tahliilin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tahliilin
m.f.dh eeg tahliili. la-mid: taxliilin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tahliili
f.mg2 (-iyay, -isay) U t.: cid tahliil u tufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taxliilin
m.dh la-mid: tahliilin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tahliil
(Tahlii-sha)
1. Biyo ama wax la mid ah, oo inta Quraan lagu akhriyo, la cabbo ama lagu mayrto, in barako iyo fayoobi laga helo darteed; cashar; taxliil.
2. Werdi la akhriyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tahliil
m.dh Biyo quraan lagu akhriyey oo la cabbo ama lagu mayrto si barako ama fayoobi looga helo. la-mid: taxliil².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tahliil
m.dh Biyo quraan lagu akhriyey oo la cabbo ama lagu mayrto si barako ama fayoobi looga helo. la-mid: taxliil.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tahliil
f. n. holy water
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Tahliil
name-m blessed; curative; attempter; holy water (which may be blessed by the ink from a Qur'anic text or prayers; it's drunk or sprinkled as a blessing, to cure sickness or protect crops). Lit: he who has been blessed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tahliil
-tahliisha: (n) sacred or blessed water used to cure a sick person ~ tahaliil
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Tahliil
magac loo baxsho wiil loo duceeyay ama diinta lagu daweeyay oo (tahliil) loo qoray.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tahliil
-sha: (magac, dhedig, keli) werdi la ahkriyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tahliil
a: taxliil
de: holy water (which may be blessed by the ink from a Koranic text or prayers; it is drunk or sprinkled as a blessing, to cure sickness, protect crops, etc.)
initial: t
lx: tahliil
pd: (/sha)
ps: n-f
syn: cashar {C & S}
key: tahliil
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daliilin
m.f.dh eeg daliili.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maliilin
m.f.dh eeg maliili. la-mid: mariilin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maliilin
-ta: (magac, dhedig, keli) qarayarayn oo aad u dhuubid. Xadhigga malilinta ka daa oo dhumucweynee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taxliili
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: tahliili.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tacliimin
m.f.dh eeg tacliimi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tacliimin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax tachiin ka dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taqliidin
-ta: (magac, dhedig, keli) ku dayashada lagu daydo cid kale.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
u tahliili
v. make ~ bless holy water
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
u_tahliili
de: make ~ bless holy water
initial: u
lx: u tahliili
pd: (tahliiliyey)
ps: v2a=expr
key: u_tahliili
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hiilin
(Hiilin-ta)
Dad dagaallama haya, mid, af ama addin ka taageerid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiilin
m.f.dh eeg hiili. la-mid: hiilid, hiilis, hiillin, hiillis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiilin
-ta: (magac, dhedig, keli) «u» dad is haya midkood af ama addin ku taageerid. Dh: taageerid, garabsiin.
hiilin-ta: (magac, dhedig, keli) «ka ~» dad is haya, dhinac ka eexasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liilin
m.f.dh eeg liili.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liilin
-ta: (magac, dhedig, keli) suun iyo wixii la mid ah, jilcin oo daguugid. Waxa la soo qaataa qori farraaro leh oo waxa la jilcinayo la dhexgeliyo oo marba dhinac loogu jiido ilaa uu ka jilcayo.
