talajir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
talajir
f.mg1 (-ray, -rtay) Ku t.: wax samayntooda ku talaggelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
talajir
f.mg1 (-ray, -rtay) Ku t.: wax samayntooda ku talaggelid. m.f.dh, talajirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taajir
(Taajir-ka)
1. Qof tijaaro ama ganacsi hawshiisu tahay; geddisley.
2. Qof hanti badan leh; hodan; tanaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taajir
taajir¹: m.l.kh (-rro, m.dh) T. ah: qof maal ama hanti badan leh.
taajir²: f.mg1 (-ray, -rtay) Maal badan yeelasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
taajir
taajir¹: m.l.kh (-rro, m.dh) T. ah: qof maal ama hanti badan leh.
taajir²: f.mg1 (-ray, -rtay) Maal badan yeelasho. m.f.dh, taajirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
taajir
m. n. rich ~ well-off person; merchant
taajir [inchoative] v. become rich
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Taajir
nickname; name-m rich
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
taajir
-ka: (n) rich man; wealthy man
taajir -ay/tay: (v) become rich; become wealthy -taajir -ah: (adj) rich (riij); wealthy (weelthi); moneyed (moni-yidh); affluent (af-fuluwent) ~ qani
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Taajir
magac loo baxsho wiil loo rajaynayo in uu noqdo mid hanti leh ama ladan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taajir
-ka: (magac, lab, keli) qofka hantida badan leh. Taajir ayaa xoolo badan ugu deeqay masaakiinta. Dh: hodon, tanaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Damacsan
Ku talajira; doona haya; raba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taamid
(Taamid-da)
(ku taamid) in badan ku talajirid; uurka ku hayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
damacsan
(tilmaame) wax samayntii ku talajira. Dh: doonaya, raba.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taam
(fal) kuku talajir, higso, caloosha ku hay inaad samayso, ku welwel. Waxa lagu taamo waa la helaa.
taam: (tilmaame) wax buuxa ama aan dhinnayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taamid
-da: (magac, dhedig, keli) (ku ~) in badan ku talajirid; uurku hayn, calool ku hayn ama ku dhololid. Waxaan ku taamaa inaan guri dhiso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ku_talajir_1
de: plan (on ~ for)
hm: 1
lx: ku talajir
pd: (talajiray)
ps: v1=expr
see: talajir
key: ku_talajir_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ku_talajir_2
de: plan (to ~ on ~ for), consider, intend to do s.t.
hm: 2
lx: ku talajir
pd: (talajiray)
ps: v1=expr
key: ku_talajir_2
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
show_2
de: but, on the contrary Introduces contradictive statements
hm: 2
initial: s
lx: show
ps: conj
xe: I was planning to go to Mogadishu, but all the roads were closed!
xv: Inaan Xamar tago baan ku talajiray, show dariiqyadu wey wada xirnaayeen!
key: show_2
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ugu_talajir
de: prepare for s.o., s.t. ~ some purpose
initial: u
lx: ugu talajir
pd: (talajiray)
ps: v1=expr
key: ugu_talajir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
talajirid
m.f.dh eeg talajir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
talajirid
-da: (magac, dhedig, keli) «ku arrin iyo talo inay si u dhacaan ama loo qabto filasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taaji
f.g2 (-iyay, -isay) Qof ama wax meel istaajin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
taaji
f.g2 (-iyay, -isay) Qof ama wax meel istaajin. m.f.dh, taajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daljir
* (Daljir-ka)
Askari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daljir
m.l (-rro, m.dh) Qof ciidanka qalabka sida ka mid ah oo qaabilsan difaaca dalka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daljir
m.l (-rro, m.dh) Qof ciidanka qalabka sida ka mid ah oo qaabilsan difaaca dalka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daljir
m. n., [compound] soldier
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daljir
-ka: (n) soldier (soljar) ~ askari. Ex: daljirka daahsoon; the unknown soldier
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daljir
-ka: (magac, lab, keli) qof ilaaliya danaha waddankiisa sida askariga.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daljir
de: soldier
lx: daljir
pd: (-ka)
ps: n7-m-cmp
xe: the statue of the unknown soldier
xv: taallada daljirka daahsoon
key: daljir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faajir
(Faajir-ka)
Macsilow; saani; dhillay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faajir
m.l (-riin/-rro, m.dh) Nin wax diintu xaaraantimaysay sameeya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faajir
m.l (-riin/-rro, m.dh) Nin wax diintu xaaraantimaysay sameeya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faajir
m. n. womanizer, adulterer; {religion} non-believer, infidel
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faajir
-ka: (n) heretic (heratik); unbeliever of Islamic faith [religion] ~ gaal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faajir
-ka: (magac, lab, keli) qof denbi iyo dulmi badan sameeya; qof macsilow ah. Faajir looma hiiliyo. Dh: daalin, macsilow.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faajir
bw: Arabic
de: womanizer, adulterer; {religion} non-believer, infidel
lx: faajir
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: faajir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haajir
haajir¹: m.l 1. Qof dal durugsan aadaya. 2. la-mid: haajirid. la-mid: haayir¹ (3).
