq
f.g/f.mg1 (-qay, -qday) 1. Madax timo ka wada xiirid. 2. Ku maluuq subag, dhoob, wasaq iyo wixi lamida meel ku dhoobid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maluuq
f.g/f.mg1 (-qay, -qday) 1. Madax timo ka wada xiirid. 2. Ku maluuq subag, dhoob, wasaq iyo wixi lamida meel ku dhoobid. m.f.dh, maluuqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maluuq
(fal) Madax timo ka wada xiirid.
maluuq-a: (magac, lab, keli) eeg malluuq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mayuug
-ga: (magac, lab, keli) qaraar kaste oo aad la iskugu adkeeyo si loo fuliyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taakul
f.g1 (-ulay, -ushay) Cid kaalmo siin. la-mid: taakulee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
taakul
f.g1 (-ulay, -ushay) Cid kaalmo siin. m.f.dh, taakulid. la-mid: taakulee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tamuum
(fal) yohoon oo socod aan soo jeesi lahayn ku jir. Halkeed saaka u tamuumsan tahay. Dh: yahoon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tamuun
f.mg1 (-uumay, -uuntay; -uumi) Meel abbaarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tamuun
v. go directly toward a place
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tamuun
(fal) tuuran oo sida gantaalaha u dhac.
tamuun -ka: (magac, lab, keli) tuuryada xoogga ah iyo xawaaraha uu jaro wax la ganay. Gantaalaha tamuumiyo suntaa tuurista u dhaw e.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tamuun
de: go directly toward a place
initial: t
lx: tamuun
pd: (tamuumay)
ps: v1=intr
key: tamuun
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tamuux
(Tamuux-da)
Cammuud iniino ah oo aan habaas lahayn sida tan dixda ama xeebta; xaani.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tamuux
m.dh Carro shawle ah oo aan habaas lahayn sida tan xeebta; xaano; xaani.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tamuux
f. n. sand granules
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tamuux
-a: (magac, lab, keli) cammuud iniino ah oo aan habaas lahayn sida tan dixda ama xeebta. Dh: xaani.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tamuux
cf: bacaad, cammuud, xaani
de: sand granules
initial: t
lx: tamuux
pd: (-da)
ps: n0-f
key: tamuux
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tayuub
-ka: (magac, lab, keli) caag madaw oo jilicsan oo ka hooseya taayirka babuurka naqaskana celiya.
tayuub -ka: (magac, lab, keli) cinjir shaagga ka hooseeya oo neefta lagu rido, neefta laga buuxsho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaaluq
m.l (-qyo, m.dh) Orgi caato ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aamanuu
m.dh Waqti hore oo aad u fog.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aamanuu
-da: (magac, dhedig, keli) illaa xilli aad u fog. Nimanyahaw hammiga geeli waa aamanuu hora e. Dh: aamanuun, aaman.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Faaruuq
name: Faruk
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Faaruuq
name-m he who distinguishes truth from falsehood, clarifier
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Faaruuq
bw: Arabic
de: Faruk
lx: Faaruuq
ps: name-m
key: Faaruuq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jamuuuq
(fal) liin iyo wixii la mid ah, dheecanka ka tuuji oo miir. Dh: miir, tuuji, xafuuji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saaruuq
-a: (magac, lab, keli) gantaal la rido oo u baxa cirka ama lagu rido meel kale oo dhul ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sambuuq
sambuuq¹: m.l (-qyo, m.dh) Doonta yar.
sambuuq²: m.dh (-qyo, m.dh) la-mid: sambuuqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taabuul
m.l (muus.) Magaca la siiyo durbaannada (nasar) loo adeegsado ciyaar-ta nuumbiga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taakulo
(Taakula-da)
Kaalmo; gargaar; taageero.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taakulo
m.dh la-mid: taakulid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
taakulo
f. n. help, support, assistance
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
taakulo
-taakulada: (n) aid (eeydh); assistance (a-siistnasi); backing (baaking); support (sa-poort) ~ mucaawino, taageero
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Taakulo
Aiuto
Help
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taakulo
-da: (magac, dhedig, keli) wax cid baahan la taro sida deeq la siiyo ama wax kale oo lagaga fillaado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
taakulo
de: help, support, assistance
initial: t
lx: taakulo
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: taageero
key: taakulo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tammuux
-da: (magac, dhedig, keli) ciid aan habaas lahayn, sida tan dixda ama xeebta. Dh: xaani, cammuud. Li: habaas.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaayuul
-ka: (magac, lab, keli) oohin uu calaacal iyo yadaadun weheliyo. Yaayuul nin rag ah looga roon.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aamanuun
-ka: (magac, lab, keli) xilli aad u horreeya; wakhti aad u fog oo la soo jiray; inta la xusuusan yahay. Sheekadani waa mid soo jirtay tan iyo aamanuun. Dh: aaman, aamanuu, weligeed, abidkeed. Li: amminkan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
camaalaq
-a: (magac, lab, keli) kharribaad iyo laaqista wax la qaban doono.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabayuub
-ka: (magac, lab, keli) weel ama koob dhegle ah oo dheer xagga sarana af ballaadhan ku leh, xagga hoosana u yar. Dh: farasle, dabadhuub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dumbuluq
m.dh.sh.r la-mid: dubuq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dumbuluq
(ereycodeed) lagu tilmaansado shanqadha wax biyo ku dhax dhacay sida dhagax oo kale.