liilin -ta: (magac, dhedig, keli) (ku ~) ul ku dhufasho; ul la dhacid. Dh: liilis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tahlil
-sha: (magac, dhedig, keli) tuf Qur'aan ah oo loo dhigo dadka buka si ay ugu caafimaadaan. Dh: tuf, cashar, taxliil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daliili
f.g2 (-iyay, -isay) Wax xaqiiqadooda sheegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daliili
f.g2 (-iyay, -isay) Wax xaqiiqadooda sheegid. m.f.dh, daliilin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daliili
v. adduce s.t as proof ~ testimony; explain
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daliili
(fal) caddayn ama markhaati u keen. Daliili xujo haddaad sidaa ku doodayso. Dh: caddee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daliili
de: adduce s.t as proof ~ testimony; explain (e.g., a passage in the Koran)
lx: daliili
pd: (daliiliyey)
ps: v2a=tr
key: daliili
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalilin
-ta: (magac, dhedig, keli) aayad ama xadiis soo dareerin iyada oo masalo daliil looga dhigayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maliili
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Jirro cid maliil ka dhigid. 2. Cid bugta baanin. la-mid: mariili.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maliili
v. make someone waste away, cause someone to be seriously ill
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maliili
(fal) wax aad u qarayar ka dhig. Xadhiga aad soohayso malili. Dh: miliili.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maliili
de: make s.o. waste away, cause s.o. to be seriously ill
lx: maliili
pd: (maliiliyey)
ps: v2a=tr
key: maliili
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tacliin
(Tacliin-ta)
Wax barasho; wax aqoon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tacliin
m.dh Aqoon habaysan oo la barto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tacliin
m.dh Aqoon habaysan oo la barto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tacliin
f. n. knowledge, education
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tacliin
-ta: (n) education (e-ju-keey-shin); teaching (tiij-iing) ~ waxbarasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tacliin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax aan hore loo aqoon, barasho; noocyada kala duwan ee aqoontu leedahay ama waddada nolosha. Dh: cilmi, aqoon Dh: jahli.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tacliin
bw: Arabic
de: knowledge, education
initial: t
lx: tacliin
pd: (-ta)
ps: n-f
key: tacliin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
talniin
-ka: (magac, lab, keli) tolitaanka laftiisa. Hab tolniinka wuu yaqaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Talqiin
(Talqiin-ta)
Hadallo waano iyo dardaaran iyo duco isugu jira oo qofka dhinta kolka la aaso lagu kor akhriyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
talqiin
m.l 1. (dii.) Hadallo duco iyo dardaaran isugu jira oo qof dhintay xabaashiisa lagu kor akhriyo. 2. Qof sakaraad ah oo towxiidka loo laqimayo. la-mid: taqliin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
talqiin
m.l 1. (dii.) Hadallo duco iyo dardaaran isugu jira oo qof dhintay xabaashiisa lagu kor akhriyo. 2. Qof sakaraad ah oo towxiidka loo laqimayo. la-mid: taqliin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
talqiin
f. n., [collective] funeral prayers said over a dead person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
talqiin
-ta: (magac, dhedig, keli) hadallo waano, dardaaran iyo duco isugu jira oo qof dhimanaya lagu kor akhriyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
talqiin
bw: Arabic
de: funeral prayers said over a dead person
initial: t
lx: talqiin
pd: (-ta)
ps: n-f-col
key: talqiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taqliin
m.dh la-mid: talqiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taxliil
taxliil¹: m.l Qaab loo raadiyo xallinta mas'alo (xisaab iyo wixi lamida).
taxliil²: m.dh la-mid: tahliil.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
taxliil
m.l Qaab loo raadiyo xallinta mas'alo (xisaab iyo wixi lamida).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
taxliil
f. n. holy water
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taxliil
-sha: (magac, dhedig, keli) biyo Qur'aan lagu akhriyey oo loo isticmaalo in lagu daaweeyo qof buka ama neef xanuunsanaya. Taxliil u soo dhig ilmahan buka. Dh: cashar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
taxliil
de: holy water
initial: t
lx: taxliil
pd: (/sha)
ps: n-f
see: tahliil
key: taxliil
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haliilid
(Haliilid-da)
Wax helidood, ama qof wax gaarsiinti, kd., u soo kicid, soo aadid, aan dib looga waabanayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haliilid
m.f.dh eeg haliil.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haliilid
-da: (magac, dhedig, keli) (ku ~) wax aan faraha ku jirin, heliddooda, hamuun dheeri ah u muujin. Dh: kardhasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mahiibin
