tamaandho
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tamaandho
f. n. tomato ~ tomatoes
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
TAMAANDHO
(Tamando) N, Og Lycopersicum esculentum Mill. Solanaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tamaandho
-tamaandhada: (n) tomato (ta-meeytow); tomatoes ~ yaanyo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tamaandho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg tamaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tamaandho
de: tomato ~ tomatoes
initial: t
lx: tamaandho
pd: (/da)
ps: n6-f-enum
key: tamaandho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tamandho
m.dh Yaanyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tamandho
m.dh Yaanyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Karmaandho
(Karmaandha-da)
Kalluunka badda jaad kamid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karmaandho
m.dh Kalluunka badda nooc ka mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
karmaandho
f. n., [collective] very small saltwater fish species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karmaandho
-da: (magac, dhedig, keli) kalluunka badda jaad ka mid ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
karmaandho
de: very small saltwater fish sp. {E}
lx: karmaandho
pd: (/da)
ps: n-f-col
key: karmaandho
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
tomato
/tomeyto/ (tamaandho). (n) yaanyo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanqaaro
-da: (magac, dhedig, keli) bagadho yar oo qaadda cantoobo muggeed oo mudho ah; daasadda yar ee qasaaca laga faaruqiyo. Dh: tamaandho.
xanqaaro -da: (magac, dhedig, keli) cantoobo buuxda oo midho ah. Dh: xantoobo, cantoobo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
tomate
tomate, n.f. - tamaandho; yaanyo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taandho
-da: (magac, dhedig, keli) taanbuug: khaymad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
samaansho
m.l/dh eeg samow. la-mid: samaan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax san noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabnaansho
m.l/dh la-mid: tabnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabnaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax la taabay ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taxnaansho
m.l/dh la-mid: taxnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tumnaansho
m.l/dh la-mid: tumnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tumnaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax meel la tumay ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
amaaho
f.g3 (-hday, -hatay) Amaah qaadasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
amaaho
f.g3 (-hday, -hatay) Amaah qaadasho. m.f.dh, amaahasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
amaaho
v. borrow (for oneself)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
amaaho
-amaahday / amaahatay: (v) take loan for yourself; borrow for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
amaaho
(fal) cid kale xoolo ka sii deynso; qof kale qaan wax kaga iibso. Amaaho haddaanad haysan lacag kugu filan. Dh: qardayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
amaaho
de: borrow (for oneself)
lx: amaaho
pd: (amaahday / amaahatay)
ps: v3b=
key: amaaho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tamaad
-ka: (magac, lab, keli) geedgaab bixiya midho cas cas oo cuntada lagu daro.
tamaad -ka: (magac, lab, keli) midhaha ka baxa geedka tamaadka. Dh: xabuub, yaanyo, tamaad, tamaato, tamaandho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baandho
m.dh Isku qasidda ranka iyo biigga turubka. la-mid: baandhayn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baandho
-baandhada: (n) shuffling; mixing together
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baandho
-da: (magac, dhedig, keli) turubka is dhexgelintiisa si haadadku isugu dhafmaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maandha
u.j la-mid: maandhay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maandha
n. phr. daughter!
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maandha
de: daughter! {C & S}
lx: maandha
pd: (maandhay)
ps: np-voc
key: maandha
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maandhe
u.j Erey qof labood ah oo lala hadlayo, waalidna loo yahay, dareenkiisa lagu soo jeediyo. la-mid: maandhow.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maandhe
u.j Erey qof labood ah oo lala hadlayo, waalidna loo yahay, dareenkiisa lagu soo jeediyo. la-mid: maandhow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maandhe
n. phr. son!