haajir²: f.mg1 (-ray, -rtay) Qof meeshii uu ku noolaa ka qaxid. la-mid: haayir².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haajir
f.mg1 (-ray, -rtay) Qof meeshii uu ku noolaa ka qaxid. m.f.dh, haajirid. la-mid: haayir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haajir
v. migrate, emigrate, immigrate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
haajir
-ey / tay: (v) leave one country or region to settle in another; migrate (maay-gereyt), emigrate (emegareeyt) ~ haayir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haajir
(fal) socdaal oo meel aad degganayd meel kale uga guur. Iskaga haajir waddanka haddaad amaan ku waydo. Dh: haayir, dalandool, guur, hayaan. Li: negaw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haajir
a: haayir
bw: Arabic
de: migrate, emigrate, immigrate
lx: haajir
pd: (haajiray)
ps: v1=intr
key: haajir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taajin
m.f.dh eeg taaji. la-mid: taajis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taajin
-ta: (magac, dhedig, keli) sare u joojin. Dh: taajis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taajis
m.l la-mid: taajin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taajis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg taajin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taayir
-ka: (magac, lab, keli) eeg taayar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tataji
f.g2 (-iyay, -isay) Cid hore u ridid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tataji
v. push, shove someone forcefully
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tataji
(fal) degdeg ku samee; dedeji.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tataji
de: push, shove s.o. forcefully
initial: t
lx: tataji
pd: (tatajiyey)
ps: v2a=tr
syn: taqaantaqi
key: tataji
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalajar
-ka: (magac, lab, keli) kalaggoyn; labo kaga kala dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalajin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qallajin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Taajiro
pr. n., [feminine] Tajira
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Taajiro
nickname; name-f rich
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Taajiro
de: Tajira
initial: t
lx: Taajiro
ps: name-f
key: Taajiro
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tacabir
-ay / tay: (v) risk one's life to immigrating to an unknown place or country; take risks ~ tacabur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Talalid
(Talalid-da)
Jibaadid; madaarid; taahid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
talalid
m.f.dh eeg talal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
talalid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg taahid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tatajin
m.f.dh eeg tataji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tatajin
-ta: (magac, dhedig, keli) degdeg u samayn. tatashiilo: (fal) maradhaarayso; dhaqaalayso.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
taxadir
caution
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
taxadir
m. n. care, prudence
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
taxadir
de: care, prudence Alt sp: taxaddir
initial: t
lx: taxadir
pd: (-ka)
ps: n2-m
see: taxaddar
key: taxadir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wadajir
(Wadajir-ka)
Isku dhinac ahaan; meel ka soo wada jeeda; isku jaal; wadataal; midnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wadajir
wadajir¹: m.l Wax wada socda.