dumbuluq -da: (magac, dhedig, keli) dhul kala sarsarreeya oo socodka ku adag.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
namaruug
-ga: (magac, lab, keli) jaad geedgaabla ka mid ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taakulay
(fal) cid kale, caawi oo u gargaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taakulee
f.g2 (-leeyay, -leysay) la-mid: taakul.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
taakulee
v. help, support
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
taakulee
-yey/taakuleysey: (v) aid (eeydh); support (sa-poort); give a helping hand; assist (a-siist) ~ saacid, caawin, tabantaabi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taakulee
(fal) gargaar oo kaalmee. Dh: waxtar, taageer, gargaar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
taakulee
de: help, support
initial: t
lx: taakulee
pd: (taakuleeyey)
ps: v2b=tr
key: taakulee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taakulid
m.f.dh taakul. la-mid: taakulayn, taakulo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taakulid
-da: (magac, dhedig, keli) kaalmayn; taageerid; caaminid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tafarruq
tafarruq¹: m.l la-mid: tafaraaruq¹.
tafarruq²: f.mg1 (-qay, -qday) la-mid: tafa-raaruq².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tafarruq
-a: (magac, lab, keli) khilaafka iyo isdiiddada lagu kala tego.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tamashle
(Tamashla-ha)
Socod la gaabinayo oo oogada jeel iyo raaxo u leh oo lagu daal iyo curuq tiranayo; socod aan meel gaar ah loo socon, xarragona ku jirto; manjabbaxsi; lugabbaxsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tamashle
m.l Lugabbaxsi; manjabbaxsi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tamashle
m.l Lugabbaxsi; manjabbaxsi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tamashle
m. n. stroll, peaceful ~ rambling walk, slow gait
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tamashle
-tamashlaha: (n) touring (tuuring); saunter (soontar), especially for pleasure; stroll (is tarowl). Ex: waxaan u baxnay tamashle; we went on a touring ~ lugabaxsi, majabaxs
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tamashle
-ha: (magac, lab, keli) socod la gaabinaayo oo oogada jeel iyo raaxo u leh oo lagu daal iyo curuqtirto. Tamashlaha inaad daawataa saw dantaa ma aha? Dh: dalxiis, manjabaxsii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tamashle
de: stroll, peaceful ~ rambling walk, slow gait
initial: t
lx: tamashle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: tamashle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xamasuud
-da: (magac, dhedig, keli) iniinyo madmadaw oo xulbadda laale'eg oo dawo ahaan iyaga ama saliid laga miiro loo isticamaalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaculus
m.l Hal marka ay rinto si dhaqso ah aan u goojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qamanyuus
m.l Xiridda hal godol diiddey ama ilmaha diidday xarig sanka looga xiro oo neefta lagu celiyo si ay u godlato ama ilmaha u oggolaato.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qamanyuus
-ka: (magac, lab, keli) xiridda hal godol diiddey ama ilmaha diidday xarig sanka looga xiro oo neefta lagu celiyo si ay u godlato ama ilmaha u oggolaato.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tamar leh
(adj) dynamic (dhaay-naamik); active (aak-tiv); powerful (paawer-fuul) ~ firfircoon
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tamashlee
f.g2 (-leeyay, -leysay) 1. Socod raaxaysi leh meel aan fogayn ku tegid. 2. Safar dalxiis ah meel dheer ku tegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tamashlee
f.g2 (-leeyay, -leysay) 1. Socod raaxaysi leh meel aan fogayn ku tegid. 2. Safar dalxiis ah meel dheer ku tegid. m.f.dh, tamashlayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tamashlee
v. stroll, ramble
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tamashlee
-yey / tamashleysay: (v) walk around leisurely; wander (wan-dher); mosey (moow-zi); stroll (istarowl)-, saunter (soontar)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tamashlee
(fal) socod tamashle ah samayn. tamashley: (fal) socod taxtaxaashin ah soco oo dalxiis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tamashlee
de: stroll, ramble
initial: t
lx: tamashlee
pd: (tamashleeyey)
ps: v2b=intr
key: tamashlee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaylkulul
-ta: (magac, dhedig, keli) dabayl diiran oo qallalan oo ka dhacda dhinaca buurta ee duggaalka ah, waxaana aad loogu yagaan waadiga buurta Albasta woqooyi, halkaas oo uu magacu ka soo askunmay.