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maandhe
(ereydhawaaq) qof labood ah oo lala. hadlayo, waalidna loo yahay, dareenkiisa lagu soo jeediyo. Dh: maandhow, wiiloow.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maandhe
de: son! {C & S}
lx: maandhe
pd: (maandhow)
ps: np-voc
key: maandhe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maansho
-ha: (magac, lab, keli) barwaaqo iyo wanaag cid walba gaadha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
talaado
m.dh Todobaadka maalin ka mid ah oo u dhaxaysa isniinta iyo arbacada. la-mid: salaasa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tamaato
-da: (magac, dhedig, keli) eeg tamaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tamanda
Hadal aan madax iyo manjo midna lahayn; cantar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tamanda
f. n. meaningless talk, babble
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tamanda
-a: (magac, lab, keli) hadal aan madax iyo manjo midna lahayn. Dh: cantar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tamanda
de: meaningless talk, babble Alt sp: tamanda'
initial: t
lx: tamanda
pd: (-da)
ps: n-f
key: tamanda
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
timaado
-da: (magac, dhedig, keli) xilli aan weli la gaadhin oo soo socda. Dh: tagto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ahaansho
(Ahaansha-ha)
Noqosho; si, ku sugnaansho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ahaansho
m.l/dh eeg ahow. la-mid: ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ahaansho
-ha: (magac, lab, keli) ku sugnaanta si ama xaalad gaar ah. Ahaanshaha aad tahay arday, ayaan kuugu abaal guday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacandho
m.dh la-mid: gaxandho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gacandho
f. n. small plant species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacandho
-da: (magac, dhedig, keli) geedgaab yaryar oo dhulka ku dagaaga oo bixiya midho kuuskuusan oo dusha qodaxyo ku leh oo aan cagaag lagu dul mari karin. Dh: gucundho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gacandho
de: small plant sp.
lx: gacandho
pd: (/da)
ps: n6-f-enum
see: gaxandho
key: gacandho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gamaanyo
(Gamaanya-da)
Hurdo; lulmo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gamaanyo
m.dh Lulmo; hurdo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gamaanyo
m.dh Lulmo; hurdo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gamaanyo
f. n., [abstract] drowsiness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gamaanyo
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar ay wada dheelaan ragga iyo haweenku oo caan ku ah gobolka Shabeellada hoose iyo meelo kale. Qalabka loo qaato ama lagu ciyaaro waxaa ka mid ah durbaan weyn oo la yiraahdo Yoome, durbaan yar oo la yiraahdo Jabuu iyo teneg.
gamaanyo -da: (magac, dhedig, keli) hurdada ka hor, caajiska iyo hamaansiga la yeesho; dareenka lagu garto in ay qof hurdo hayso. Gamaanyo ayaa haysa cunugee seexi. Dh: hurdo, lulmo, lulo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gamaanyo
cf: gama'
de: drowsiness
lx: gamaanyo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: gamaanyo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaxandho
(Gaxandha-da)
Geed yar oo qodxo leh oo geelu daaqo (ama gocondho).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaxandho
m.dh Geed nagaar faalala, xooluhu cunaan, dhalo miro qodax leh oo markay qallalaan muda dadka iyo xoolaha. la-mid: gacandho, gocondho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gaxandho
m.dh Geed nagaar faalala, xooluhu cunaan, dhalo miro qodax leh oo markay qallalaan muda dadka iyo xoolaha. la-mid: gacandho, gocondho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaxandho
f. n. small plant species, with thorny fruits on which camels feed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gaxandho
-gaxandhada: (n) a small, thorny plant
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaxandho
-da: (magac, dhedig, keli) midhaha qodaxda leh oo ka baxa geed yar oo qodxo leh oo geelu daaqo. Dh: gocondho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaxandho
a: gacandho
de: small plant sp., with thorny fruits on which camels feed
lx: gaxandho
pd: (/da)
ps: n6-f-enum
key: gaxandho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hamaanso
f.mg3 (-saday, -satay) 1. Hurdo ama caajis awgiis af la kala qaadid. 2. Naftii baa ka h. satay: wuu dhintay. 3. la-mid: hamaan².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hamaanso
f.mg3 (-saday, -satay) 1. Hurdo ama caajis awgiis af la kala qaadid. 2. Naftii baa ka h. satay: wuu dhintay. 3. la-mid: hamaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hamaanso
v. yawn, gape
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hamaanso
-hamaansaday / hamaansatay: (v) yawn (yoon)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hamaanso
(fal) astaanta in ay hurdo ku hayso laga garto yeelo oo afka kala waax, oo neef badan ka keen.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hamaanso
de: yawn, gape
lx: hamaanso
nt: hamaansad (ka) [vn-m], hamaansasho (/da) [vn-f], hamaansi (ga) [vn-m]
pd: (hamaansaday)
ps: v3a=
key: hamaanso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Imaansho
(Imaansha-ha)
Meel la yimaado; ~ imaatinka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
imaansho
vl. n. arrival
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
imaansho
-ha: (n) the act of arriving; arrival (a reey-val); showing up (show-ing ap) ~ imaatin-ta
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
imaansho
de: arrival
lx: imaansho
pd: (/ha)
ps: vn6-f-st
key: imaansho
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
imaansho
وصول، مجيء
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
KAXANDHO
Indigofera colutea 01
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
KAXANDHO
(Kahando) C Kelleronia bricchettii Chiov. Zygophyllaceae.