m.dh la-mid: mihiibin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mahiibin
-ta: (magac, dhedig, keli) guddoonsiin oo cid si sakhinnimo ah wax u siin. Mahiibinta agoonka kafaalada la mahiibsiinayo u joog.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maliilid
m.f.dh eeg maliil². la-mid: maliil¹, mariil¹, mariilid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maliilid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aad u qarayar oo aad u dhuuban noqosho. Xanuun ayaa wiilka yar maliilidda ugu wacan. Dh: miliilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mariilin
m.dh la-mid: maliilin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
taalliin
v., pl., present habitual: you all are (located in a place)
taalliin v., pl., neg., present habitual: you all are not (located in a place)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tacliimi
f.g2 (-iyay, -isay) Cid tacliin barid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tacliimi
f.g2 (-iyay, -isay) Cid tacliin barid. m.f.dh, tacliimin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tacliimi
v. educate, instruct, teach
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tacliimi
-yey / say: (v) educate (e-ju-keeyt); school (is-kuul); teach (tiij), instruct (inis-tarakt), train (tareeyn); drill (di-riil) ~ waxbar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tacliimi
(fal) tacliin ka dhig; cid kale, tacliin u dhig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tacliimi
de: educate, instruct, teach
initial: t
lx: tacliimi
pd: (tacliimiyey)
ps: v2a=tr
key: tacliimi
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tahaliil
-tahaliisha: (n) holy water; sacred or blessed water ~ taxaliil, tahliil
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waliilid
m.f.dh eeg waliil.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waliilid
-da: (magac, dhedig, keli) cabsi darteed la gariirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wiliilin
-ta: (magac, dhedig, keli) qabasho oo si wax loo ledgo isdhaafin oo isdaba marin. Wiliilin ayaa neef lagu legdaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ta'wiilid
m.f.dh eeg ta'wiil². la-mid: ta'wiil¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ta'wiilid
-da: (magac, dhedig, keli) riyo fasirid. ta'wiilo: (fal) riyo iskaa adigu u fasiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tahbiibid
(Tahbiibid-da)
1. Qof aan wax cuni karin cunno dirqi u siin, ku khasab.
2. Xoog cid ka doonid; istiilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tahbiibid
m.f.dh eeg tahiib². la-mid: tahbiib¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tahbiibid
-da: (magac, dhedig, keli) xoog iyo awood qofka lagu yeelsiiyo wax aanu raali ka ahayn. Tahbiib waxba kaga heli maysid dadkee la xaajo oo si fiican wax u weydii. Dh: dirqiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
takliifid
-da: (magac, dhedig, keli) ijbaarid; kallifid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taqliidid
m.f.dh eeg taqliid². la-mid: taqliid¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taqliidid
-da: (magac, dhedig, keli) taqlid samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tartiibin
(Tartiibin-ta)
Si tartiib ah ama tartiibsan wax ku wadid, wax u qabasho; tartiib u yeelid; aayarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tartiibin
m.f.dh eeg tartiibi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tartiibin
-ta: (magac, dhedig, keli) si xasilloon wax u wadid ama u qabasho. Dh: aayarid, qunyarid, tartiibis. Li: dedajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tashiilid
(Tashiilid-da)
Dhaqaalayn; maradhaarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tashiilid
m.f.dh la-mid: tashiil².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tashiilid
-da: (magac, dhedig, keli) wax yaryaraynta dhaqaale. Dh: tabiinida.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taxriifin
(Taxriifin-ta)
Taxriif ku samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taxriifin
m.f.dh eeg taxriifi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
taxriifin
vl. n. misinterpreting, distorting
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taxriifin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax, sidii uu ahaa, ka beddelid; taxriif ku samayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
taxriifin
de: misinterpreting, distorting
initial: t
lx: taxriifin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: taxriifin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bakhtiijin
m.dh la-mid: baqtiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caqlicelin
(Caqlicelin-ta)
Waanin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caqlicelin
m.f.dh eeg caqliceli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caqlicelin
-ta: (magac, dhedig, keli) «u ~» wax sheeg iyo hoga'tusaalayn qof waayeel ahi u soo jeediyo had iyo jeer kuwa uga baahan ee da' yarta ah. Dh: hogatusaalayn, waanin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ra'libixin
m.dh la-mid: ra'yibixin.