talantaalliyid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
talantaalliyid
-da: (magac, dhedig, keli) si isweydaarin ah u qabad. Talantaalliyid ayey ku wadaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Talantaalli
(Talantaalli-da, Talantaalli-ga)
Isweydaar; isdhaaf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
talantaalli
m.l 1. Wax si kala googo'an oo waqti u dhexeeyo u dhaca. 2. Laba xaglood oo isla eg oo iska soo horjeeda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
talantaalli
f. n./m: exchange, alternation, reciprocation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
talantaalli
(fal) si isweydaar ah u qabo. Dh: isdhaaf.
talantaalli -ga: (magac, lab, keli) si iswaydaar ah wax u samee. Dh: isdhaaf, toot.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
talantaalli
de: exchange, alternation, reciprocation
initial: t
lx: talantaalli
pd: (-da ~ -ga)
ps: n2a-f/m
key: talantaalli
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Talantaalis
Nooc kamid ah baanadaha ee leh madax sugan oo furan iyo mid faraati-xaglood ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalqaalliyid
-da: (magac, dhedig, keli) diyaarin; isku sii dubbaridid oo sii habayn. Qalqaalliyidda xafladda ayaan ku masquulsanahay Dh: diyaarin.
qalqaalliyid-da: (magac, dhedig, keli) fudfududaan aan la isku dirin samayn. oo kolba wax Qalqaalliyiddu carruurta ayay ku roon tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kadaalliyid
(Kadaalliyid-da)
Xasilid la'aan; joog iyo fadhi diidid; kirtamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kadaalliyid
m.f.dh eeg kadaalli².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kadaalliyid
-da: (magac, dhedig, keli) xasilid la'aan; fadhi iyo joog diidid. Dh: kirtamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tafantaacid
-da: (magac, dhedig, keli) daandaansi iyo annaaniyo aan lala kala gabban. Tafantaacida iga jooji. Dh: gardarraysi, tafantaacis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
talantalxay
(fal) xoolo jeellan jaan milix ama xabow ku dhanaani oo sarriigad u yeel. Dh: darmin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
talanteelid
m.dh la-mid: teelteelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
talanteelid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan isku dhoweyn noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Balanbaallis
(Balanbaallis-ta)
Cayayaan afar baal oo waaweyn oo xardhan oo qurux badan leh; baalley-baro; babbisjinni.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
balanbaallis
فَرَاشَةَ، فَرَاشِ، بَشَّارَة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalambaabbiyid
m.f.dh eeg dalambaabbi. la-mid: dalambaabbi¹ (2), dalambaabbin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalambaabbiyid
-da: (magac, dhedig, keli) carcaraaf iyo dhibaato ku jirid. Dh: rafaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalanbaabbilid
-da: (magac, dhedig, keli) si diifaysani ahu socod. Dalanbaabbilidda daalkaa iigu wacan. Dh: daalaadhicid.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BALANBAAL-BIYOOD
(Balanbal-biod) S Sesbania sesban (L) Merr. Papilionaceae.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
balanbaalis
butterfly
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
balanbaalis
-ta: (n) butterfly (bater falaay) ~ babbisjinni
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balanbaalis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg balambaalis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagataallay
(fal) (ka ~) ka warwareeg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Calaanjiyid
(Calaanjiyid-da)
Si calaanji ah wax u qabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaanjiyid
m.f.dh eeg calaanji². la-mid: calaanji¹, calaanjin, calaanjis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calansaarid
m.dh la-mid: calansaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calansaarid
-da: (magac, dhedig, keli) qaran, gobannimo qaadasho oo calan xor ah taagid, xorriyadqaadasho. Dh: xorriyad, xoroobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daba'aallid
-da: (magac, dhedig, keli) ka dambayn oo xagga dambe jirid. Daba'aallid anaa diiday. Dh: daba'oollid, dambayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daba-aallid
m.f.dh eeg daba-aal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhantaalmid
m.f.dh eeg dhantaalan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhantaalmid
-da: (magac, dhedig, keli) mid kala dhiman oo ay wax u dhimanyihiin ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falaanjiyid
m.dh la-mid: falaanjin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hantaaticid
m.f.dh eeg hantaatac². la-mid: hantaticid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tabantaabin
(Tabantaabin-ta)
Kaalmayn; gargaarid; daryeelid; taageerid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabantaabin
m.f.dh eeg tabantaabi. la-mid: tabantaabo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabantaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) kaalmayn, gargaarid, taageerid ama daryeelid. Dh: gargaarid daryeelid, kaalmayn, taageerid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabantaabis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg tabantaabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tafantaacis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg tafantaacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tahanbaabid
-da: (magac, dhedig, keli) (ku ~) ku hungoobid, ku lugo'id.