C, Og Indigofera colutea (Brum. F.) Merr. Papilionaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maandhow
u.j la-mid: maandhe.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MASAANDO
(Masando) S Sorghum arundinaceum (Desv) Stapf. Gramineae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qamaanyo
-da: (magac, dhedig, keli) baryo qabqabsi ah oo la moodo boob.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Samaanyo
(Samaanya-ha)
(waayadii hore) xoolo wiilka dhasha laga bixiyo oo dad gaar ah (yibir, caadaqaate) la siiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
samaanyo
m.l/dh (Waayadii hore) xoolo wiilka dhasha laga bixiyo oo la siiyo dad gaar ah (yibir, caadaqaate).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
samaanyo
m.l/dh (Waayadii hore) xoolo wiilka dhasha laga bixiyo oo la siiyo dad gaar ah (yibir, caadaqaate).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
samaanyo
m. n. gift traditionally given to a member of the Yibir caste, in return for his blessing on a newborn child
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samaanyo
-da: (magac, dhedig, keli) waagii hore, xoolo la siiyo caadaqaate oo laga bixiyo wiilka dhasha lana siin jiray Yibraha.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
samaanyo
cf: xamfaley, Yibir
de: gift traditionally given to a member of the Yibir caste, in return for his blessing on a newborn child
initial: s
lx: samaanyo
pd: (/ha)
ps: n6-m
key: samaanyo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaandho
(Shaandha-da)
1. (turub) warqadaha oo la isku qaso; la shaandheeyo.
2. Arrin inta dib loogu noqdo, dadkeedii laysku celceliyo ama laysku bedbeddelo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaandho
m.dh 1. Isku qasidda warqadaha turubka laysku qaso. 2. Isku beddelidda la isku beddelo dad jagooyin haya. 3. Qalab wax lagu kala miiro. 4. S. ah: wax daldalool badan leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shaandho
m.dh 1. Isku qasidda warqadaha turubka laysku qaso. 2. Isku beddelidda la isku beddelo dad jagooyin haya. 3. Qalab wax lagu kala miiro. 4. S. ah: wax daldalool badan leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaandho
f. n.; [vn.]: sieve, strainer; mixing, shuffling
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shaandho
-shaandhada: (n) the act of mixing or shufflilg
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaandho
-da: (magac, dhedig, keli) weel daldaloola oo wax lagu kala saaro. Shaandho ayaa lagu kala saaray budadii iyo buushigii.
shaandho-da: (magac, dhedig, keli) warqadaha turubka oo la isku qaso; baandho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaandho
cf: miire
de: sieve, strainer; [vn] mixing, shuffling
initial: s
lx: shaandho
pd: (/da)
ps: n6-f
key: shaandho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tamanda'
tamanda'¹: m.l Hadal aan madax iyo manjo midna lahayn; cantar.
tamanda'²: f.mg1 (-'ay, -'day; -di'i) Hadal badan oo aan murti lahayn ku hadlid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
taqaanno
v., sg., relative form present habitual: that you know / that she knows
taqaanno v., sg., opt. form: may you know / let her know