wadajir²: m.dh (-ro, m.l) 1. Xisaab laba tiro ama ka badan oo laysku daray waxa ka soo baxa. 2. Naxwo, hal wax ka badan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wadajir
m.dh (-ro, m.l) 1. Xisaab laba tiro ama ka badan oo laysku daray waxa ka soo baxa. 2. Naxwo, hal wax ka badan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wadajir
m. n., [compound] (adj.): solidarity, togetherness, unity; together, jointly, in common
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wadajir
-ka: (n) union (yuun-yan); combination (koom-be-neey-shin); unification (yuni-fi-keey-shiri); unity (yuu-niti); —wadajir -ay / tay / een / nay: (v) being together; unite (yu-naayt); unify (yuuni-faay);
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Wadajir
Insieme
Togetherness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadajir
-ka: (magac, lab, keli) midnimo iyo wadashaqayn dhex marta laba dhinac iyo in ka badan; midnimo iyo idku kalsoonaan. Ilko wadajir bay wax ku gooyaan. Dh: midnimo, iskaashi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wadajir
cf: daawo, hantiwadaag, iskaashato
de: solidarity, togetherness, unity; [atr.] together, jointly, in common
initial: w
lx: wadajir
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: wadajir
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku talajir
v. plan (to ~ on ~ for), consider, intend to do something
ku talajir: v. plan (on ~ for)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
astaajir
m.l.u (-rro, m.dh) Awr badan oo isku xiriirsan oo xamuul sida.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halaajin
(Halaajin-ta)
Halaag ku ridid; halaagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halaajin
m.dh la-mid: halaagid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halaajin
-ta: (magac, dhedig, keli) halaag ku ridid; halaagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halaajis
m.l la-mid: halaagid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halaajis
-ka: (magac, lab, keli) eeg halaajid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laqlajis
m.dh (botani) Geed faalala oo leh laamo iyo caleemo jilicsan oo xooluhu daaqaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laqlajis
m.dh (botani) Geed faalala oo leh laamo iyo caleemo jilicsan oo xooluhu daaqaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Malabcir
(Malabcir-ka)
Cunno macaan oo Banii-lsraa'iil - mucjiso ahaan - cirka looga soo daadshey; manna.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malabcir
m.l (dii.) Cunno macaan oo reer Banii Isra'iil mucjiso ahaan cirka looga soo daadshey.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
malabcir
m. n. manna
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malabcir
-ka: (magac, lab, keli) cunno macaan oo reer Banii Isra'iil mucjiso ahaan cirka looga soo daadshey kolkii ay tiiha iyo wareerka ku jireen.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
malabcir
de: manna
lx: malabcir
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: malabcir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qallajin
(Qallajin-ta)
Wax qallalan ka dhigid; engejin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qallajin
m.f.dh eeg qallaji. la-mid: qallajis¹.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qallajin
-ta: (n) drying (daraay-ing); removing the moisture from
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qallajin
-ta: (magac, dhedig, keli) engejin oo qoyaanka ka bi'in; wax engegsan oo adag ka dhigid. Bustuhu wuu qoyan yahay oo qallajin ayuu u baahan yahay. Dh: engejin, qallajis. Li: qoyn, radin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qallajis
(Qallajis-ta)
Bahal yar oo jaadad badan ah; waxay sida mulaca leedahay dhex dhuuban, dabo dheer, afar addin, waxayna u badan tahay dhulalka kulkulul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qallajis
qallajis¹: m.l la-mid: qallajin.
qallajis²: m.l.u (cilmiga naflayda) Xamaarato yar oo jaadad badan ah oo leh dhex dhuuban, dabo dhuuban iyo afar addin oo sida badan ku nool dhulka kuleylaha ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qallajis
m.l.u (cilmiga naflayda) Xamaarato yar oo jaadad badan ah oo leh dhex dhuuban, dabo dhuuban iyo afar addin oo sida badan ku nool dhulka kuleylaha ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qallajis
f. n. lizard species
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qallajis
-ta: (n) lizard (liz'ardh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qallajis
-ta: (magac, dhedig, keli) bahal yar oo u eg siilaanyada kana roon oo mulaca ka yar oo badanaa lagu arko gidaarrada iyo jidhifta dhirta waaweyn. Dh: qorrato, wasakhad.
qallajis -ta: (magac, dhedig, keli) eeg qallajin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qallajis
de: lizard sp.
lx: qallajis
pd: (-ta)
ps: n2a-f
syn: qorrato {C & S}
key: qallajis
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
saladier
saladier, n.m. - weelka salaalada lagu diyaariyo.