tahanbaabid -da: (magac, dhedig, keli) luggo'id: hungoobida.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taltalliini
m.l/dh (riw.) Aktarka majaajillada sameeya oo dadka ka qososhiya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
taltalliini
m.l/dh (riw.) Aktarka majaajillada sameeya oo dadka ka qososhiya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balambaallis
m.dh Cayayaan afar baal oo waaweyn, xardhan oo qurxoon leh; baalleybaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
balambaallis
f. n., [collective] butterfly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balambaallis
-ta: (magac, dhedig, keli) cayayaan baadad leh oo aad u qurux badan oo midabyo leh. Waxa ay jeceshahay ubaxa iyo doogga dushiisa oo ay ku fadhiisataa. Sida meel barwaaqaa, oo buuro dhaadheer, ballambaallis qalimo leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
balambaallis
bw: balanbaallis
de: butterfly
lx: balambaallis
pd: (-ta)
ps: n6-f-col
syn: baalalley, baalleybaro, babbisjinni
key: balambaallis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cagataallayn
m.f.dh eeg cagataallee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagataallayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ka warwareegid; ka meermeerid; ka cagadtaallays.
cagataallayn -ta: (magac, dhedig, keli) «ka ~» ka warwareeg, ka meermeer. Dh: ceegataallayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagataallays
-ka: (magac, lab, keli) eeg cagataallayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calanwalleyn
m.f.dh eeg calanwallee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calanwalleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) seben wanaagsan ku jirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dannaanniyid
m.dh la-mid: danaanyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dannaanniyid
-da: (magac, dhedig, keli) dhan u ciirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fooxaalliyid
m.f.dh eeg fooxaalli². la-mid: fooxaallin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fooxaalliyid
-da: (magac, dhedig, keli) geesinimo been ah muujin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haantaawilif
haantaawilif¹: m.l Dhibaato kala lumisa dad wada nool iyo xoolahooda.
haantaawilif²: f.mg1 (-fay, -ftay) Cido, ama dad iyo duunyo dhibaato darteed kala lumid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haantaawilif
f. n. difficulty, difficult ~ unstable situation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haantaawilif
-ka: (magac, lab, keli) xaalad aad u adag ama daran.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haantaawilif
de: difficulty, difficult ~ unstable situation
lx: haantaawilif
pd: (-ta)
ps: n0-f
key: haantaawilif
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
handoolliyid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg hamboorriyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
makalaalixid
m.f.dh eeg makalaalax².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tarantallaal
m.l (baay.) Qaab taran jinsila' oo ka dhaca dhirta, halkaas oo ay ka samaysmaan dhismayaal gaar ah oo unugyo badanley ah, kuwaas oo harka dambena ka go'a waalidkood. Tusaale: 'Tuyuubar iyo balbka'.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haantaawilfid
m.f.dh (-fay, -ftay) eeg haantaawilif².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoollaalliyid
m.f.dh eeg qoollaalli². la-mid: qoollaalli¹ (1).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoollaalliyid
-da: (magac, dhedig. keli) eeg qoodaaliyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabtalantaalli
-ga: (magac, lab, keli) nooc danabka ka mid ah oo qulqulkiisu talantaalli yahay, sida korontada. Korontada guryaha ku jirtaa waa dabtalantaalli. Li: dabtoosan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maansabooliyid
m.f.dh eeg maansabooli². la-mid: maansabooli¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maansabooliyid
-da: (magac, dhedig, keli) maanso cid kali leedahay fasax la'aan ku qaadasho; maanso booli ah qaadasho. Maansabooliyiddu xoolobooliyid kama dhacdo.