takhantakhood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
takhantakhood
m.f.l eeg takhantakhoo. la-mid: tukhuntukhood.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

takhantakhoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Qof la harbiyay hore u turunturrood. la-mid: tukhun-tukhoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
takhantakhoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Qof la harbiyay hore u turunturrood. la-mid: tukhuntukhoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Takhantakho
(Takhantakha-da)
Qof is xajina haya oo isagoo jeegada la hayo, xoog horay loogu wado, loogu harbiyo, loo turaanturreeyo (ama tukhuntukho).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
takhantakho
m.dh Qof isxejinaya oo xoog horay loogu wado, loo harbiyo. la-mid: tukhun-tukho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
takhantakho
m.dh Qof isxejinaya oo xoog horay loogu wado, loo harbiyo. la-mid: tukhuntukho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
takhantakho
f. n. rough push forward
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
takhantakho
-da: (magac, dhedig, keli) qof is xejinaya oo isagoo jeegada la hayo, xoog hore loogu wado. Takhantakhada ka daa oo aayar kaxee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
takhantakho
cf: turunturro
de: rough push forward
initial: t
lx: takhantakho
pd: (/da)
ps: n6-f
key: takhantakho
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
takhantakhow
v. stumble, trip
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
takhantakhow
de: stumble, trip (e.g., as a result of being pushed)
initial: t
lx: takhantakhow
pd: (takhantakhooday)
ps: v3a=intr
key: takhantakhow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
turunturrood
-ka: (magac, lab, keli) kufitaan ku sigadka, ay keenaan wax aad ku joogsato.
turunturrood: (fal) adoo soconaya, inaad hore u dhacdo ku sigo, turunturood ayaan ku sigtay xoshood dartii. Dh: takhantakhood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
takhantakhi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: takhan-takhee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
takhantakhay
(fal) hore u harbi oo sidaas ku sii wad. Dh: tukhuntukhee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
takhantakhee
f.g2 (-kheeyay, -khaysay) Cid iyadoo jeegada la hayo hore u ridid. la-mid: takhantakhi, tukhuntukhee, tukhuntukhi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
takhantakhee
f.g2 (-kheeyay, -khaysay) Cid iyadoo jeegada la hayo hore u ridid. m.f.dh, takhantakhayn. la-mid: takhantakhi, tukhuntukhee, tukhuntukhi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
takhantakhee
v. push someone forward roughly
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
takhantakhee
de: push s.o. forward roughly
initial: t
lx: takhantakhee
pd: (takhantakheeyey)
ps: v2b=tr
key: takhantakhee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
takhantakhin
m.dh la-mid: takhantakhayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Takhantakhayn
(Takhantakhayn-ta)
Takhantakho ku wadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
takhantakhayn
m.f.dh eeg takhantakhee. la-mid: takhantakhin, tukhuntukhayn, tukhun-tukhin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
takhantakhayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hore u harbiyid, socod aanu raalli ka ahayn socodsiin; takhantakho ku wadid. Takhantakhayn ayuu ku gaadhsiiyay ilaa iyo saldhiga. Dh: tukhuntukhayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
takhantakhays
-ka: (magac, lab, keli) eeg takhantakhaynta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tukhuntukhood
m.l la-mid: takhantakhood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tukhuntukhood
-ka: (magac, lab, keli) takhantakhood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tukhuntukhoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) la-mid: takhantakhoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tukhuntukhoo
(fal) takhantakhoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hantaaqood
m.f.dh eeg hantaaqoo. la-mid: hataaqood, hitaaqood, nitaaqood.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hantaaqood
m.f.dh eeg hantaaqoo. la-mid: hataaqood, hitaaqood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hantaaqood
-ka: (magac, lab, keli) turunturrood; hanboorrood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tukhuntukho
m.dh la-mid: takhantakho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tukhuntukho
-da: (magac, dhedig, keli) qaab socodka, qofka marka la riixo. Dh: turfayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadhacadhood
-ka: (magac, lab, keli) marka uu jeermis ku dhasho jidhka noolaha ee uu u yeelo baro cuncun ku dhaliya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
takhaantukhin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof xoog isku xejinaya hore u riixid. Dh: riixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daashadaashood
-ka: (magac, lab, keli) dalxiis la iska tamashleeyo oo kolba meesha naftu jeclaato la aado. Dh: dalxiis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dakhaakhul
dakhaakhul¹: m.l Qof gabow dartiis, isku daran noqday. la-mid: laclac¹.
dakhaakhul²: f.mg1 (-ulay, -ushay) Qof gabow dartiis erayada uu sheegayo aan la garan karin. la-mid: laclac².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dakhaakhul
f.mg1 (-ulay, -ushay) Qof gabow dartiis erayada uu sheegayo aan la garan karin; laclac. m.f.dh, dakhaakhulid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dakhaakhul
(fal) noqo qof garaadkiisu doorsamay oo isku darsamay. Dh: asaasaq, cantatab, khalkhal.
