tafoxaydad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tafoxaydad
-ka: (magac, lab, keli) hawl ama wax kale u laballaadsad; tafoxaydasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tafaxaydad
-ka: (magac, lab, keli) hawl adag, maryaha u gaabsad. Dh: laballaxaadsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tafaqsi
-ga: (magac, lab, keli) xoogsi aan loo aabbayeelin. Danyer dafaqsi bay ku nooshay. Dh: tafoxaydad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tafaxaydo
f.mg3 (-yday, -ydatay) Maro la xiran yahay kor u laabasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tafaxaydo
f.mg3 (-yday, -ydatay) Maro la xiran yahay kor u laabasho. m.f.dh, tafaxaydasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tafaxaydo
(fal) «u» maryaha u gaabso; hawl ama wax kale, waxba ha ula kala hadhin. Dh: laballaxaadso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tafaxaydasho
m.f.dh eeg tafaxaydo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tafaxaydasho
-da: (magac, dhedig, keli) hawl iyo wixii la mid ah, u laballaxaadsasho, waxba kala hadhid la'aan.
tafaxaydasho -da: (magac, dhedig, keli) maryo gaabsasho; hawl ama wax kale, si hagar la'aan ah u qabasho. Dh: dedaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afaysad
-ka: (magac, lab, keli) wax af uu wax ku gooyo ama turqo leh soofaysad. Afaysadka billaawaha ayaa ka horreeya gawraca neefka.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Tafayya
escalader.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
taxadar
-ka: (n) carefulness (keer-ful-nes); care (keer); vigilance (viji-lansi); precaution (piri-koo-shin); heed (hiidh); attention (a-ten-shin) ~ taxadir, feejignaan.
taxadar -ay -tay: (v) be careful; beware (bi-weer); take precautions; pay attention
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afraysad
-ka: (magac, lab, keli) wax saddex ahaa, afar ka dhigasho. Saddexda jeer ee aan ciyaarnay afraysad bay u baahan yihiin. Dh: afraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaxaysad
(Kaxaysad-ka)
Kaxaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaxaysad
m.l la-mid: kaxaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaxaysad
-ka: (magac, lab, keli) wax nool ama gaadiid socda la tegid. Dh: kaxaysasho, kaxaysi.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
laftayda
(pronoun) myself (maayselaf)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nafaxaad
-ka: (magac, lab, keli) neecaw iyo wax ay naftu ku raaxaysato.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
naftayda
(pronoun) myself (maay-salaf) nafsaddayda
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
safaayad
-da: (magac dhedig keli) marka la ka la saaro maydiga iyo beeyada inta aadka u safaysan ee soo hadha. Maydiga safaayadda ah i keen.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
safaysad
-ka: (magac, lab, keli) wax nadiisafsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taxaddar
taxaddar¹: m.l (-ryo, m.dh) Digtooni; feejigni.
taxaddar²: f.mg1 (-ray, -rtay) Wax halis ah ka digtoonaansha.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
taxaddar
taxaddar¹: m.l (-ryo, m.dh) Digtooni; feejigni.
taxaddar²: f.mg1 (-ray, -rtay) Wax halis ah ka digtoonaansha. m.f.dh, taxaddarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
taxaddar
m. n. precaution, care, prudence
taxaddar v. be careful ~ prudent, stay alert
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wafaayad
-da: (magac, dhedig, keli) inta yar oo dheeraadka ah oo wax la kala miisto lagu daro; in yar oo lagu biiriyo miisaanka oo qofka wax loo miisaamayo loogu raxeeyo. Intaan xaqaagii kuu miisay ayaan weliba wafaayad kuugu daray. Dh: raajacad, raajaxaad, raxayn, biiro.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xafaayad
-da: (n) diaper (dhaay-par); nappy (naapi) ~ dhaaybar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalaxayad
m.l (fiisikis) U kalabbaxa dhud ileys ee dhudo midabeysan oo u baaha si ay u sameeyaan muuqaal jeegaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kalaxayad
m.l (fiisikis) U kalabbaxa dhud ileys ee dhudo midabeysan oo u baaha si ay u sameeyaan muuqaal jeegaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kalaxayad
Dispersion
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalaxayad
-ka: (magac, lab, keli) u kalabaxa dhud ileys ee dhudo midabeysan oo u baaha si ay u sameeyaan muuqaal jeegaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raaxaysad
(Raaxaysad-ka)
Raaxaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raaxaysad
m.l la-mid: raaxaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raaxaysad
vl. n. enjoyment, comfort
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raaxaysad
-ka: (magac, lab, keli) daashadaashood oo raaxo naftu ku nasato ku jirid. Dh: raaxaysi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
raaxaysad
a: raaxaysasho (/da) [vn-f], raaxaysi (ga) [vn-m]
de: enjoyment, comfort
lx: raaxaysad
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: raaxaysad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tarraysad
m.l la-mid: darraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toogaysad
-ka: (magac, lab, keli) kalaysadka, nidaam wax loo wadaago. Toogaysad ku qaybtama. toogaysasho -da: (magac, dhedig, keli) kaltamid. Dh: moogaysasho, meertaysasho, jilaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaxaysad
-ka: (magac, lab, keli) weysaysi fudud oo halhal ah waysaysasho gaar ahaan kolka horay loo weysaqabay ee la jadiidinayo. kubbaayad biyo ah ayaa waaxaysadka kugu filan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malaxaysad
m.l la-mid: malaxaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malaxaysad
-ka: (magac, lab, keli) malax yeelasho. Nabarka bogsanaya malaxaysad baa lagu gartaa. Dh: malaxaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nafaqaysad
-ka: (magac, lab, keli) dheefsasho. Khudrad badan cun aad nafaqaysatide.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tabaraysad
(Tabaraysad-ka)
Tabaraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabaraysad
m.dh la-mid: tabaraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabaraysad
-ka: (magac, lab, keli) awood yeelashe: xoogaysadka. Dh: tamaraysadka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tamaraysad
-ka: (magac, lab, keli) awood ama itaal yeelasho. Dh: tabaraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toxobaysad
-ka: (magac, lab, keli) madax, holobadaysadka; qolofaysadka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afgobaadsad
m.l la-mid: afgobaadsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afgobaadsad
-ka: (magac, lab, keli) hadal macaan oo hufan qof kale ku dhihid; hadal ammaani ku jirto qof kale ku soo dhoweyn. Afgobaadsad ma ahayn waxaan idhi ayaantiiye, Ilaah baa ogaayoo run baa iga odhaahsiisay. Dh: afgobaadsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caanoqaadad
m.l Caano-yaraynta xoolo irmaani caana yareeyaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faataxaysad
m.l la-mid: faataxaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faataxaysad
-ka: (magac, lab, keli) ducaysasho iyada oo Faataxada la akhrisanayo. Dh: faataxaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaroomaysad
m.l la-mid: qaroomaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taxambaysad
m.l la-mid: taxambaysasho.