dakhaakhul -ka: (magac, lab, keli) qof garaadkiisu dhinmay oo isku darsamay. Mocooyo dakhaakhul baa ku dhacay. Dh: asaasaq, cantatab, khalkhal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hintaaqood
m.l la-mid: hantaaqood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hintaaqood
-ka: (magac, lab, keli) dhibbamid iyo kadeedmid. Dh: hantaaqmid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
la'aantood
(pronoun) without them. Ex: la'aantood baan shaqadii dhammaynay; we finished the job without them
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
la'aantood
de: without them
lx: la'aantood
ps: np
key: la'aantood
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
parenthood
/peerant huudh/ (n) waalidnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sahansasho
m.f.dh eeg sahanso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shanfarood
m.l Geedgaab aan qodax lahayn oo leh laamo dhuudhuuban, caleemo yar-yar iyo miro la cuno oo ka baxa cadduun-ka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shanfarood
m.l Geedgaab aan qodax lahayn oo leh laamo dhuudhuuban, caleemo yaryar iyo miro la cuno oo ka baxa cadduunka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shankabood
-ka: (magac, lab, keli) tuugta wax xadda ee is gedgediya hadba si iska dhiga. Waa tuug shankabood le ah. Dh: raadgadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tabantaabo
(Tabantaaba-da)
Kaalmo degdeg ah; gargaar; daryeel; taageero.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabantaabo
m.dh la-mid: tabantaabin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tabantaabo
f. n. swift support, help
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabantaabo
-da: (magac, dhedig, keli) kaalmo degdeg ah; taakulayn iyo gargaar u fidin; kaalmo degdeg ah. Dh: gargaar, daryeel, taageero.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tabantaabo
cf: kaalmo
de: swift support, help
initial: t
lx: tabantaabo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: tabantaabo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tannaagood
(Tannaagood-ka)
Hadal tannaago ah ku hadlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tannaagood
m.f.l eeg tannaagoo. la-mid: tayaago, tayaagood, tayaaqood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tannaagood
vl. n. act of shouting
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tannaagood
-ay / tannaagootay: (v) hail (heel); call out; yell (yeel);)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tannaagood
-ka: (magac, lab, keli) dhawaaq dheer samayn oo qof kaa fog kula hadlid. Dh: tayaagood.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tannaagood
de: act of shouting
initial: t
lx: tannaagood
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: tannaagood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taransasho
(Taransasha-da)
Wax badsasho; kororsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taransasho
m.f.dh eeg taranso. la-mid: taransad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taransasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax badsasho ama wax kordhisasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tafantaacid
-da: (magac, dhedig, keli) daandaansi iyo annaaniyo aan lala kala gabban. Tafantaacida iga jooji. Dh: gardarraysi, tafantaacis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tahanbaabid
-da: (magac, dhedig, keli) (ku ~) ku hungoobid, ku lugo'id.
tahanbaabid -da: (magac, dhedig, keli) luggo'id: hungoobida.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tahantoogid
m.f.dh eeg tahantoog². la-mid: tahan-toog¹ (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tawaansasho
m.f.dh la-mid: dawaansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tukaansasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg tukaansad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tukhuntukhi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: takhantakhee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tukhuntukhi
(fal) takhantakhi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dakhaakhulid
m.f.dh eeg dakhaakhul². la-mid: laclacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dakhaakhulid
-da: (magac, dhedig, keli) dhinmidda garaadka iyo isku darsanka qofka maskaxdiisa. Da'du dakhaakhulid bay keentaa. Dh: asaasaqid, cantatabid, khalkhalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galangalcood
-ka: (magac, lab, keli) biyo badan iyo buurni darteed, socod kari waayid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadhaadhyood
-ka: (magac, lab, keli) kolka uu dhulku kulul yahay ee uu nooluhu milicda u adkaysan waayo, dhaqdhaqaaqa iyo ruxanka uu sameeyo iyo doonista in uu hadh galo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tukhaantukhi
(fal) qof, intaad qoorta qabato, hore si xooggan ugu tuur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tukhuntukhee
f.g2 (-kheeyay, -khaysay) la-mid: takhantakhee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tukhuntukhee
(fal) cid kale, hore u sii tuurtuur. Dh: takhantakhee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tukhuntukhin
m.dh la-mid: takhantakhayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tukhuntukhin
-ta: (magac, dhedig, keli) takhantakhin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yalanyalxood
m.f.l eeg yalanyalxoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yalanyalxood
-ka: (magac, lab, keli) dhaxan yar oo gabaw dareemid. Dh: dhamxood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabansabdhood
(fal) si ay cadho ku jirto u soco.
sabansabdhood-ka: (magac, lab, keli) sabansabdho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tukhaantukhin
-ta: (magac, dhedig, keli) qofka oo inta qoorta la qabto hore si xooga loogu tuuro. tukhaantukhis -ka: (magac, lab, keli) hore u tuuris. Dh: turfays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tukhuntukhayn
m.dh la-mid: takhantakhayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tukhuntukhayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, takhantakhayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daanshadaashood
-ka: (magac, lab, keli) socod leh xarrago iyo tamashlayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
markhaatibacood
-ka: (magac, lab, keli) markhaati qiyaas iyo male ku markhaati kaca sida: beer daaridii la garan waayay oo uu markhaatigii malihiisa yidhaa 'aad uma hubee halkaa bay ila tahay.' Markhaati haddii la waayo markhaatibacood daacad ah waa la aqbalaa.